Garoowe oo kulmisay Hoggaanka Soomaaliya

Garoowe (WDN)- Xaflad si wacan loo soo agaasimay oo lagu maamuusayay Caleemo saarka Madaxweynaha cusub ee Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa kulmisay madaxda Soomaaliya, oo ay ku Jiraan mucaaradku.

Farmaajo iyo Deni

Xafladaasi oo ay ka soo qeyb galeen madaxweynaha DF Soomaaliya
Md. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyo madaxweynayaashii hore ee Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh, Madaxweynayaasha Maamulo Goboleedyada Soomaaliya, ayaa  khudbado koo kooban oo ay munaasabadaasi ka jeediyeen dhamaan xusay baahida loo qabo xalinta khilaafka hadheeyay Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada.

Madaxeynaha cusub ee Puntland oo ka haldey munaasabada ayaa sheegay
”  Waxaan ku kalsoonahay inaan ka gudbidoono caqabadaha taagan iyo kuwa imaandoonaba haddii aynu wadajir u ilaalino shuruucda dalka la iskuna tixgaliyo shaqooyinka ay kala leeyihiin heerarka kala duwan ee maamuladda dalku. Waxaan sharafkii iyo karaamadii dadkeena iyo dalkeena kusoo celinkarnaa wadajir iyo isudhibrin”.

Mudane Deni oo hadalkiisii sii wata, ayaa ka hadley khilaafka soo kala dhex galay DFS iyo Maamul Goboleedyada, ayaa sheegay ” Ma ahan inaynu hareer marno xeerarka aynu dagsanay ama aynu ku mashquulno khilaafyada la xallin karo, waxaynu u baahanahay bisayl intaas ka ballaaran iyo isudhibrin walaalnimo iyo isqadarin ku dheehantahay. Maanta ayaynu talada haynaa ee aynu dadkeena iyo dalkeena u jeexno waddadii midnimadda, sarraynta sharciga iyo dib-u-dhiska dalkeena”.

Madaxda Maamul Goboleedyada Soomaaliya

Madaxweyne Farmaajo iyo madaxda Maamul Goboleedyada oo xafladda ka hadley ayaa dhamaan ku baaqay in ay is cafiyeen, oo ay diyaar u yihiin wada shaqeyn, isla markaasina la bilaabo sidii khilaafka ragaadiyay dalka loo soo af jari lahaa.

Madaxweyne Deni ayaa saaka la sheegay in uu quraac kawada kulan siiyay dhamaan madaxdii xadladda ka soo qeyb gashay, taai oo la filayo in uu noqdo gogol xaadh ay ka bilaabmaan wada xaajood lagu eegayo khilaafka u dhaxeeya DFS iyo Maamul Goboleedyada.

WardheerNews