Sunday, August 09, 2020
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Doorashadii Farmaajihii labada Koofiyadood lahaa- Muqdishu 2017/2021

W/Q Cabdi Faarax Juxaa

Bishii Febraayo 8-dii, 2017 waxaa labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya fadhi wadajir ah, oo dooarasho dadban oo mugdi iyo faq-hoosaad badan leh ugu doorteen Maxamed Cabdullaahi Farmaajo  oo noqday Madaxweynihii 5-aad ee  Soomaaliya burburkii kadib. Madaxweyne Farmaajo wuxuu ahaa nin siyaasadda Soomaaliya sibiq kusoo galay oo saaxiibtimo iyo gacan-qabasho saaxadda ku yimi markii ugu horreysay.

Lix bilood oo waxqabadkiisa la buunbuuniyey ayuu Raysal Wasaare kasoo noqday Xukuumaddii Madaxweyne Sheekh Sheriif, wuxuuna isagoon xataa booqan Dawlad-goboleedkii keli ahaa ee jirey xilligaas ee Puntland ku baxay is-fahamkii la magac baxay Kampala Accord ee 2010.

Madaxweyne Farmaajo

Intaas kahor Madaxweyne Farmaajo ma ahayn qof saaxadda siyaasadda iyo tan Akadeemiyadda midna ka dhex muuqda, marka laga reebo inuu 80-aadkii mar sarkaal hoose ka noqday safaaraddii Soomaaliya ee Washington iyo buugiisa qalin jebinta oo uu ka qoray Soomaaliya lagana dhadhansan karo dareenkiisa gaarka ah  ee siyaasadda.

Kasokow in Madaxweyne Farmaajo inuu qol mugdi ah kula gorgortamay xildhibaanada doortay, uuna jiro tuhun ah in gacmo shisheeye ka dambeeyeen soo bixidiisa, haddana waxaa ol’olihiisa loo adeegsaday si xad-dhaaf ah shaati wadaniyaddeed oo si weyn loo buufiyey, loona adeegsaday baraha bulshada. Waxaa loo sawiray in Farmaajo yahay 1) Nin wadani ah oo diiddan faragelinta shisheeyaha siiba tii Itoobiya ee markaas qaawanayd,  2) inuu yahay qof Soomaaliya maanta ka gudbin kara isgoyska adag ee ay joogto, 3) inuu yahay nin dadku u siman yahay oo caddaali ah oo eexda iyo qabiilaysiga neceb,  4) nin isla goobaya Soomaalida kala irdhowday oo midnimo iyo dib-u-heshiisiin oday ugu noqonaya iyo 5) iyadoo loo arkayey nin miskiin ah oo si gardarro ah loo eryey isagoo shaqo wacan haya oo u baahan in fursad la siiyo markale. Farriimahan ayaa waxaa lagu xiray cod-baahiye dheer oo ay weheliyaan hugun, sawaxan iyo qiiro-wadaniyadeed jidbaysan.

Waxaa la yiri “Muslinow run sheeg, Muslinow run uga qaado”. Dadka Soomaaliyadeed oo ahaa kuwo daallan oo u heellan hogaamiye daacad ka ah tabashadooda ayaa niyad-sami dheeraad ah siiyey Farriimaha Maxamed-ka 1-aad oo  ku tuhmay nin leh himilo Qaran, kana dhex arkay rajo iyo yididiilo jawaab u ah dhaliishii Dawladnimada ee taaganayd maalintaas. Farmaajahaa 1-aad ee Soomaalidu filaysay kaas ayuu ahaa.

Maxaa laga filayey madaxweynaha la doortay oo miiska u saarraa?

