Saturday, April 20, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Madaxweyne Farmaajo Ma Illaaliyaha Dastuurka mise Qaswadaha Koowaad!

W/Q Cabdikariim Cabdiraxmaan X. Xasan

Hordhac:

Markii loo doortay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya 8-dii Febraayo, 2017,  Kumaankun Soomaaliyeed ayaa isugu soo baxay dhammaan gobollada Soomaaliya iyo daafaha adduunka, iyaga oo aad ugu faraxsanaa doorashada Farmaajo iyo sida quruxda badan ee uu u dhacay isbedalka hoggaanka dalku (peaceful transfer of power). Soomaali meel kasta oo ay joogtay si aad ah oo ay ku jirto niyadsami iyo rajo wax qabad dhab ah, oo ka saara Fadhiidnimada, musuqa, eexda iyo qabiileysiga (nepotism and cronyism ) ayaa loo soo dhaweeyay.

Farmaajo markii uu ku noqday shaqadisii hore ee karaaniga- (source- New York Times)- Mr. Mohamed at his cubicle in Buffalo last month, working again for New York State government.Credit…Doug Benz for The New York Times

Haddaba muddo 3 sano iyo badh dabadeed oo uu awoodda dalka Madaxweyne Farmaajo hayay, maxaa is badelay?. Farmaajo ma hantay rajadii iyo wax qabadkii laga sugayay dhinacyada  1) Abuuridda deggennaansha Siyaasaddeed (Political stability), 2) Amni, 3) Kobac Dhaqaale iyo 4) ku dhaqanka Dastuurka dalka (rule of law)?

Inkasta oo aanan  aqoon durugsan isu laheyn Madaxweyne Farmaajo, haddana waxaanu kulanay ilaa saddex (3) jeer. Markii iigu horreysay Julay 2016 ayaanu ku kalanay magaalada Nairobi, oo aan booqasho gaaban ku joogay. Farmaajo oo markaasi ahaa musharrax, aadna u iman jiray Hotel aan deggenaa –Sarova Stanley Hotel, inkasta oo aanu horey dhowr jeer teleefan ku wada hadalney intii uu ku sugnaa ama deggennaa Maraykan, gaar ahaan markii laga qaaday xilkii Ra’iisal Wasaaraha, wakhtigaas oo uu ku talo jiray sida uu ii sheegay in uu qoro buug ka hadlaya waayihii ka soo maray (his experience) intii uu xilka Ra’iisal Wasaara hayay iyo heshiiskii uu ku baxay ee Kambala. Markii aanu kulanay, si fiican baanu iskula qaadanay wakhti dheer, oo qaatay 2-3 saacaddood. Anaga oo markaas ku jirna gebagebadii kulanka , ayaa nin waxaagoo buuran uu ku soo dhawaaday goobtii aanu fadhinay, isaga oo sheeda ka salaamay. Farmaaajo ayaa ku yidhi “wax yar i sug, halkaas ii fadhiiso”. Qofkaas, oo hadda ka gadaal aan u qaatay in uu ahaa Fahad, oo ol’olaha doorashada Farmaajo maamulayay.

Runtii inkasta oo uu Farmaajo muddo badan isku diyaarinayay hoggaanka dalka, kama aysan muuqan qorshe siyaasaddeed iyo aragti mug leh oo ku aadan sidii looga saari lahaa Soomaaliya dhibaatooyinka ragaadiyay. Ka gadaal la kulankii Farmaajo, nin aanu saaxiib nahay oo wax iga wediiyay aragtidayda Farmaajo, waan garan waayay wax aan u sheego! Haseyeeshee waxaan marwalba u arkayay in ay habboon tahay in loo baaahan yahay  in Soomaaliya uu ka dhaco isbedal, iyada oo wakhtigaasi aanu aad ugu ol’oleyn jirtnay isbedal dhinaca hoggaanka ah (everybody but Hassan Sheikh).

