Friday, March 29, 2024
Wardheer News
  • Featured
  • Slideshow
  • Warar

Bayaanka 2aad (Qaylo Dhaan Qaran)

Ku: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya: Md. Maxamed Cadullaahi Maxamed Farmaajo

Ku: Wakiilka Ergeygs Qaramada Midooby u Fadhiya Soomaaliya Danjire. James Swan

Og: Dowladaha Saaxiibada ah iyo Hay’adaha Caalamiga ah

I-da Luulyo
________________

Ujeeddo: Talooyin Lagu Gaari Karo Sulux Dhammaystiran iyo Dib u Xasilinta Qarannimada Soomaaliya

Muddo hadda laga joogo 30 sannadood, ayaa muwaadiniin Soomaliyeed soo saareen “Bayaanka Muqdisho ee 1-aad (Manifeesto 1), xilligaa oo ku aaddaneyd bishii May 1990. Bayaanka 1-aad waxa uu xambaarsanaa talooyin lagu badbaadinayo dalka. Soddon sano kadib, waxa uu dalku marayaa marxalad iyo xaalad la mid ah tii uu Bayaankii 1-aad uu ka digay 30 sannadood ka hor. Ma filayno in muwaadin kasta oo Soomaaliyeed, uu maanta indhaha ka qarsan karo xaaladda cakiran ee dalku ku sugan yahay. Waxaa marag ma doonto ah in maanta dalku marayo marxalad xasaasi ah oo kala-guur ah, iyada oo uu mugdi badan hareereeyey geedi-socodkii dib-u-yagleelidda hannaankii dowladnimo.

Waxaa burburay tiirarkii astaanta u ahaa Dowladnimada, sida Baarlamaanka Federaalka iyo Garsoorka dalka, oo baal maray shaqadoodii dastuuriga aheyd ee ilaalinta sareytna sharciga iyo kor-joogtenyta (rule of law and oversight). Hannaankii siyaasaddeed ee dalku wuxuu  noqday mid hareer marsan hab ku dhisan dowlad-wanaag (daahfuraan iyo islaxisaabtan) iyo istiraatiijiyad guud oo taabba-gelinaysa dhismo dawlad saldhigeedu yahay u adeegdida ummadda Soomaaliyeed.

Maqnaanshaha dowlad ka tarjunta rabitaanka shacbiga, waxay horseedday oo caqabad weyn ku noqotay, shakina gelisay qabsoomidda doorashada 2020/2021, dhismaha Ciidan Qaran, Sugidda Amniga dalka, dhameystirka Dastuurka, la dagaalanka musuqmaasuqa, isku milanka Golaha Baarlamaanka iyo Golaha Fulinta, maqnaashaha Maxkamadda Dastuuriga, dhamaytir la’aamta xeerarkii iyo shuruucdii dalka,  gelitaanka hashiisyo caalami ah oo qarsoodi ah, oo aan la horkeenin Baalrmaanka Federaalka. Taasoo ay dheer tahay gaabiska iyo dib-udhaca ragaadiyay dedaaladda lagu horumarinayo qaab-dhismeedka hay’adaha Dowladda Federaalka iyo qorshe waaqici ah oo ku aadan wadahadalka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Soomaalilaand.

Haykalkii dowladnimo ee Soomaaliya waxaa haleelay cudur guun ah oo dhidibbada aastay. Waxaa dayac noqday dhammaan adeegii bulshada. Dadka Soomaaliyeed in ka badan 70% waxay ku nool yihiin meel ka hooseysa khadka saboolnimada. Jaan-tuska lagu cabbiro nolosha dadyowga dunida, (189 dowladood), Soomaaliya waxay tirsiga kaga jirtaa kaalinta 185-aad.  Shaqo la’aanta dalku waxa ay sare u dhaaftay 70%.  Sidoo kale 75 % da’yarta Soomaaliyeed ma helaan fursad waxbarasho, mana ay jirto qorshe dowladeed oo leh istraateejiyad lagu guto xuquuqda ay caruurta u leeyihiin waxbarshada. Taasi oo mugdi gelinaysa mustaqbalka dalka. Waxa jira qaxooti Somaaliyeed oo kor u dhaafay hal malyan iyo barakacayaal  dalka gudihiisa  ah oo lagu qiyaasay  2.6 millyan, oo u badan dad nugul (caruur, haween ibo waayeel). Barakcayaasha iyo Qaxootiga Soomaaliyeed  waxay kamid yihiin arrimaha aysan dowladdu wax xil ah iska-saarin, qorshana u dejin.

