Saturday, April 20, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Toban Qoddob oo Saldhig u Noqon Kara Wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland

W/Q Dr. Khadar Jaamac

Hordhac

Soomaalidu waa dad wadaaga diin, diir iyo dalba. Waxayna ka mid yihiin dadka ku nool qaaradda Afrika. Waxay qalin-laydu ku daalaan kuna tiigaalaan isirka Soomaaligu meesha uu ku arooro, waase arrin gacmo daalis ah. Soomaalidu waxay soo mareen marxalado iyo waayo nololeed oo kala duwan. Wax badan sheekaan ku maqlay waxna shaahid baan u ahaa.

Mar waxaan ahayn reer guuraa, Geel, Gammaan, iyo Geesleey u go’ay, gasiin kooduna yahay cad iyo caano. Dawladnimo waxba kamay aqoon, waxaana kala hagi jiray xeer iyo xaagaan, mar way dagaalami jireen marna way wada daaqi jireen.

Mar kale waxay ahaayeen gobonimo doon iyo gumaysi la dirir, oo waa markii ninka cadi soo cago dhigtay ciidda Soomaaliyeed, waana markii dareenka waddaniyadeed cirka isku shareeray.

Mar seddexaad waxa loo durbaan tumaayay dawlad ku cusbayd dhaqanka Soomaalida, oo in la eeday iyo in loo aayay aan wali layska waraysan. Waa markii sida rayn-rayn leh loo qaadayay: 

Maantay curatooy mataano dhashee 
aan maallo hasheena Maandeeq

Ugu dambayn waxa la soo gaadhay burburkii iyo dagaaladii sokeeye oo ahaa marxalad madow, dad badanina ay ka dharag sanyihiin siday u dhacday iyo meesha ay ina dhigtay. Faallo iyo faahfaahin toona kama bixinayo waxaanse habboon inaan soo ergisto odhaahdii ahayd:
” Halaagii dhacay looma kala hadhin”

Dadka Soomaaliyeed waxa loo qaybiyaa seddex qaybood oo kala ah:

1: Beeraley, oo u taagan dadka qodatada, ama beeralayda ah oo bulshooyinka ugu jira kaalin laf dhabar ah.
2: Beecley oo looga jeedo ganacsatada iyo bandar joogta.
3: Barley oo u taagan xoola dhaqato ama reer guuraa.

Haddaba Soomaalidu waxay u badan yihiin qaybtan seddexaad ee ah Barlayda ama xoolo dhaqatada. Xoola-laydu uma carbisna hananshada hannaanka dawladnimo iyo hoggaaminteeda, fikirkeyga, a dabeecadda xoola raacnimadu waata keentay inay saldhigan waydo dawladdii aan yeelanay 60-kii waayo? waxa lagu maamulay xeerkii Geela. Dawladdii innoo dhalatay 60-kii waxa loo ekaysiiya neef Geel ah, waxaana loogu wanqalay magaca ah Maandeeq. Hashii Maandeeg waa la maalay waxaana lagu maalay xeerkii Geela ee ahaa, Ninka xeradiisa uu ku jiro ayaa xoorkiisa iska leh,  xoog iyo xeelad kii uu doono haku maalee. Waxay ugu heesi jireen:

Hadduu xero galo
Xeelad iyo xoog
Midna ku xuma

Habkii loo gardaadiyay dawladnimadii 60-kii waxa ka dhashay xaalad mugdi iyo murugo leh oo laga dhaxlay dayac iyo dawlad la’aan. Nabarada ugu waawayn ee ay tahay in si dhakhso ah loola tacaallo waxa ka mid ah, midnimadii iyo wada jirkii ummaddeed oo kala dhantaalmay iyadoo goboladii Waqooyi ay gaar u bexeen oo ay sheegteen madaxbannaani iyo gooni isu taag, waana culaysyada iyo caqabadaha ugu waawayn ee ay la hinqan la’dahay Soomaaliya.