  1. In dalka laga xoreeyo Al-shabaab oo Amniga iyo kala dambaynta lasoo celiyo, lana dhiso ciidan leh astaan Qaran
  2. In dastuurka la dhamaystiro, afti dadweyne loo qaado, Somaliland-na wadahadal wax ku ool ah lala galo
  3. In Nidaamka Federaalka la hirgeliyo, awooddaha la dhaadhicyo, Dawlad-gobolleedyadana la xoojiyo
  4. In dib-u-heshiisiin dhab ah iyo hanta-isu-celin la sameeyo, maqaamka Caasimadda Soomaaliyana la qeexo si  boggii iyo boogihii dagaalkii sokeeye loo xiro.
  5. Iyo in 2020/2021 ay dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah oo xalaal ah.

Maxaa  maanta ka qabsoomay hawlahaas ama aan ka qabsoomin?
Waa jawaab aan u daynayo akhristaha.

Muxuu madaxweyne farmaajo uga duwan yahay madaxweynayaashii ka horreeyey ee burburka kadib?

  1. Waxaa muuqata inuu jeho isaga gaar u ah oo ka gedisan tii wax lagu dul-dhisayey ee wadahadalka, dib-u-heshiisiinta, isu tanaasulka, isku wadka iyo tan ugu muhiimsan ee ku dhaqanka nidaamkii Federaaliga ahaa ee dastuurka iyo saldhigga u ahaa Soomaaliya mid aan ahayn oo aan heshiis lagu ahayn uu shukaanta u weeciyey, taas oo lagu tilmaami karo afgembi qabow oo dastuuri ah.
  2. Waa Madaxweynihii ugu horreeyey oo taariikhda ku galay inuu dal shisheeye u gacan geliyo muwaadin Soomaali ah oo hoos fadhiya calanka buluugga ah. Tani waa arrin gaar ah oo ugub ku ah taariikhda siyaasadda Soomaaliya.  Cabdikariin Axmed Muuse ”Qalbi-dhagax” ayaa ah boog madow oo abid lagu xasuusan doono Madaxweyne Farmaajo.
  3. Madaxweyne Farmaajo waa ninka keli ah oo lagu tuhunsan yahay in talada cidkale la leedahay, waana Madaxweynaha keli ah oo welwel weyn laga qabo xiriirkiisa qarsoodiga ah ee dalal shisheeye.
  4. Madaxweyne Farmaajo waa Madaxweynihii 2-aad ee ay kusoo baxdo Manifesto ama qaylo dhaan ka timaadda labeenta Soomaalida si dalka looga badbaadiyi khatar cad oo muuqata.

Maxay xukuumadda Frmaajo uga egtahay tii askarta?

