Thursday, April 25, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

SIDEE SUUGAANTA SOOMAALIDA LOOGU QEEXAY WAXTARKA MIDNIMADA IYO WADAJIRKA?

Diyaariye: Injineer Cali Baashe Sh. Cabdi (Golaha Gaheyr Engineers Group)

Hordhac

Soomaalidu waa ummad ka soo jeedda bulsho xoolo-dhaqato ah, taasoo hab-nololeedkeedu ku xidhnaa xoolaha oo ay hadba ula guuraan meesha ay biyo iyo baad uga helayaan, isla markaasna ahayd bulsho kala qoqoban oo deegaan qabiileed kasta leeyahay hoggaamiye-qabiileed, xataa inta uu hoggaamiyaana aysan lahayn wax guudoo ay wadaagaan (sida dugsiyo, isbitaallo, maamulo, iwm), waxa keliya ee ay wadaageena ahaa magaca qabiilka/reerka/jifada/qoys iyo haddiiba uu jiro ceel-gacmeed ay wadajir u qoteen kuwa isugu yimaada magacyada kore midkood iyo dhulka ku xeeran ceelkaas.

Bulshadaasoo qarnigii 20aad  ka hor aan yeelan cid ugu yeedha ama u horseedda hadaf guud oo ay wadaagaan sida halgankii Daraawiishta, halgankii ururkii SYL iyo SNL iyo dawladnimadii 1960kii, ayaa haddana markaad dib u milicsato suugaanta Soomaalida oo ah isha keliya ee laga soo xigto hab-nololeedkii iyo waayihii ummadda ka hor qoraalkii afka hooyo; waxaad si mug leh u arkaysaa in curiyayaashii ama abwaanadii Soomaaliyeed ee badaha kala duwan ee maansadu ay aad hoosta uga xariiqeen waxtarka iyo faa’iidada ay midnimada, wadajirka iyo iskaashigu, u leeyihiin bulsho kasta oo ku hamminaysa horumar iyo in aanay asaaggeed ka hadhin iyo weliba khasaaraha uu leeyahay khilaafka iyo tafaraaruqu.

Haddaba golaha Gaheyr Engineers Group (GEG ) – oo ah gole kulmiyey qaar ka mid ah injineeradii ka baxay kuliyadda handasada Gaheyr ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (JUS) oo ka xun inaan bulshada Soomaaliyeed ka faa’iidaysan baraarujinta ay hal-abuuradii ummaddu sida cad ugu xardheen waxtarka midnimada iyo wadajirka, ayaa door-biday inuu maqaalkan ku soo bandhigo qaybo aad u kooban oo ka mid ah maahmaahyada iyo maansooyinka khuseeya mowduucan si bulshada samaha jecel iyo daneeyayaasha siyaasadda ama siyaasiyiinta xilligan loo xusuusiyo, loona dareensiiyo in furaha nabadda iyo horumarkuba ku xidhan yahay midnimada, wadajirka, iskaashiga iyo wada-tashiga .

Waxaan aragtida suugaanlayda Soomaaliyeed la akhrin doonaa waxa ay mowduucaan ka qabto diinta

Islaamka oo aan filayno inay tahay meesha keliya ee ay suugaanleydu ka shidaal qaadan jireen.

B) Xagga Diinta:

Quraanka kariimka waxa uu caddeynayaa dhibaatada midnimo la’aanta:

  • (Ha murmina ood fashilantaan, awoodiinana markaa ay tagto) . Suuratul Al-Anfal aayada 46

Quraanka kariimka mar labaad waxa uu inoo bidhaaminayaa midnimada iyo wadajirka:

  • Qabsada xadhiga Illaahay dhamaantiin hana kala tagina. Suuratu lAala-Cimraan Aayada 103.

Rasuulkana (NNKH) wuxuu kaga hadlay qiimaha midnimada xadiiskan soo socda :

  • Mu’minku mu’minka kale wuxu u yahay sidii dhismoo kale, midba midka kale xoojinayo.

Waxaa weriyay Bukhaari & Muslim.

Nabiga (NNKH) waxa uu ku caddeeyay xadiiskani sidoo kale wanaaga wada-jirka ummadda:

  • Tusaalaha mu’miniinta ee kal-gaceylka iyo naxariista ay isku hayaan waxay la mid yihiin sidii jidh qudha, oo haddii xubin ka mid ahi xanuunsado, jidhkoo idil la wadaagaya xanuunka iyo soo jeedka. Waxaa weriyay Bukhaari & Muslim.

Haddaba sugaanta dhaxalka ah qaybaheeda kala duwani maxay ka tidhi  midnimada, wadajirka iyo iskaashiga? Waana kuwan garoocyo ka mid ahi.

T) Maah-maah:

  1. Ilko wada-jirbay wax ku goostaan, ama gacmo wadajirbay wax ku gooyaan
  2. Far keliya fool ma dhaqdo.
  3. Iskaashato ma kufto
  4. Waxaad midnimo ku weyday, keli kuma heshid.
  5. Awr kala guurtay, uur kala guuraa ka xun.
  6. Walaalo isnacay, way xoolo yareeyaan, wayna xabaalo badiyaan.

J) Hees hawleed  – waraabinta geela:

  • Hadday tubantahay/Waa tolleeyoo/looma kala tago

X) Hees abaabul – Cabdi-Bashiir Indhobuur (AUN):

  • Iskuduudbni baa dadkayagoow  –          dulli kaga baxdaan
  • Sharaf daa’intiyo                         –         deeq iyo wanaag
  • Ku durduurataan                          –
  • Dugsi qaranimiyo                        –         dawlad lagu dhisaa

KH) Jiifto-  Maxamed X Dhamac Gaariye ( AUN):

  • Galool mudhayoo farcamay – dhudaha goonyaha u fiday
  • Hadday kala gaaryihiin – guntay ka midaysan yihiin.

