Xildhibaanno Taabacsan Madaxweyne Xasan oo Guddoonka Baarlamaanka u Gudbiyay Mooshin

Xildhibaanno Taabacsan Madaxweyne Xasan oo Guddoonka Baarlamaanka u Gudbiyay Mooshin

Muqdisho, Agoosto 31, 2015 (WDN)- Xildhibaanno ka tirsan Baaramaanka Federaalka Soomaaliya oo tiradoodu gaadhayso ilaa 125 ayaa caawa u gudbiyay guddoonka baarlamaanka mooshin ay ku laalayaan mooshinkii hore mudanayaasha baarlamaanka qaarkood uga gudbiyeen madaxweyne Xasan si xilka looga qaaddo.

Qoraal ku taariikhaysan 27/08/2015 oo xildhibaannadani u gudbiyeen guddoonka baarlamaanka ayay ku codsadeen in la laalo wax ay ugu yeedheen mooshinka iyo eedamaymaha aan sharciga waafaqsanayn ee ka soo horjeedda madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya.

“Mudane guddoomiye, annagoo ah xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ee magacyadooda iyo saxeexyadoodu hoos ku cad yihiin, waxaanu soo jeedinaynaa oo aan diiddannahay mooshinka aan sharciga waafaqsanayn ee ay wadaan qaar ka tirsan xildhibaannada baarlamaanka oo ku soo been abuurtay tiro badan oo xildhibaanno ah oo ay ku soo darsadeen mooshinka iyagoo aan waxba ka ogeyn, qaarkoodna hore uga baxeen,” ayaa lagu sheegay qoraalka loo gudbiyay guddoonka baarlamaanka.

Xildhibaannadan Mooshinka cusub u gudbiyay baarlamaanka ayaa sidoo kale waxay qoraalkooda ku sheegeen in mooshinkii hore aanu haysan wax sharci ah islamarkaana uu abuurayo xasillooni darro siyaasadeed.

Arrintan cusub ayaa dadka siyaasadda u kuurgalaa ay sheegayaan in ay sii muginayso xaaladda siyeesaddeed ee ka jirta Soomaaliya iyadoo duruufo adag oo bani’aadanimo iyo kuwo dhaqaale xumoba ay ka allosanyihiin xilligan.

Guddoonka baarlamaanka ayaan illaa hadda wax dhaqdhaqaaq ah ka samayn Mooshinkii hore looga keenay madaxweynaha oo muddo ilaa 3 toddobad gaadhaysa horyaalay baarlamaanka.

Beesha caalamka ayaa hore iyana walaac uga muujisay murranka siyaasaddeed ee ka alloosan Soomaaliya oo caqabad ku noqon kara horusocodka hiigsigii 2016ka oo aan ilaa hadda wax badan ka fulin.

Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa iyaga inta badan lagu eedeeyaa in aanay lahayn damiir iyo aragti waddaninimo iyagoo jeebadda u gala hadba ciddii afka u buuxisa.

Ma cadda sida uu guddoonka baarlamaanku u maarayn doono Mooshinnadan iska soo horjeeda ee hadda horyaalla.

WardheerNews