Friday, April 19, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Socdaalkaygii Puntland (Qaybtii 3aad)

W.Q. Faysal Cabdi Rooble

Amnigu waa Aasaaska Nolosha

Ka hor intaanan u gudbbin Qardho iyo Bosaaso, waxaan u dhabo-galay astaamaha gaarka u ah Garowe iyo horumarka bulshada. Nabadda ayaa kow ka ah horumarka magaaladaasi.  Bulsho ma dagto mana najaxdo haddaanay nabadi jirin.

Garowe nabaddeedu kama liidato tan magaalooyinka casriga ah ka jirta; Nayrobi iyo Addis ka ma liidato, haddaanay wax dheerayn. Dadku maqaayadaha ayay si nabad oo aan cabsi lahayn maalintii ugu sheekaystaan, habeenkiina ku caweeyaan. Jidadkana habeen iyo maalin bilaa cabsi ayaa la iskaga socdaa.

Qudhaydu saddex habeen ayaan wakhtiyo dambe magaalada dhex socday; hal habeen waxaan ku daahay martiqaad casho oo ka dhacday huteelka Eyl barsaddiisa sare (rooftop deck dining area). Barsaddu waa bil saqaf taaso oo fursad kuu siinaysa in aad hesho naacaw qabow iyo xiddigaha cirka ood si fiican u arki karto.

Aniga iyo kooxdii imarti qaadday markaanu cashadii dhammaysanay waxa aanu sii marnay farmsi furnaa xilli ay saacadda hebeenimo ahayd 12:30; halkaas oon ka gatay caday iyo dawadiisa oo iswata (toothbrush and toothpaste – I was pleasantly impressed!). Los Angeles iyo magaalooyinka waaweyn ee Maraykanka waxaa jira xaafado aadan habeenkii saqda dhexe gaadhi wax aan ahayn aadan ku mari karin; in aad ka adeegatona iskaba ilow.

Sidaas darteed, waa in lagu farxo waxyaabaha bulsho ahaan iyo Soomaali ahaan inoo soo hagaagaya. 

Barxadda Garowe iyo Bartilmaameedka Dhallinta

Waxa iyana bartilmaameed u ah Garowe “barxadda Garowe,” ama “Garowe Piazza” oo ku taal magaalada bartamaheeda.  Barxaddu waxay sumadaysaa (gateway) goobta iyo rugta feestada, dibad-baxa, iyo dabaaldagga lagu qabto.  Waana goobta ay ku soo afjarmaan isku soo baxyada baaxadda leh sida dibadbaxii ballaadhnaa ee reer-Puntland ku soo dhaweeyeen MW Maxamed Cabdillahi Farmaajo xilligii la doortay.

Magaalo in ay barxad yeelato waa muhiim, waxaanay wax ka tartaa xoojinta dareenka ah in muwaadinku ogyahay bartilmaameedka magaalada (it is the city’s public square and enhances civic belonging and civic activism).

Waa goob aan la kala lahayn oo muwaadinku ku nasan karo ama ku tamashlayn karo, isagoon wax kharash ahi ka bixin. Waxaa dhallintu barxadaha u isticmaalaan goob nasasho, barkulan (rendezvous young), iyo meel gayaanku iska ilaashadaan.  Waxa Barxadda ka dhiman in lagu beero dhir hadh abuuri karta iyo meelo laga heli karo tamarta korontada si dhallintu talafoonada ugu  buuxsan karo (public telephone charging outlets).

Lama-Dhaafaanka PDRC

Waxa innaba martida iyo soo-galaytiga yimaad Garowe aanay gafin hoyga Madexweynihii Hore, MW Abdiraxmaan Faroole.  Guriga MW Faroole wax uu noqday goob ay siyaasiyiinta iyo aqonyahannadu soo siyaartaan.  Waxa uu noqday hoygaasi guri waayeel (statesman’s residence).

Socaalkayga Garowe innaba ma dhammays tirnaan karo PDRC la aanteed.  PDRC, oo ah rugta cilmi baadhista iyo keydka dhaqanka ee ug da’da weyn marka laga soo billaabo burburkii Soomaaliya (1991), ayaan dood cilmiyeed kaga qayb galay habeenkii Abril 24, 2019.

Aqoonyahanno iyo mas’uuliyiin badan ayaan masraxa la wadaagay. Xarunta PDRC waxay ku taal qaybaha magaalada Garowe ugu bilicda wacan; waxy xaruntu ka koobantahay xafiisyo, jardiino iyo barxad dhir iyo ubaxyo ku tallaalan yihiin.

