Friday, March 29, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Xaggee wax ka qalloocdeen? Qeybtii 1-aad

W/Q Cabdi Faarax Siciid (Juxa)

Maqaalkani waa qeybtii koowaad ee taxane kooban oo afar qaybood ah.

Laga soo bilaabo 21-kii Oktoober 1969 markii ciidamadii xoogga ee loo asaasay inay dalka ka difaacaan cadow dibadda ah iyo xasilooni-darro gudaha ah, oo aan magacooda iyo hubka ay sitaan ku hurudnay ay taladii dalka kula wareegeen qorigii ay ku ilaalinayeen dalka, waxaa araxda ka jabay himiladii iyo hannaankii Dawladnimo ee curdanka ahaa; Soomaaliyana waxay gashay xaalad murugsan iyo jeho mugdi ah oo aysan weli kasoo kaban.

Golihii Sare ee Kacaanka 1969-1991

Go’aankaas aan xilkaska ahayn iyo maroorsiga talada waxay askartu ku micneeyeen in xukuumaddihii rayadka ahaa ee talada qabtay ilaa 1960-kii ay ka gaabiyeen rajadii iyo filitaankii ay shacabku u qabeen xornimada iyo Dawladnimada oo ay “hashii Maandeeq dhicisay”. Waxay ku sifeeyeen xukuumaddihii ka horreeyey musuq, eex iyo qabiil. Tabashooyinkii Dawladda laga qabay xilligaas ayey tala-boobkooda cudurdaar uga dhigeen. Askartu waxay taas bedelkeeda ballanqaadeen barwaaqo, badhaadhe iyo in farta malab la darsanayo.

Golihii Sare ee Kacaanka iyo Xisbigii Hantiwadaaga Kacaanka Soomaaliyeed (X. H. K. S.), waxay dadka farta ugu fiiqeen hirar doog leh oo meel fog ka bidhaamaya, oo ay keligood arkaan, shacabkana laga rabo keli ah in ay taas aaminaan.

Go’aankaas sida fudud ee lama filaanka ah askartu u qaateen ee ay shabadda ceebaynta ku dhufteen wixii iyaga ka horreeyey, kuna ballanqaadeen barwaaqada iyo badhaadhaha ay keligood inoo ogyihiin waxay Soomaaliya ugu kacday qiimo badan oo aysan askarta ruuxeedu malaha sii saadaalin karin, kuna noqday “far ayaa tog ila xushay.” Maalintaas waxaa dhintay hankii iyo himiladii Soomaalidu u qabtay hannaan Dawladnimo oo talo wadaag ah, xilkana lagula kala wareego tartan iyo doorasho.  Dawladnimadii Soomaalida ee curdanka ahayd waxay u leexatay jeho cusub oo qardo-jeex ah oo gacan qur ah taladu ka go’do. Waxaa dhamaan la laalay Dastuurkii dalka, axsaabtii siyaasiga ahayd iyo xorriyaadkii asaasiga ahaa.

Madaxweynihii hore ee Aadan Cabdulle Cismaan

Dhaqan-siyaasadeedkii hore ee dimoqraadiga ahaa waxaa bedeley durbaan garaac, sacab-tun iyo hugun raac. Maalintaas waxaa si rasmi ah “u dhicisay Hashii Maandeeq” iyo hankii laga qabay Dawladnimada.  Waxaa damay iftiinkii dimoqraadiga ahaa ee xukuumadihii rayadka ahaa ee 1960-1969 oo inkasta oo ay cillado iyo gaabis lahaayeen loo arkayey tusaale wacan oo Afrika ka muuqda.

Waxaa si dhab u bilowday 21 sano oo xukun askareed ah iyo kacaankii barakaysnaa ee kaadarka sharqanta badan iyo “halhayska Wadaniyadda madhan ah ” yeeshay. Inkastoo bilowgii iyo carcartii hore askartu shaqo fiican oo ay ugu mudan tahay tii Ololaha Afka Soomaaliga qabteen, haddana hoobad Dawladnimo oo degdeg ah ayaa markiiba bilowday, siiba dhinacyada dhaqaalaha, xorriyaadka iyo siyaasadda arrimaha dibadda oo gashay jeho go’doon, saaxiib la’aan iyo qardo-jeex ah. 

Dalku wuxuu madax-madax isugu tuuray dagaal is-miidaamin ah oo aan qorshe iyo isteraatejiyad fadhida  ku salaysnayn , kaas oo si kama damays ah ay ciidamadii xooggu ugu burbureen, qabkii Soomaalidana araxda ka jabshay. Arrintaas waxaa ka dhashay saluugmo weyn, gedood iyo iska-caabin toos ah oo xukunka askarta looga horyimaado.  Maadaama aan si dimuqraadi ah kacaanka looga hor-iman Karin, waxaa markii ugu horraysay taariikhda asaasmay mucaarad iyo halgan hubaysan oo dibadda laga soo abaabulo. Waxaa lagu dhawaaqay ururkii ugu horreeyey ee mucaarad ah oo ahaa SSF/SSDF [Somali Salvation Democratic Front 1978 iyo ururkii SNM [Somali National Movement 1981 oo labaduba si toos ah ugu baaqay inay Soomaalidu halgan xukuumadda askarta ka dhan ah galaan.

Dhinaca kale xukunkii ciidamadu wuxuu caradii mucaaradka kula dul-dhacay shacabkii, wuxuuna bilaabay dumintii iyo sumayntii berkedaha, gubiddii tuulooyinka, xarig iyo kufsi lagu beegsaday gobolada Mudug, Nugaal iyo Bari oo lagu tuhmayey inay taliska dhaliilsan yihiin.

