Saturday, April 20, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

“karoona”: Soomaali maxaa uga talo ah?!

Dr. Cabdifitaax Nuur Axmed (Ashkir)

Ka hor inta aadan -akhrisow- u guda galin ubucda dhambalkaygan, aan ku xasuusiyo, in dhambaalkaygan aanu ahayn mid siinaya bulshada talo caafimaad, ee uu yahay: mid aan jecleystay in uu noqdo ibbo-furkii qoraallo ay aqoonyahanka Soomaaliyeed ku saadaalin doonaan, saameynta iyo raadka uu ka tagi doono xanuunka “Coronavirus” (COVID-19). Markaasi iyagoo diiradda saaraya dhinacyada Juquraafi-siyaasadeed (Geopolitics) iyo tan dhaqan-dhaqaale (Socioeconomics) iyo kaalinta la gudboon Soomaali dowlad iyo shacabba! 

Ugu horreynse, aan qaddar yaroo faallo ah ka bixiyo sida uu xanuunku ku bilowday? 

Li Wenliang

Dhammaatkii bishii December ee sannadkii tagay 2019-kii, ayaa dhaqtar caafimaadka indhaha ka shaqeeya oo dhalinyaro ahaa, una dhashay dalka Shiinaha magaciisuna ahaa: Li Wenliang, madaxda caafimaad ee magaalada “Wuhan” -oo ah halka Feyruskaas dunidoo idil ku faafay ka soo bilowday – u sheegay in uu arkay dadku in ay ka sheeganayaan xanuun u eg feyruskii “SARS” ee dilaacay 2003-dii; kaasoo ku dhacay 8000 oo ruux, dilayna 800 oo ka mid ah dadku haleelay.

Dareenkaas iyo xogtaas uu dhaqtarku  la wadaagay madaxdii caafimaad ee dowladdiisa, dhagaha ayay ka xiratay, isagiina xabsi ayay galisay, dabadeedna. Wararku waxay sheegeen, in dhaqtarkii u geeriyooday xanuunkii caabuqa ahaa ee “Coronavirus” saadaashii dhaqtarku sheegayna ay rumawday, cudurkiina dunidoo idil ayuu ku faafay, dhawr dal mooyee! Hadda oo aan dhambaalkan qorayana, geeridu waxay mareysa: 18, 887 (Sideed iyo toban kun sideed boqol sideetan iyo todobo ruux) tiraduna kor ayay u sii kordhaysa! 

Aragtida hagardaamada! 

In badanoo dadka ka mid ah, ayaa aaminsan in xanuunka “Coronavirus” yahay dagaalka nooca loo yaqaan (Biological warfare) oo ah dagaalo cadur talaal ah, dadka arrimaha siyaadda falenqeeyaa, dadka noocaa u fakara waxay u yaqaannaan, kuwa aaminsan aragtida hagardaamada (Conspiracy Theory). Waxaana dhici karta in ay siday u sheegayaan arrinku yahay, misana meesha kama marna in dunidoo idil ogtahay in cudurkaan ka soo bilowday suuqa cunada badda ee magaalada “Wuhan” ee dalka Shiinaha. 

Ammin laga hilaadiyo 5 sano ka hor, ayaa ganacsadaha weyn ee u dhashay dalka Mareykanka (Bill Gates) ahna ninka iska leh shirkadda “Microsoft” saadaaliyay in dunida uu ku soo wajahanyahay xanuun Faafa oo galaafan doona dad fara badanoo dunida ku nool. Wuxuuna hadalkaa ku sheegay cashar cinwaankiisu ahaa Cudurka soo socdaa diyaar uma nihin oo muddo 10 daqiiqo ah soconaya oo ilaa iminka laga heli karo barta “YouTube” cinwaanka casharkuna luuqada qalaad wuxuu ku yahay (The Next outbreak! We’re not ready). 