Waxa xusid mudan, iyada oo  haddaba reynreynta iyo damaashaadka doorashada Farmaajo socoto, ayaa waxa uu madaxweynuhu ka qeyb galay shir-madaxeed-kiisii ugu horeeyey ee Urur Gobolleedka IGAD (meeting of IGAD heads of states), kaas oo bishii March 2017 lagu qabtay magaalada Nairobi, xarunta dalka Kenya, loogana hadlayay arimaha Qaxootiga Soomaaliya. Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Kenya, ayaa si wanaagsan u soo dhaweysay madaxweynaha.  Taasi oo ka tarjumeysay dareenka dhammaan ummadda Soomaalyeed meel kasta oo ay joogto u qabtay isbedalka hoggaanka dalka. Wakhitgaa ayaa qof  ka mid ahaa dadkii aadka ugu xidhnaa una soo dhaweeyay,  oo hormuud ka ahaa kulamadii madaxweyne Farmaajo la yeelanay qeybaha kala geddisan ee bulshada Soomaalyeed ee Kenya, oo aan teleefanka ku wada xidhiidhnay, ayaa aan  wali si fiican u xasuustaa hadalkii uu ku sifeeyay Farmaajo, markii aan weydiiyay rajada cusub ee Soomaali u dhalatay.

Waxa uu iigu jawaabay hadal aanan ka fileyn  oo xasuus igu reebay “ waan u han-weynaa madaxweynaha laakiin waxa ii caddaatay in uu yahay Tacbaan .. tacbaaan … tacbaaan , waxba aan  la socon, qorshe iyo go’aan qaadasho aan laheyn,   waad-na arki doontaa haddeynu nool nahay.”  Hadalkaasi waxa uu dib ii xasuusiyay kulankii aan horey ula yeeshay Farmaajo, waxa uuna igu abuuray shaki cusub iyo in Soomaaliya rajedeedu aanay fiicneyn!

Waxa iyana  arrimahan sii xoojinaysa maqaal uu ka qoray Faysal Rooble, oo ahaa dadkii rajada wanaagsan ka muujiyay doorashadii Madaxweyne Farmaajo,  balse ka biyodiidday waxqabadkiisi, isaga oo ku sheegay maqaalkaas in Farmaajo intii uu joogay dalka Maraykanka, Soomaaliya-na ku jirtay qalalaasaha siyaasaddeed  uusan marna Farmaajo isa soo taagin meel lagaga hadlayo danaha iyo arrimaha Soomaaliya sida Ergeda wadatashiga Soomaaliya , Israac iyo dhaqdhaqaaaqyo kale oo waxgaradka Soomaalidu wadday,  balse mar kaliya uu ka soo dhex muuqday saaxadda siyaasadda dowladdi Sheekh Shariif ee uu ka noqday Ra’iisal Wasaaraha.  Waxa kale oo uu Faysal xusay in Farmaajo marna uusan dalicin intii uu shaqada ka hayay – Gobolka Baffalo Waaxda Gaadiidka isaga oo ku noqday shaqadiisii (After a Break to Run Somalia, Back at His Cubicle), sida ay qortay wargeyska caanka ah ee New York Times Desember 2016, markii laga qaaday xilka Ra’iisal Wasaaraha. Taasi oo dad badan fajac gelisay.

Haddaba madaama laga qoray in badan oo kamida qoddobada- abuuridda deggennaansho Siyaasaddeed (Political stability), Amni iyo  Kobac Dhaqaale, waxa aan maqaalkan kooban, ku soo qaadanayaa dhinaca   ilaalilnta sharciga iyo ku dhaqanka dastuurka.

Sida ku cad Dastuurka Kumeel Gaadhka ee Jamhhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Qodobka 87aad.
“ (1) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waa:
(a) Madaxa Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya;
(b) Astaanta midnimada qaranka;
(c) Ilaaliyaha iyo horumariyaha mabaadi’da asaasiga ah ee Dastuurka.
(2) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka wuxuu xilkiisa u gudanayaa si waafaqsan Dastuurkan iyo sharciyada kale ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya .”

Maadaama uu madaxweynaha DFS uu yahay sida ku qeexan dastuurka – Astaaniti  Qaranka iyo Ilaaliyaha iyo horumariyaha mabaadi’da asaasiga ah ee Dastuurka, waxa aan jecelehay in aan xuso dhacdooyin la soo darsay Madaxweyne Farmaajo iyo sidii uu u maareeyay, isaga oo uu wajibkiisa koowaad uu yahay dhowrista sharciga iyo ku dhaqanka Dastuurkii uu ku dhaartay.

