Friday, April 19, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Manifesto II: Xaaladda Dalka

Warsaxafaddeed: Baaqii 4 raad

Soomaaliya waxa ay maraysaa xilli kala-guur iyo marxalad khatar ah oo ay ku gadaaman yihiin mugdiyo badan. Mustaqbalka dalku wuxuu u muuqdaa mid fawdo iyo dagaallo sookeeye dib ugu sii siqaya. Waxaa welwel innaga hayaa mudaharaadyada shacabka reer Muqdishu iyo mucaaradka oo dhinac ah iyo DFS oo ciidamo fara badan ku soo daadisay magaalada si loo joojiyo mudaharaadyadda.

Mudaharaadyaddii ka dhacay Muqdishu bishaan 15-keedi iyo 16-keedi waxay sababeen in la isu isticmaalo rasaas nool, taas oo keentay dhimasho iyo dhaawac. Ma muuqato wax waanwaan ah iyo wada hadal ah oo ka dhex socota dawlad gobolleedyada, mucaaradka iyo dawlada dhexe.

Waxaan wada sugeyney in xulistii xildhibaannada DFS la bilaabo sida ku xusnayd heeshiiskii habraaca doorashada ee 17-kii Sebtember la saxiixay, laakiin waxaa ku yimid dib u dhac kadib markii la isku khilaafay guddiyadii doorashada iyo xallinta khilaafaadka. Khilaafkaas wuxuu keenay in dhamaan geedi-socodkii doorashada uu istaago. 

Sida ku xusan qodobbada dastuurka KMG ee 60-aad iyo 91-aad muddo xileedka madaxweynaha iyo baarlamaanka waa 4 sano. Qaabka hadda wax u socdaan waxaa ka muuqata in firaaq siyaasadeed (political vacuum) la gelayo, taas oo khatarteeda leh.

Dawladda iyo daneeyayaasha Soomaaliya waa in ay fahmaan muhiimada ay leedahay qabashada doorasho ku timaada wada oggol oo ay hirgelinayaan guddiyo dhexdexaad ah, lagu wada kalsoonaan karo lana aamini karo. Guddiyadaasi waa in ay ka madax-banaanaadaan fargelin dawladeed iyo in ay ku dhexmilmaan shaqaalaha rayidka ah (civil servants), ciidammada, xeer ilaaliyaasha iyo diblomaasiyiinta sida ku xusan xeerarka dalka.

Waxa aan welwel iyo cabsi ka qabnaa hadaynu nahay Manifesto II, hadallada hanjabadda ah oo mucaaradka iyo dawlada federaalka saxaafada isu marinayaan, khaasatan baaqyada ka imaanya mas’uuliyiinta qaar oo la baneysanayo dhiiga mucaaradka ku shirsan Hotel Jasiira, ayada oo aayado quraana la adeegsanayo. 

Waxa kale oo aan ka welwelsannahay in rabshadahaasi ay ka fa’ideysanayaan kooxda Al-shabaab, khatar weynna ku tahay amniga guud ee magalada Muqdishu.

Waxaa lagama maarmaan ah in marxalada laga gudbo ayada oo saamileyda siyaasada  cid walba doorka kaga aadan qaadaneyso.

Doorka DFS iyo dawlad-Gobolleedyada:

Waxaa lagama maarmaan ah in ay mas’uuliyinta DFS iyo D/Goboleedyadu is hor faristaan, oo si tanaasul, mas’uuliyad iyo dan qaran ay ka muuqato u mujiyaan (political maturity) qabashada doorasho wada ogol ah sida ugu dhaqsiyaha. Taas oo lamid ah kuwii dhacay 2012-kii iyo 2017-kii.Waa in ay ka fogaadan wixii keeni kara amni-daro iyo gacan-ka-hadal. 

Doorka Beesha caalamka (international Community);

Waxa aan dareensanahay, dhanka beesha caalamka khaasatan xaafiiska Qarammada Midoobay ee Soomaaliya (SRSG) in uu ka gaabiyey in xaqiiqda iyo runta dalka taalla uu ka turjumo, kana falceliyo sidii doorasho xor iyo xalaal ah dalka uga dhacdo. Hadaba, UNSOM waxaan u aragnaa intii ay kaalinteeda ka qaadan lahayd geeddisocodka siyaasadda iyo amniga Soomaaliyeed in ay indhaha ka fiirsaneyso. SRSG, Amisom iyo saaxiibada Soomaaliya waa in ay door ka qaatan sidii loo xalin laha is-hor-fadhiga siyaasaddeed ee dalka ka taagan, haddii kale wixii horumar la sameeyey sannadihii la soo dhaafay wax kama jiraan ayey noqonayaan taas oo Al-shabab fa’ido u ah.

Mucaaradka:

Mucaaradka waxaa looga fadhiyaa in aysan marxalada jirta uga sii darin, balse ay qaboojiyaan, lana abuuro jawi lagu wada hadli karo. Waxa kale oo muhiim ah in ay la shaqeeyaan D/Goboleedyada si wada xaajoodka ay qayb uga noqdaan.

Doorka Manifesto II iyo Ururada bulshada;

Manifesto II iyo ururada bulshada waxa looga bahanyahay in ay door dhexdhexaad ah qaatan, in wada hadal loo furo, si looga gudbo caqabadaha siyaasaddeed ee is hor-yuurarka ah. 

Manifesto II oo ay ku mideysanyihiin siyaasiyiin iyo aqoonyahan Soomaaliyeed ee gudo iyo dibedba jooga, waxaa u muuqata khatarta ay leedahay marxalada dalku ku jiro oo keeni karta dagaal qabiileed oo lagu hoobto, halkaasna ay ku baaba’do rajadii dawladnimo.

Afhayeenka Manifesto II :
Axmed Warsame Abtidoon
Tel: +44 7950 519801
Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.