D) Guurow – M Gacal Xaayow (AUN):

  • Midnimaa wanaag lagu guntaa –  laguna goobaahe
  • Inaad gudo collowdaan in la    –   is – garabsadaa dhaanta.
  • Haddaan la isku tixin ummaddu  – way kala tageysaahe
  • Inaad kala takoortaan bulshada – taa iska ogaada

R) Buraanbur  -Xaawo Jibriil ( AUN)

  • Allow aan dalkayga –  lagu sheegin lama-degaan
  • Allow uu dadkeenu – ahaado UL iyo DIIR
  • Allow kaan nabadda dooneyn – dabar ku qabo
  • Intaasaan ku duceeyee-  aamiinta iigu dara

S) Gabay:  C/laahi M. Axmed Dhoodaan( AUN):

  • Tafaraaruq mooyee hadday   – dhimato towfiiqdu
  • Tashi qeyro weydaa ileen  –     taabbo geli maayo

Xaaji Aden Axmed “Af-Qallooc” (AUN):

  • Ilko wada jirkooday hilbaha          –    adag ku goostaane
  • Hadday iniba meel taagantahay  –     adhax ma feenteene

Nageeye Cali Khaliif:

  • Bulshadii dadaashaa mar bay – guul la deristaaye
  • Isku duubniiyo wadajirbaa – lagu dan gaadhaa

Cabdillaahi Muuse:

  • Taageeraday laba gacmood – tamar ku yeeshaane
  • Tiska waxa la qaadaa markay  -tiirisaa bidixiye
  • Hadday midigtu keli taagan tahay – tahar ma gooyseene.

SH) Geeraar: Cumar Xuseen Gorse ( Cumar Ustareeliya) – AUN

Sannadkii 1958 ayaa Hargeysa oo ahayd magaalo-madaxdii dhulkii Soomaalida ee gumeystaha Ingiriisku saamiga u helay waxaa booqasho ku imanayey Duke Parley of Glouchester, kana mid ahaa qoyska reer boqor, eeddana ay u ahayd boqorad Elizabeth II.

Masuuliyiintii maamulka ingiriiska waxay abaabuleen dadweynahii si ay ninkaas ugu soo dhoweeyaan caleemo-qoyan iyo suugaantii ay Soomaalidu caanka ku ahayd, hase yeeshee labo abwaanoo mid walba tixihii uu maalintaas ka tiriyey fagaaraha ama gurigiisa lagu suntay baa jirey.

Abwaankii 1aadBarkhad Casoo hankiisu diiday inuu hor istaago ninkaas, dabadeed tiriyey tixdii la magac-baxday ” Ninkaas araggiisa uurkaan ka necbee aan ooyee albaabka ii xidha”.

Abwaankii 2aad Cumar Xuseen Gorse (Cumar Ustareeliya), oo ay Barkhad Cas isku aragti ahaayen wuxuu ahaa nin qurbaawi ah oo ilbaxnimoi yo aqooni u dheerayd gabyaanimada, sidaa darteed wuxuu door-biday inay habboon tahay inaan cadowga albaabka laga  xiranin ee afiyo addin hadba kii aad awooddo lagu wajaho.

Dabadeed wuxuu fagaarihii la yimid geeraarkii caanka ahaa ee “DAN-SHEEG” oo uu gar-cadaawe ugu dhiganayo Ingiriiska, dhanbaalna ugu dhiibayo wafdiga, si ay u gaadhsiiyaan dawladda Ingiriiska iyo boqortooyadeedaba.

Geeraarkaas oo dheeraa waxaan door-bidnay inaan 12ka tuducee u dambeeya, xidhiidhna  la leh mowduuceena ku soo gunaanadno maqaalkan. Wuxuu yidhi Cuma Ustareeliya (AUN):

  • Albaabkaa xamar-weyne
  • Iftiinkaa ka baxaaya
  • Bay indhahaygu jiraanoo
  • Abtirsiinyo ma guurtoo
  • Uunkay noogu xigaanoo
  • Arwaaxdoodiyo taydu
  • Waa ushaa iyo diirka
  • Odayna waa ka walaal
  • Lixdankaan is-ognahayoo
  • Rag ka oolaya ma’ ihin                  
  • Arrinkaas isu sheegoo
  • Ogeysii madaxdiina.

Gunnaanad

Haddaba su’aashu waa“ maxay suugaanlaydaas kala duwan  ugu tirtirsiinayeen bulshada soomaaliyeed inay iskaashadaan, wadajirna wax ugu qabsadaan”?

Waxaa muuqata inay rabeen inay dhisanto bulsho Soomaaliyeed oo wadajirta, isku-xiran oo iskaashata si loo helo midnimo-ummadeed oo leh aragti, ujeeddo iyo hoggaan mideysan oo xaqiijin kara yoolkii ay Soomaalidu higsanaysey xilliyadaas iyo haddaba!!!, kaasoo ah qaranimo ama madax-banaani.

Waxaana taas kuu caddaynaya dhacdada kor ku xusan ee xasuusta mudan oo uu abwaan Ustareeliya u adeegsaday hal-abuurnimadiisi iinuu qareen uga noqdo shacabkiisa, oo uu fool-ka-fool ugu sheego gumeystihii Ingiriiska rabitaanka kama-danbaysta ah ee ummadda Soomaaliyeed oo ah QARANIMO buuxda. Ilaahoow noo rumee.

Diyaariye: Injineer Cali Baashe Sh. Cabdi (Golaha Gaheyr Engineers Group)

Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.