Faragelinta Arrimaha Dowlad  Gobolleedyada:

Waxaa gabi ahaanba burburay xidhiidhkii ka dhexeeyay Dowladda Federaalka iyo Dowlad Gobolleedyada xubnaha ka ah,  tan iyo intii madaxweynaha loo doortay Md. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo bishii Febraayo, 2017. Waxa uu madaxweynuhu  baalmaray hannaanka Federaalka ee asaaska u ah dastuurka dalka. Sida ku cad qodobka 120 ee Dastuurka Soomaaliya “Dhismaha laamaha sharcidejinta iyo fulinta ee maamulada Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka waa arrimo lagu nidaaminayo Dastuurrada maamul-goboleedyada.”

Waxa ay xukuumadda Farmaaajo si toos ah u soo faragelisay arrimaha doorashooyinka Dowlad Gobolleedayada,  si markaasi ay u dhisto hoggaan maqaar -saar ah, oo looga arrimiyo madaxtooyada Muqdisho. Waxa ay taageero lacageed iyo mid cudud-ba u fidisay sidii ay usoo bixi lahaayeen dadka ay la rabto hoggaanka.

Doorashadii madaxweynaha Koonfur Galbeed, ee bishii Desember 2018, oo ay DFS si aad ah faraha ugula jirtay, ayaa keentay in loo diiddo Mukhtaar Roobow  in uu ka qeyb galo doorashada, isaga oo DFS u adeegsatay ciidamada Itooobiya in la xidho, ka gadaalna Muqdisho loo qaado.Taasi oo dhalisay bannaanbaxyo  ka dhan ah Farmaajo, kuwaasi oo ka dhacay magaalada Baydhabo, halkaasi  oo loo adeegsaday  cabudhinta dadkaasi ciidamadii Itoobiya,  iyaga oo ku dilay dad gaadhayay 15, halka kuwa kaleetana dhaawac iyo xarig loogu geystay.

Waxa uu Madaxweye Farmaajo si badheedh ah ugu kacay musuq iyo cod gadasho qaawan oo Xildhibaanadii Koonfur Galbeed ugu qaaday diyaarad khaas ah Muqdisho, si markaasi musuq loo geliyo codkooda.  Sidoo kale waxa uu Farmaajo faragelin toos ah ku sameeyay Galmudug, iyada oo Wasaaradda Arimaha Guduha iyo Federaalka ee DFS ay aheyd gadh-wadeenka hannaanka doorashada Galmudug. Waxaase uu Farmaajo ku guuldareystey ama ku fashilmay in uu saameyn ku yeesho doorashooyinkii Puntland iyo Jubbaland, in kasta oo dhaqaale badan oo ah hantidii dadweynaha uu ku bixiyay, isaga oo markaasi ka gadaal dagaal cunaqabateyn dhaqaale ku qaaday labadaa maamul. Waxa xusid muddan in Farmaajo uu dagaal ciidan uu gobolka Gedo iyo mid xayiraad hawada ah ku qaaday  guud ahaan Jubbaland, si markaasi uu u burburiyo xukunka Jubbaland.

Fahad Yaasiin

Arrimahan oo dhammi waxa ay ku tusayaan in Madaxweyne Farmaajo aanu ku dhaqmin dastuur, balse uu u hoorseeday dalka kala fogaansho iyo in ay xoogeystaan Al Shabaab, oo hadda aad ugu dhex milan –ciidamada Nabad Sugida (NISA), uu madaxa u yahay Fahad Yaasiin, oo horey uga mid ahaa  maleeshiyadda  ururkii Al-ittixaad, haddana la sheego in uu xidhiidh dhow la leeyahay Al Shabaab iyo sirdoonka Qadar.

Haddaba beesha caalamka oo cadaadis ku saartay dhammaadkii bishii Julay ee sanandkan 2020, in uu Farmaajo wadahadal la furo Dowlad Gobolleedyada, ayaa uu mar kasta ka caga jiidayay, isaga oo aan qaadan hoggaamintii kaga aadaneyd, ee door madaxweyne. Taasi oo beryehan dambe dhalisay dhaleecayn xooggan oo kaga timaadda beesha caalamka oo Soomaaliya taageero dhaqaale oo ay ka mid tahay joogitaanka AMISOM bixisa.

