Friday, April 19, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Xuddun iyo Xabaal

 W/Q Xirsi Jaamac Gaani

Allow yaa la taliyaan dhahaa toobadda u leexsha
Allow yaa talaabada hubshoo taran u sii yeela
Allow yaa tuldaha caymiyaan tookha ku hayaaye
Allow yaa tagtadi soo ceshaan marar taamaaye
Allow yaa timaadada na baraan tamaninaayaaye

Waxay ahayd maalin Axad ah, waxaan u soo diyaar garoobay inaan wax qabadkaygii maalinlaha ahaa dhammaystiro, caadi ahaan markaan iskuulka maalinta gelinkeeda hore soo dhigto, waxaan galabtii aadi jiray dugsi si khaas ah loo lahaa oo uu ardayda imtixaannada dugsiga sare iyo jaamacadda ku diyaarin jiray macallin Dhakalow.

Burburkii Muqdisho

Waxaan uga imaan jiray Xaafadda Madiino oo aan laba bas isku badali jiray. Galabtaas waxay ahayd galab ka duwan kuwii caaddiga ahaa. Waxaan Bas (coaster) ka soo raacnay isbitaal Banaadir hortiisa, anagoo ku wajan xaafadda Wardhiigley oo dugsi ku yaalay. Markii aan u leexannay waddadii Tarabuunka oo ah intaan la gaarin isbitaal Digfeer, ayaa waxaa naga hor yimid gaari ciidamo ka buuxaan oo hor kacaya mid dhaawac sida. Waa la is weydiiyey waxa meesha ka dhacay, cid garatase waa layska waayey.

Horaa loo sii socday, mar kale ayaa waxaa naga hor yimid gawaari dhaawac sidda. Waan sii soconay ilaa aan ka gaarnay isgoyska Bakaaraha, markaas oo aan dareenay mar keliya sawaxan badan oo uu ku xigsaday dhawaaqa rasaasta. Waxaan xusuustaa gaarigii waa la joojiyey aniga iyo nin i garab fadhiyeyna aan daaqadda mar qura ka wada boodnay.

Oradkii aan kasoo billaabay goobtii aan ku degnay, waxaan ku imid xaruntii Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo aan dhex deganayn.

Intii aan soo ordayey, waxaan ku faraxsanaa sida wax u socdaaan, anoo isku qancinaya in isbeddel dhicci doono, meesha xaalku marayana laga raysan doono. Waxaan imid xaafaddii Jaamacadda oo bare-yaashii (Professors) bannaanka dhooban yihiin, oo marba qofkii dhinaca magaalada ka yimaada waraysanayaan. Waxay igala mid yihiin farxadda. Waa laygu soo yaacay “Warran” ayaa laygu yiri, si niyad ah ayaan u warramay. Wax xalladayn iyo naash-naash ah kuma jirin warkayga, qof aan ka sir qarsanayeyna ma uusan jirin. Maalintaas ma aanan aqoon qoyska dariska ah Soomaali cidda ay ka yihiin, xiisana iimaba hayn. Dadku waxay ahaayeen adeer hebel iyo eeddo heblaayo. Waa maalin aan jeclaan lahaa in la ii soo celiyo.

Intaan maalmo ka soo wareegin Axaddii dagaalku bilowday, ayaan dareemay xaafaddii oo kala guranaysa, reer reer u kala qaxaysa, qolaba gobol aadayso, oo si aan garan waayey la isu wada heybsaday. Ciiddamo hub culus wata oo guuraya. Waxaan xasuustaa qorigii ugu horeeyey ee aan arko oo aanu wadan qof ku labisan dharka Ciidanka (tuutaysan)! Waxaase iigu naxdin badnayd markii maalinkii lixaad ee dagaalka aan arkay macallin xisaabta ii dhigi jiray oo qori wata, waan ka baqay inaan salaamo bacdamaa aanan heyb garanayn. Dibbaan ka aqoonsaday inay ahayd billowgii bur-burka dowladnimo waxay maskaxdaydu ku dayowsanayd.

