Saturday, April 20, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Socdaalkaygii Puntland (April 23-29, 2019) Qaybtii II

W/Q Faisal Cabdi Rooble

Xili waaberi ah, taariikhduna ahayd Abriil 23, 2019 ayuu igu soo kalahay saaxiibkay Wasiir Juxa. “Toos ayaynu Gegada Dayuuradaha Nayroobi u aadaynaa,” ayuu iigu bishaareeyey.  Wax yar hadaanu joognay Gegada, mar ay barqo ku dhowdahay ayey dayuuradii (Freedom Airlines) dulimaadkeedii bilowday.

Xeebta Jasiira (photo credit Cambe)

Waan yar seexday intii aanu hawada ku jirnay. Waxaanse ku soo baraarugay anagoo dul marayna meel aan ku qiyaasay xeebta Jasiira. Mudo ayaanu dul soconay xeebtaas. Aagaas oo aad u qurux badnaa, gaar ahaan meesha ay iska galaan   biyaha badda oo aad buluug u ahaa iyo liid
(xariijin) -xeebta kala saara badda iyo bariga. Inta badan halka biyaha iyo bacaadku iska galaan waa sigsaag (zigzag) oo sida maska weecweecda. Waa deegaan dabeeci ah oo aad u qurux badan.

Markaan quruxda badda Soomaaliyeed arko, labo arimood ayaa igu soo duxa: 1. Waxa gaaladu Muqdishu ugu bixisay “The Pearl of the Indian Ocean,” ama “Jawharadii Badweynta Hindiya”; iyo 2. Waxaan is xasuusiyey xiligii Abiy Axmed, R/W Itoobiya, uu Muqdisho yimid. Waxaan ka dharagsanahay deegaanka buuralayda qabowga badan ee uu ka yimid, waxaan iska dhaadhiciyey in hunguri ka gelidoono deeqdan Alah ina siiyey- Soomaali,  laakiin aynu dayacnay. Cabsi iyo welwal aan markii hore igu jirin ayaan dareemay – waa la idinka xooggi karaa ayaa ugu dhalatay.

Mar hadaan Gegadii Aden Cade ka soo dagay, naacoowdii Xamar ayaa wajiga iga dul martay. Anagoon wali aadba uga haqabixin hawadaas macaan, waxa lanugo bilaabay tacadi iyo buuq yar oo aan markale ka hadli doono. (Duuduub ahaan, aniga iyo rakaabikii kale ee u jeeday dhinacaas iyo Garoowe oo ka koobnaa Soomaali iyo 35 reer-Kenya ah oo Garoowe u socday ayaa lana faquuqay, sida hada Kenya u faquuqday madaxda Soomaaliyeed – Booraan hadimo ha qodin ku dhicidoontaane mooyee).

Nugaal

Si kastaba ha ahaatee, socdaalkaygii aan Puntland ku maray waxaan ka soo korodhsaday waayo aragnimo, iyo galad badan oon u qaaday Soomaalida gobolkaas degan. Waxaan qaybahan hoos ku xusan idin kula wadaagi doonaa waxaan ku soo arkay Garoowe, Qardho iyo Boosaaso.

Garoowe

Inkasta oonu ku daahnay Xamar, waxaanu ka soo dagnay Gegada Dayuuradaha ee Garoowe (GA) xili ku dhow 1 duhurnimo.
Garoowe Airport (GA), oo loogu magac daray Gen. Maxamed Abshir,  waa madaar casri ah; oo jidka ay dayaaraduhu caga dhigataan (runway) uu dheeryahay, waana  dhowr kilometer. Inta aanay dayaaradu caga dhigan, waxaan aad isha ugu qabtay ama aan sawiro ka qaatay balaca iyo baaxada quruxda badan ee banka nugaaleed (vast Savanna land)

Garoowe, Airport, Puntland

Inkasto oon xili roob la’aan ah ku hagaagay, hadana sida dhulku u goglanyahay waxaad garan kartaa quruxda dabeeciga ah ee deegaankaasi leeyahay (natural beauty). Xiliga roobku helo, dooguna cagaaro, Cawsha iyo Deeraduna soo dareeraan, farduhu raxan raxan isku raacaan iyagoon ka warwarsanayn daaq ay goostaan, Geelinu si hawl yar geedaha ku laaco, riyuha ruuxaaduna dooga rayn rayn ku wada daaqaan ayaa lagu cabiraa quruda dabeeciga ah ee Nugaal.

