Wednesday, April 24, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Socdaalkaygii Geeska Afrika iyo Sawirka Guud

W/Q Faysal Cabdi Rooble

Socdaal labo usbuuc qaatay ayaan ku gaadhay Geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya iyo Kenya.  Waxaan idin la wadaagi doonaa guud ahaan saddex arrimood oo ku aaddan (1) xaaladda guud ee Puntland iyo xaaladda siyaasadeed; (2) mashruuc guryo dhis ah (mashruuca Green City of Bosaaso ama Degmada Cagaaran ee Bosaaso); iyo (3) kulan aan la yeesheesay Jawer Maxamed oo ah shaqsiga ugu cadcad ee u olaleeya qadiyadda Oromada.

!. Xaaladda Guud ee Puntland – Soomaaliya

Hordhac: Xilli fiid ah oo oo bisha Abril ahayd 20, roob shuuc ahna da’ayo, ayaan ka soo degay Gagada Dayuuraduha ee Jomo Kenyatta, ee dalka Kenya. Gagadaasi waa goob iska mashaakilo badan, oo baadhisteeduna gacan culus tahay. Ugu yaraan hal saac ayey igu qaadatay in aan kastamka ka fara baxo; waanay igaga badnaan lahayd haddii aanu igu soo bixi lahayn nin aanu saaxiib nahay oo madaxda Kenya ka tirsan.

Hilton oo iisii carbunaa ayaan gaadhay cabaaro 10 PM ee habeenimo.

Hawshii iigu horreysay waxay ahayd anigoo shir aqoon iswaadaaris ah ka qayb galay. Shirkaasi oo markii dambe noqday shir “mucaarida,” waa sida dawladda Soomaaliya u dhigtay. Shirkaas waxa la qabtay subaxdii Abril 22, 2019.

Waxa dood furan igu macsuumay Professor Gandhi, waxaana iisii waday Wasiir Juxa. Goobta shirka (Pan Afrika Hotel) waxaa isugu yimid dad 30 gaadhaya oo u badnaa xoogagga mucaaridka ah iyo xildhibaanno qaarkood aanay uba muuqan mucaarid (Abdiraxman Abdishakur, Axmed Faqi, Cosoble, Ambassador Ameriko, Kamal Guutaale, Baasto, Dr. Cabdinuur Sheekh, iyo kowo kale oo badan).

Warbixin haddii muddo la wadaagay, waxa lagudagalay dood iyo fikir isweydaarsi ku aadan: amniga, dhaqaalaha, siyaasadda, xidhiidhka dowlad goboleedyada, doorashooyinka, iyo tacadiga iyo culayska siyaasadeed ee lagu hayo mucaaridka.

Dadka meesha isugu yimid kamay midaysnayn xagga afkaarta, siyaasadda xilliga dhow iyo xataa in dawladda Farmajo doorasho qabato iyo in ay si kale wax ku nidaamiso marka lagaadho 2020.

Dad fakirkoodu kala duwanaa ayaa goobtaa ka muuqday. Waxa kaliya ay ka midaysnaayeen saluuga ay ka muujinayaan sida dawladda Farmajo iyo Khayre wax u wadaan.

Shirka Siyaasiyiinta mucaaradka, Niarobi, Kenya

Madaama aan anigu ballan kale lahaa, aniga iyo Wasir Juxa shirka waano ka baxnay iyada oo weli lagu guda jiro afkaar isweydaaris. Sidaas darteed,  go’aamada ka soo baxay goobta kamaanaan war qabin. Waxa Juxa maqlay go’aamada annago Gagada dayaaradaha ee Nayrobi joogna. Aniguse laba beri dabadeed ayaan dhagaystay go’aamada.

Go’aamadaasi inta badan wax dhib ah kumaan arag. Badankoodu waxay ahaayeen hadallo siyaasadaysan oon saaxadda ku cusbayn. Halka qoddob ee ahaa “in shir la isigu yimaad dalka gudihiisa bishan June” wax caqli gal ah uma eka. Arrintaasi waa arrin dagdag ku dhisan.

Qoddobkaasi waa iska cagajugleyn siyaasadeed, laakiin ka turjumaysa cadhada iyo miciin la’aanta haysa mucaaridka Muqdisho jooga ee cadaadiska xaqdaradda ah lagu hayo.

Haddii in uun jawiga ka muuqday shirkaas aan qeexo waa cadhada iyo miciin la’aanta haysa mucaaridaka Xamar jooga. Waxay aad uga dayrinayeen sida sharci darrada ah ee loola dhaqmo. Haddaan arrintaas wax laga beddalina, waxa dhici karta in amiga dalku ka sii daro, mucaaridkuna meel xun ay ka gaadho.

