Friday, April 26, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Qarax xooggan oo lala beegsaday Hotel Villa Rosa oo ay daganyihiin masuuliyiin dawladda federaalka ka tirsan

Muqdisho (WDN)- Qaraxyo xoogan oo is xigey ayaa lala beegsadey Hotel Villa Rose oo ku dhaw godka Jilacalow ee agagaarka madaxtooyada Soomaaliya, halkaasi oo ay daganyihiin masuuliyiin ka tirsan xukuumadda iyo Baarlmaanka Federaalka Soomaaliya.

Wararka ayaa waxa ay  intaa ku darayaan in dabley hubeysan ay galeen Hoteelkaasi. Wali ma cadda khasaaraha rasmi ah ee uu geystay weerarkaasi ismiidaminta ah.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Sadiiq Doodishe, ayaa sheegay in hotelka Villa Rosa ay koox Argagixiai ah weerar kau qaaday, uuna socdo howlgalkii lagu lagu soo afjari lahaa, islamarkaana lagu badbaadinayay shacab ah iyo masuuliyiinta hotelka ku jiray.

Warar soo gaadahwy WardheerNews ayaa ayaa sheegaya in dhaawac uu soo gaarey Wasiirka Amniga Maxamed Axmed Doodishe, ee DFS iyo xubno kale.

Wasiir u dowlaha Wasaaradda Deegaanka iyo Isbaddalka Cimilada oo ka mid ahaa masuuliyiinta qaraxa ka badbaaday ayaa qoraal uu soo dhigey bartiisa Facebook ku sheegay  “Waxaa qarax lagu weeraray Hotel Villa Rays oo aan degganahay, markii nala weerarayna aan dhex fadhiyey anigoo salaadda cishe jameecada la soo tukaday. Waan bed qabaa. الحمد لله. Maalin aanan dhaafi doonin ayaa jirta. Intaa ka dib, nama bajin doonaan shuftada dugaagga ah”

Kala soco shabakaddaWardheernewa wixii faahfaahin ah qaraxaan la xariira.

Maxamed Cumar
WardheerNews, Muqdisho


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.