Thursday, April 25, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Damaca Madaxweyne Farmaajo iyo Xaaladda Doorashada Soomaaliya

W.Q. Khaliil Cabdiraxmaan Xasan

Shirkii Carta

Tan iyo wixii ka dambeeyay shirkii Carta ee dalka Jabuuti oo hadda laga joogo mudd 20 sannadood ah, Soomaaliya waxaa soo maray dawlado awooddoodu haba iska liidatee ku guulaystay in ay qabtaan doorashooyin, xukunkana si nabadgelyo ah midiba midda kale ugu wareejiso.

Waxay ahayd tallaabo yididiilo leh oo aan laga filan karin waddan ibtilo ku habsatay sida Soomaaliya oo kale . Waxay ahayd ifafaale muujinaya mustaqbal ifaya iyo kasookabashada burburkii iyo dagaalladii sokeeye ee lagu halaagmay.

Nasiibdarro xaaladda doorashada ee dhawaan la filayo in ay ka dhacdo Soomaaliya waa mid aad uga geddisan sida aan kor ku xusnay ayna hadheeyeen mugdi iyo shaki badan oo sababi kara in dib loogu noqdo dhabbihii hore loo eedday.

Sidaadarteed la yaab ma leh in aan 30 sanno ka dib aragno waxgarad Soomaaliyeed oo ka walaacsan xaaladda dalka soona saaray baaqyo iyo talooyin ay u jeedinayaan madaxweyne Farmaajo iyo mucaaradkiisa, si loo badbaadiyo qaranka Soomaaliyeed.

Madaxweyne farmaajo

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo markii xukunka loo doortay waxay guud ahaanba shacabka Soomaaliyeed ku soo dhaweeyeen si niyadsami iyo raynrayn ka muuqato, oo aan hore loo arag.

Hal-kudheggii Cabdullaahi Maxamed Cusmaan oo joogay Jawhar dareenka farxaddeed ka yeedhsiiyay  “Aar Farmaajo ii geeya, waxay noqdeen ereyo Soomaalidu meel kasta oo ay joogaan ku hadaaqaan.

Waxaan shaki ku jirin in madaxweyne Farmaajo heley fursad iyo kalsooni shacab oo aanay helin madaxdii isaga ka horreysay, wax badanna uu kaga beddeli karayay duruufaha qallafsan ee ka jira dalka. Fursad uu isugu soo dhawayn karay shacabka Soomaaliyeed ee qabyaaladda, faqriga iyo nacaybku kala firdhiyeen.

Haddaba wax badan may qaadan in shacabku ku baraarugo in madaxweyne Farmaajo yahay qof aan lahayn karti hoggaamineed iyo garasho fog oo uu kaga faa’idaysan karo fursadaha iyo kalsoonida ay ummadda Soomaaliyeed u muujiyeen, islamarkaana furdaamin kara dhibaatooyinka kala geddisan ee horyaalla.

Soo dhawayntii shacabku waxay dhaxalsiisay madaxweyne Farmaajo ismahadin iyo islaweyni iyadoo aanay jirin wax badan oo faraha ugu jira, awooddiisuna aanay dhaafsiisnayn xaafado ka mid ah magaalada Muqdisho.

Waxa uu noqday shakhsi taladu seegtay, maalinba maalinta ka dambeysana ay karaamadu ka sii duullayso. Waxuu illoobay ballanqaadyadii tirada badnaa ee uu Baarlamaanka ka hor sheegay, waxaanu u tafoxaytay sidii uu awoodda oo dhan gacantiisa ugu soo urrurin lahaa, si hay’adaha kale ee dastuuriga ee la xisaabtami lahaana u noqdaan magacuyaal iyo shimbirayahow heesa, uguna suurtogasho hankiisa ah sidii uu mar kale kursiga ugu soo laaban lahaa.

Waxaa dib loo xasuustay xukunkii kelitaliska ahaa ee Kacaanka ee muddada dheer dalka ka talinayay.

Shaki kuma jiro in madaxweyne Farmaajo uu ku guuldarraystay xilka uu shacabka u hayay 4-tii sano ee aan soo dhaafnay xaaladda nololeed iyo ta nabadgelyo ee aanay wax badan iska beddelin. Madaxweyne farmaajo waxa uu muddadaas awooddiisa iyo wakhtigiisa oo dhan isugu geeyay sidii uu uga takhalusi lahaa nidaamka Federaalka, awoodda oo dhanna loogu soo ururin lahaa Villa Soomaaliya.

Dagaalkii lagula jiray argagixisada Alshabaab wuxuu u leexiyay dagaal ka dhan ah maamul goboleedyada, taasi oo dibudhac weyn ku keentay wadashaqayntii iyo wadajirkii maamulka heerarkiisa kala geddisan.

Qalbidhaqax iyo farmaajo

Farmaajo oo kaadhka waddaniyadda iyo dibusoocelinta sharafta qaranka Soomaaliyeed ku soo galay siyaasadda, waxa uu noqday madaxweynihii ugu horreeyay ee muwaadin Soomaaliyeed u gacan geliya cadawga Itoobiya, islamarkaana ka qaybgala munaasibad lagu maamuusayo, laguna weynaynayo boqorkii imbaraadooriyadda Xabashida ee Xayle Salaase oo Taallo looga dhisay xarunta Midawga Afrika iyadoo aan ognahay in uu ahaa Aabbaha gumaysigii iyo dibindaabyadii lagu hayay shacabka Soomaaliyeed ee ku hoos jira mamulka Itoobiya, damac weynna ka hayay dhulka Soomaaliyeed intiisa kale.