Waxa kale ooy Nugaali ku caan tahay dooxooyin biyo-rog leh (Valleys), taariikhdii Darwiishta (Darwish history), iyo sugaan qani ah (rich literature). Sadexdan astaamood waa rukunada dhaqan dhaqaalaha umadda Soomaaliyeed sumad u ah.

Socdaalkaygu waxa uu ku soo hagaagay xili laqa baqayo roob la’aan iyo abaar. Hase ahaatee markaan soo guryo noqday ayaa robabow khayr qabaa ka daa’een, waana marka ay Nugaali ugu quraxda badantahay.

Waxaan soo bartay geed uu Geelu cuno xiliga abaarta. Waana markii iigu horeysay een arkay Geel daaqaya geed gaaban ood moodo in uu dambas leeyahay. Waa geed la yidhaa “Daran.” Deeqda Ilahaay waa Geed cusbo leh.  Deegaanka anigu aan ku soo koray caro dhanaan ayaa xoolaha la siin jiray. Nugaal’se Geelu waxa ay cusbada ka helaan gaadkaas “Daran” layidhaa.

Mar hadii aan GA soo gaadhnay, waxaan galay dhinaca VIP oo leh qol weyn oo leh meel lagu nasto, musqulo nadiif ah, iyo makhaayad Bunka iyo Shaaha laga cabbo, cunnada fududna laga cuno xiliga gaaban ee nasashada lagu jiro.  Shaqalaha GA waxaan ku arkay anshax iyo edeb; runtii qayladu wey ku yarayd. Dabciga laaluush-qaadashadu ama “hassling for bribe” ku maan arag.

Magaalada iyo GA waxa isku xidha laami, hase ahaatee mararka qaarkoo gaadiidku waxay sameeyaan qarda jeex iyaka oo jid aan laami ahayn qaata qayb socdaalka ka mid ah, si ay dhinaca laamiga ah ee gaadiidku ku badanyahay uga weecdaan. Aniguse waxaan door bidi lahaa in laamiga ay qaataan sababo badan owgood ooy kamid yihiin nabaad guur ay ku keenayaan gaadiidka badani dhulka aan jid loogu tala galin. Sikastaba ha ahaatee, GA ilaa badhtamaha magaalada waxa loo socdaa mudo dhan 20 mirirdh iyo in ka badan (a little more than 20 minutes). 

Runtii wax aanan filanayn ayaan ugu imid halkaas. Soodhaweyn maqaam sare leh ayaa la igu soo dhaweeyey; saaxiibtinimo heer sare ah ayaa la itusay. Madex aad u fara badan oo isugu jir wasiiro, madex dhaqameedyo, Indheer garad, dhalinyaro iyo shaqaale dawladeed ayaa si maamuus sare leh ii qaabilay. Waxa niyad wanaag dhab ah igu abuurtay sida qalbiga furan ee rer-Puntland ii qaabileen, gaar ahaan dhalinyaro (wiilal iyo habloba leh) oo runtii magacayga uun maqli jirtay hadana muuqaal ahaan iila kulantay.

Markaan muddo yar ku nastay qolka martida, qudbado gaagaabana ay jeedinay Duqa Garoowe iyo Wasiirka Deegaanka, Beeraha iyo Cimilada, aniguna aan u mahad naqay dadka goobta igu soo dhoweeyey, waxa la igeeyey hoteelkii. Halkaas oon ka bilaabay booqasha iyo kormeer dhower beri ah oo ku joogay Garoowe. Waxaan aad uga mabsuuday hutelka aan daganaa oo runtii heerkaan ka filayey aad iiga la fiicnaaday. Markaan soo dhofayeyna Gabadhii qolka ii nadiifin jirtay si fiican ayaan uga farxiyey. 

Grand Hotel, Garoowe

Huteelka aan daganaa waxa uu ka koobanyahya 3 mise 4 dabaq. Nadaafadiisu aad ayey u fiicnayd (excellent condition). Wax qaniin ah ku maan arag, kaneecona ma lahayn xiligan. Qaboojiyaha qolku (Air condition) boqolkiiba boqol ayuu ahaa.

