
Shir in muddo ahba uga socday magaalada Addis Ababa, xubnaha golaha dhexe ee xisbiga haya talada Dawlad deegaanka Soomaalida ee ESPDP ayaa ay maanta ugu magacaabeen madaxweyne ku xigeen islamarkaana ah madaxweyne KMG ah Md. Mustafe Muxumed Cumar(Cagjar).
Magacaabista Mustafe ee xilkan ayaa lagu xaqiijiyay hadal uu baraha bulshada soo dhigay Axmed Cabdi oo ahaa madaxweynihii xilka qabtay ka dib markii lagu qasbay inuu iscasilo Cabdi Ilay oo 10kii sano ee aan soo dhaafnay ka talinayay deegaanka Soomaalida.
Md. Mustafe oo aan isagu ka tirsanayn xisbiga talada haya ayaa Axmed Cabdi sheegay in doorashadiisu ay waafaqsantahay xeerhoosaadyada xisbiga inkastoo aanu soo bandhigin qoddobka xeerka arrintaas qeexaya.
Madaxweynaha cusub oo hadda ka mid ahaa shaqaalaha Qaramada Midoobay ayaa ahaa nin aad uga soo horjeedday siyaasadihii gurracnaa ee maamulkii Cabdi ilay isagoo inta badan qoraallo uu kaga hadlayo dhibaatada uu maamulku ku hayo shacabka soo dhigi jiray baraha bulshada, taasoo uu sheegay in ay sabab u ahayd dhimashada walaalkii oo uu ku eedeeyay in ay ka dambeeyeen maamulkii Ina Ilay. Sidoo kale waxa uu Md. Mustafe hadda ka tirsanaa shakhsiyaad ujeeddo badan ah oo ku midaysnaa magaca Dulmidiid, laguna eedeeyo in ay kabaqaad u yihiin Oromada.
Si kastaba ha ahaatee waxaa la aaminsanyahay in magaabista Mustafe ee xilka madaxweynaha Maamulka Deegaanka Soomaalidu ay tahay mid dusha sare ka timid maadaama marka aan fiirino xaaladda deegaanka, qaabdhismeedkiisa siyaasadeed iyo kooxaha xilligan ku hardamaya siyaasadda deegaanka ay aad u yarayd fursadda qof Mustafe oo kale ahi uu ku kasban karo xilkan.
Qabashada xilkan ee Mustafe ayaa loo arkaa mid dhabarjab ku ah Ururka ONLF oo isagu quudaraynayay in cid iyaga ka tirsan ama lagala tashaday qabato xilkan maadaama ay isu arkaan cidda xaqa ah ee ka talin karta masiirka shacabka.
Dr Maxamud Ugas oo hoggaaminayay wafti ONLF u soo dirsatay magaalada Addis Ababa si ay wadatashiyo ula yeeshaan maamulka Abiy Axmed ayaa markii uu ku soo laabtay Kanada sheegay in ay jiraan shakhsiyaad jooga magaalada Addis Ababa oo u ololayanaya in ay qabtaan xilka madaxweynaha deegaanka iyagoo ku andacoonaya in maamulka Addiis Ababa wato.
Yeelkeede waxaan shaki lahayn in Mustafe uu dhaami doono Cabdi Ilay iyo hadhaagiisa, muddada uu xilka hayana isbeddel ku dhisan caddaalad iyo dimuqraadiyad uu ku soo dabbaali karo deegaanka iyadoo islamarkaana lala xisaabtamayo shaqsiyaadkii gabboodfalka u geystay shacabka.
WardheerNews