Dib u dhaca ku yimid arrimahaas oo dhan, wuxuu wiiqay kalsoonida shacabka Soomaaliyeed uu  ku qabay Dawladiisa. Iyadoo taladii dalka ay ku soo ururtay xayndaab kooban. Wax kasta oo masiirkii dalka ahna wuxuu noqday mid ku xiran go’aanka dhowr qof oo saaxiibbo ah. Waxaana halkaas ku qiima beeley mabaadii’dii talawadaagga ee dalku uu ku xasili lahaa iyo xeerkii hannaanka federaalka ee lagu heshiiyay. Dhawaaqa xisbiyada mucaaradka ah, diidmada Puntland iyo Jubaland  ee go’aamada dowladda federaalka, tabashada baahsan ee shacbiga Soomaaliyeed, dooddaha ay aqoonyahannadu ku dhaliilayaan dowladda, welwelka beesha caalamka, iyo kuwo kale oo la hal-maala, waxaa u sabab ah gaabiska dowaladda  iyo jahawareerka madaxda sare ee dalka. Xiriir-xumida u dhexeeysa dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah dawladda federaalka, waxay fashillisay, xoraynta iyo gacan ku haynta deegaanada Xarakada Al-shabaab ay maamusho.

Haddaba annaga oo ah dadka magacyadooda hoos ku qoran yihiin waxaan u aragnaa in xaaladda Soomaaliya kal dhow iyo mid dhexeba dhanka Siyaasadda iyo Amniga ay ku jirto degganaan la’aan ku xayndaaban dib u dhacyo badan oo is biirsaday. Danaysiga, musuqa, dulmiga baahsan iyo cadaalad-darridu waxay dhalisay in ay hor-joogsato qorsho walba oo lagu gaari lahaa dhismo dowlad ka tarjunta islamarkaana u  adeegta shacbiga Soomaaliyeed. Waxa aanu ugu baaqaynaa dhamaan ummadda Soomaaliyeed in ay u itaagto badbaadinta dalka, islamarkaana taageeraan the baaqa Manifesto II.

Talo soo jeedin:

  1. In la joojiyo xadgudubyada ka dhanka ah hannaanka Federaalka iyo Dimuquraadiyadda, ee ku dhisan dib-u-heshiisinta iyo talo-wadaagga, kaasoo ay ummadda Soomaaliyeed ku heshiisay 20 sannadood ka hor, lagana fogaado siyaasadda ku salaysan wada tashi la’aanta  iyo baalmarka dastuurka dalka iyo nidaamka federaalka
  2. In kulan wadatashi oo dhexmara Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada (political agreement), lagaga arinsado qabsoomidda doorashada 2020/2021
  3. In doorashada 2020/2021 ay ku dhacdo waqtigeeda, kuna timaado is faham iyo wadatashi dhexmara Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Xisbiyada Siyaasadeed ee dalka.