Qolal yar yar, qol kale oo weyn oo martida lagu qadaysiiyo/cashaysiiyo, iyo qol weyn oo shirarka lagu qabto ayaan si gaar ah indhaha ugu dhuftay. Hawlwadeeno aad hawlkar u ah, lahaansho hawsha ay qabanayaana muujiyey ayaan kula kulmay PDRC. Waxaan ka ballanqaaday soo noqod kayga dambe in aanu wax badan wada qabsan doono.

Salaan Waayeel iyo Rugta Faroole

Arootii aan u baxaynay Qardho iyo Basaaso (Abril 27, 2019) ayaanu madexweynaha salaam ugu tagnay. Waxa iyana guriga madexweynaha noogu yimad xildhibaano reer Puntland oo Muqdisho ka yimid, ahaana wafdi hordhac u ahaa booqashadii MW Farmaajo uu Garowe ku yimid Abril 29, 2019.  Juriile ayaa wafdigaas ugu facweynaa (Juriile oo si lama filaan ah xanuun u haleelay oo dhaktar Jarmalka ah ku jira ha loo soo duceeyo).

Haddaanu MW Faroole iyo wafdigii la quraacanay, waxaanu billownay sheeko wadaag mudo hal saac iyo badh ah noo socotay. MW Farloo waa shaqsi kaftan badan, dood-wadaagana jecel.  Marka loo yimaado arrimaha Axdi-qarameedka iyo federaalka (constitution and federalism), MW Faroole waa waxa loo yaqaan “originalist,” ama “asali.”

Asaligu waa jiil ku doodatama in Axdi-qarameedka (constitution) loo micneeyo sidii loo qoray iyo ujeedadii asaliga ahayd xiligii la hindisay, iyada oon la maroorin micnaha asalka ah ee qoddobada. Asaligu waxay dhowraan micnaha asaliga ah xataa haddii qoddobada asalka ahi ka horyimaadaan danta gobolkooda. Kooxda kale waa nakhtiimayaal ama “revisionists” oo raba kolba sida ay rabaan in ay u micnaystaan (la jiifiyaaba bannan). Madexweyne Famajo ayaa soo galaya qolyahan aan asaliga ahayn oo ku caan baxay “la jiifiyaana bannaan.”

Dood yar oo gaabnayd oo nadhex martay intii aanu qureecda ku jirnay, waxa uu MW Faroole muujiyey dood “asali” ah, taaso meelo qaarkood kaba duwanaan karta rabitaanka deegaankiisa laakiin daacad u ah asalka axdigu qorayo. 

MW Faroole waa waayeel martisoor fiican, isla markaana runtii dood wadaaga qiimeeya. Waxaan islahaa MW waxa uu ku soo marin Carwadii (museum) taariikhda ee uu Garowe ka hirgaliyey, wakhtigaasa igu yaraaday.

Unuga Tamarta Casriga ah (Smart Technology)

In saddex Kiloomitir aan ka badnay guriga MW hore, xaga waqooyiga, waxa ku yaal saldhigga cusub ee tamarta koruntada dabiiciga. Saldhiggaasi waxa uu isugu jiraa labo qaybood: barsad jiingada ah (Solar panels) oo dhalisa tamarta korontada ee ka timaad awoodda qorroxda la kaydiyo, iyo dhowr tamar baddalayaal oo dabaysha dabeeciga u badala tamr koronto (wind turbine).

In ka badan 25% tamarta magaalada Garowe, oo u dhiganta 50,000 oo qoys tamarta koronto ay isticmaalaan, waxay haddeer ka helaan labada aaladood ee ku kala shaqeeya qorroxda iyo dabaysha.

Qorshaha dhow waxa ka mid ah in intaasi laga sii kordhiyo tamart laga helayo qorraxda iyo dabaysha, isla markaana sicirka adeegga tamartu hoos u dhaco.

Iyada oo la tixgalinayo kulka qorraxda iyo dabaylaha xooggan ee ka yimaad waraqyada Nugaal, qorshaha fog ee Puntland iyo hiigsiga ku aaddan tamarta waa in giddi ahaanba tamrta korontada laga heli karo xoogagga dabeeciga ah ee deegankani leeyahay. 

Yoolkii lixaad ee MW Saciid Deni uu doorashada ku galay “Daryeelka Deegaanka iyo Xakameynta saameynta Isbeddelka Cimilada ayaa sidan ahaa:

in ann “gebi ahaanba meesha ka saarayso isticmaalka dhuxusha. Sidoo kale waxaa xoogga la saari doonaa ka faa’iidaysiga tamarta cadceedda (Sollar) iyo dabaysha.” Runtii waa yool lagaadhi karo xilli aan fogayn.

