Saturday, April 20, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

BALLAN DARRO WAA DIIN DARRO

W.Q. Cabdi Maxamuud (Aw Cabdi)

Ilaalinta ballantu waa lagama maarmaan. Waa arrin la isku raacsanyahay oo la wada ogolyahay goob kasta iyo dhaqan walba oo adduunka ka jira. Si dadku ugu wada shaqeeyaan si hagaagsan oo meelmar ah, waxaa lamahuraan ah in la ilaaliyo balanta. Ballanta la ilaaliyaa waxay keentaa in dadku isaaminaan, isku tiirsanaadaan oo ay kalsooni badan isku qabaan. Ilaalinta ballantu waxay kale oo ay kor u qaaddaa niyad samaanta, waxayna dhiirigelisaa isku tiirsanaanta iyo firfircoonida, Faa’iidooyinka iyo waxtarka  ballanta la oofiyaa waa wax aad u ballaaran, mudanna in la aqoonsado oo tixgalin weyn la siiyo. Oofinta iyo ilaalinta ballanta si weyn ayaa loogu xusay diinta Islaamka. Aayaad iyo axaadiis badan ayaa ku soo arooray arrintaa. Aayadda caanka ah ee ku bilaabata: Wa uufuu bil cahdi innal cahda kaana masuulaa iyo xadiiska sida weyn loo xigto ee isna ku bilaama: Kulukum raacin wa kulum mas’uul can raaciyatihi ayaan ka bid ah naska faraha badan ee ina faraya inoona  muujinaya sida lagamaarmaanka ay u tahay ilaalinta iyo oofinta ballantu.

Kolkaa waa caddahay wax mugti ahina kuma jiro in ilaalinta ballantu ay tahay masuuliyad muhiim ah oo xisaabtan iyo isweydiin ka imaan karaan haddii la dayaco ifka iyo aakhiro labadaba. Aayadda iyo xadiiska  kor lagu xusay waxay muujinayaan in ciqaab iyo caro Ilaahay ka dhalan karaan haddii la dayaco ballanta. Waayo waa gaf weyn oo la mid ah gafafka iyo dambiyada ka dhalan kara kolka la gudan waayo waajibaayada diinta Islaamka saldhigga u ah oo ay ugu horreeyaan salaadda iyo soonku. Waxaa haddaba  la isweydiin karaa  arrinta culayskaa iyo muhiimaddaa leh ma la fududaysan karaa ama ma  la dhayalsan karaa? Jawaabtu waa maya. Qofku markuu ballanta dayaco ama oofin waayo iyadoo aanu hayn cudurdaar la qaadan karo, waxaa la aamini karaa ama la fahmi karaa in qofkaasi yahay qof aan la isku hallayn karin. Waxaa loo fahmi karaa qof aan tixgelin iyo qadarin muujin.  Qof aan garwaaqsanayn dhibaalka uu geystey. Kalsoonidii ayaa meesha ka baxaysa. Aaminaadda, tixgelinta, wada shaqaynta iyo wanaag kale oo badan oo dadka isku soo dhaweeya ayaa wiiqmi kara. Isjecleysiiya ayaa yaraanaya ama la waayi karaa. Isnacayb, kala didid, kala dudid iyo waxyaabo kale oo taban ayaa kaalin weyn ka geli kara xiriirka dadka u dhaxeeya. Waxyaabahaasi ma aha kuwo la doono ama lagu dadaalo inay meesha yimaadaan.

