Thursday, March 28, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Xaggee Wax ka Qalloocdeen? Qaybtii 2-aad- Tobankii Sano ee Dameeruhu Ilmahooda Diideen 1991-2000

W/Q Cabdi Faarax Juxa

Maqaalkani waa qeybtii labaad ee taxane kooban oo afar qaybood ah.

Tobankii sano ee 1991-2000 waxay aheyd xilligii ugu xanuunka iyo dhibta badnaa dagaalkii sokeeyaha iyo kala-haadkii. Waxay aheyd toban sano oo loo kala yaacay afarta jeho ee caalamka oo doonni, diyaarad iyo wadadii Habaar-waalid qofba tuu awooday cagta saaray. Waxay aheyd toban sano oo dagaal sokeeye, burbur iyo gabood-fal badan oo dhexdeenna ahi dhacay. Toban sano oo xoogga iyo xabaddu noqoday sharciga ayna soo shaac-baxeen adeegsiga gaadiidka Teknikada iyo qabqableyaal dagaal oo dunida caan ka noqday. Toban sano oo magaca iyo muuqaalka Soomaalidu ceeb iyo fashil huwanaa, kuna caan-baxay naanaysta “Dal fashilay”.

Faras magaalaha Muqdisho, oo ay ka muuqato burburkii uu dagaalkii sokeeye geystey

Waa xilliga aan deriskeenna Kenya, Itoobiya, Yeman iyo adduunka inaga fogba naxariistooda keli ah magan u noqonay. Waa xilliga Findland, Woqooyiga Yurub iyo Ameerika oo aynaan xiriir dhow horey ula lahayn albaabada gacaltooyada inoo fureen, laakiin Talyaanigu soo dhoweyn waayey wax ka badan gabdho guryaha uga shaqeeya oo iyana caban jirey. Xilliga walaalaheenna Carbeed ina fogeeyeen oo ina tarxiileen, oo dalka oo holcaya dad ku soo daad gureeyen, lagana waayey wax ka badan Timir Sadaqo ah oo ina kooxaysa.

1991-2000 waa xilliga Mugadishu (caasimaddii Soomaaliya) noqotay god bahalo-galeen ah oo aan cidna nabad iyo kalsooni ugu ledi karin, su’aal joogto ahna geliyey maqaamkeeda markii ugu horreysay. Waa xilliga dhamaan kaydkii taariikheed, dhaqan iyo hidde xadaaraddeed iyo astaan Dawladnimo oo dhan la gubay, la bililiqaystay ama la dhoofiyey oo aan noqonay “cawaan qaawan” oo aan xataa lahayn raad ay berri wax ka bilaabi karaan.

Waa xilliga ay inaga go’een dhamaan xargihii sarriigta, xeerinta, Soomaalinimada, Islaamnimada iyo Aadaminimada oo cawradeenna iyo dhinaceenna xun keli ah soo if-baxay. Waa maalinta odaygii la dhegeysan jirey, wadaadkii wacnaa iyo samo-jeclaha codkoodu xirmay, bulshada intoodii xumaydna safka hore soo gashay.

Dhinaca kale xilligaas dalku wuxuu galay marxalad kala duwan oo keentay saameyn kala gedisan. Mugadishu iyo badanaaba Bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya waxay noqotay bu’da colaadda sokeeye iyo degenaansho la’aanta. Waxaa si gaar ah loo xusi karaa dagaalkii 3-da bilood ahaa ee Mugadishu iyo khadkii cagaarraa ee magaalada iyo macaluushii Baydhabo ee argagaxa laheyd ee keentay hawlgalkii caanka ahaa ee “Operation Resatore Hope” ee Maraykanku hogaaminayey.

Dhinac kale Ururkii Dhaqdhaqaaqa Wadaniga Soomaaliyeed (SNM) ee halganka hubaysan kula jirey xukuumaddii askarta, waxay ku dhawaaqeen inay ka go’een Soomaaliya inteeda kale May 18, 1991; waxayna dhisteen maamul loogu wanqalay Somaliland, kuna salaysan Goboladii Woqooyi ee Ingriisku gumaysan jirey. Goonni-isu-taagga Somaliland waxay sal uga dhigeen tabashooyin ka dhashay gabood-falladii xukunkii askarta iyo midowgii hore ee labada gobol. Waxaa kale oo jirey ballan-ka-bax ay sameeyeen hogaamiyeyaashii Koonfurta oo iskood ugu dhawaaqay Dawladnimo aan shaqayn oo aan iyaga wax wadatashi ah lagala sameyn, oo Cali Mahdi madaxweyne isu magacaabay.

Goboladii Woqooyi Bari oo uu hogaaminayey Ururkii SSDF oo ahaa meel lagu soo qaxay ayaa waxaa ka dhashay maamul hoosaad loo bixiyey “Maamulkii Gobolada Woqooyi Bari” oo uu hogaaminayey Gen. Maxamed Abshir si ay arrimahooda hoose u maareeyaan. Ujeedada ugu weyn ee maamulkii Woqooyi Bari wuxuu ahaa in layska xakameeyo colaaddii Koonfurta iyo tii Ururkii AL-Itixaad oo gudaha ka dillaacay iyo in kala dambeyn iyo degenaansho loo helo goboladan. Xilligaas taariikhda gobolladan waxaa loo yaqaan 8-dii sano ee sugitaanka in Dawlad Soomaaliyeed dib u dhalato.

