W/Q Cabdixakiin M. Maxamuud “Marayare”
Arbacadii bisha February ahayd 8-da, ayaa xerada Afisyooni ee magaalada Muqdisho lagu qawracay reernimo, dano shisheeye iyo shirqoolo kale oo Soomaalida muddo badan weydeeyey. Habeynnimadii daqiiqado kaddib doorashadii Madaxweyne Farmaajo, waxa waddooyinka waaweyn ee magalaada Muqdisho susumay iyagoo kummannaan ka badan shacab iyo ciidammo dabbaaldeg, farxad iyo soo dhaweyn la marqaansan..Awood, qurux iyo farxad bay godlanaayeen dadkaasi maadama ay Xildhibaannadii labada aqal ka tarjumeen rabitaankoodii.
Dabbaaldegyada dadyowga badanka cid uun baa kharash iyo wakhti u hurta oo dabada ka riixda, dabbaaldegyadan Muqdisho sidaas waa ay ka duwanaayeen. Hor iyo horraanba shacabka waxa kulmiyey dareen. Dareenkaasi waa hillow ay dadku u hayeen dawladnimo,caddaalad iyo nabad muddo badan gacantooda ka maqnayd.
Dareenkaas Muqdisho oo heersare ah waxa kusoo darsamay dibadbaxyo kale oo gobollada iyo qurbaha ka dhacay. .Habeynkaas iyo maalinnimadii ka dambeysey ee Khamiista, Muqdisho iyo meelo kale oo dalka iyo dibadda ba ah waa la soo dhaweynayey natiijadii doorashada ee Farmaajo lagu cimaamadey. Magaalada Muqdisho waxa ay diidday qabyaalad, danaysi iyo musuqmaasuq. Taas lidkeedana waxa ay doontay qarannimo, waxwadaqabsi iyo caddaalad. Waa farriinta ugu mihiimsan ee natiijadii Doorashada iyo dibadbaxii dadweynuhuba sheegayaan.

Qofwalba oo Soomaali ah meelkasta ha joogee qolof iyo jidhiidhico ayaa jidhkiisa ka kacday, indhihiisana ilmo ayaa isasoo tuntay, haddaaney kaba soo daadanba.
Halkudhegga Madaxweyne Farmaajo lagu soo dhaweeyey waxu ahaa “Aar Farmaajo maad ii geysiinoo”!Aad bay dadku u ammaaneen Xildhibaannada labada Aqal ee dhawaan uun kuraasta yimid.
Ugu dambeyn waxan hambalyo iyo duco halkan umarinayaa Maxamed Cabdillaahi Farmaajo,Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya. Ilaahay xilkaas weyn ha kuu fududdeeyo.
Farmaajo maad ii geysiinoo!
Cabdixakiin Marayare
Email: Dheellitire@hotmail.com