Haddaba, ka warran ummad idil oo caadaysatey inaan looga soo bixin ballanta si waxku’ool ah ama hagaagsan. Waa nasiib darro. Inta badan waxaad arkaysaa in markasta oo dad Soomaaliyeed, tiradoodu intay doonto ha gaarto, ballan samaystaan aan si hagaagsan looga soo bixin. Dayacaas ballantu wuxuu hadda noqday mid aad u baahay. Waxaan filayaa inay gar tahay haddii lagu doodo in beryahan dambe,la isku dhiirrigeliyo in la fududaysto balanta. Waxaad mararka qaar arkaysaa dad laga sugayo inay tagaan ama yimaadaan goob astaysan wakhti cayiman ama go’an. Tusaale ahaan dad yaad ku wergelisey inay yimaadaan aroos 7da fiidnimo. Waxaad arkaysaa dad ku sugan 8dii fiidnimo goobo kale laakiin doonaya inay goobta arooska tagaan wakhti kasta oo ay iyagu madaxooda ka maagaan. Waxaa waliba dhacda  in si quursi ku jiro loo yiraahdo: war waa Soomaali oo cidi meesha ma joogto saacaddaan, kolkaan doono ayaan iska tegi karnaa. Soomaalidu miyaanay mudnayn ixtiraam iyo qadarin? Soomaalidu miyaanay istaahilin in la siiyo qadarin la mid ah ama ka fiican ta la siiyo dadka aan Soomaalida hayn? Miyaanay ahayn nacasnimo, aqoon daro, baraarug la’aan inaad qofkaaga liido oo u quurto xumaan, gaf, tixgelin la’aan aanad u quurin oo aad kala xishooto qofka ajnabiga ah ama aan Soomaaliga ahayn. Arrintaa waxaan u arkaa inay tahay mid aan haboonayn, midaan sii socon karin, mid dhaawacaysa oo wiiqaysa dadnimadeena yaraynaysana wanaaga dhexdeena. Waxaa waajib ku ah dadka Soomaaliyeed inay wax ka beddelaan siday u wada dhaqmaan ama u macaamilaan dhexdooda. Adduunka ka helimaysid dad ama qoomiyad isu liidda ama isu xaqirta sida Soomaalida oo kale.  In sidaa loo dhaqmaa  ama loo fikiraa oo aad dadkaaga qiimayn weydaa ma habboona.

 Waxaana nasiib darro weyn ah in aanay jirin cid ka badbaaddey arrinta dayacaada iyo jabinta ballanta. Qof kasta oo Soomaaliya waa saamaysay. Waana saamayn aad moodo in qofku doonayo ama ogolyahay. Ka waxbartay, ka hodanka ah, ka masuulka sare ah, ka saboolka ah, ka aan nasiib u yeelan inuu waxbarto, ka waayo’aragga ah ee adduunka  maray kana shaqeeyey dhammaantood waa isku mid markay timaaddo tixgelinta iyo oofinta  ballanta. Xitaa waxaa la sheegaa in xildhibaannada Baarlamaanku shirarka iyo fadhiyada rasmiga ah ay aad uga soo daahaan waqtiga lagu ballamay in ay billaabmayaan. Taasi waxay keentaa in shir furmi lahaa 8 aroornimo aanay suurogal noqon in la furo oo la fariisto illaa laga gaaro 11 aroornimo. Waxaa laga yaabaa inaad is weydiiso maxaa loo sugayaa qof doonay inaanu ballanta iyo wakhtiga ilaalin. Waa weydiin wanaagsan. Laba jawaabood ayaa suurogal ah in weydiintaa la siiyo. Midda kowaad, waxaan jirin xisaabtan. Haddii xisaabtan jiri lahaa ama la fulin lahaa arrintu sidaa waa dhaami lahayd.  Xisaabtanku wuxuu dadka ku khasbaa inay hagaajiyaan wax qabadkooda oo aanay is dhigan. Xisaabtanka macnihiisu waxaa weeye in wax kaa dhumayaan ama aad waayeysid haddii aad hawshaada ka soo bixi weydid. Midda labaadna, waxaan u malaynayaa inaanay Soomaalidu  daahitaankaba dhib u arkin. Xitaa kuwa yimid oo goobta ku sugan raali ayey ka yihiin in wax walbaa jiitimaan. Haddaanay sidaa ahayn oo aanay raali ka ahayn tillaabo ay wax ku saxayaan ayey qaadi lahaayeen. Khaladkaan soo noqnoqonaya xal ayaa loo heli lahaa. Nasiib darro taasi illaa hadda ma dhicin. Taa macnaheedu ma aha in la quusto. Waa in loo hawlgalaa oo laga shaqeeyaa in isbeddel la sameeyo.