Qax baahsan ayaa waddankoo dhan saameeyey. Magaaladii waxaa laga dareemay bililiqo, lama kala saarin hantidii ummadda iyo tii ashkhaasta, xafiisyadii dowladda waa la boobay. Waxaan aad u xusuustaa kuliyaddii laamaha Cilmiga (Faculty of Science) oo kumbuyutaradii yaalay iyo qalabkii shaybaarka la kala dafay oo ninba shay meel la aaday, cid garanaysa ma jirin qalab shaybaar waxay ku falayso, haddana waa la guranayey. Si lama filaan ah ayaan ula kulanay wiil yar oo isku daadshey aasiid (acid) oo dhulka galgalanaya, waxaan ku boobnay biyo asagoo ooyaya ayuu cararay markuu roonaaday.

Waxaan qalbigayga marna ka bixin qof dumara oo waayeel ah oo soo qaadatay moonitar (monitor), markaan waydiinayna waxay ku falayso, ayey noogu jawaabtay: eedow waa layga xoog roonaaaday oo wixii laga tagey ayaan soo qaatey. Walaalkay oo arday ka ahaa Jaamacadda, ayaa wuxuu soo uruurshey buugaggii diiwaanka buundada ardayda (liibareetooyinkii), oo uu ku fekeray in loo baahan doonaa marka Jaamacadda dib loo furo simistarka (semester) dambe, dibse looma furin.

Sicir barar ayaa dhacay, khudaartii magaalada waa laga waayey, shidaalkii waa qaaliyoobay, badeecaddiina ciriiri ayey gashay oo waa la waayey.

Waxaan tagey meel aad uga durugsan halkii aan aqaaney, ee aan baliisha ku ciyaari jiray, giraangirta jimcaha ku wadi jiray, luuq-luuqyadii aan baaskiilka ku badeeleyn jirey, halkii ay kubbadda cirbadka ah odayadu mar-mar nala foolaysan jireen. Dadkii aan baaqa isku fahmi jiray halkay joogeen. Meesha aan tagnay guri kuma lahayn, noloshii magaalada ee aan aqaanay waan ka soo tagey. Waxaan galay jawi ay qoomamo ku xeeran tahay, durba waxaan ogaaday waxaan haysaney iyo sida sahlan ee ay mar qura gacanteenna uga baxeen. Nin bare Jaamacadda ka ahaa (professor), oo galabtii ugu horraysay dagaalka raggii I waraysanayey ka mid ahaa, ayaan meel isugu nimid, asaga wixii la waayey waxaa u weheliya culays ayaa ka saaran maareynta nolasha qoyskiisa. waa nin tan iyo maalintuu garaadsaday buug iyo qalin la faqayey.

Anigii ayuu gooni ii qaraabsaday waxaan wada ognahay waxaan galabtii isweydaarsanay, nin walbana waa ka xun yahay inuu galabtaa faraxsanaa. Wallow aan labadayaduba aad u niyad xumayn, haddana waxaan weheshanaynay in badan oo magaalo ku kor ah maantana meel nala jiifa. Wuxuu ka sheekeeyey wixii qorshe ahaa ee u degsanaa kuliyadda uu wax ka dhigayey iyo weliba waxa ay dowladdu ugu tallo gashaneyd. Waxaan magaalada dib ugu bartay dad yar iyo waayeelba leh oo horay aan si kale ugu aqaanay, haddase doontu isku meel nagula soo caaridey.

Galab ayaan kaligay meel fariistay waan fekeray, su’aalo ayaan is waydiiyey, waligay kuma fakarin inaan Soomaaliya daaye, Muqdisho meel uga baxo. Galabtaas waan keli murugooday oo haddana is waansaday. Madaxaweynihii dalku galabtaas ayuu caasimaddii ka baxay. Saraakiil badan oo aan magac garanayeyna caasimadda horay uga baxeen, ayagoo waliba qaar hub waaweyn gawaari ku jiidanayaan.