Dhul balaadhan ayuu huteelku ku fadhiyaa. Laba dhinac ayaa laga soo galaa. Ganjeelo weyn oo askari ilaalinayso ayaan ka soo galay. Mar hadii aad ku soo baxdo fooqa hutelka waxa ishaadu qabanaysaa albaabka weyn ee baaxada leh iyo magac “Grand Hotel” oo dabaqada ugu saraysa ku lifaaqan. Dhina midigta, meel huteelka 20 mitir u jirta waxa ka dhisan goobo lagu cunteeyo oo sidii mundulka loo nashqadeeyey. Dhinaca bidixda waxa kaaga aadan barsad si fiican loo rusheeyey (veranda) laguna taxay miisas iyo kuraas afar-afar iyo lix-lix isku raaca. Waa hadh macaan oo loogu talagalay in lagu baashaalo, Cunno, Shaah iyo Bun lagu cabbo. Qayb labaad oo isla tamashlaha loogu talagalay huteelka gadaashisia ayaa ku taal.

Dadku wey ku balamaan goobahaas. Hutelo kale oo Iyana sidaas kuu soo jiidanaya ayaa magaalada ku firidhsan.

Inta badan waxa laga sheekaystaa sadex mawduuc: Siyaasad, Ganacsi (business), iyo baashaal iyo kaftan. Barsada labaad waxa ka dambeeya Masjiid qaadi kara ilaa 100-150. Had iyo jeerna xiliyada salaada, gaar ahaan duhurka, casarka, iyo maqribka waa la buux dhaafshaa. Masaajidada magaalada oo dhanina waa lamid. 

Magaalaynta Garoowe  (Urbanization of Garowe)

Magaalada Garoowe waxay ka tirsantahay gobolka Nugaal, waana magaaalo madaxda Puntland

Gobolka Nugaalna toban sano horteed dadka ku noolaa waxa lagu qiyaasay 600,000 (2011). Waxa laga yaabaa in Nugaal hada kur u dhaaftay hal milyuun oo qof.  Caasimada Garoowe-na, aad ayay u fidaysaa oo u camiran tahay. Magaalada waxa 2011 lagu qiayaasay in ay ku noolaayeen ilaa 180,000-200,000, markaas la fiiriyo odoroska kororsiimada dadka (projection of growth), waxa laga qiyaasi karaa in ay magaalada ku nool yihiin ilaa 300,000.

Xiligii 2011, waxa Garoowe ku noolaa 200,000, hadeerse waxa laga yaabaa in dadka dagani korba u dhaafe karaan 300,000. Xiliyada duhurkii iyo xiliga casarka magaaladu way camirantahay.

Xawaaraha korintaanka dadka oo ah in lagu qiyaasay 3% oonay ku jirin soo galaytiga, waxa la filan karaa in Garoowe koboc xawaare leh ku korto.

Intii dagaalka sokeeye dhacay Garoowe aad ayey u kortay. Markii kaliya aan arko Garoowe waxay ahayd 1980, anigoo Qardho ka soo laabtay halkaas oon mudo gaaban macalin ahaan dugsiga sare kaga soo shaqeeyey. (Mar dambe ayaan idin la wadaagi qaybtaas Qardho). Wax magaalo lagu tilmaami karo may ahayn. Xiligaas waxa jidka Shiinihu dhisay ka taagnaa hal daar dhagax ah oon u maleeyay in uu jibriga (Customs) ahaa, iyo makhaayad yar. Intaas wax dhaafsan, Garoowe waxay ahayd buulal iyo cariishyo.

Hotel Marti-Soor

Garooweda maanta waa magaalo casri ah oo leh macdaaro, moolal, huteelo caalami ah sida Grand, Eyl Palaca, iyo kuwa kale oo badan. Waxa kale oo dhamaystir ku dhow huteelka weyn ee Marti-Soor oo ilaaa todoba dabaq ah oo ka dhisan goobta wasaaraduhu ku badanyihiin ee buurta. Intaas waxa dheer goobo loo tamashle tago ama in wax laga soo cuno oo magaalada ka yarbaxsan sida Hiddo-Raac oo kale.

Astaamaha casriga ee magaalynta Garoowe (attributes of modern urbanization) waa dhowr arimood.

