Tuesday, April 23, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

HALKA SARTU KA QURUNTAY!

W/Q. Luul Araweelo Kulmiye

Hiigsiga 2016 waxaa qayb ka ahaa in la habeeyo doorasho toos ah oo qof iyo codkiis ah, mase hirgelin oo waxaa xal noqotay in la abuuro qaaciidooyin horseedi kara isku dhafnaanta doorashada Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose ee baarlamaanka. Taas oo loogu magac-daray “Doorashada Dadban” oo iminka lagu gudo jiro fulinteeda. Si loo xoojiyo isku dhafnaanta jinsiga, ayaa waxaa saldhig looga dhigay ballanqaad ah in loo qeyb yeelay qoondo 100/30 ah in kuraasta labada aqal ee aan kor ku soo xusay ay ku yeeshaan haweenku.

Sida aan la wada socono kuraasta labada aqal mar waxaa loo qaybiyay lix maamul-goboleed oo kala ah:  Puntland(PL), Jubaland(JL), Koonfur Galbeed(KG), Galmudug(GM), HirShabeelle(HSH) iyo beelaha ka soo

luul_araweelo1
Luul Araweelo Kulmiye

jeeda Somaliland (BSL), ayada oo la raacayo hannaanka Federalka ah ee dalka loo jideeyay. Mar kale waxaa loo qeybiyay beelaha Soomaaliyeed ayada oo la raacayo qaaciidada guracan oo loo yaqaan 4.5. Tani maxay sababtay? Waxay sababtay in kuraastii Baarlamaanka ay sidii quraarad jabtay ugu kala firdhaan dalka dacaladiisa, oo kursiba beel ama jufo iyo degaan qaas ah ay mutaysato doorashadii la doonayay in ay ahaato mid shacabku caqligooda iyo xog-ogaalnimadooda ay ugu codayn lahaayeen shaqsiga ay u arkaan in uu matali karo danahooda.

 

Doorashadan dadban ee lagu gudo jiro ayaa gashay marxalad cakiran, aanba iraahdo XULASHADA xildhibaanada ayaa noqotay mid loolan jeeb iyo jilid u dhuratay, oo qoondadii haweenka iilka u jiheeysay. Madasha Hogaamiyaasha Qaran (MHQ) ayaa ayadu qalinka ku jiiday in saddexdii kursiba mid uu noqdo mid ay haweenka oo keliya ku tartamaan, oo laga laali doono beesha haddii ay saddexdeeda kursi mid ka mid ah ka dhigi wayso kursi haween. Qaaciidadani ayaa wajiyo dhowr ah ku gelisay qoondadii haweenka xayndaab. Waa maxay xayndaabka aan ka hadlayo?

Bal aynnu isla eegno oo tusaale u soo qaadano Koonful Galbeed (KG) ah maamulka ugu kuraasta badan, sababta oo ah degaankaas ayaa degaan u ah tiro ahaan beelo badan oo 69 kursi qaybtoodu noqotay. Iminka xulashadii xildhibaanada KG waa mid la soo afjaray oo halkii laga sugayay 20 kursi in ay haween ku soo baxaan ay 14 oo keliya ku soo baxeen. Ayaa ka mas`uul ah oo loo raacanayaa 6-da kursi oo maqan oo maanta raggu ku soo baxeen? Ma maamulka KG ayaan u raacanaa haddaan nahay haweenka Soomaaliyeed ee qeybta ku yeeshay kuraasta la dhigay maamulka KG? Ma madasha Hoggaamiyayaasha Qaran? Mise beelaha degaanka KG? Qoondadii haweenku maxay eersatay?

Qoondada haweenku waxay eersatay oo iilka u jiheeyay saddex waxyaalood sida ii muuqata! Maxay yihiin saddexdaasi? Waa dhaqan nin jeclaysiya, qaaciido guracan, iyo maamullo culaysku ka baday oo naafoobi raba.