Casharkaa“ Bill Gates” ka hor, sannnaddii 2009-kii wakaaladda Sirdoonka ee dalka Mareekanku waxay daabaceen buug yare ay ugu magac-dareen ( muuqaalka dunida 2025), waxayna sheegeen in dunida uu ka dillaaci doono cudur halaagi doona dad farabadan. Cudurkaas oo ka soo billaaban doonaa, goob uunka ku nooli ay aad u badanyihiin, qiyaas ahaanna -waa siday CIA-du sheegeene waa dalka shiinaha. 

Iminka, Shiinuhu wuu xakameeyay faafiddii xanuunka, oo guul la taaban karo ayuu ka soo hooyay xakameynta cudurka “Coronavirus”, halka dunida kaloo dhammi la il-darantahay xanuunkaas werwerka iyo walaaca badan dhaliyay. 

Guusha Shiinuhu ka gaaray xakameynta faafidda cudurka, ayaa libinteeda loo tirayaa haweenay ka tirsan ciidamada dalka Shiinaha oo la yiraahdo “Chien Wei” laguna naaneyso haweenaydii jabisay colkii Ebola Virus” oo ahaa xanuun ka dilaacay galbeedka qaaradda Afrika (2014-2015). Gabadhaan 54 jirka ah, sidatana darajada ciidan ee Jeneraal, ciidannimada waxaa u weheliya in ay tahay aqoonyahnnad ku takhasustay cilmiga “Biochemistry” kana qaadatay darajada “Ph.D” Kuliyadda cilmiga Caafimaadka ee Ciidanka dalka Shiinaha.

Sooyaalkii Xannuunadii ka horeeyay! 

Anigoo aan doonayn in aan si faahfaahsan uga warramo xannunadii dunidaan soo maray oo qaarkood haligay arwaaxda noole farabadan, baan misana jeclahay, in aan qaarkood si kooban uga warramo, si aan dhacdooyinkaas dhacay duruus iyo cibaarooyin uga qaadanno! 

Dagaalkii koowaad ee dunida ka dib, ayaa waxaa dilaacay xanuun loo yiqiin: Spanish flu “hargabkii Isbaanishka” eray bixintiisa cilmiyeed-na loo yaqaan “H1N1”. Xanuunkaas wuxuu socday muddadii u dhaxeeysay (1918-1920) wuxuuna dilay dad lagu qiyaaasay ilaa 100 milyan oo ruux, laba jibbaar ka badan intii ku dhimatay dagaalkii koowaad ee dunida, oo markaa laysku adeegsanayay hubka noocyadiisa oo dhan. Halkaa waxaa inooga cad in cudurrada – noocyadan oo kale ah ay dili karaan tiro ka badan inta gulufta colaaddeed ku naf weyda! 

Dabadeed waxaa ku xigay Ebola (EVD) iyo  Severe Acute Respiratory Syndrome” oo loo soo gaabiyo eray cilmi ahaan ( SARS) 

Taariikhyahannadu waxay sheegaan in boqolkii sanaba uu dilaaco cudur halis ku ah nafta aadamaha laga soo bilaabo (1720, 1820,1920 iyo 2020). Waxaa muddadaas isku aadan -taariikh ahaan dhacayay cudurro laayay dad fara badan; wallow tirada dadka uu laayo ay isa soo dhimaysay muddaba tan ka dambeysa, sababtuna tahay aadanaha oo horumar la taaban karo ka gaaray dhinaca cilmi-baadhista caafimaadka iyo Daawada. 

Soomaali maxaa la gudboon? 

Soomaalidu dunida kaloo idil waxay kala simantahay cabsida laga qabo xanuunkaas xawliga u fidaya, qaaradda Afrika kaliya waxaa laga helay ilaa 39 dal. 

Dowladda Puntland muddaba golaheeda xukuumaddu waxay ku hawlanaayeen ka hortagga xanuunkaan, Soomaali inta kalena waxay kaga horreysay in ay joojisay doonyihii kalluumaysiga ajaanibtu saarnaayeen; annagoo cabsi ka qabnay in cudurku halkaas ka iman karo. 