Xilka Qaadistii Jawaari iyo Kheyre:

Kadib markii uu kalsoonida kala noqday Golaha Shacabka Soomaaliya bishan Julay 25, Ra’iisal Wasaarihii Dowladda Federaalka Soomaaliya Md. Xasan Cali Kheyre, waxaa soo baxaya warar isa soo taraya oo ka hadlaya in dariiqa loo maray xil ka qaadista Kheyre, ay aheyd  mid aan waafaqsanayn dastuurka KMG ee Soomaaliya, balse ahaa Inqilaab laga soo abaabulay oo uu hormuud ka ahaa Madaxweyne Farmaajo. Md. Kheyre ayaa lagu soo oogay in uu baal maray hawlihii loo igmday oo ay ugu weyneyd in dalka ay ka dhacdo Doorasho Qof iyo Cod ah, muddo xileedka Dowladda Farmaajo.

Waxaase xusid muddan in Golaha Shacabku muddadii uu xilka hayay Md. Kheyre aanay u yeerin, si loola xisaabtamo ama wax looga weydiiyo qorshaha iyo waxqabadka  xukuumaddiisa. Golaha Shacabka  ayaa si badheedh ah uga gaabiyay shaqdiisii kor-joogteynta, (oversight), iyaga oo qeyb ka noqday xukuumadda Farmaajo, oo wasiirro badan ayba ka tirsan yihiin, in badan oo kaleetana laga masruufo. Taasi, oo ka marag kacaysa  eedeynta loo soo jeediyay Md. Kheyre in aanay ahayn mid ku salaysan dowlad wanaag ama  isla- xisaabtan iyo wax qabad la’aan, balse ku qotanta arrimo la xidhiidha khilaaf sayaasaddeed oo ku aadan qaabka Doorashada.  Farmaajo oo si fiican loogu xasuusto hadalladiisii uu ku faani jiray  “ Waxaan idiin keenay Ra’iisal Wasaare  iga fiican” iyo isaga oo waxqabadkiisa ugu weyn intii uu xilka qabtay u arkayay  in uu yahay- wadashaqeyn wacan oo ka dhaxeysa isaga iyo Kheyre! Taasi maanta noqotay mid aan waxba ka jirin! 

Waxa kale oo Madaxweyne Famaajo ku tuntay qoddobo badan oo ka mid Dastuurka, taasi oo la xidhiidha  Qodobka 103aad oo dhigaya “ Xukuumadda Xil-Gaarsiinta Inta u dhexaysa taariikhda doorashada guud iyo marka Raisul-Wasaare cusub la dhaarin doono, RaisulWasaarihii hore ee xilka hayey iyo Golihiisa Wasiirradu waxay sii haynayaan xilka, waxayna u fulinayaan waajibaadka caadiga ah ee Dawlada si xilgaarsiin ah”.  Qoddobka 101-aad isna waxa uu qeexayaa “Ku-Xigeenka Ra’iisul-wasaaraha wuxuu qabtaa xilka Ra’iisul-wasaaraha marka uu dalka ka maqan yahay, iyo Xilalka kale uu u igmado Ra’iisul-wasaaruhu.”

Dastuurka ku ma jiro qoddob qeexaya jiritaanka xukuumad xil sii haye ah haddii Ra’iisul Wasaaruhu xilka banneeyo, waxaa se ku cad  Qodobka 97 (4) “Xil banneeynta jagada Ra’iisul-Wasaaraha oo sababaysa dhicitaanka Golaha Wasiiradda, waxay ku imaan kartaa istiqaalad, xil ka qaadid, xil gudasho la’aan iyo geeri.”

Sida degdega ah ee uu Madaxweyne u magacaabay waxa uu ugu yeedhay Ra’iisal Wasaare Kumeel Gaadh ah, wax yar uun ka dib go’aankii Golaha Shacbiga, waxa ay ku tusaysaa in Farmaajo uu hormuud ka ahaa xilka qaadista kheyre, iyada oo aan loo marin dariiq sharci ah, iyo yagleelidda Ra’iisal Wasaare  KMG oo aan sharci aheyn.