Waxay si toos ah shacabkii goboladaas la cadaadiyey iyo meelo kaleba ugu xirmeen  codkii mucaaradka ee “Radio Kulmis” oo habeen walba 9:00 fiidnimo hawada kasoo geli jirey hirarka gaaban ee 31-ka iyo 41-ka Mitir Band iyo codadkii dahabiga ahaa ee Mustfafe Xaaji Nuur, Saleeban Dahir Afqarshe, Khalif Sheikh Maxamuud, Mohamed Mooge Liibaan, Carrabey Diiriye Kulane, Xirsi Magac Ciise (laaska daawada) iyo Sheekh Cabdullahi Macallin Cabdiraxmaan oo xagga diinta halganka ka xalaalaynayey. Hoobad kale oo degdeg ah ayey markale Soomaaliya gashay.

Bilowgii 1988 ayuu Maxamed Siyaad Barre heshiis dani-ku-badday ah Djibouti kula galay Mingist Haila Marriam, oo isaga ruuxiisu markaas wajahayey mucaarad xoog leh oo uga imanayey ururadii Tigreyga iyo Eretreyaanka oo woqooyiga Ethiopia ka dagaalamayey. Ujeedada ugu weyn ee Mugadishu iyo Addis Ababa heshiiska ka lahaayeen wuxuu ahaa in mucaaradka labada dal iradaha laga xirto oo aan taageerada lakala siinayey la joojiyo.  Mingist Haila Mariam oo ay Soomaaliya isku hayeen wax ka weyn taageerid urur mucaarad ah wuxuu codsiga Siyaad Barre ee naf-la-caariga ah u arkay fursad dahabi ah oo uusan wax ku dhuminayn.  Inkasta oo Itoobiya albaabada isugu dhufatay Radio Halgan [codkii mucaaradka] una sheegtay ururradii mucaaradku inay gudaha dalkooda ka dagaalamaan wixii hadda ka dameeya, hadana taasi ma dhimin kacdoonkii iyo halgankii dadku kula jireen xukunkii askarta oo markaas sii liicayey.

Ururkii SNM oo markaas si fiican u abaabullaa ayaa bilaabay hawl-gallo xoog leh oo guadaha ah. Xukuumadduna waxay bilowday duqayntii iyo burburintii Hargaysa iyo Burco iyo barakicintii iyo gabood-falladii xad-dhaafka ahaa ee gobolada Woqooyi loo geystay. Maalintaas ayaa talo faro ka baxday oo midabkii dhabta ahaa ee askartu dadka u wada muuqday. Gabood-faladii gobolada woqooyi ee xilligaas waxay noqotay boog taariikhi ah oo diiwaanka xasuusta gashay, gocosho badanna reebtay.

Kacdoonkii iyo gedoodkii shacabku waa sii xoogeystay waxaana abuurmay ururro kale oo mucaarad ah oo hubaysan sida USC iyo SPM, kulaylkii dabkuna wuxuu kusii durkay Mugadishu iyo meelo kale oo badan.

Waxyar uun kadib waxaa qulqulkii daadku soo gaaray Villa Soomaaliya, Janaayo 26, 1991 ayaana waxaa dhacay waxa loo yaqaan “qabtii ama kala-haadkii” oo ah maalinta ay waxwaliba istaageen ee ay shafka dhulka ku dhufatay xukuumaddii askarta ee 21 sano kahor si fudud u afduubtay Dawladnimadii Soomaaliya ee curdanka ahayd ee inoo ballan-qaaday inay hirar doog leh oo keligood arkaan inagu furayaan.

Maalintaas waxay dawladnimadii Soomaaliya noqotay “hadda iyo hor alle” iyo in boqol sano ay Soomaaliya dib u noqoto. Waxaa dhumay halgankii gobonimo-doonka ee soo bilowday 1900-1960-kii ee ay hogaaminayeen Daraawiishtii Sayid Maxamed Cabdille Xasan iyo dhaqdhaqaaqii SYL.  Waxaa kaloo dhumay 1960-1969 iyo sagaalkii sano sano ee ugu horraysay xorriyadda iyo Dawladnimadii rayadka ahayd.  Waxaa isna dhumay 1969-1991 iyo 21 sano oo askartu talada xoog ku haysay.

Janaayo 26, 1991 bog kale oo xanuun badan ayaa Soomaaliya u bilowday. Waa bog leh dagaal sokeeye, qax iyo bara-kac, kala-yaac, macaluul, magac xumo iyo toban sano oo hor leh oo magaca, metelaadda iyo astaanta Soomaalida laga waayey saaxadda iyo fagaarayaasha caalamka 1991-2000.

Go’aankii askartu si fudud subax talada ugu boobeen Oktoober 21, 1969, wuxuu inta la hubo dal iyo dad ahaanba dib inoo celiyey 100 (boqol) sano oo dhinac walba ah. In kasta oo mas’uuliyadda dhibaatooyinkii dalka la soo dersay kadib 26 Janaayo, 1991 iyo  10-kii (tobonkii) sano ee ku xigtay 1991-2000, ay leeyihiin ama wax ku leeyihiin Jabhadii badnaa ee dalku gacanta u galay, haddana waxaa lagu dooddi karaa in boobkii talada askartu sal u yahay dhibaatada iyo in loo leexdo jiho qaldan.

Lasoco Qaybta 2-aad ee 2000-2017

Cabdi Faarax Siciid (Juxa)
Email: [email protected]

—————–
Juxa waa siyaasi horey u soo ahaa Wasiirkii Waxbarashada ee Puntland iyo Wasiirkii Arimaha Gudaha iyo Federaalka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.