  1.  Wadooyinka magaaladu way nidaamsanyihiin, waa jidad balaadhan (wide road).  Jidadku waxay u badanyihiin kuwo sida laanqayrta isku gooya oo afar waji leh. Taasi waxay keentay in gaadiidku si habsami ah u kala socdo, gridlock ama is dhex yaacuna ku yaraado. Waxay magaaladu u badan tahay dhul siman ama fidsan (flat topography) taasi oo u sahlaysa in jidad toosan laga dhisi karo. Intaas waxa sii qurxiya oo kale dukaanada, makhaayadaha, iyo meelaha laga adeegto oo saaran jidadka magaalada.
  • Astaan kale oo Garoowe aan ku arkay waxa ka mid ah sida habaysan iyo goobta munaasibka ah ee xafiisyada dawladu ku yaalaan. Jihada koonfur-galbeed ee magaalada waxa ku yaal duud (hill top) oo ka sareeya dhulka fidsan ee badida magaaladu ku fadhido. Duudkaa ayaa si habaysan la isugu keenay wasaaraddaha dawlada iyo dhowr xarumood ooy leeyihiin hay’ado caalami ah . Duudkaasi waxa uu hada noqday xarun ay ku bahoobeen xafiisyada dawlada (Civic Center). Magaalona waa in ay yeelataa Civic Center, taasi oo fududaynaysa in wasaaradaha dawlada si fudud loogu kala gooshi karo. Iyo, in tusmo xarun dawladeed loo igmo magaalada.

Dhul badan oo duudkaas ku yaalana hada waxaa ka socday mashruuc dhirayn ah oo lagu cagaarayn rabo Civic Center-ka. Iyadaa oo la raacayo xirfada qorshaynta magaalooyinka waxa duudkaasi iyo agagaarkiisaba laga mamnuucay goryo iyo mushtar gaar loo leeyahay.  Qaybo ka mid ah Civic Center hada unuga ah waxa loo qoondeeyey dhul dano guud ah am Open Public Space, ama public parks.

Nolosha Magaalada:

Sidaan hore u sheegay shacab ku nool Garoowe. Waxa weheliya tiro xooggan oo Riyo ah. Dad wargaleen ah, ayaa ii xaqiijiyey in hada la rabo in wax laga qabto riyaha magaalada iska mushaaxaya.  Waxay ay dagaal furan riyuhu ku hayaan geedaha magaalada.  Reer-Garoowena si xad dhaaf ah ayey u dhawraan xuquuqda riyahooda (cultural attachment). Sidii wax looga qaban riyaha iyada oon cidna laga cadhaysiin ayaa waliba hadda sheekadu tahay.  

Garoowe waxay u oomantahay dhir magaalo (urban forestry). Runtii haddii uu jiro hal shay oo caqabad ku ah magaalada (top challenge) waxa uu noqonayaa dhirta oo ku yar magaalada.  Isaga oo kaashanaya Duqa Magaalad, Wasiirka Deegaanka, Beeraha iyo Cimilada, Ismaaciil Gama’diid, oo ah nin aqoon durugsan u leh maaraynta Deeganka iyo Cimilada, ayaa ila waadaagay qorshe ay ku rabaan in 1 million oo geed lagu cagaareeyo magaalada.

Dhiraynta maagaalooyinku dhowr faa’iido ayey leedahay: Dhawr degree ayey hoos u dhigtaa kulayka (urban heat Island).  Wajigii labaad ee mashruucaas dhiraynta magaalda (greening the city) wuu socdaa. Mar aan qudbad u jeediyey 9 meeyar oo Puntland ka wada yimd waxaanu ka wada hadalnay sii dardar loo galin lahaa qorshenyta casriga ah oo ka kooban Qorshe guud, habsamda qaybinta dhulka magaalada, iyo hirgalinta zoning casri ah.

Wasaaradda Waxbarashada

Anagoo dhawr ah ayaan kor meer ku tagnay dhowr wasaaraddood. War bixin gaar ah oo la naga siiyey wax qabadka wasaaraddahaas ayaa rajo igaliyey oo ah in dadka Soomaaliyeed wali noolyinhiin. Taas oo ka soo maaxatay sida hawl karnimada iyo mutadawacnimada leh ee shaqaalaha wasaaraddu hawshooda uga soo baxaan ama u gutaan.

Booqashadii Wasaaradda Waxbarashada ee Puntland, oo aan la socday Wasiir-kii hore ee Arimaha Gudaha-DFS Md. Juxa, Wasiir Gama’diid iyo mudanayaal badan

Xiligii imtaxaanada la diyaariye ee gobolada iyo dagmooyinka loo dirayay ayaanu ku soo aadnay. Hawlwadeenada Madbaca iyo Manhajka imtaxaanada ayaan mudo kor meernay (I am 100% impressed!). Wax qabadkooda ayey sharaxaad mug leh naga siiyeen. Kumanaan buug (Exam booklets) oo baqshadu laxaamadan ku jira ayaa lana tusay. Waxa sanaaduqdaas loo dirayay goobaha imtaxaanadu ka qabsoomayeen si ay isla mar loo gaadhsiiyo.