Haddaba nidaamka Somaliland 30 sano ayuu kusii siqayaa, inuu ilaa maanta tamariyana waxa keenay afar arrimood oo kala ah:

1. Soomaaliya oo uu dab ka shidnaa in muddo ah, iyo Somaliland oo waxoogaa nabad ah ku naaloonaysay.
2. Maaweelo iyo madadaalo in muddo ah lagu soo meel gaadhay (doorasho Madaxwayne, mid Baarlamaan, mid deegaan, iyo rajo ictiraaf oo noqotay dhado iyo dhaan-dabagaalle)
3. Odayaal miisaan leh iyo Siyaasiyiin mug leh oo tudhid iyo dad isku wadis lahaa.
4. Dareen wadalahaansho iyo Somaliland loo dhanyahay oo in muddo ah laga dhur sugaayay. 

Afartaa arrimood ba waa gabaabsi, taasna waxa ka dhashay saluug ba’an oo ku aadan qaddiyada Somaliland iyo diidmo qayaxan oo dhalinyaro badan oo hal abuur ahi ay xadhig ku mutaysteen.

Dhinaca koonfurta, waxa ka jira dhiillo joogto ah iyo dhiig daadanaya, sidaas oo ay tahay, waxa yaalla dhaxalkii awawyaasheen, waxa yaalla calankii buluuga ahaa ee Hargaysa laga taagay, looga gabyay ee looga geeraaray, waxa yaalla madax-bannaanidii (sovereignty) dawladnimo, waxa yaalla sawracii, Soomaalinimadii iyo sumaddii aan lahayn (Tusaalle ahaan, wiil ama gabadh 30 sano loo akhrinaayay waxaa tahay Somalilander oo markay u baahdaan inay Sucuudiga cumro ama xaj u aadaan ku qasban inay qaataan baasaboor Soomaali, kuna qasban inay hadhsadaan calanka Soomaaliya, waxay astaan u tahay sawracii iyo sumaddii Soomaalinimo in ay koonfur yaalaan.)

Sidee loo midoobi  karaa mar labaad ama wadahadallada looga midhodhalin karaa?

Waa hubaal in dhaqdhaqaaqa midnimo doonku isasoo tarayo, waana laga salgaadhi karaa haddii la helo daacadnimo, hoggaan xilkas ah, iyo tobanka (10) qodob ee hoos ku xusan:

1. In dadka saamaynta ku leh bulshada talo-wadaag lala yeesho oo wax laga waydiiyo arrintan taagan, sida culimada, suugaan-yahanka, qalin-layda, ganacsatada, madax-dhaqameedka, iyo bahda saxaafadda. Waayo waxaad moodaa in kalsoonidii lagu qabay siyaasiga reer waqooyi aanay xoog badanayn.

2. Inaan la fududaysan oo aan indhaha laga lalin dadka ay midnimadu mabda’a ka tahay ee reer Somaliland. Waxa jira dad reer Somaliland ah oo intii ay Somaliland jirtayba u taagnaa una dooddayay arrinta midnimada, dadkaasi waxay isugu jiraan ashxaas iyo qabaa’il. Haddii indhaha laga laliyo dadkii 30-ka sano u xabeebtay midnimada, oo mudnaanta la siiyo inta uu maamulku gacanta ugu jiro, waxay noqonaysaa midho gunti ku jira kowo geed saaran u daadi.

3. In guddiyada wadahadallada la xanaf tiro oo laga fogeeyo cidkasta oo wax laga tabanayo waayo qofka qaranka ayaa ka mudan.

