W.Q: Cabdicasiis Maxamed Shidane Faranjesko waa wadaaygey, marna waxaan nahay daris ood wadaag ah. Aroor kasta waan is ka soo hor baxnaa isaga iyo eygiisa Burukli, ee aadka u quruxda badan, daris wanaaggana yaqaan. Faranjesko waa hawlgab faashiista ah, oo wax waliba kala weynyihiin dadka, deegaanka iyo isirka maqaarka cad ee Talyaanigu ka soo jeeddo....
Baroorta Dhibbanaha Goormaa La Maqli Doonaa?
W.Q: Cabdullaahi Janno Aan ku hormaro dulmar guud oo quseeyo shan marxaladood oo cilmi-nafsi ahaan la yiri waxay wax u dhimaan caafimaadka dhimirka ama maskaxda. Waxay kala yihiin: geeri, furriin, faqri, guuritaan, iyo maan-dooriyaha. Mid ka mid ah shantan marxaladood ayaa keligiisa qofka ka lumin karo dheelli-tirka noloshiisa. Waxaana xaqiiqo ah in in badan oo...
Xiisadda Siyaasadeed iyo xasaasiyadaha ka dhashay Dhismaha Galmudug-ta Cusub
W/Q Bashir Maxemed Xuseen Hordhac Tan iyo markii uu bilowday shirka maamul u samaynta gobollada dhexe, gaar ahaan wixii ka dambeeyey dayrtii ama dhammaadkii 2013kii, waxaa soo shaac-baxayey khilaafyo cusub oo siyaasadeed oo hareereeyey qorshihii geedi-socodka maamul usamaynta Gobollada Dhexe. Khilaafyadaas qaar waxay u dhexeeyeen dhinacyadii kala duwanaa ee maamulka dhisanayey (ama loo dhisayey), qaarna...
Qabyaaladdiid: Gabay
W/T Abwaan Maxamed Hiirad Gabaygan Qabyaaladdiid waa gabay aan ku tix gelinayo abwaankii caanka ahaa Alle naxariisti jano ha siiyee abwaan Cabdullaahi Suldaan Tima Cadde, oo si kooban kelmado dhaxal gal noqday ka yidhi Soomaalida iyo qabyaaladda. Gabaygaa Tima Cadde waxaa ka mid ah meeriska “dugsi maleh qabyaaladdi, waxay dumiso mooyaane” Abwaanku gabaygaa wuxuu mariyey...
QAYLADHAAN: REER BA’OW YAA KU LEH!
HA LOO GURMADO GUMBURIGA SOOMAALIYEED W.Q. Siciid Jaamac Xuseen Dhibtu markay kaa badato, aanad waxba ka qaban karayn, waad u adkaysataa. Waad la qabsataa oo waad laasimtaa. Sidoo kale cayda iyo ceebtuna waa la mid. Kuma damaqdo markaad ogtahay inaad adigu sababta wax ku leedahay. Si Kastoo qofka Soomaaliyeed lagu dhega-hadlo maanta, ma filayo inuu...
Iqra (Maanso)
W.T. Maxamed Haaruun Ibraahim Maansaddan ‘Iqra’, waxay soo baxday 15-03-2015. Waxa ay si qotodheer uga hadlaysaa dhibaatooyinka dhinac kasta leh ee ragaadiyay ummaddeenan Soomaaliyeed sida qaraabo-kiilka, qaadka, tahriibka iyo aqoonla,aanta oo intaasba u aabbe ah. Waxay sidoo kale iftiiminaysaa horumarka ballaadhan ee uu horseedo qalinku, iyadoo gaba-gabadana hogatusaalanaysa da’yarta wadadda lagaga bixi karo masiibiyaankaas qaran....
Hammiga Soomaalida Maxaa Ka Sirgaxan?
W.Q. Cali Maxamed Cabdigiir (Caliganay) Goorma ayay dhallinta Soomaaliyeed toosi doontaa, ayna kala garan doontaa siyaasadda gobolaysiga iyo Soomaalinimada guud? Inta aan warcelinta weyddiinta lagu rafan, bal aan milicsanno falalkii ay mucjisada ku noqdeen saddexda qof ee hoos ku xusan. Haddii la eego mareegaha kayd-aqooneedka sida (Wikipedia.ca/com/UK,….), waxa aad la amakaagaysaa ardaygii Shiinaha ahaa ee...
Tabaalo! Sheeko
W/Q. Khadar Iimaan Cige Jeclaw ama necbaw wataa aayadaa bannaanka wadhan, obocdeediina quban tahay madbakhii yaraa oo qiiq iyo dambas noqday. Madaxa dhoqoshka ah ee aad mooddo ceel goof ah iyo indhaha laalmay ee aad is odhanayso sammada ta ugu sarraysa ayay malaa’iig u raadsadeen, si cirka jeex loo soo dumiyo oo aan cidba innooga...
AWOODDII DAHSOONEYD
WQ Cabdicasiis Shidane Duhur kasta waxaan tagi jiray masaajidka ugu weyn xaafadda magaaladii aan deggenaa ee Muqdisho, si aan ugu nagaado, maxaa yeelay qado aan cuno ma haysan, waxaan ahaa arday barta cilmiga la xariira diinta Islaamka, kana soo tagay gayigiisii iyo qoyskii uu ku soo dhex barbaaray. Labbiskaygu wuxuu u muuqday mid dhammaad ah....
Xus Qaran
W/Q: Cabdullaahi Janno Daafaha dunida, magaalo walba, degmo walba, xaafad walba …waa dabaal-deg iyo damaashaad. Waa u farxad iyo reynreyn Soomaalida. Waa calamo lulanaya iyo ciid qaran. Waxaa goobta cammiray dhallinyaro jidbeysan oo xiran funaanado uu ku sawirnaa calankii buluugga ee xiddigta cad dhexda ku lahaa. Kuwo kalena calanka qudhiisa ayayba huwanaayeen. Waxaa socday qudbooyin...


