Friday, April 19, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

DABEYLAHA GEESKA AFRIKA IYO DURUUFAHA SOOMAALIDA

W/Q: Cabdixakiim Diiriye

Geeska Afrika

Gobolka Geeska Afrika, oo lugu tilmaamo mid ka mid ah, meelaha ugu xasaasisan adduunka (Wuxuu la jaal yahay gobollada Bariga Dhexe iyo Balkaaniska) Inta ugu badan xasaradaha Gobolkani, waxay u dhexeeyeen Soomaalida iyo Xabashida, hardankaas oo soo jirey shantii qarni ee la soo dhaafay, oo marba meel soo joogey, maalin walbana qaadanayey magac iyo midab gooniya, kala adkaantuna ay ku xirneyd hadba duruufaha lala noolaa iyo sida loo kala tabar roonaa.

Colaaddan ayaa salka ku haysey Soomaalida oo dhulkeeda ka ilaashaneysey isballaarinta Xabashida iyo hoggaamiyayaashii Itoobiya, oo Soomaalida u arkayey xoolo dhaqato marba meel u naq raacda, hase yeeshee ka tirsan dalweynaha Itoobiya, taas oo la macne ah in damaca Itoobiyaanku uu weligiis ahaa, gaaritaanka Badda Cas iyo Badweynta Hindiya. Si gebi ahaanba dhulka Soomaaliyeed loo hoos geeyo Itoobiyada weyn ee ay raadinayeen!

Markasta oo ay dagaallo waaweyni dhexmaraan labada dhinac, Itoobiyaanku waxay taageero walaalnimo ka heli jireen waddamo shisheeye, halka Soomaalidu ay tol la’aan la jabi jirtey, (Dagaalladii Axmed Gurey iyo Dagaalkii 1977/8, labaduba waa tusaale) Oo ay u soo kala hiilliyeen, Burtuqiis xilligii Axmed Gurey, Ruush iyo Kuuba dagaalkii 1977/8. 

 Waana sababta Soomaalida dagaalladaas oo dhan ay guul darradu uga soo raacday, iyagoo markii hore ku gacan sarreeyey goobaha dagaalka. Iyo Soomaalida oo garab iyo gaashaan la’aan galeysey dagaal goboleed xasaasi ah, iyadoo uusan jirin saaxiib ay ku tiirsan yihiin ama ku tashanayaan taageeradiisa. Waxaa tusaale nool ah, in uu Maxamed Siyaad Barre xiriirkii u jaray saaxiibkiisii koowaaad (Midowgii Soofiyeti) Isla maalintii uu dagaalka qaadayey, waxaa se la yaab lahayd, in uusan jirin saaxiib kale oo uu ku baddeshey xariggii Moosko ee uu gooyey. Waxay u muuqataa, in uu doonayey dagaal ay Soomaaliya ku soo jabto, dankastaba isagu haka lahaado e, waana sida ay arrintu u dhacday!

Intii Soomaaliya ay burburtay waxay noqotay meel aduunyada oo dhammi ay ka adeegato, ayna ugu darneyd Itoobiya oo ka dhigatay beer ay ku luga baxsato. Soddon sano ciidankeedu kama bixin xudduudda Soomaaliya, faragelinteeduna waxay gaartey gobolwalba iyo siyaasi kasta oo soo fuulay saaxada siyaasadda, ilaa la soo gaarey heerkan cusub ee isdhexgalka loo bixiyey.

ISDHEXGALKA DALALKA GOBOLKA:

Abiy, Farmaajo iyo Afwerki

Mashruucaan oo aysan weli caddayn ujeeddooyinkiisa dhabta ahi, ayey dadka u dhuun daloolaa aaminsan yihiin, in uu yahay aragti Mareykanku hindisey, si uu u xakameeyo is fidinta Shiinaha ee xawaaraha ku socota, oo tobankii sano ee u dambeysey walwal badan ku haysey Mareykanka, loogana faa’iideystey kacdoonkii Oromada, Abiy Axmed-na laga dhigay darawalka isbaddelka Itoobiya.

