Tuesday, April 23, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Puntland: qoysaskii ay barakiciyeen daadad ku dhuftay Qardho oo Iskuulada hoy ka dhigtay

Mahado iyo caruurteeda oo horfadhiya qolka hoyga u ah ee Iskuulka / Khadar / Radio Ergo

Dekeeya Jaamac Salaad waa hooyo qoyskeedu ka kooban yahay 8 qof oo kala ah 5 caruur ah oo ay dhashay, hooyadeed iyo abtigeed oo guriga kula noolaa. Daadkii ka dhashay roob xooggan oo magaalada Qardho ka da’ay 28 kii bishii hore ayaa burburiyey gurigii ay degganaayeen oo ka koobnaa 4 qol oo leben ah, iyaguna si dirqi ah ayay noloshoodu kaga badbaadey. Lix habeen ayay seexanayeeen dayr bannaan ee Iskuulka hoose/dhexe ee Waddaniya oo la dejiyey qaar kamid ah qoysaskii ku barakacay daadka.

“Ilaa hadda wax  alla iyo wax noo yimid ama wax na korjooga midna ma aragno, biyihii waa nagu xun yihiin, suuliyada nadaafad fiican malaha, cunno fiican ma haysanno, wax Muslim Ilaahay naga siiyo maahane  dadku waa la sooman yahay xilli Soon baa lagu jiraa, dowladdii ilaa hadda waxay noo qabatay male.”ayay ku calaashay Dekeeya iyadoo u warramaysa raadiyo Ergo

Dekeeya waxaa kaloo ay raadiyo Ergo u sheegtay iney la xanuunsaneyso xanuunka neerfaha, abtigeed oo la deeganna uu yahay nin qaba xanuunka dhimirka, haddana aanan la ogeyn meel uu ku sugan yahay.

Mahado Cali Muuse waxay degganayd xaafadda Xingood Hoose ee Koonfurta magaalada Qardho, waxay ku nooshahay Iskuulka Azhar oo kamid ah Iskuullada dadka lagu soo daad-gureeyey waxay sheegtay inaysan jirin wax u baxsaday gurigeedii. Shan qoys oo ka kooban 23 qof ayay ku seexdaan qol ka kooban 8 miter oo ahaa fasal iskuulku lahaa oo laga saaray kuraastii noloshooduna waa mid aad u ciriiri ah.

“Haddeer shan beri baan joognaa wax naloo qabtay ma jiraan, biyo ma haysano, waxaan ku afurno weyney, buste ma haysano, banaankaas baan hurudnaa,” ayay tiri.

In ka badan 8 kun oo qoys ayaa la sheegay inay siyaabo kala duwan u saamaysay fatahaadda, waxaana ugu daran 3500 oo noqday barakac rasmi ah, kuwaasoo maanta aan haysan hoy ay degaan. Dadka qaar waxay dulsaar ku yihiin qoysas kale halka qaarna ay daadsan yihiin iskuullo si kumeel gaar ah loo dejiyay si ay roobka uga galaan. Soo kabasho iyo dib-u-dejin ha joogtee waxaan weli la wada gaarin quudintooda, dadaalladuna waa kuwo wali socda.

Duqa degmada Qardho Cabdi Siciid Cismaan oo ah afhayeenka guddiga uu maamulka Puntland u saaray  gargaarka dadka ay waxyeelladu kasoo gaartay daadadka ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in dadka cabanaya xafiis loo furay si degdeg ahna raashin loo gaarsiin doono.

“Cabashadu waa jirtaa dad aan la gaarin waa jiraan dad laga boodey baa jira, waxaan samaynay xafiis cabasho, dhammaan dadka cabanaya oo dhan waxay tegayaan xafiiskaas dhamaantoodna waxaan gaarsiin doonnaa raashin.” ayuu yiri.

Tan iyo markii dadku ku barakaceen gudaha magaalada waxaa gargaar la gaarsiiyey 2,500 oo qoys, guddiga loo xilsaaray gurmadka dadka roobabka ku waxyeelloobey ayaa qoys walba siiyey raashin ka kooban 25 kiilo oo bur ah, 25 kiilo oo Sonkor ah, 25 kiilo oo bariis ah, 10 kiilo oo baasto ah, 5 litir oo saliid ah iyo 3 kiilo oo timir ah oo ay la socdaan agabka huwashada iyo gogosha.

Puntland ayaa habeennimadii Sabtida shaacisay tirada rasmiga ah ee dadka ay waxyeelladu ka soo gaartay daadadkaas. Wasiirka Qorshaynta iyo iskaashiga caalamiga ah ee maamulka Puntland Cabdulqafaar Xaange ayaa sheegay khasaaraha guud ee waxyeellada ka soo gaartay dadka kuwaaso lagu qiyaasay ilaa 8 kun oo qoys oo 3500 oo kamid ah ay yihiin barkacayaal.

Inkastoo ay saamayn xun reebeen roobabkii daadadka geystay ee ka da`ay Qardho ayaa ay haddana waxaa jiro digniino ay soo saareen wasaaradda deegaanka, beeraha iyo isbedelka cimilada iyo Hay’adda Maaraynta Masiibooyinka ee Puntland (HADMA), in roobab xoog badan ay maalmahan ku soo wajahan yihiin Puntland sida uu Raadiyo Ergo u sheegay Ismaaciil Diiriye Gamaa`diid oo ah wasiirka deegaanka ee Puntland.

Source: Radio Ergo


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.