Saturday, April 20, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Weerarkii Hotel Villa Rasa oo lasoo afjarey

Muqdisho (WDN)- Ciidamada Amaanka Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo afjarey weerarkii Alshabaab xalay ku qaadeen Hotel Villa Rosa ee degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay gudaha u galeen maleeshiyaad Al Shabaab  ka tirsan iyaga oo qaraxyo la beegsaday ka hor inta aysan gudah u galen hoteelka.

Md. Saadiq Doodishe

Ciidamada amaanka ayaa gudaha hoteelka kula dagaalamayey 6 maleeshiyo Alshabaab ah,waxaana ugu danbeyn ay dileen 5 ka mid ah kooxdii hoteelka ka dhex dagaalamaysay, halka midka kale uu isqarxiyey.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Saadiq Doodishe oo saxaafada la hadley ayaa sheegay in hawlgalkii weerarka hotel Villa Rosa la soo af jaray, iyada oo lasoo badbaadiyay 60 qof oo isugu jira masuuliyiin ka tirsan dowlada, Baarlamaanka iyo dad rayid ah.

Laamaha amaanka ayaa sheegay in intii weerarku socdey ay dhinteen 8 qof oo rayid ah waxa ayna weerarkani ku tilmaameen mid naf la caarinimo ah oo muujinaya in kooxda Alshabaab uu gabalkeedu dhacey iyo awoodii ay lahayd oo inta badan lagala wareegay deegaanadii muhiimka ahaa ee gacanteeda ku jiray, halka inta ay ku harsantahayna laga xoreyn doono.

Hoteelka Villa Rosa, Villa Rays oo si aad ah ugu dhaw aqalka Villa Soomaaliya ee looga arimiyo Soomaaliya, ayaa maleeshiaad ka trisan Alshabaab ayaa xalay weerar qarax ismiidaamin ku bilowday ku qaaday hoteelka, taasi oo muujinaysa marka la eego goobta uu ku yaalo hoteelku, habacsanaanta laamaha amaanka ee u xilsaaran sugida amniga magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Maxamed Cumar
WardheerNews, Muqdisho


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.