Muqdishu (WDN)- War lagu kalsoon yahay oo soo gaadhay WardheerNews, ayaa xaqiiniya in Maxamed Axmed Nuur {Tarsan), oo ka amid ahaa liis safiiro cusub oo uu bishii Juulay 27-dii Golaha Wasiirrada uu hor keenay Wasiirka Arrimaha Dibadda Md. Axmed Cawad, balse ka gaabsaday in uu magacaabo dalalka ay Safiirrada ka noqon doonaan, in loo magacaabay Safiirka u matalaya Soomaaliya dalka Kenya

Md. Tarsan oo horey u soo qabtay xilka duqa magaalada Muqdhso, ayaa hadda ka mid ahaa lataliyeyaasha Madaxweyne Farmaajo, isagoo iminka noqonaya Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Keny, kaas oo bannaanaa tan iyo markii safiirkii hore Jamaal Maxamed loo magacaabay wasiirka qorshaynta xukuumadda F. Soomaaliya.
Lama oga sababta uu horey uga gaabsaday Md. Axmed Cawad, in la xuso dalalka loo kala magacaabay tiro safiirro ah oo uu ku jiray Tarsan oo bishii Juulay 27dii ay ansixiyeen golaha wasiirradu.
Warka ayaa waxa uu intaas ku darayaa in wasiirka Arrimaha Dibaddu Md. Axmed Cawad, oo dhawaanahan la isla dhex marayay in xilka laga qaadi doono, aanu wax talo iyo saameyn ah ku laheyn magacaabista Safiirradan, iyadoo Golaha Wasiirada, aysan isku howlin in ay wax ka weydiiyaan ama ka doodaan xulista Safiirrada cusub iyo in ay yihiin kuwo u qalma in ay Soomaaliya ku metelaan waddamada loo magacaabay.
WardheerNews