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni wuxuu magacaabay guddi wasiirro ah -oo aan anigu xubin ka ahay si ay uga shaqeeyaan ka hortagga cudurka. Guddidu waxay diyaariyeen guryo loogu talo galay karantiilka oo ku kala yaal: Bosaaso, Garoowe, Gaalkacyo, Goldogob, iyadoo dhammaan baraha kantorool ee magaalooyinkaas -iyo kuwa kaleba la dhigay kalkaaliyayaal caafimaad oo baara dadka ka soo galaya barahaas; si loo hubiyo bad-qabkooda caafimaad. 

Tallaabadaas dowladda Puntland ay qaaday waxaan ku tilmaami karaa in ay tahay faa’iidooyinka nidaamka Federal ay Soomaalidu qaadatay bur burkii dowladdii dhexe ka dib 1991-kii. Maanta way adkaan lahayd in adeegyadaas la gaarsiin karay goobahaas aadka u kala fog haddaynaan Federal ahaan lahayn.

Dowladda Federalka ah ee Soomaaliyana way ku mahadsantahay tallaabada ay qaaday dhinaca xannibaadda ay ku soo rogtay duulimaadyadii dibadda dalka ka imanayay, waxay xakameyn u tahay in cudurku faafo; iyadoo looga fadhiyo in ay la timaaddo qorshe intaa ka baxsan oo waxtar u leh dalkoo dhan. 

Marka aan leeyahay Soomaali maxaa la gudboon? Waxaan ula jeedaa qorshaha aan ka yeelan karno marka cudurkani dunidu ka gudubto siday kuwii ka horreeyaba uga guulgaadhey, waxaanan shaki iyo humaag toona ku jirin, in dunidu gali doonto dhabbe cusuboo nooga baahan in aan xaaranno, innagoo si taxaddar leh uga fiirsanayna meesha aan cagta saari doonno. Waxaa dhalan doonta duni cusuboo xambaarsan aragtiyo dhaqaale, bulsho iyo siyaasadeedba oo ka duwan taan horay u naqaannay! 

Haddaan Soomaali nahay waxaa ila habboon in aan ka gudubno xilligii aan cid kale ku tiirsanaan jirnay, waa in aynu dunida la jaan-qaadnaa, waa in dalku yeesho xarumo ka shaqeeya daraasaynta mustaqbalka “Futures studies oo darsa intee u soconnaa Mustaqbalka aan iminka noolnahay iyo ka iman doona? Nimaan saaxiibbo nahay baa haddiyad ahaan iigu keenay muddo ka hor buug cinwaankiisu ahaa “Al-CAALAM CAAM 2050” oo uu qoray saxafigii caanka ahaa ee u dhashay dalka Masar “Jalaal Al-Amiin” cinwaanka hore ee buugga markay ishaydu qabatay gudahaan ka qoslay, waxaan is iri: bal dhugo ninkaan sheekada dhallanteedka ah ee uu sheegayo! 

Haddaan buuggii gudaha u galayse, waxaan xaqiiqsaday in Dr.Jalaal Al-Amiin -Alle ha u naxariistee- ahaa aqoonyahan fogaal-arag leh, tusaalle ahaan wuxuu u soo qaatay dalkiisa Masar, waxaa la saadaaliyaa buu yiri in 2050 tirada dadku noqon doonto 150 milyan oo ruux, maxay baahi qabi karaan? Waxbarashadoodu sideen rabnaa in ay noqoto? Taknaloojiyada sidee bay ula jaan-qaadi karaan? Su’aalahaas iyo kuwa ka badanba waa in ay xukuumadda Masar isweydiisaa buu yiri! Waana yoolka ugu weyn ee loo adeegsado cilmiga saadaasha Mustaqbalka. 