Waxa yoolka MW Deni kaga dhawaajiyey ku hoos jira in laga faa’iidaysto dooxooyinka waaweyn ee biyodhac leh. Xilligii aan joogay Puntland, roob la’aan ba’an ayaa ka jirtay. Xooluhu biyo iyo baad midna may haysan. Reer-miygu waxay noo sheegeen in ay billaabeen in xoolaha ay gallay siiyaan, taasina lagama bixi karo maadaama aan qiimaha gallayda la goyn karin.

Xilligaan joognay Garowe, roobka waa la saadaalinayey. Hebeenkaan barsadda huteelka Eyl dushiisa ku cashaynaynay (bpril 24, 2019), intuu yar tiixay, nakala eryey ayaanu haddana di’in. tiix yar ayuunbuu ku ekaa.

Xilligii aan u safray dhinaca Qardho iyo Bosaasano, waxa Generaal Khallif Ciise Mudan iyo Wasiir Juxo illa wadaageen magaac badan oo ku aaddan waraqyo, dooxaha Nugaaleed, iyo biyo-dhacyo kusoo afjarma Eyl iyo Badweynta Hindiya.

Robabka ka da’a deegaanka qasaaro iyo faa’iido ayey keenaan. Qasaaraha wax ka mid ah daadad xooggan oo magalooyinka Khalkhal ku keena. Malaayin kubik meter oo biyo ah ayaa sida daadka kal kasta u dhaafa deegaanka, dhib weyna waxay ku keenaan xoolalayda, magaalooyinka iyo tuulooyinka deegaanka. Waxaan isweydiiyey, maxay ku dhacdaa roobabowgii loo Allah beryay in haddana khasaarohooda laga ooyo? Jawaabtu waa “qorshe la’aan.”

Biyaha baaxadda leh ee gu’ iyo dayrkasta waddanka ka da’ innaba lama daawan karo. Waa in qorshayaal lagu qabto la helaa. Haddii la qaban lahaa, waxa la joojin kari lahaa malaayin cubic feet ama (wadar badan) oo biyo ah. xoolaha iyo beeruhuna waraab ka heli kari  lahaayeen. Sida uu duqa Garowe laga soo wariyey, daadkan oo Garowe ku soo rogmadayna qaasaaro badan ayuu keenay.

Puntland waa in ay sida ugu dhaqsaha badan ugu hawl gashaa dhismaha biyo-xidheeno (Water Dams). Sideedabana biyo-xidheenku (dams) waa sancooyinka ama teknoologiga bini’aadamku hidisay kuwa ug da’da weyn. 

Biyo-xidheenkii ugu horeyey ee biniaadmku dhiso waxa la dhammeystiray qarnigii faraacinta, dhalashadii Nabi Ciise 2900 oo sanadood ka horow. Kan kor ka muuqdaana waa biyo-dheen la dhisay 1,800 sano ka hor, waxaana laga dhisay dalka hadda loo yaqaan Siiriya, welina wuu shaqeeya, gaarahaana waxa uu biyo-xidheenkani gacan ka geystaa waraabka beeraha deegaanka uu ku yaal.

Baahi kale waxay ka jirtaa dib u eegis daad mareenada magaalada, qorshaynta iyo biyo-xidheen laga hirgaliyo meelo magaalada ka baxsan si looga hortago daadadka harqiya magaalada xilliyada roobku da’o.

Waxa la gaadhay xilligii qorshe ku jaan go’an deegaanka iyo cimilada la dajin lahaa si looga tabaabushaysto: (1) abaaraha biyo la’aantu keento, (2) nabaad guurka daadadku keenaan, iyo (3) daaqsiin la’aanta ku timaad xoolaha xiliyada jiilaalka.

Biyoxidheenadu waxay horseedaan biyo iyo baad in la heli karo xili kasta; daaq ayaa lagu beeri kara darbiyada biyo-xidheenada (riverbanks) iyo beeraha ku dhodhow.

Waxa ididiilo igaliyey dhowr warshadood oo hadda dhamays ku dhow, sida warshadda Ranjiga darbiga iyo looxaba la mariyo oo la daah furidoon xili dhow.

Lasoco Qaybta 4aad oon kaga warrami doono dhinacaa iyo Qardho iyo Bosaaso.

Faysal cabdi Rooble

Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.