Waxaa si gaar ah Mareykanku uga walaacsan yahay, barnaamijka loo yaqaanno, “Hal suun iyo hal jid” oo uu Shiinuhu  si fudud isugu fidinayo adduunyada inteeda kale. Shiinaha oo Afrika oo dhan saameyn weyn ku yeeshey gaar ahaan dhanka dhaqaalaha, ayaa Geeska Afrika kasoo galay dalka Jabuuti oo uu ka sameystey saldhigga millateri ee keliya ee uu Shiinuhu ku leeyahay meel ka baxsan dalkiisa, iyadoo Jabuuti ay noqotay meesha keliya ee dunida ciidamada Mareykanka iyo kuwa Shiinuhu ay isu muuqdaan. 

 Waxaa hirgelinta mashruucaan qeyb ka ah in la dhammeeyo colaadihii dhexyaalley waddamada gobolka sida (Eriteriya-Itoobiya. Jabuuti-Eriteriya. Soomaaliya-Itoobiya) iyo sidoo kale khilaafaadka Siyaasadeed, sida Itoobiya iyo jabhadihii dagaalka kula jirey, Somaliland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya. Waxaa la aaminsan yahay in Soomaalidu -qeybaheeda kala duwan- (Soomaaliya, Jabuuti, Deegaanka Soomaalida) ay lafdhabar u tahay socodsiinta mashruucaan. Waana sababta uu Mareykanku iminka si gaar ah ugu daneynayo wadahadallada Hargeysa iyo Muqdisho, isagoo xilliyadii hore arrimahaan iska fogeyn jirey oo dowlado kale isaga riixi jjirey in ay garwadeen ka noqdaan.

ISBADDELKA ABIY AXMED:

Abiy Axmed

Dabeysha isbadel ee ka dhacday Itoobiya waxay abuurtay muuqaal ka duwan kii horey looga bartay, dardarta siyaasadeed ee uu la yimid Raysul wasaare Abiy Axmed ee ah, in Geeska la isku furo dhanwalba, siyaasad, dhaqaale, bulsho, amni iwm. Dad badan ayaa ku diirsaday, oo quud darreynayey in ay xal u noqon karto kala qoqobnaanta Gobolka ku raagtey ee asaagiis ka reebtay!

Itoobiya oo ah dalka ugu weyn uguna dadka badan Gobolka, lafdhabarna u ahaa xasaradihiisa, gaar ahaan Soomaaliya iyo Eriteeriya, oo labadaba colaado hore iyo muran dhuleed kala dhexeeyey, ayuu Abiy u muujiyey in uu yahay hoggaamiyihii xaaqi lahaa qodxihii ay horey u dhigeen madaxdii dalkiisa soo martay ee muuqaalkaan u yeeshey Gobolka!

Si lama filaan ah – Oo aan wax hordhac ah lahayn – Ayuu ula heshiiyey Ereteriya oo colaad lugu hoobtay ay labaatan sano ka hor dhexmartay, dhulkii la isku hayeyna uga tanaasulay, isagoo durba xuduuddihii isu furay –Xitaa ka hor inta aan labada dal safaaradaba is dhaafsan– Asbuucyo gudohood ayey labadii waddan ee tobonnaanka sano colka ahaa, ku gaareen iskaashi –Lugu sheegey– Mid buuxa oo dhanwalba ah! 

 Si uu iskaashiga saddex geesood looga dhigo, waxaa lugu  soo daray Soomaaliya, iyadoo dhowr jeer la daawaday muuqaallada saddexda hoggaamiye (Abiy, Afewerki iyo Farmaajo) oo u ekaa kuwo is caashaqsan, oo isaga daba noqonayey dalalka Ereteriya iyo Itoobiya, sidoo kale labada hoggaamiye (Abiy iyo Afewerki) ayaaa si gooni gooni ah, u kala yimid Muqdisho xilliyo kala duwan!

Abiy iyo Farmaajo

Shirarkii saddex geesoodka ahaa iyo kuwii Muqdisho ee labo geesoodka ahaaba, Raysul wasaare Abiy Axmed, wuxuu caadeystey in markasta oo uu la kulmo Madaxweyne Farmaajo, dabadeed uu bixiyo hadallo dareen badan abuura, arrima xasaasi ahna taabta. Sida in uu doonayo in dalalka Gobolka la mideeyo, gaar ahaan Itoobiya iyo Soomaaliya laga dhigo hal dal oo waxwalba iskudarsada!