Wali kali ayaan u fadhiyaa waxaan iskula sheekaystay, haddaan maanta xaafaddayadii Xamar joogi lahaa, sida xaal ahaan lahaa. Waxaan suuraystay oo dhex muquurtay, cidda aan is foorjayn (kaftami) lahayn, kooxdaydii inta gool oo ay lahaan lahayd, cidda kubbaddii aan daawan lahayn ciyaari lahayd, sharadkii ciyaalka xaafadda, su’aalaha aan macalin Dhakalow weydiin lahaa iyo jawaabtii uu bixin lahaa. Dib ayaan u baraarugay, mise waxaas waa laga soo tagey.

Waxay dadku ku sheekaynayaan, ciidan hebel ayaa meel heblaayo qabsaday, jabhad heblo ayaa jidkaas qabsatay, isbaaraan meel heblaayo kusoo maray, BBC ayaa siyaasi hebel waraysatey, qoys hebel guriggii ayaa loogu soo dhacay, hebel qori uusan aqoon ayaa ku qarxay iyo maxaa u geeyey, allow kala fogaa labada xaaladdood.

Anigoo sidii ugu jaah wareersan jawiga magaalada, ayaan waxaan is aragney Aweys oo ah wiil aan isku xaafad ahayn, waan isku bururay “war Aweys iyo war Xirsi”.  “adna maxaa meeshaan ku keenay” ayuu yiri, midkaayana ma dareensana meesha uu joogo.

Qabriga Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre, Garbahaarey, Soomaaliya

Weligay kuma fekarin addiyo Aweys baa isku hayb noqonaya ama Xamar meel uga wada qaxidoonna. Yeelkadeede wehel inaan helay ayaan ku laab qabowsaday.

Makhaayad ayaan fariisanay si aan isu waraysano, waxaan saluugnay wax walba oo makhaayadda yaaley, cuntada miyaa, ma fadhigaa, ma adeeggaa, illeen maasha la yiri “Dani waa seeto”. Xaafaddii ayaan iska waraysanay, laakiin Aweys aniga ayuu iga war gaaban yahay, anuuba waraysi iigu dhaqaaqay. Yaakhey kii oo hebel ma kasaysay ciddiisa iyo maya, reer Qurac ayaan u malaynaa innuu ahaa maalintii dagaalka asagoo bac wata oo dhinaca reer Qurac u socda ayaan arkay iyo hooyadii armay ahayd baa na dhex martay. Axmey asaga ka warran, waxba iskuma dhaanno.

Waxaan u soo jeediyey inaan sheekooyinkeennii kale ka sheekayno. Markaan waqti badan wada joognay ayaan beri ballanay, ismase helin, ilaa maantana ma aqaan cidda uu Soomaali ka ahaa iyo weliba uun adduun iyo aakhiro kuu yahay, waxaan maalintaas ka il duufay inaan reerka uu yahay weydiiyo koley maalintaas waa loo sheegaye.

Qoraalkaan dhexdiisa mar ayaan ku cataabay haddii ilaahay maalintii koowaad iisoo celin lahaa, laakiin maxaan samayn lahaa?. Waxaan difaaci lahaa nidaamka dowladnimo ee jiray.

Waxaan tegay Garbahaarey oo aan dugsiga hoose ku dhigtay,  in uu ku dhashay Maxamed Siyaad Barre iyo anoo weliba tegay qabrigiisii. Waana sababta aan u soo xusuustey, wixii Soomaali ka bur-burey.

Xirsi Jaamac Gaani
Email: [email protected]

———-

Md. Xirsi waa Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Maaliyadda ee  Dowlad Goboleedka Jubbaland, waana qoraaga sheekada taxaneha ah ee Khasaaro Qeyb.


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.