  1. Baalmarka dastuurka iyo sharciga dalka iyo wiiqitaanka Hay’addaha Dawliga ah ayaa ah astaanta ugu weyn ee midaysa xukuumdda Farmaajo iyo tii askarta.
  2. Shaabadda ceebaynta iyo xaaraamaynta ku dhufashada nidaamkii ka horreeyey iyo dadka ka aragtida duwan labadaba. Dawladdii kacaanka ee askartu waxay Dawladdihii rayadka ahaa ee ay afgembiday ku dhufatay shaabadda ” Musuqa iyo Qabiilka”  si ay fekerka kacaanka barakaysan dadka uga gaddo. Waxay kaloo xirtay ama xilkii ka qaadday qofkasta oo ka aragti duwan, kuna dhufatay shaabadda ” Kacaandiid iyo dib-u-socod” kuwaas oo noqday ereyo kusoo kordhay afka siyaasadda Soomaaliga. Dhinaca kale xukuumadda Farmaajo waxay markiiba nidaamka Federaaliga ah ku tilmaantay “mid shisheeye keenay, Soomaalida lagu khasbay, qabiil ku dhisan oo aan la fahamsanayn”.  Waxay kaloo xukuumadda Farmaajo dhamaan dadkii ka aragtida duwanaa ku dhufatay ”shaabadda qarandumis” sida wadaadadku kan ka fasiraad duwan ugu dhufto “shaabadda murtidnimada iyo tan cadaabta.”
  3. Adeegsiga durbaanka iyo hugunka Sacabka beenta ah ayaa ah wax kale oo mideeya Nabad iyo Nolol iyo kacaankii Askarta. Xoogagga wadaniyiinta iyo guutooyinka weerarka Baraha Bulshada ee loo yaqaan CBB ayaa u dhigma kuwii Guulwadayaasha iyo wakiilladii xisbiga ee xaafadaha hanuuninta dadweynaha. Kooxahan ayaa shaqadoodu tahay : 1. Inay sacab, sawaxan, iyo buunbuunis ku gudbiyaan farriimaha xukuumadda iyo 2. Inay ceebayn, marin-habaabin iyo canbaarayn ula diyaar noqdaan cidkasta oo keenta farriin ka duwan tan qolada talada haysa.
  4. Baqdinta madax-jebinta, xarigga ii hayda ah iyo caga-juglaynta dadka aan saarrayn doonta xukuumadda ee NSS-tii shalay iyo NISA-da manta ayaa ah barkulan kale oo shalay iyo maanta ah.
  5. Shaatiga wadaniyadda iyo ereyo macaan oo maran ayey Nabad iyo Nolol kala mid tahay kacaankii askarta. Calaamadan ayaa ah dhufays iyo god been ah oo horay loo soo isticmaalay si niyad-samida Soomaalida looga faa-iidaysto.
  6.  Gelinta khaanado gaar ah iyo faquuqa  gobolada qaarkood si dadka shaki u kala galo ama loo qaybiyo ayaa ah tilmaan kale oo xasuus xun leh.
  7. Isku dhejinta kursiga iyo astaamaha kelitalisnimada [dictatorial tendencies] ayaa  ah ifafaale kale oo cusub oo soo if-baxay markii ugu horraysay ilaa iyo burburkii.

Astaamahan oo dhami waxay muujinayaan dhinaca kale ee FARMAAJAHA- 2-aad ama Madaxweynaha dahsoonaa ee soo baxay markuu talada qabtay.  Waa Farmaajo ka duwan kii Sheekh Bashiir Salaad iyo Xildhibaan Sekeriya gogol-dhigga u sameeyeen maalintii doorashada Febr. 8, 2017 ee Soomaali ku aamintay amaano culus oo xasaasi ah xilli adag oo taariikhdeeda ka mid ah.  Laakiin haddana Farmaajaha 1-aad ee la doortay iyo Farmaajaha 2-aad ee dahsoonaa labaduba Madaxweyne ayey Soomaaliya ka yihiin. Labaduba dusha waa isaga eg yihiin, isku sina waa u hadlaan.

Dhibtu waxaa weeye qof weliba Farmaajo gaar ah ayuu arkaa oo difaacayaa ama ku dooddayaa oo mudici ku yahay.  Laakiin hadana labada Farmaajo mid uun ayaa dhab ah.  Kan dhabta ah weeye midka aan la dooran ee marada la soo huwiyey. Kan dhabta ah weeye midka welwelka weyn laga qabo hadduu talada mar kale ku soo laabto.

 Farmaajaha dhabta ah weeye midka ay adag tahay inay Soomaaliya ka soo kabato meesha uu shukaanta siyaasadda Soomaaliya u weeciyey 17 sano oo dib-u-dhis ah ka dib.

Cabdi Faarax Siciid (Juxa)
Email: [email protected]
—————–
Juxa waa siyaasi horey u soo ahaa Wasiirkii Waxbarashada ee Puntland iyo Wasiirkii Arimaha Gudaha iyo Federaalka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

——
Qeybihii hore ee taxanaha
Xaggee Wax ka Qalloocdeen? Qeybtii 1-Waad
Xaggee Wax ka Qalloocdeen? Qeybtii 2-baad
17-kii Sano ee Dib u Yagleelak Dowladnimada Sooomaaliya 2000-2017


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2020 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.