4. In la sameeyo xarun dib-u-heshiineed (Reconciliation Center) oo leh agab iyo aqoon ay bulshada ku hanan karaan. Xaruntani waxay gudan kartaa waajibka ah:

b: Wacyi galin walaaltinimo oo ku aadan qaybaha kala duwan ee shacabka iyagoo adeegsanaya kasmooyinka aqooneed ee kala duwan, sida diinta, suugaanta, sheeko faneedka, iyo hababka kale ee bulshada lagu hago.
t: Inay la yimaadaan qorshe turxaan-bixineed oo dhammaystiran kaas oo qeexaya sidii loo furdaamin lahaa tabashooyinka lakala qabo ee naf iyo maalba leh.
j: Dunida waxa ka dhacay dagaalo badan oo lagu hoobtay, kuwaas oo ka dhashay sababo kala duwan, qaar waa la xalliyay, qaarna waa la xakameeyay, kuwo kalena waa lagu kala xoog roonaaday. Haddaba xaruntani waxay diyaarin kartaa cilmibaadhis ku saabsan waddamadii dagaalada sokeeye ka dheceen iyo sidii looga soo kabtay, iyagoo wixii ugasoo dhurooba cilmi baadhistooda, si falsafadaysan ugu adeegsanaya in lagu dhaqo maanka iyo maskaxda dadka wax tabanaya, waayo dadkeenu waa Muslimiin waana dad gaya oo qaadan kara cafiska haddii waddo toosan loo maro.

5. Koonfuri inay dhinac isugu luga duwato, loona sameeyo dawlad dhexe (Unitary System) oo lixda madaxwayne iyo 4.5 kani meesha ka baxaan. 

6. Somaliland tan habqaranka ah ee la tiicaysa hungadii ay ka dhaxashay 30-kii sano ee marin habaabinta ahaa, in iyadana la turxaan bixiyo.  Waxa laga cabanayaa beel beelo boobtay iyaduna isboobtaye, waa inay dhexdooda qodax iyo qaniinba ka idleeyaan iyadoo marti iyo magantoona laysu ahayn caddaalad wax lagu qaybsado. Haddiise qolo isu malayso in marti loo yahay, waxa dhici doonta “nin ku yidhi sinnaan mayno adna diid sarrayntiisa” 

7. Intaa ka dib in la billaabo wadahadallo fool-ka-fool ah oo dhex mara laba bulsho oo madax iyo mijo kala leh. Laba qaydhinka wax ku qaybsatay bisaylka iskuma cawridee in lakala asteeyo waxa hadda laysku hayo horena la isugu seegay.

8. Waa in aan la kala furfurin dadka Reer Waqooyiga ah, lana ilaaliyo isku duubnidooda. In dadka Reer Waqooyiga lakala xado oo loo adeegsado siyaasadda ah qaybi oo xukun, (divide and rule) waxa ka fiican kana waxtar badan in laga shaqeeyo sidii loo heli lahaa wadar ahaantooda.

9. In dawladda federaalku ay la timaado qorshe ay ku hantiyayso qalbiga dadka reer waqooyi. Tusaale ahaan waa in wax qabadka dawladdu gaadho shacabka Reer Waqooyi, arinkaas oo u gogol xaadhi kara isusoo dhawaanshaha waqooyi iyo koonfur. Sidoo kale waa in dawladda federaalku ka fogaataa tallaabo kasta oo loo macnayn karo colaadin iyo Reer Waqooyi nacayb, waayo waxa ka faa’iidaysan kara cidkasta oo aan rabin waan-waan ka dhex dhalata koonfur iyo waqooyi.

10: Haddii lagu guulaysto qoddobada kor ku xusan, waa in la helo qorshe fulineed oo ku suntan kaadsiiyo iyo kuurgal (Integration Process) sida isdhexgalka ciidamada, saraakiisha, xafiisyada, shaqaalaha, iyo dhammaan hay’adaha dawliga ah.  

Sidaas Ayaan anigu aamin sanahay in wax lagu gaadhi karo, haddiise ay noqoto hebaloow saxeex iyo hebaloow ogolow, waxa dhici doonta waar yaa haraggeedii igaga celiya, waxaana dhici kara -ilaahay kama dhigee- in waqooyi iyo koonfurba ay colaaddo hor lihi ka holcaan.

Dr Khadar Jama
San Diego, California (USA)
Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.