Liiska magacayda

1.Jaamac Cali Jaamac- Ex Manifesto 1
2. Avv. Xasan Dhimbil Warsame Ex- Manifesto 1
3.Cabdi Muuse Mayow,
4. Cabdullaahi Xaaji Yuusuf Cigaal, Ex- Manifesto 1
5. Xirsi Bulxan Faarax Wasiir hore , 1967
6. Cali Cabdullaahi Cosable, Madaxweyne hore, Hirshabeelle
7. Faysal Cabdi Rooble
8. Gen. Maxamed Cusmaan Qaadi
9. Avv. Maxamed Macallin Xasan (Marooko)
10. Caasha Geelle Diiriye, Wasiir hore, Puntland
11. Eng. Axmed Warsame Abtidoon
12. Bashiir Ciise Cali, Gud. Hore Bangiga Dhexe, Soomaaliya
13. Avv. Maxamed Maxamuud Ciise (Turunji)
14. Cabdi Faarax Siciid (Juxa), Wasiir hore, DFS
15. Dr. Xasan Sheekh Cali
16. Avv. Shamso Sheekh Xasan
17. Raage Garaad Cabdiqani Garaad Jaamac
18. Eng. Ismaaciil Daahir Cismaan
19. Cabdullaahi Xasan Maxamed (Isbaanish)
20. Dr. Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed (Foonka)
21. Cabdirisaaq Cumar Maxamed, Wasiir hore, DFS
22. Eng. Axmed Sabriye Siyaad
23. Dr. Cabdicasiis Maxamuud Maxamed (Takar)
24. Cabdiraxiim Maxamed Abshir Haamaan
25. Maxamuud Xaaji Qore, Ex- Manifesto 1
26. G/ Sare Maxamed Xasan Xaaji Xuseen
27. Cabdulqaadir Nuur Salaad (Takar)
28. Abuukar Maxamed Cali
29.Maxamed Macallin Xasan Geelle, Xildhibaan hore
30. Dr. Aweys Cumar Maxamed
31. Khaliif Jaamac Cabdulle (Mandella)
32. Maxamuud Dhoollawaa, Wasiir hore Puntland,
33. Cabdi-Kaaf Maxamed Maxamuud, Wasiir hore, Galmudug
34. Axmed Cabaas Axmed
35. Avv. Cabdiraxmaan  Faarax Qaarey
36. Faarax Cali-Shire Afbalaar, Wasiir hore, Puntland
37. Eng. Cabdi-Nuur Axmed Darmaan
38. Daahir Mire Jibriil
39. Eng. Siciid Xaaji Cabdi
40. Eng. Cabdi-Waaxid Axmed Xasan
41. Dr. Cumar Cabdi Barre
42. Dr. Aadan Maxamed Ciise
43. Xasan Cismaan Xaashi (Sulux)
44. Dr. Xirsi Cabdi Cismaan
45. Dr. Siciid Maxamed Maxamuud
46. Dr. Axmed Cabdalla
47. Dr. Cabdiraxmaan Cumar  Warsame
48.Dr. Cabdiraxmaan Axmed Nuur (Sulub)
49. Prof. Cabdullaahi Sayid Axmed
50. Prof. Asad khaliif Cali-weyd
51. Prof. Cabdisalaam Xaaji Axmed Garaad Malla
52. Prof. Cabdisalaam Ciise Salwe
53. Dr. Bashiir Cali Biixi
54. Dr. Faarax Axmed Warsame
55. Dr. Jibriil Axmed Yuusuf
56. Dr. Axmed Cali Yuusuf
57.Dr. Maxamed Ibraahim Af-kul
58. Dr. Maxamed Xuseen Aadan
59. Dr. Cali Caddaawe Barkhadle
60. Amb. Yusuf Xaaji Siciid
61. Amb. Cabdikariim Aw-Cali
62. Mahad Maxamed Warsame
63. Ismaaciil Xaaji Warsame
64. Ciise Dhoolawaa
65. Maxamed Cabdiraxmaan Janagele
66. Axmed Siyaad Bile
67. Cabdullaahi Saalax Cismaan
68. Cabdiwaaxid Axmed Jaamac
69. Dr. Saadiq Eenow
 70. Cabdikarim C/raxmaan X. Xasan
Booqo Manifesto 2 FB

We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.