Dhaqaale ahaan xanuunkaan wuxuu reebay dhaawac ayan ka soo kaban karin dunidoo idil. Dhaqaaleyahannadu waxay sheegi jireen saameyntii burburkii dhaqaale ee ka dhacay Mareykanka sannaddii 1929-dii ee loo yiqiin ( The great depression) iyo kii dhacay 2008-dii, labaduba saameynta ay ku yeesheen dhaqaalaha addunka way koobnayd marka loo eego raadka uu ka tagi doono kan “Coronavirus”. 

Waxaa la saadaalinayaa in calaamad su’aal la saari doono habkii dhaqaale ee dunidu ku socotay oo ay Mareykanku hormuud u ahaayeen; kaasoo loo yiqiin (Globalization) ama siday aqoonyannadii Soomaaliyeed ee ku xeel-dheeraa Afka iyo suugaantiisa bixiyeen sannadii 2000 mar ay dalka Jabuuti ku kulansanaayeen oo ay qorayeen “eray-bixinta warbaahinta” waxay ku turjumeen eraygaas qalaad (Edegeyn). Edeg, macnaha asalka ah ee ay leedahay waa xerada xoolaha yaryar, sida: waxaraha, naylaha, nirgaha IWM. 

Soomaaliya waa dalka ugu fiican geeska Afrika xagga adeegsiga taknaloojiyada Isgaarsiinta; misana, ma aha dad ka faa’iideysta, sababtuna waa maamulkooda dowladeed oo aan faraha ku hayn Shirkadaha Isgaarsiinta ee dalka ka hanaqaaday bur burkii dowladdii dhexe ka dib. Dunidu maanta waxay u dhaqaaqday dhinaca aragti dhaqaale oo la yiraahdo “ Sharing economy” waxaana sameysmay shirkado ku shaqeeya aragtidaas. 

Aragtidu waxay ka dhigantahay qofkii oo adeegii haya, iyo maalgaliyihii oo agabka loo adeegsanayo hantidaas haya, tusaale ahaan, waa laga baxay hadda fikraddii Hotel kireysiga. Waxaa baddalay guryo dad leeyihiin oo kira u raba sidii Hotel, waxaa loo yaqaan adeegaas (AirBNB-2008) dhinaca gaadiidkana waxaa soo baxay shirkadda (Uber-2009) gaarigaagii baa isku baddalaya mid dadku kireystaan, oo aad lacag ku heleysaa markaad u baahato lacag. Fikraddaas dhaqaale ee aan soo sheegnay waa halka dunidu maanta hayaanka u tahay! Waase in dowladdu ka shaqeysaa sharciyadii hagi lahaa, Isgaarsiintana lagu dhaqaa hannaan dowladeed oo sharcigu sare maro.

Waxaa dowladda Federaalka ee Soomaaliya looga baahanyahay in ay diyaariso hindise fikradeed ku wajahan halka ay siyaasadda arrimaha dibadda Soomaaliya diiradda Saari doonto.

Waxaa hubanti ah in Shiinuhu noqon doono dal miisaankiisa leh, marka laga eego siday uga soo kabatay xanuunkii haleelay! waxaan kaloo iyana meesha ka marneyn in hadda wixii ka dambeeya dalku yeesho kayd cunno iyo mid daawaba, si looga hortago masiibooyinka dabiiciga ah.

Ugu dambeyntii, waxaan tacsi u dirayaa dadkii Soomaaliyeed ee uu qurbuha ku haleelay xanuunka Coronavirus una geeriyooday. Waxaana si gaar ah tacsi ugu dirayaa ehelladii ciyaaryahankii caanka ahaa ee naadigii Batroolka Cabdulqaadir Maxamed Faarax (Biriq) ilaahay jannadiisa Farsowsa haka waraabiyo.

Dr Cabdifitaax Nuur Axmed (Ashkir)
Emai: [email protected]


Dr. Ashkir waa Wasiiru Dowlaha Warfaafinta, Isgaarsiinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Puntland, waana qoraa ka faallooda arimaha Siyaasadda iyo Taariikhda.


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.