Dhaqanka nin jeclaysiga ah waxaa u fekeray Madasha Hogaamiyaasha Qaran MHQ kolkay qalinka ku duugeen beeshii saddex kursi leh oo mid ka yeeli waysa kii haweenka in kursigaa asiga ah laga laali doono. Mid bayse MHQ hilmaantay ama iska indho tirtay. Waa tuma midaasi? Waa in aysan caddeyn oo ka aamuseen sida lagu maareeynayo kuraasta u kala duushay 1 iyo 2! Beelaha oo si guud haweenka uga hiillinayn, ayaa waxaa gacanta loo saaray qaaciido u fududaynaysa reed ama baal marka qoondadan.  Sababta oo ah 3-dii kursiba haddii aadan qeyb u lahayn, qaaciiddada la jeexay waa mid banjartay!

somalielect
Doorashada Soomaaliya

Ku cibro qaado KG oo ah maamul laga doonayo mideynta dhowr beelood oo badankood dulman, la ciilay oo caadifadaysan. Maahmaah ayaa tiraa “Canjeero say u kala koraysaa loo kala qaadaa”. Soomaaliya oo idil waa gole colaaddi dilootay, oo halgan ugu jirta soo celinta amniga iyo nabadda oo aan la`aantood la curin karin caddaalad bulshada deeqda. Taas oo sahlaysa in arrimo badan si fudud oo ka fiirsasho la`aani ku dheehantahay looga boodo.

Hadda iyo dan ma mutaysatay KG eed in loo beego? Maxaase kalifay in aysan soo buuxin qoondadii haweenka? Aragtida iyo fahankayga ayaa oranaya: MAYA ma aysan mutaysan KG eedda aynu dusha ka saarayno! Saa kolkaan indho indheeyay waxaa ii soo baxday in beelaha KG ee qaybta u helay 3 kursi ay meel saareen midkii haweenka, balse halka sartu ka qudhuntay ay tahay kuraasta 1 iyo 2 ay qeybta ugu heleen beelaha ku firirsan degaanno dhowr ah. Waa iska caddahay beel 1 kursi leh in aysan haweeney u dhiibanayn xil, beeshii 2 kursi leh ayadu haddii ay caddaalad xigsato waa ay siin kartay kuraasta mid ka mid ah haweenay. Masa aysan dhicin oo waxay ka faa`iidaysteen qaaciidadan guracan ee naloo jideeyay. Akhriste fiiro dheer lahaw oo ha is dhihin KG ayaa gaar haweenka u wiiqday, ee u dhugyeelo oo eeg maamullada ilaa hadda wax doortay oo arrinkan ka wada siman.

Gunaanadkii waxaa iga su`aal ah sidee madaxdeenna horjoogayaasha innoo ah aysan u garan caqabadan xanibka iyo xayndaabka ku noqotay qoondada haweenka? Mise waxaa dhab ah weydiintii Marwo Madiino Caamir oo ahayn “Maxaa beenta naloogu sheegay oo guryaheennii nalooga soo saaray oo naloogu yiri dumar ayaa qab leh?`

Weydiinta marwada ayaan dabo taaganahay oo waxaan weydiinayaa madaxda Soomaaliya maamulkeeda gacanta ku haysa oo ah kuwa ku bahoobay madasha Qaranka, mudanayaal caqli iyo cilmi waan idinku tebayaa`e miyaad innoo beenguurayseen mise waa idinka hoos baxday?

Dalab:

Mudanayaal haddii haweenka aad ehel u tihiin fadlan caddaaladda tiir u noqda oo qoondada haweenka ka soo dhamaystira 5ta maamul oo kale oo ayagu sida muuqata ay badankood beelahu haystaan 3 iyo ka badan kuraasta Aqalka Hoose oo iminka xulidda loogu jiro, saa KG xag farsamo ayey kuraastii haweenku ku galbadeen`e!

Haddii kale innoo caddeeya oo inna dhaha haweenoow hawo been ah iyo maaweelo wax aan ahayn idiin ma hayn, innagunna arki maysaan!

Luul Araweelo Kulmiye
Ka shaqaysa: Waxsan
Tebisa: Warsan
Tiraabta: Weersan
Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.