Tuesday, April 23, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

SHUMAA LA ARKAYAA SHANTII SOOMAALIYEED OO CALAN KU SHEEKAYSTA?

Shantii Soomaaliyeed/Oo Calan ku sheekaysta/Shumaa la arkayaa waa/Su’aal sharad ka yaalaa. (Gabyaa, Cabdi Iidaan) – Ilaah ha u naxariisto

W.Q. Maxamuud Cabdillahi Axmed

Madaxweyne Muuse Biixi

26kii Juun 2020, madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi khudbaddii uu ka jeediyey lixdan guuradii maalintii ugu horreysat ee calan Soomaaliyeed oo xor ah la taagay, kuna beegan hanashadii gobonamida gobollada waqooyi/Somaliland, ayuu ku sheegay in haddii la helayo 5tii/shantii Soomaaliyeed oo isu-timaada ay Somaliland ka mid noqonayso, haddii kalena ay halkeeda joogayso. 

Ma aha tani dood ku cusub saaxadaha lagu naaqisho gooni-isu-taagga Somaliland, waa se arrin u baahan falanqayn iyo lafagur. Asalka fekerka taariikhiga ah ee Soomaali Weyn, himilada in meel la isugu keeno 5tii gobol ee gumaystaayshii u kala goosteen geyiga Soomaliyeed, siyaabo kala duwan ayaa loo fasiraa. Fasir baa yidhaahda wuxu ahaa feker cusub oo ay dhiseen (constructed idea) hoggaamiyeyaashii xornimo-doonka ee sannadihii 1940-1960, si shacabka loogu abuuro dareen waddaniyadeed (Somali nationalism). Fasiraad kale ayaa iyana tiraahda waxay ahayd, keliya, wadiiqo ay isticmaalayeen budhtuurka Soomaalidu (Somali elite) si ay dawladnimada ugala wareegaan quwadihii reer Yurub; kolay se, sideedaba, feker cidlo kama dhasho.

Soomaalidu waa dad xoolo-raacato ah (badankoodu) oo ku noolaa muddo dheer, intii la garanayo, dhul-hoosaadka qalalan ee bariga Geeska Afrika, wadaagana af iyo dhaqan soo-jireen ah. Sida laga filayo dad raacato ah ma yeelan awood-dhexe oo ay ku midoobaan. Waxaase mar keliya noloshoodii dhabqiyey, qarnigii 20aad dabayaaqadiisii, quwadihii reer Yurub ee xeebaha Soomalida soo degay iyo heshiisyadii kala dambeeyey ee ay quwadahaasi la galeen boqortooyadii Xabasho (Abyssinia), ee ka soo degtay buuraha sare ee Itoobiyada maanta, laguna kala goo-goostay carriga dadka af-Soomaaliga ku hadla, iyadoon midh laga weydiin. Waa kii gabyaa Faarax Nuur lahaa,” Amxaaro, Ingiriis iyo Talyani way akeekemiye/ Arligaa la kala boobayaa nin u itaal roone/Waa duni la kala iibsaday oon lala ogeysiine”. 

Waxa falcelin hubaysan ka sameeyey fargelintaas shisheeye Darawiish-tii uu hogaaminayey Sayid Maxamed Cabdalle Xasan. Ogow in dagaaladii ugu horreeyey ee Daraawiishi gasho ay ku aadanaayeen iska caabinta fiditaanka ciidamadii Xabasho ee ku soo siqayey geyiga Soomaalida.

Ka dib markii Ingiriisku jebiyey Daraawiish (1924), waxa Xabasho/Ethiopia ka badbaaday xeebihii Soomaalida (Ilaah Mahaddii), kuwaas oo ku soo haray gacanta quwadihii reer Yurub (Ingiriis, Talyani iyo Faransiis). Dagaalkii 2aad ee Dunida ka dib (1945) waxa dadka Soomaalida saaqay dabayshii xornimo-doonka ee caalamka oodhan-ba ruxday ee loo yaqaanay aayo-ka tashiga ummadaha (right to self-determination). Taas oo tarjumadeedu noqotay in ummadaha caalamku iska tuuraan heeryada gumaystayaashii reer Yurub. 

Waxbaa se Soomalida taas u dheeraa, kaas oo ahaa in cayrinta xukuumadaha Yurub ka dib, loo hawlgalo xoraynta gobollada kale ee Soomaalida. Laakiin mar walba diiraddu ugu weyni waxay saarnayd soo-xero-gelinta geyigii Soomaalida ee Itoobiya gacanteeda galay.