Md. Xasan Kheyre iyo illaaldiisa

Ma-lihi Xasan Cali Kheyre waxa uu ahaa Ra’iisal Wasaare shaqo wacan qabtay, runtii waxa uu qeyb weyn ka ahaa fashilka iyo fadhiid-nimada la soo daristey Soomaaliya tan iyo intii i Farmaajo xukunka dalka qabtay. Hase yeeshee waxa dastuurka baal-marsaneyd dariiqii looga qaaday xilka.

Waxa kale oo jirtay in  muddo ku dhow bil, oo ku beegneyd bishii Maarso  iyo horraanti Abril  ee 2018 uu dalku galay qalalaase siyaasaddeed oo u hormuud ka ahaa Madaxweyne Famaajo, iyada oo uu faragelin ku sameeyay Golaha Shacabka, kadib markii uu ka codsaday sida uu sheegay Maxamed Cismaan Jawaari, in uu xilka iska dhiibo hashe-yeeshee uu Jawaari ka  diiday.  Taasi oo dhalisay  Mooshin ka dhan ah Jawaari oo kalsoonida lagala noqonayo, laga soo abaabulay Madaxtooyada, oo keentay in uu dalku galo khalkhal siyaasaddeed, ka gadaalna sababtay in uu Jawaari xilka iska casilo.

Madaxweyne Farmaajo waxa uu la galay heshiisyo aan cidina ka warqabin dalal shsheeye oo ay ugu horeyso Itoobiya. Kuwaas oo laga soo xigtay khudbado iyo waraysiyo uu bixiyay RW Abiy Axmed, uu ku sheegay in ay jiraan heshiis la xidhiidha  Is-dhexgalak Geeska, iyo  Dekedaha. Ilaa hadda Baarlamaanka Soomaaliya kama warqabo heshiisyadaasi, oo dhaliyay werwer weyn, saameyna ku yeelan kara mustaqbalka dalka.

Haddaba Xukuumadda  sii haysa shaqada qeybta fulinta ( executive branch), ee uu horkacayo waxa loogu yeedhy Ra’iisal Wasaare KMG, waxa ay soo saartay go’aano sharci daro ah. Kuwaas oo dhammaan caddaynaya ku tumashada dastuurka dalka, sida hoos ku xusan:

Xukuumadda xilka siihaysa waxa ay soo saartay 30-kii bishii Julay  go’aano ay ku  magacawday Xubnaha Golaha Adeegga Garsoorka, Hay’adda Batroolka! magacaabistaas waxa ay baalmarsantahay dastuurka iyo shuruucda dalka. Xukuumadda xilka sii haysa shaqadeedu waa sii wadidda hawlihii horay xukumaddu u billowday inta aan lagala noqon kalsoonida, sidaas daraadeed xukuumad aan kalsoonida Baarlamaanka haysan ma magacaabi karto golayaal cusub mana keeni karto wax ka duwan hawlihii horay u socday sida laga ku xusan qoddobka 103-aad ee Dastuurka.

Gunaanad

Sidii ay ku sheegeen waxgarad Soomaalyeed oo is biirsaday – Manifesto 2, xaaladda dalku marayo waa mid xasaasi, oo kala guur ah, una eeg marxaladdii dalku galay 1990,  marka dib loo raaco hab-dhaqanka Madaxweyne Farmaajo, ku tumashada sharciga, u adeegsiga ciidamada iyo Sirdoonka cabudhinta shacabka iyo dano gaar ah, faragelinta Dowlad Gabolleedyada, Amni darada ka jirta dalka, dhaqaalo darada iyo sii xoogeysiga Al Shabaab. Waxa aan caad ku jirin in Madaxweyne Farmaajo ku fashilmay hoggaankii dalka loona baahan yahay in dalka la badbaadiyo marxaladan kala guurka, wada tashi – Dhuusamareeb -3 la qabto, sharciga iyo nidaamka Federaalka la dhowro. Lagu mashquuilin, oo aan wakhtiga la iskaga qaadin ama lagu lumin RW cusub, oo Farmaajo muddo kooban u adeega, hase-yeeshee dhammaan awoodda la isugu geeyo sidii doorasho loo qaban lahaa wakhtigeedi, oo aanay ku jirin muddo korodhsi.

Cabdikariim Cabdiraxmaan Xaaji Xasan
Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.