Waxaa mudaddaas iyana dhinac socday dadaal weyn oo adduunku ku doonayey in xal loogu helo arrimaha Soomaaliya, kaas oo dhamaan fashil ku dhamaaday ama aysan kasoo bixin wax loo dhan yahay.

Dadaallada fashilmay waxaa ka mid ahaa:

Shirkii Djibouti ee 1991 ee Cali Mahdi Madaxweynaha loogu magacaabay, ee markii dame dhaliyey dagaalkii 3-bilood-laha ahaa ee Muqdishu ee Caydiid iyo Cali Mahdi.

Waxaa fashilmay Hawlgalkii weynaa ee Maraykanku hogaaminayey ee “Operation Restore Hope” ee bishii Diisember 19192, oo lagaga hortegayey macaluushii Baydhabo iyo kii UN-ka ee ka dambeeyay ee ku dhamaaday film-kii caanka ahaa ee “Black Hawk Down” ee Maraykanku ku laabay file-ka Soomaalida waqtiga dheer.

Waxaa dhicisoobay shirkii Addis Ababa 1993 ee dhamaan hogaamiye-kooxeedyadii Soomaaliya ee xilligaas laysugu keenay. Waxaa iyana hungoobay shirkii SODARE, Itoobiya iyo kii Boosaaso loogu ballamay ee baaqday 1996-1997.

Ugu damayn waxaa burburay shirkii Qaahira, Egypt 1997 markii Cabdullaahi Yusuf iyo Gen. Gabyow ka caroodeen sidii wax u soceen. Fashilka shirka Qaahira ayaa markii dambe dedejey asaaska Puntland, soona afjaray 8-dii sano ee sugitaanka iyo in Koonfur wax laga sii sugo. Dhismaha Puntland ee 1998 oo ka koobnaa 5 Gobol iyo Degmo oo ay ku jiraan Gobolada Sool iyo Sanaag waxaa saldhig u ahaa in nidaam Federaal ah oo keli ah Soomaaliya looga mid noqdo, lana raadiyo sidii loo baadi-dooni lahaa Dawlad Soomaaliyeed oo nidaamkaas ku salaysan.

Aasaaska Puntland wuxuu Soomaaliya ka dhigay saddex qaybood oo kala xaalad iyo aragti ah.

1. Somaliland oo goonni-isu-taag ku dhisan, kuna saleysan gobolladii Woqooyi ee Ingriisku gumaysan jirey oo ay ku jiraan Sool iyo Sanaag.

2. Puntland oo u taagan inay nidaam federal ah Soomaaliya uga mid noqoto, kuna dhisan 5 Gobol iyo Degmo ay ku jiraan Sool iyo Sanaag iyo

3. Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya oo galay xaalad degenaansho la’aan ah, laakiin feker ahaan qaba inay markale dhalato Dawlad Dhexe oo xoog leh.

Asaaska Somaliland iyo Puntland maxaa sahlay? Waxaa la oran karaa labaduba waxay ahaayeen labo gobol oo tabasho wadaag ah oo muddo dheer xukunkii askarta halgan kula jirey, dadkooduna lahaa bisayl siyaasasadeed iyo mid dhaqan oo marjac loo noqdo. Laakiin dhinaca kale haddana asaaska Somaliland iyo Puntland waxaa ka dhashay caqabad hor leh oo labaduba waxay ku dhisan yihiin sharci ahaan iyo siyaasad ahaanba labo gobol oo isku mid ah (Sool iyo Sanaag), taas oo keentay khilaaf iyo isku dhacyo joogto ah.

1991-2000 wuxuu taariikhda ku bilowday kuna dhamaaday bog xanuun iyo xasuus badan oo wixii dhacay, sidii ay u dhaceen iyo cidda masuuliyadeeda qaadaysa muddo dheer ay ka dooddi doonaan taariikh yahanka iyo cilmi-baarayaashu. Waxay tobankaas sano ku dhamaatay in jabhadihii iyo hogaamiye-kooxeedyadii riday xukunkii askarta ay kuwii kale ee gadaal kasoo baxay labaduba ay ku fashilmeen inay talo ururto oo wax beddel noqon kara la keeno.

Waxay kaloo tobankaas sano adduunka ku noqotay tusaalle khatar ku ah Dawladnimada, oo ah in dal iyo dad jiri karaan muddo intaas leeg maamul iyo kala dambeyn la’aan. Taas oo ah arrin xiiso ku dhalin karta xeel-dheereyaasha cilmiga bulshada iyo siyaasadda.

Laakiin dhinaca wanaagga marka la eego 1991-2000 waxay muujisay adkaysiga, wax wada cunka iyo is-gacan qabashada Soomaalida dhexdooda ah, oo ay ugu soo gudbeen ayaamo aad u adag.

Xilligaas adag waxaa kaalin hormuudnimo qaatay dibad iyo gudaba gabdhaha Soomaalida oo buuxiyey kaalin kasta oo ay raggu ka gaabiyeen.

La soco qaybta 3-aad ee 2000-2017

Cabdi Faarax Siciid (Juxa)
Email: [email protected]

—————–
Juxa waa siyaasi horey u soo ahaa Wasiirkii Waxbarashada ee Puntland iyo Wasiirkii Arimaha Gudaha iyo Federaalka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

——
Qeybihii hore ee taxanaha

Xaggee Wax ka Qalloocdeen? Qeybtii 1-Waad


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.