Friday, March 29, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Wasaaradda Warfaafinta Puntland iyo Mac’hadka Daraasaadka Geeska Afrika oo Qabtay Munaasabad Buug Lagu Fallanqaynayay

Boosaaso, Puntland- Wasaaradda Warfaafinta Puntland iyo Macahadka Daraasaadka Geeska Africa, ayaa bishan Janaayo 21-dii Boosaaso ku wada qabtay munaasabad lagu gorfeynayay buug uu qoray Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Md. Cabdi Xaashi. Buuggaas oo magaciisa la yiraahdo “Haybso Dhaqankaaga”.

W/Q Md. Cabdi Xaashi.

Munaasabaddaas ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Xildhibaan Bootaan Barre Samatar oo ka tirsan Aqalak Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya,  Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta, Hiddaha iyo Dhaqanka Puntland  Dr.Cabdifitaax Nuur Ashkir, Wasiiru Dowlaha Dekeddaha Axmed Siciid, Guddoomiyaha Jaamacada Bariga Afrika Bare Sare Aadam Sheekhdoon Cali, Siyaasi Cali Cabdi Awaare iyo sidoo kale madaxda macahadka oo uu ugu horreeyay Liibaan Axmed Shire.

Waxaa munaasabadda ka hadlay Wasiir Ashkir oo ahaa shaqsigii aqrinta buugga iyo gorfeyntiisa si aad ah u lafa guray, isagoo tilmaamay in buugta noocaan oo kale ah loo baahanyahay xilligan ” Waayo dhaqankeena iyo luqadduba waxay ku suganyihiin khatar muuqata”. Md. Ashkir ayaa si faah faahsan u sharraxay buuggan “Haybso Dhaqankaaga”.  Wuxuuna Ashkir hadalkiisa ku daray in Afka Soomaaligu uu ku jiro Afaf sii dabar go’aya, haddaan la daba qaban,oo aan la ilaalin,adeegsigiisana la badin “. Md Ashkrayaa xusay in  wasaaraddiisu ay muddu ka bacdiba qaban doonto.munaasabad ay buugaag wax ku-ool-ah soo bandhigi doonto.

Waxaa sidoo kale munaasabadda ka hadlay Khadar Axmed Nuur Oog, oo si fiican u qaadaa dhigay nuxurka suuggaanta iyo waxa looga baahanyahay ummadda Soomaaliyeed oo ah In ay ilaaliso, dhaqanka iyo hiddaha soo jireenka ah.

Waxaa munaasabadda sidoo kale ka hadlay Bare Sare:Aadam Sheekhdoon Cali oo tibaaxay in Jaamacadduhu kaalintooda ay tahay dib-u-nooleynta afkii hooyo “haddaan jaamacadda Bariga Afrika nahayna dadaal xooggan ayaan ugu jirnaa baridda,faafinta, kobcinta luqadda iyo dhaqanka Soomaaliyeed “.

Siyaasi Cali Cabdi Awaare ayaa isaguna sheegay in luqadda Soomaaligu hodan tahay,luqadaha dunidana ay iyada intooda badan ka xigtaan eray bixinta sida Shiinaha oo kale. Agaasimaha Macahadka Geeska Afrika Liibaan Axmed Shire ayaa bogaadiyay kulamada noocaan oo kale ah, wuxuuna sheegay in ay ku dadaali doonaan hadda ka dib in ay muujiyaan dhaqanka iyo suugaanta Soomaaliyeed.

Ugaas Xasana Ugaas Yaasiin ayaa ku dheeraaday sharraxidda Mug-weynida Afkeenii Hooyo,wuxuuna tilmaamay in baahi loo qabo soo noolaynta dhaqankeenii soo jireenka ahaa,buugguna yahay mid ku soo beegmay xilli baahi weyn loo qabo.

Gaba gebadii ka hor Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Dekedaha Puntland Axmed Siciid ayaa sheegay in loo baahanyahay in aan ilaashano luqadeena iyo dhaqankeena suuban haddaan nahay Soomaali. Ugu dambayntiina Xildhibaan Bootaan ayaa sheegay in loo baahanyahay in dhaqanka lagu dhagenaado, dhammaan goobaha waxbarashadana loo bixiyo magacyo Soomaaliyeed. Md. Bootaan ayaa ka codsaday dowladda in ay dhaqan-galiso adeegsiga Af-Soomaaliga dhammaan Xafiisyadeeda kala duwan.

Waxaa xusid mudan in maanta oo bishu 21 Janaury tahay ay ka soo wareegtay 45 maalintii Far soomaliga la qoray taarikhdu markay ahayd 1972.Wasaaradda Warfaafinta iyo Macahadka daraasaadka geeska Africana ay wada xuseen maalintaas si wadar ah,kana soo qayb galiyeen madax dowladda ah iyo aqoonyahanno iyo qaar ka mid ah bulshoweynta Soomaaliyeed.

Fadlan halkan ka daawo Munaasabaddii Gorfeynta Buugga ” Haybso Dhaqankaaga”


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.