Sagaalka gobol ee Puntland ka koobantahay oo u qaybsan 106 xarumood, ayaa mar kaliya imtaxaanada lagu qaataa, ayey hawl wadeenadu si kalsooni iyo shaqo jacayl ku weheliso la noogu sharaxay.

Xiligaan Garoowe tagay waxa dalkan Maraykanka een joogo ka aloosnaa fadeexad aad u weyn oo ku aadan musuqa hadheeyey Jaamacadaha iyo kuliyadaha ugu facaweyn ee dalka. Waxa soo if baxay in caruurta ay dhaleen maal qabeenadu qaar ka mid ahi ay Jaamcadaha waaweyn musuq ku galaan. Waalid badan oo magac dheer ku leh dalkan, ayaa hada lagu soo oogay dacwado kala duwan oo ku aadan musuq iyo lacago ay dhiibeen si loogu ogolaado caruuttooda in si sharciga ka baxsan ay ku galaan jaamacadaha. Waalidiintaas iyo hawl-wadeeno badan oo jamaacadaha fadeexaduhu kadhaceen ka mid ahna jeelasha ayaa loo taxaabayaa.

Wasaaradda Waxbarashada ee Puntland, iyo u diyaar garowgii qaadida imtixaaanada Shahaadadda
Dugsiga Sare

Intaas waxa dheer xiligaan Wasaaradda Waxbarashada Puntland kormeeraynay, waxa isdiidanaa Muqdishu iyo Garoowe muran ka yimid awooda imtaxaan qaadida cida leh.

Dhinaca Garoowe, waxaan la kulmay haweynay la yidhaah FSN (FN), waa magaceeda iyo naanasyteeda oo soo koobay. FSN mudo dheer ay ka shaqaynaysa qaybta dajinta iyo sixida imtaxaanada Puntland. FSN waxay ka mid tahay shaqsiyaadka halbowlaha u waxbarashada Puntland. Kal hore waxa imtixaanka fasalka 12 ka qaygaly gabadh ay FSN dhashay. Waxay xiligaa FSN ka mid ahayd hawlwadeenada Imtixaankaas saxayey.

Markii natiijooyiinkii la isku geeyey, FSN gabadhii ay dhashay kumay guulaysan intii laga rabay in ay  ugu gudubto heerka jaamacadda. FSN iyo hawlwadeenada la shaqeeyaana arintaas wey ka war hayeen.  FSN laba arimoodba ku may kicin. 1. Marna iskumay dayin in ay faro galiso natiijada gabadheedu keentay; 2. Kamay hor dhicin xiligii loo sheegayey natiijada ardada oo dhan. Markii ay gabadheedu heshay warkii naxdinta lahaa (in aanay ku gudbin), aad ayey hooyo FSN u qoonsatay.

“Hooyo maxaad wax uga qaban weyday natiijadayda,” iyo “ugu yaraan maxaad iigu sheegi wayday hadaan natiijada sii ogayd” ayey gabadhii oo muraaradilaacsani hooyadeed ku qoonsatay.

Intay hooyo FSN isdajisay ooy gabadheedii xabadka saartay ayey ku tidhii, “hooyo shaqadayda ayaa ku dhisan in aan ardada oo dhan u sinaado, islamarkaana aanan garab marin sharci u yaal hawlwadeenada imtaxaanka qaaday.”

FSN waa waxa loogu yeedho geesiyad aan la ogayn, ama “the unsung hero.” Runtii FSN waxay u qalantaa abaal gudka ama shahaadada TV layidhaa CNN uu bixiyo marka lo sheego sheeko caynkan oo kale. Sheekada FSN waxay ka marag kacaysaa astaamo badan oon ku arkay shaqaale kala duwan oo meelo fara badan ka hawl gala (Wasaaraddaha, hay’adaha iyo ganacsiga gaarka loo leeyahaba.

Puntland hawlwadeenada aan ku arkay waxa ka muuqata LAHAANSHO! Lahaansho hantida guud iyo haykalka wadanka. Dabeecadaasina waxay qayb weyn ka yihiin dib u dhiska dalka iyo soo noolaynta Dawlad Goboleedka Puntland.

La socod qaybta sadexaad

Faysal Cabdi Rooble
Email: [email protected]
——
Maqaalladii hore

Socdaalkaygii Geeska Afrika iyo Sawirka Guud Q I-waad


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.