Wareeggii 1aad ee hadal jeedinta musharaxiinta oo lasoo gabagabeeyey

Muqdish (WDN)- Wareegii 1aad ee hadaljeedinta musharaxiinta ayaa maanta lasoo gabagabeeyey ayadoo xubnaha labada aqal ay dhagaysteen 20 musharax waxaana si aad ah loo adkeeyey amniga goobta doorashada Teendhada Afasiyooni ee deegaanada ku geedaaman.

Inkasta oo musharax walba uu soo bandhigey qorshihiisa shaqo haddii xilkaas loo doorto, hadana waxaa kuu muuqanaya in balanqaadyada musharaxiinta inta badan ay isku dhawyihiin waxaana ka mid ah : 

  • Xoojinta iyo sare uqaadista tayada ciidamada qalabka sida iyo xoreynta dalka iyo amni kusoo dabaalidda dalka 
  • Dib u heshiisiin dhab oo bulshada la dhex dhigo
  • Wax ka qabashada iyo sare uqaadista caafmaadka iyo waxbarashada ayadoo adeegyadaas bulshada si siman uga wada faa’ideysan doonto 
  • Wax ka qabashasa arrimaha dhaqaalaha iyo sare uqaadista siyaasadaha maalgashiga, la dagaalanka musuqa iyo ka shaqaynta isku filnaan dhanka dhaqaalaha ah.
  • Siyaasad arrimo dibedeed miisaaman oo dhexdhexaad ah iyo hagaajinta xiriirka dalalka dariska
  • Garsoor tayo leh oo madaxa banaan oo cadaalad bulshada uhorseeda iyo dhisidda maxkamadda dastuuriga
  • Dhamaystirka dastuurka qabyada ah aftina loo qaado iyo
  • Dib usoo nooleynta wada hadaladii dawladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland.

Fawsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo ah haweenayda kaliya ee xilkaan u taagan ayaa balanqaadey haddii la doorto in ay wax badan ka qaban doonto dhibaatooyinka faraha badan ee umadda Soomaaliyeed haysata sida amniga,caafmaadka,waxbarashada,sare uqaadista kaabayaasha dhaqaalaha ,dib uheshiisiinta,caddaaladda iyo in haweenka qeyb lixaad ka qaataan dib udhiska dalka.

Fawsiyo Xaaji Aadan ayaa ahayd musharixii ugu danbeeyey ee hadalka jeediyey waxayna ka codsatey xubnaha labada aqal in ay codkooda siiyaan maadaama ay tahay musharax waxqabadkeeda hore loo arkey.

Maxmed Cumar Aaden.
Wardheernews, Muqdisho.