W.Q. Cabdulqaadir Cabdi Diiriye Waxaa Soomaaliya ku soo badanaya jaamacado ay furayaan dad iskood isu maamula ilaa iyo haddana ma jirto, intaan ogahay, hay’ad bixisa oggolaashaha furitaanka jaamacadaha. Ma loo baahan yahay hay’ad noocaas ah? Ardaydase ka qalin jebisa jaamacadahaas dhib ma ku noqonaysaa mustaqbalkooda nooca waxbarasho ee ay soo qaateen? Qoraalkani wuxuu eegayaa tayo-gelinta...
AF SOOMAALIGA IYO TEKNOLOOJIYADA
W.Q. Cabdalla Xaaji Cusmaan Sannadkii 1972kii, markii la hirgeliyey qoraalka Af Soomaaliga, waxa suura galay in la diiwaan geliyo suugaanta iyo dhaqanka hodanka ah ee aynnu ku faanno, hawshaa oo ay iska xil saareen aqoonyahanno badan. Dhinaca kale, dawladdii Kacaanka ee dalka ka talinaysay, waxay meel marisay ereybixin badan oo loo aayey, hasayeeshee waxa laga...
Xilka Qaadista Raysal Wasaaraha Soomaaliya: Fursad Cusub Mise Fashil labaad
W.Q. Biixi Cismaan Diriye Khilaafka madaxda dawladda Soomaaliya ee hadda, ayaa dad badan oo Soomaali ah iyo dadka iyo dawladaha daneeya arrimaha Soomaalida ba war-war geliyay. isqab-qabsiga madaxda sare ee Soomaaliya ayaa ahaa mid caado u noqday dawladihii Soomaaliya soomaray muddadii KMG lagu jiray, dhaawac waynna u geystay dawladnimada iyo kalsoonidii ummadda Soomaaliyeed ku qabtay...
Gartay (Maanso)
W.T. Faarax Cali Gammuute ‘Show madax dadoo kuu muuqda iyo Mindi saawiraa marar badan ku hoda’; ayaan xusuusta ku keenay.Tuducuna, haddaan sii candhabo, maanso aanan markan meel ku ogayn ayuu ka tirsanaa. Haabkaba, ku maan hayn. Markase wax laguu sheegaad, wax garataa, oo afka iyo uurkaa is oge, nin ayay arrini si ugu dhuumatay. Fartaa loogu...
Jigjiga: Taalada Sayid Maxamed Cabdille Xasan waa Qalbi Karbaash
W.Q. Bashiir Yuusuf – Hadaan waayey Calan la ii nashiro tan iyo Nairobi, – Miyaan waayey Nuurkii Alliyo Nabigga Jaahiisa: Sayid Maxamed Hammiga Sayid Maxamed Cabdille Xasan habeena kuma soo aroorin, in goob ka mid ah dhulkii uu ku taami jiray sidii uu calan guudka ugu saari lahaa kula masoobi doono Menelik II-Sahle Maryam- Boqorkii...
Eeddo ninka inanta iga guursaday waa noocaas maaska ah!
Dadku waxay kala leeyihiin midabbo, muuqaallo, mabaadi’ iyo mawaaqif lagu kala sooco. Nin walbana waxaa la gartaa waxa uu xambaarsan yahay ee ah diin, dhaqan, afkaar iwm, halkaas ayaana loogu soo hagaagaa. Iyadoo ay sidaas tahay ayaa haddana waxaa jira dad aan lahayn midab iyo dhadhan loogu soo hagaago midna ee maalin walba xidha shaatiga...
Taxanaha Aadan Makina: Geeridii Moogaay Kalarogan (Sheeko Gaaban)
W/Q Aadan Makiina “War hooy, guriga ha isku immaan, maanta laga bilaabo aniga iyo adiga waxaan kala nahay sabareed (separate)”, ayey Moogaay ku tidhi ninkeeda Mooge oo markaasi ay ku wadahadlayeen teleefon. “Oo maxaa dhacay”?, ayuu weydiiyay asagoo caro ay wejigiisa ka muuqato. “Waxay maanta iisoo ogolaatay qoladii caydhu $800 oo ‘food stamp’ ah iyo...
AAN YARA DALXIISNO
W.Q. Siciid Jaamac Xuseen Safar.. safar.. safar.. safar.. Qofka noloshiisu waa safar aan kala go’ lahayn. Safar malyuun weji leh, ayaa bani’aadmigu maalin walba galaa, oo kala kaan ah, kala maan ah, kala midab ah, kala dhadhan ah, kala waayo ah, kala door roon oo dareemmo kala duwan qofka ku beera. Safarro aan isku socdaal...
Gadood (Sheeko Gaaban)
W.Q. Cabdullaahi Janno Odaygii inta haahaabtay kafantiisa, ayuu dhankii xaaskiisa u soo tukubay. Waa indhoole. “Us adi catarkii ma i siisidoo?” ayuu yiri Odaygii. “Anoon carfeynin inaan dhinto ma jecli.” “Xaaji Muuddeey dhimasho maxaa ugu rooree?” ayay tiri ay Batuulo, “dhimasho iyadaaba ku ceyrsaheesee.” “Us ani dhimasho ma ku rooraayi,” ayuu yiri Xaaji Muuddeey, “ee...
DALMAR: Taariikh Nololeedkii Ibraahin Ismaaciil Uurcad (Q. 4aad)
CUTUBKA 4aad Dhallinyaranimadii iyo Caraabiya (1914 – 1918) Markii aan Mukalla imid, ayaan neefkaygii ku iibiyay laba qarshi. Rubiyad waxaan isaga baxshay nooligii, midna waxaan ku biirshay qaaraan la isaga ururinayay neef intii la soo socday doonta ku bakhtiyay. Rubiyad kale waxaan kala baxay maro xardhan, laba yaardi ah oo aan hooyaday u sii dhiibay....