Waxa aan aad ula yaabay sida dwgdega ah ee taageerayaasha Dawladdu uga falceliyeen shirkan. Qaar ka mid ah durbaan-tumayaasha dawladda ee lagu naanayso “Nabad & Nolol” ayaa shirkan Nayrobi ka dhacay ku tilmaamay shir mucaaridku iskugu yimaadeen dawladda Kenyana ka dambeyso.

Warkaasi waa war dibjirku ku hadlaan. War meesha shaah kharashkana uu jeebkiisa ka bixiyey Xildhibaan Gandhi ayaa lagu cabayey.

Waxaan si gaar ah ula yaabay cambaaraynta micnaha yar ee loo jeedinayo dalka Kenya, sida “Kenya ayaa ka dambaysa mucaaridka ku shiray Nayrobi”. Waa war xaqiiqada ka fog.

Waxaan isweydiiyey su’aasha ah: miyaanu dalka Kenya ahayn dalka ay xaasaska iyo caruurta madaxda Soomaalidu, xataa R/W qoyskiisu, ku noolyihiin? Miyaanay Kenya ahayn dalka lacagaha wasiirradu qaadanayaan ee dalka laga saarayo la sii mariyo? Madaxda Soomaaliya waxayn noqdeen “beerka jeli xaydhana jecli” (they want to have their cake and eat it at the same time). Miyaanay Kenya ahayn Meesha siyaasiyintii hore ee dalku (1990kii ilaa haddeer) wada dagan yihiin guryo quruxbadana ku leeyihiin?

Siyaasadda beenta ah ee khaa’inimada ku dhisan iyo borobaganka carruurta Nabad & Nolool lugu jaha-wareerin dawladdu ha joojiso. Waa laga yaabaa in Kenya meelo qaarkood caqabado ku keento Soomaaliya iyo dib u soo celinta dawlad suubban. Sido kale, Itoobiya, Jibuuti, iyo Eritriya, Turki, Qatar, iyo Khaliijuba gacmaha ayey kula wada jiraan arrimaha Soomaaliya.

Sikastaba ha haatee, caqabadda Soomaaliya waxa ay la daris tahay tayo xumada madaxdeeda iyo siyaasaddeeda aan koboca lahayn ee dalka ku habsatay. Xalka halaga raadiyo meesha uu yaalo, meeshaasina waa Muqdisho iyo Villa Soomaaliya.

Haddii Villa Soomaaliya la timaad talo gorfaysan oy gadhwadeenno ka yihiin dad daacad ah, isla markaasna aan lagu soo xulin nin jeclaysi, qabyaalad iyo qaraabokiil, waxa hubaal an in mashaakilada gudaha iyo kuwan dibaddaba la xalin karo.

Haddii dawladu dardar galiso dawlad wanaag, maamulka suubban iyo mucaaridka oo xaquuqdooda la dhawro, waxa hubaal ah in dalku ka samatabixi doono qulqulatooyinka siyaasadeed, lana heli doona wada-shaqayn wacan (mucaarid iyo muxaafad).

Waxa Dawlada Farmajo iyo Khayre la gudboon arriman:

  1. In ay si bilaa shuruud ah ula heshiiyaan ulana shaqeeyaan dawlad goboleedyada, ayada oo la tixgalinayo awood qaybsi ku salaysan soo celinta dawlad dhexe iyo dawled goboleedyo uwada hogaansan hadafka sare ee soo noolaynta Soomaaliya.
  2. In cadaadiska laga dulqaado xoogagga iyo shaqsiyaadka Mucaaridka ah si ay u sii wataan hawlahooda mucaaridnimo. Mucaaridka iyo muxaafidkuba waa in ay kawada shaqeeyaan danaha Soomaaliya.
  3. Iyada oo la tixgalinayo shuruucda u dajisan dalka, gaar ahaan xiliga amnigu adagyahay, waa in mucaaridku u tudhaa dawladda, meelna looga soo wadajeestaa dagaalka ay kula jirto xoogagga xagjirka ah.
  4. In laga mamnuuco askarta iyo xoogagga amniga in ay dib dambe u galaan xarumaha xisbiyada mucaaridka, jaamacadaha, iyo xafiisyada xildhibaannada. Waa in la xaqiijiyaa nabadda iyo amniga mucaaridka ilaa inta ay u hoggaansanyihiin shuruucda dalka nabaddana ilaalinayaan.
  5. In Villa Soomaaliya qirato in labadii sano ee la soo dhaafay waxyaabo fiican la qabtay, laakiin wax bandanna laga gaabiyey haddana la rabo in la saxo wixii qaldamay.

Qaybta 2aad waxaan ku soo qaadidoonaa Puntland iyo socdaalkii aan ku kala bixiyey Garowe, Qardho, iyo Boosaaso.

Faysal Cabdi Rooble
Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.