Tuesday, April 23, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Karoona: Soomaali Maxaa Uga Talo ah- Falcelin

W/Q Aadam Sheekhdoon Cali 

Maqaal uu Dr. Cabdifitaax Nuur Axmed (Ashkir) ku qoray Wardheernews, buu cinwaan uga dhigay “Karoona: Maxaa Soomaali uga talo ah? Wuxuuna ku soo qaatay qodobbo dhowr ah oo aan jeclaystay inaan qaarkood wax ka iraahdo, waxna aan ku biiriyo.

Koroona Feyrus

Hor iyo horraan waxaan u mahadnaqayaa Dr. Ashkir bilowgaa fiican ee uu sameeyay iyo sida uu u lafa guray. Qoraalka Ashkir wuxuu noqon karaa maskax tuujin “Brain Storming” lagu uruuriyo talooyin badan oo lagu caano maalo loona aayo.

Haddaan mawduuca wax ka taabto waxaan yare is dul taagayaa dhowr qodob;

B. Aragtida hagardaamada “conspiracy theory”  oo lagu kala aragti duwan yahay waxaan qabaa inay markaan u dhaaban yihiin xididdo adag sida:

  1. Saadaashii Bill Gates ee uu Ashkir xusay.
  2. Filimka la yiraahdo “Eyes of the Darkness “عيون الظلام oo sanadkii 1981 uu qoray Koontz, waxaa dulucdiisu tahay in cudur fayras ah oo uu ugu magac daray “Wuhan-400” uu adduunka jibaaxi doono. Buugga filimku ku socdo markii hore waxaa loo baxshay “Gorki-400”. Gorki waa magaalo ku taalla Ruushka. Markii midowgii soofyeeti dhacay baa magacii loo rogay “Wuhan-400” oo uu yiri waxaa shiinuhu ku macmalayaa dagaal bayolojiyeed.Wuhaan waa meesha uu hadaa ka bilowday caabuqa “corona ama COVID-19”.  Maxaa weedha iyo saca ina naasa adag kulmiyay.
  3. Waxaynu hadda aragnaa sida madaxda Shiinaha iyo Maraykanku isugu tuurtuurayaan isuguna eedaynayaan cidda ka dambaysay cudurkaan iyo inuu yahay hagardaamo.
  4. Nin baa bartiisa twitter-ka soo dhigay qoraal af faransiis ku qoran oo tibaaxaya in dawlad Yurub ahi “COVID-19”. Hal mar baa dad badan oo mas’uuliyiin EU-da ahi af labadii yeereen iyagoo arrintaa beeninaya, taasoo abuuri karta shaki ah in arrintaas wax ka jiraan.

T. Aragtida ah in 100-kii sanaba aafo safmar balaaran ahi dunida jibaaxdo waa aragti maaddi ah oo aan xoog badnayn, waayo dhowr sano gudahood baa waxaa adduunka ka qaylisiiyay xanuunno safmar ah “epidemics” ama safmar baahsan “pandemics” sida HIV, xummadda doofaarrada, xummadda shimbiraha, fayraska “aphthovirus” (foot and mouth disease) Afka Carabigana ah – الحمى القلاعية

Horay waxaa dunida u soo maray koolera, infalawanza, Typhus, Furuq, Jadeeco, Qaaxo, Judaan, Duumo, iyo Yellow fever “xummadda cawlan”. Waqtiyada ay dillaaceen uma wada dhaxeyn 100 sano.

J. Tafsiirka saxa ahi waa ka xaddiiskii nebiga صلى الله عليه وسلم ee uu saxaabada ku yiri “shan haddii la idinku ibtileeyo, ilaah baan ka magangelayaa inay idin haleeshee, ayna ka mid ahayd

 ما ظهرت الفاحشة في
 قوم قط حتى يعلنوا بها الا فشا فيهم الطاعون والأوجاع التي لم تكن في أسلافهم الذين مضو

Oo macnahiisu yhay qolo hadday ku faafto faaxishadu oo ay la soo bayni baxaxaan ama la bareeraan, waxaa ku dhaca cudurro aan facyadii ka horreeyay ku dhici jirin ama aan la aqoon. Waxaa inoo wada muuqda heerka dunidu ka gaartay fal kasta oo caqliga iyo diintuba diidayaan, ilaa la ankiray abuurtii  Allaah ee ahayd in aynu lab iyo dheddig kala nahay oo la yiri maye, waxaa jira labeebshe iyo mid aan midnaba ahayn. Carruurtiina khasab looga dhigayo inay noqdaan naayaa -waryaa.

X. Maxaa inooga talo ah Koroonaha?

Koroona waa aafo safmar baahsan ah “pandemic” waxaana inagala gudboon tallaabooyin dhowr heer ah iyadoo mudnaan gaar ah la siinayo:

  1. Ka hor tagga iyo la tacaalidda: in dawladda federaalku degdeg u diyaariso agabka xanuunkan lagu hubiyo sida shaybaarrada iyo heerkul beegyada, In waddanka la wada gaarsiiyo qalabka oksijiinta, dawooyinka, Tallaal haddii tallaal soo baxo, qalabka magaalooyinka lagu buufiyo ee jeermiga dila aanna laga dhigan hub cid lagula dagaallamo.
  2. In dawlad goboleedyadu iyana wixii qalab ah ee ay heli karaan ama haaban karaan ay la yimaadaan gobolladana ku baahiyaan.
  3. In ganacsatadu sidoo kale keenaan dawooyin wax ka tari kara caabuqaan isla markaa ka fogaadaan sicir bararka iyo maalin taajir noqoda.
  4. In dadweeynaha lagu wacyi geliyo arrimahaan fudud isla markaasna waxtarka weyn leh sida nadaafadda oo lagu dadaalo, kala sikashada bulshadeed “social distancing” oo lagu dhaqmo iyo gurigaagu ha ku deeqo.
  5. In waddanka oo dhan laga joojiyo qaadka si fayoobida loo hagaajo dhaqaalahana loo kobciyo.
  6. Marka cudurka la waayo in aynu si degdeg ah ugu dhaqaaqnaa inaan wax beeranno oo dhuunigeenna la soo baxnaa, waayo waa aragnay inaynaan laba bilood u adkaysan Karin haddii qolo kasta dalkeeda xirato oo dibadda wax inooga imaan waayaan.
  7. Wixii intaa ka dambeeya waa in la degsadaa qorshe qaran oo mug weyn.


Aadam Sheekhdoon Cali 
Email: [email protected]

————-
Aadam Sheekhdoon waa guddoomiyaha Jaamacadda Bariga  Afrika ee Puntland, Soomaaliya.


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.