W.Q. Cabdicasiis Maxamed Shidane Furriinkii ii soo gacangalay, wuxuu ii la mid ahaa xorriyad iyo gobannimo ii soo hoyatay, oo aan kaga baxay addoonsiga uu saygaygii hore igu hayay. Baalkaas madow maadaama uu nolashayda ka jarmay, waxaan go’aansaday in aan tacliin iyo tabac yeesho, hammigaygii horana ka miradhaliyo. Waabari kasta shaqadeyda ayaan u kallihi jiray, waliba...
Cabdi Xaashi Cabdillahi: Wadani Dhab ah
W/Q Yuusuf Maxamed Xeyd Marka hore waxaan u hanbalyeynayaa Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Md. Cabdi Xaashi Cabdilaahi. Marka labaad haddii u jiro qof Soomaali ah oo lagu tilmaami karo waddaniyad, urursanaan, ixtiraam, nadaam dawlo, ka fogaansho musuq-maasaq iyo qof aad ugu soo hagaagayso meeshaad ku ogayd, waxaan oran karaa shaki la’aan waa Md....
Soomaali oo Loo Tashaday: Aragtidii Dr. Cumar Cusmaan Raabe oo inay rumowdo u dhow
W.Q. Cabdiraxmaan C. Faarax ‘Guri Barwaaqo’ Badhtamihii 90kii, Dr. Cumar Cusmaan Raabe (AHUN) baa galab galbihii xagaagaasi ka mid ahayd bulshada Soomaaliyeed u qabtay fadhi. Goobtu waxay ahayd xarunta Jaamacadda Ottawa (Ottawa University). Wuxuu Diktoorku halkaa ka jeediyey hadal uu nuxurkiisu ku salaysnaa buug- yare uu qoray, magaciisuna ahaa ‘Soomaaliyeey, Halkee Baad Ku Socotaa? ’....
Farmaajo maad ii geysiinoo!
W/Q Cabdixakiin M. Maxamuud “Marayare” Arbacadii bisha February ahayd 8-da, ayaa xerada Afisyooni ee magaalada Muqdisho lagu qawracay reernimo, dano shisheeye iyo shirqoolo kale oo Soomaalida muddo badan weydeeyey. Habeynnimadii daqiiqado kaddib doorashadii Madaxweyne Farmaajo, waxa waddooyinka waaweyn ee magalaada Muqdisho susumay iyagoo kummannaan ka badan shacab iyo ciidammo dabbaaldeg, farxad iyo soo dhaweyn la...
DIILLINTA DHIMASHADA (Q.2AAD)!
W/Q Cabdixakiin M. Maxamuud “Marayare” Weli waxan ordayaa diillinta dhimashada ee magaalada Muqdisho! Shan bilood iyo dharaaro dhankayga uga dhigmaya shan sannadood iyo dheeraad baa laga joogaa ayaantii layga soo afduubtay Isgooyska Dabka. Handadaad,jidhdil iyo ciqaabo kale ayaa joogto ii ahaa muddodii aan halkan ku sugnaa. Waxa laygu qasbayaa dhimasho aanan iminka diyaar u ahayn!...
Warbixinta Machadka CDRC-Itoobiya iyo Doorashada Soomaaliya
W/Q Jibriil Sheekh Cali Aw Maxamed Machadka CDRC ee dalka Itoobiya ayaa soo saaray warbixin dheer oo lagu falanqeeyay arrimaha siyaasadda, amniga iyo bulshada Soomaaliya. Qoraalka oo u badnaa dacaayad ayaa ujeeddadiisu ahayd in la qaso hoosna loo dhigo heerka fekerka dadka Soomaaliyeed si qabyaaladdu saamayn weyn ugu yeelato natiijada doorashada madaxtinimo ee Soomaaliya, loona...
Saygii Saaqidka Ahaa (Q. 11aad)
W.Q. Cabdicasiis Maxamed Shidane Kolkii aan ogaaday in aysan jirin cid isku jir naxeysa, oo isku tasho xaalku yahay, ayaan dareemay cidlada dhabta ah. Waxaa sidoo kale iyana aanan weli ka bogsan xanuunno fara badan oo iga soo gaaray jirdilkii iyo kufsigii aan la soo kulmay, tan iyo markii aan safarkaan silaca badan soo galay. Gabdhihii iyo...
Warqad Furan: Mudane Jawaari-Awood wareejin Buuxda
Ka: Faysal Cabdi Rooble Ku: Mudane Maxamed Sh. Cismaan Jawaari, Gudoomiyaha Golaha Baarlamaanka Mudane: Marka hore iga guddoon salaan kaaga timid meel fog. Marka xigta, waxaan jecelahay in an kugu tahniyadeeyo guusha kaaga soo hoyatay in mar labaad (2017 – 2020) laguu doorto xilka Guddoomiyaha Baarlamanaka Soomaaliya. Aniga oo aan waligey warqad furan dirin, ayaa maanta oo...
Sahankii Richard Burton ee Bariga Afrika: Balo waa ay dambaysay
Tarjumo & Tifaftir Boodhari Warsame Odhaahda Tifaftirka: Waa qeybtii ugu dambeysay ee tarjumaadda buugga Sahankii Richard Burton, oo ka kooban 10 cutub, oo markii ugu horeysay la daabacay 1858. Buugga waxa tarjumay Boodhari Warsame. WardheerNews waxa ay aad ugu mahadnaqeysaa Boodhari oo xil aad u weyn iska saaray sidii uu ugu soo bandhigi lahaa bulshoweynta...
Erayga ”Senator” ma u heli karnaa eraybixin af Soomaali asal ah oo ku habboon?
W/Q: Cabdirisaaq Baraag Eraygan muhiimka maanta noqday, Senetor, ee dhawaan shaqada helay ayaan goostay bal in aan eraybixin ku hagaagsan afkeena ugu raadiyo. Asalka, erayga ”Senator” waa Laatiin, waxa uu na ka sinji qabaa oo ka soo jeedaa Roomaankii hore. Waxa uu soo maray dhawr waji sida, ”Senex, Senat iyo Senatus” oo ay ku micnayn...







