Friday, May 17, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Tarsan oo loo magacaabay Safiirka Kenya

Muqdishu (WDN)-  War lagu kalsoon yahay oo soo gaadhay WardheerNews, ayaa xaqiiniya in Maxamed Axmed Nuur {Tarsan), oo ka amid ahaa liis safiiro cusub oo  uu bishii Juulay 27-dii Golaha Wasiirrada uu hor keenay Wasiirka Arrimaha Dibadda Md. Axmed Cawad, balse ka gaabsaday in uu magacaabo dalalka ay Safiirrada ka noqon doonaan, in loo magacaabay Safiirka u matalaya Soomaaliya dalka Kenya

Maxamed Tarsan

Md. Tarsan oo horey u soo qabtay xilka duqa magaalada Muqdhso, ayaa hadda ka mid ahaa lataliyeyaasha  Madaxweyne  Farmaajo, isagoo iminka noqonaya Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Keny, kaas oo bannaanaa tan iyo markii safiirkii hore Jamaal Maxamed loo magacaabay wasiirka qorshaynta xukuumadda F. Soomaaliya.

Lama oga sababta uu horey uga gaabsaday Md. Axmed Cawad,  in la xuso dalalka loo kala magacaabay tiro safiirro ah oo uu ku jiray Tarsan oo bishii Juulay 27dii ay ansixiyeen golaha wasiirradu.

Warka ayaa waxa uu intaas ku darayaa in wasiirka Arrimaha Dibaddu  Md. Axmed Cawad, oo dhawaanahan la isla dhex marayay in xilka laga qaadi doono,  aanu wax talo iyo saameyn  ah ku laheyn magacaabista Safiirradan, iyadoo Golaha Wasiirada, aysan  isku howlin in  ay wax  ka weydiiyaan ama ka doodaan  xulista Safiirrada cusub iyo in ay yihiin kuwo u qalma in ay Soomaaliya ku metelaan waddamada loo magacaabay.

WardheerNews


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.