Waxaa tuhun iyo shaki weyn laga qabaa heshiisyada qarsoodiga ah ee Farmaajo la galay dhiggiisa Itoobiya,  sida adeegsiga afar (4) dekaddood oo Soomaaliya ku yaal oo laga maqlay uun dhanka RW Itoobiya Abiy Axmed, iyadoon ilaa hadda Farmaajo u sheegin Baarlamaanka iyo shacabka Soomaaliyeed waxa ay yihiin heshiisyadaasi.

Abiy iyo Farmaajo

Waxa ay sidoo kale shacabka Soomaaliyeed aad uga argagaxeen hadalladii ka soo yeedhay RW Abiy Axmed ee Midawga iyo Isdhexgalka
(Horn integration) labada shacab ee Itoobiya iyo Soomaaliya iyo guud ahaanba Geeska Afrika.

Afartii sano ee aan soo dhaafnay waxaa shacabka lagu wareeriyay faan, been iyo barobagaandhe lagu sheegayo waxqabad aan jirin iyo eedayn xukuumadihii tiisa ka horreeyay iyo cid walba oo ka biyo diidda qaabku maamulka Farmaajo wax u wado, isagoo wixii dadaal, dibuheshiisiin iyo dibudhis qaranimo ee isaga ka horreeyay ka dhigay waxba kama jiraan. Wax walba oo ay sameeyaan waxay ku sheegeen waa markii ugu horreysay….

Inkastoo Farmaajo iyo adeegayaashiisa ay halkudheg ka dhigteen Nabad Iyo Nolol haseyeeshee 4 sano ka dib shacabku nabad iyo nalol midna ma hayaan.

Waxaa colaad lakala dhex dhigay islamarkaana sii kala fogaaday shacab badan oo hore si nabadgelyo ah u wada noolaa, iyadoo maanta ay meelo badan dhawaaqa xabaddu ka yeedhayso. Waxaa malaayiin doolar lagu bixyay abaabul colaadeed iyo ciidaan siiba gobolka Gedo iyadoo shacabka deegaankaasi aanay haysan daryeel caafimaad, biyo nadiifa, waxbarosho iyo waxyaabo kale oo nolosha asaasiga ah lagamamaarmaan u ah.

Waxaa kordhay awoodda iyo weerarada ay ururka aragagisada Al shabaab ku hayso goobbo badan oo dalka ah, caasimadda Muqdishana ka mid atahay.

Sidoo kale waxa gaajo iyo harraad ugu dhintay xeryaha barakacayaasha ee ku yaal isla caasimadda Mudisho carruur iyo waayeel.

Iyadoo haddaba muddoxileedkii madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu gabogabo yahay ayaa waxa uu hadda ku hawlanyahay tallaabooyinkii ugu dambeeyay ee dhabbaha u xaadhi lahaa in mar kale gar iyo gardarraba dib loogu soo doorto xilka madaxweynenimo.

Fahad Yaasiin

Haddaba rejada keliya ee uu maanta leeyahay madaxweyne Farmaajo si uu uga dhabeeyo damaciisa dibugusoonoqoshada xukunka, waxaan odhan karnaa waa hantida faraha badan ee mulkiilaha dawladdu Fahad Yaasin ka soo qaado Qadar si loogu gato cododka xildhibaannada. Waxaa iyana sidoo kale fursad fiican siinaysa madaxweyne Farmaajo taya xumada musharrixiinta la tarmaysa ee mucaaradka ku ah.

Waa musharrixiin tira badan ayna horboodayaan shaksiyaad aan indhaha shacabka ku cusbayn oo hore u soo qabtay xilka madaxweynenimo. Waa shakhsiyaad ay taariikhdooda ku suntantahay baro madaw oo aan cidna ka qarsoonayn.

Khayre

Shakhsiyaadkan oo uu ka mid yahay adeegihii Farmaajo u qaabilsanaa dhanka faanka, beenta iyo barabagaandhada, ra’iisal wasaarihii 7 daqiiqo xilka lagaga qaaday Xasan Cali Khayre, madaxweyneyaal iyo rag kale oo xilal hore u soo qabtay ayaa dhammaantood ah kuwo marwalba oo ay saxaafadda hor yimaadaan ay horyaalaan su’aalo ay adagtahay in ay jawaab u helaan.

Waa nasiibdorro iyadoo aan ognahay dhibaatooyinka faraha badnaa ee dalku soomaray in maanta rag raba in ay u tartamaan xil qaran ku hadaaqaan erayo xanaf leh oo bulshada Soomaaliyeed sii kala fogeynaya dibna ugu celinaya xilliyadii madoobaa oo qaarkood u arkaan guullo ay lumiyeen oo ay lagamamaarmaan tahay in ay mar kale dib u hantaan.

Iyadoo aynaan haddaba saadaalin karin musharrixiinta kale ee tirada badan ee siyaasadda ku cusub waxa ay ka beddeli karaan xaaladda doorashada ayaa waxa ay umuuqataa in madaxweyne Farmaajo xilligan haysto awood iyo fursad si uu mar kale xukunka dib ugu soo noqdo gar iyo gardarraba.

Waa xaalad halis ah oo Soomaaliya mustaqbalka raad iyo cidhib xumo weyn dhaxalsiin karta.

Ugu dambeystii waxaa jirta odhaah calami ah oo tidhaahda, “ma haysano fursado aan xad lahayn si aan u helno wixii aan rabno. Mana jirto wax ka xun in aad lumiso fursad aad ku baddeli lahayd noloshaada.”  Nasiibdarro Farmaajo waxa uu lumiyay fursad uu ku beddeli kari lahaa nolosha ummadda Soomaaliyeed oo dhan.

W.Q. Khaliil Cabdiraxmaan Xasan
Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.