Ballanta la dayacayo ama aan laga soo baxayn sidee uga turjumaysaa dhaqankeena guud ahaan. Sida aynu qoysaskeena u maamullo, ganacsiga u samayno, sida aynu u qabanno shaqooyinka iyo hawlaha la inoo igmaday ha noqdeen kuwo dowladdda loo hayo ama kuwo shirkado gaar ah iyo dad gaar ah loo hayo. Musuqmaasuqa baahsan, saboolnimada, dhaqaalaha liita, nabadgelyo darrada iwm ma loo tiirin karaa ama lagu xiriirin karaa dhaqanka aad mooddo inuu ku salaysan yahay in ballanta aan la tixgelin.  Haddii aynu wax walba n ama sahlanno waxaa imanaya in wax qabadkeenu wiiqmo oo aanu noqon mid mirodhal ah. Waxqabadka wiiqmaana wuxuu muujinayaa karti darro iyo inay dadku ka soo bixi waayeen wixii laga sugayey.

Aan ku soo gabagabeeyo arrin maalin aan fogeyn dhacday oo aan goobjoog u ahaa. Bulsho Soomaaliyeed oo ka mid ah kuwa qurbaha ku nool ayaa ballan samaystay. Waxaa lagu ballamay in la kulmo oo la aqoonsado oo la abaalmariyo dhalinyaro dhammaysay fasalka 12aad ee Dugsiga Sare. Ujeeddadu waxay ahayd  in dhallinyarada la sharfo oo lagu dhiirrigeliyo inay sii dadaalaan oo sii wataan waxbarashada. Huteel ayaa qol weyn laga ijaarey. Waxaa lagu ballamay in 6da maqribkii la kulmo oo shirku furmo. Markaan goobtii gaaray waxaa ku sugnaa  dhawr qof oo hormuud hawsha ka ahaa oo keliya. Waxay markaa faraha kula jireen oo rakibayeen qalabka codka baahiya. Waan fariistay aniga oo aad u saluugsan sida qolku u maranyahay. Markii la gaarey  6:30 maqribnimo tirada dadka joogey kama badnayn 10 qof. Nus saac ka dib weli tiro lagu farxaa ma soo gaarin goobta xafladdu  ka dhici lahayd. Markii la gaarey 7:30kii weli tiradu 30 qof waa ka hooseysey. Shaki iyo werwer ayaa igu dhashay. Waxaan ka baqay in shirku qabsoomi waayo tirada dadka oo yar darteed. Nasiib wanaag markii halkaa la marayey ayey dadkii billaameen inay yimaadaan. Waxaa soo galay afar wada socda, shan ku xigtey, koox ilaa toban ku dhow. Waxaa daba socdey koox kale oo ballaaran, haddana koox kale.  Markay ahayd 7:50 tiro macquul ah oo ku filan in shirku furmo ayaa fadhidey. Nin ka mid ah dadkii aad u soo daahay ayaan weydiiyey inuu ka warhayey in lagu talo galay in shirku furmo 6:00 maqribnimo. Si kalsooni ku jirto ayuu iigu jawaabey oo wuxuu yiri, “Haa waan ogaa.” Wuxuu ku daray, “Waxaan soo wacay nimanka hawsha wada oo aan weydiiyey inaan imaado iyo inay meeshu shuqul Soomaali tahay oo aan imaado kolkaa doono. Waxay iigu jawaabeen waa shuqul Soomaali.” Ku talo galku wuxuu ahaa in shirku xirmo oo la soo gabagabeeyo 9:30 fiidnimo laakiin wuxuu jiitamey ilaa 11:00 fiidnimo. Markii la xiray shirkii oo goobtii laga soo dareeray qaar ayaa weli sii socdey iyagoo ku sii jeeda qolka shirku ka dhacayey. Tani waxay tusaale u tahay sida caadiga ah ee kulamada Soomaalidu abaabushaa u qabsoomaan. Faraq uma dhaxeeyo haddii shirku yahay mid rasmi ah iyo midaan ahayn, mid farxad iyo maaweelo loo la jeedo iyo hadduu yahay mid mustaqbalka ummadda looga tashanayo, mid dhalinyaro hoggaanka u hayso iyo mid waayeel maamulayo.

Waxaan rajeeynayaa in dooddi billaabato ku saabsan ballamada Soomaalida yeelato ama samaysato. Waa waajib in qof walbaa u door ka ciyaaro arrintaan muhiimka ah oo uu u hawlgalo sidii, marka hore uu isagu uga soo bixi lahaa fulinta ballanta uu galo iyo ta labaad inuu diido oo ka horyimaado dadka wax kala dhaxeeyaan ee aan siin muhiimadda balantu leedahay.

W.Q. cabdi Maxamuud (Aw Cabdi)
Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.