 Waxaa shakigaas sii xoojiyey is afgaradkii Xamar lugu gaarey ee khuseeyey afar dekedood oo ay Soomaaliya leedahay, oo ay wadaagi doonaan labada dal, iyadoo taas ay dhinac socdeen hadallo soo noqnoqday oo Dr. Abiy, tiro ka dhowr jeer uu carrabbaabay in bad la’aanta Itoobiya iyo badda dheer ee Soomaaliya ee aysan dadkeedu ka faa’iideysan, aysan ahayn wax la aqbali karo. Waxaana arrinta cirka kusii shareerey ku dhawaaqistii dhisme ciidan badeed oo ay Itoobiya yeelato, iyadoo la isweydiinayo, halka ay ku taallo badda ay ciidankaasi ilaalin doonaan, ma waxay noqon doontaa badda Soomaaliya, tan Jabuuti mise tan Ereteriya, mise dhammaantoodba?, waxaa se hubaal ah in aysan jirin bad ay Itoobiya leedahay oo ilaalo ciidan u baahan!

MADAXDA SOOMAALIYA      

 Intaas ay madaxda Itoobiya siideynayeen hadalladaas iyo ficilladaas damaca iyo dhul durugsigu ka muuqdo ee isdaba joogga ahaa, oo mararka qaar gaartey heer bogagga rasmiga ah ee Dowladda Itoobiya (Bogga Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo kan Raysal wasaaraha) lugu soo daabaco khariidadda Soomaaliya oo lakala jaray ama meeshaba laga saaray, taas oo aan marna noqon karin, arrin kama’ ah ama khalad farsamo ahaan u dhacay, ee ah ku talagal iyo tijaabo ujeeddooyin fog laga leeyahay!

Marna madaxda Soomaaliya wax kama oran, sidii in aysan arrintuba iyaga khuseyn, taas oo ilaa iyo maanta lala yaabban yahay lana fahmi la’yahay, waxa socda iyo halka ay salaaddu iska qaban la’dahay. Carada ay dad badani ka muujiyeen ereyada deelqaafka ah, ee uu Abiy Axmed hawada soo mariyo mid la mid ah ayey ka qaadeen ficil iyo hadalba la’aanta Hoggaanka Soomaaliya, oo la og yahay in xiriir saaxiibtinimo oo dhow uu kala dhexeeyo dhiggiisa Itoobiya, waana arrimo kun calaamad su’aal dul saaraya, nooca ay yihiin danaha huursan ee aan weli daboolka laga qaadin, ee is oggoleysiiyey Farmaajo iyo Abiy, hase yeeshee, midna horor dad iyo dal qaad ah ka dhigay, midna uu hadal keliya kari la’yahay!

 Arrinta sidaas u culus oo ay wataan waddamo waa weyn iyo kuwa gobolka ah oo dano kala duwan leh, halka diiraddu saaran tahay na dalkeennu ugu horreeyo, lagana yaabo in ay khariidaddiisa wax ka baddesho mustaqbalka, kuna soo aaddey Soomaalida oo la nool duruufa adag, kala qeybsan, qaran mideeya oo danahooda u qareemana haysan,ayey madaxda dalku u maareynayaan sidii qaddiyad hal qof quseysa oo uu qol gudihiis kula qeybsan karo qof kale oo qeyrkiis ah. Halkii ay noqon lahayd qorshe qaran oo lugu saleeyo danta guud ee dadka Soomaaliyeed.

 Madaxda gobolka oo duruufo isu eg ay midwalba gaarkiisa gudaha dalkiisa uga haystaan, oo isugu jira, kacdoon shacab, muran doorasho iyo khilaaf siyaasadeed ayaa si ay xiisadaha gudaha qaarkood dibadda ugu xawilaan, isku mashquulinaya meelmarinta isku milan maldahan, oo meel uu ku biyo shuban doono aysan cidina maanta maleyn kareyn. 

W/Q: Cabdixakiim Diiriye, Garoowe, Soomaaliya

Email: [email protected] 


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.