Dabayaaqadii 1940-naadkii, markii Qaramada Midoobay u ballan-qaaday Koofur (Italian Somaliland) in xorriyad la siin doono 1960ka, dhulalkii kale ee Soomaalidu waxay qaateen shucaar odhanaya: ha iga reebin lixdanka. Nasiib wanaag dhulkii Waqooyi (British Somaliland) ayaa ku guulaystay tartankaas. Waa kii Cali Sugulle (AUN) lahaa: Maalintii walaalkay loo dhisayey/Oon dhashay dharaaro hortood/Sow maad soo dhicineey.

Haddaba waxa taariikhdaas guud-marka ah laga soo dheegan karaa in fekerka Soomaali-weyn cidlo aanu ka dhalan ee uu ahaa dareen waaqici ah oo ka dhashay gacantii kululayd ee ciidamada Xabasho ee socotay muddada dheer iyo iskaashigii ay quwadahii Yurub ku hantisiiyeen Itoobiya geyiga baaxadda ballaaran ee Soomaalida.

Dadka reer Waqooyiga ah waxa si aad ah u damaqday markii Ingiriisku, 1954tii, dhul-daaqsimeedkii “Reserve Area” uu toos ugu gacan geliyey Itoobiya. Ogow Ingiriisku weligii xiiso uma qabin maamulka gudaha dhulka Soomaalida, waxaa ku filnaa keliya Xeebaha uu ka ilaaliyo maraakiibtiisa ku socota Hindiya. 

Kolkaa gar bay noqotay in hoggaamiyeyaashii gobonimo doonku, siiba kuwa gobollada waqooyi, inay dareenkaas taariikheed ku waadixiyaan (articulation) himilada 5ta Soomaliyeed, maantana loo yaqaan Soomaali-weyn (Pan-Somalism). Sidaa darted Soomaali-weyn ma ahayn feker -la-dhisay (constructivist idea) ama muraad-qumis ah (instrumentalist), wuxu ahaa feker ka dhashay waaqic taariikheed oo la soo maray.

Gobanimadii ka dib, waxa dastuurkii Jamhuuriyaddi Soomaaliyeed ee dhalatay 1960kii lagu xardhay in loo hawlgalo xoraynta dhulalka Soomaalida ee maqan, taasoo noqotay mabda’a keliya ee hagayey siyaasadda arrimaha dibedda iyo difaaca waddanka, duniduna u bixisay is-ballaarinta Soomaalida(Somali Irredentism); kana yeelay in Soomaaliya ka noqoto ururka Afrika iyo Qaramada Middobay sidii tuke baal cad. 

Sannadkii 1977kii dawladdii Maxamed Siyaad Barre (MSB) waxay is-tustay daaqad fursadeed oo uga bannaanaatay ruxankii ku dhacay dawladda Itoobiya ee Dergigu ka talinayey xilligaas. Dabeetana waxa uu MSB dalkii Soomaaliya geliyey, dagaal buuxa (1977-78), isaga oo aan xisaabtan badan samayn, waxna la kala harin. Waxa uu cayriyey, xirriirkana u jaray Itixaadkii Soofiyeetka (USSR), dalkii ciidanka Soomaaliya dhisay, isagoon helin bediilkiisii. Dhaxalkii looga aayey wuxu noqday burburkii qarankii Soomaaliyeed ee 1991, soddon sanno keliya ka dib dhalashadiisii. Muddo gaaban ayey damceen siyaasiyiintii xilligaasi (1960 – 1990) inay himilada shacab kaga rumeeyaan.

Halkii MSB  isku deyi lahaa dhayista niyad-jabkii laga dhaxlay jabkii dagaalka Itoobiya (1977-78) iyo isku-haynta bulshada, wuxuu u biyeystay cabudhinta, cadaadiska iyo xasuuqa shacabka, isagoo, isla markaana, ku baaqaya shucaarkii Soomali-weyn, taasoo sababtay in shacabku kalsoonida kala noqdaan xukuumaddiisii, shakina geliyaan sharciyaddiisa (legitimacy); siyaasaddii dibeddana go’doon ka noqdo. 

Ka dib burbrurkii qarankii Soomaaliya (1991), waxay shacabku is-tuseen, dib-u-jaleecid (self-reflections) ka dib in himiladii Soomaali-weyn ahayd jibbo aan laga gun gaari karin, sahayatayna qarankii Soomaaliyeed ee raad-baradka ahaa. Shacabkii Soomalida ee Itoobiya hoos imanyeyna waxay la falgaleen dawladda federelka cusub ee Itoobiya, waxayna heleen maamul hoosaad. 

Aan ku noqono billawgii maqaalka e’, fekerka Md Muuse Biix iyo inta la qabtaaba ma diidana fekerka Soomaali-weyn (5tii Soomaaliyeed oo isu-timaada), marka hadalkooda loo raaco, waxay se daba-dhigayaan shuruud ma-dhacdo ku dhow: in mar qudha la wada helo shantii Soomaaliyeed oo maamul la isugu keeno (calan-wadaag). 

Laakiin caqliga ayaa diidaya in dib loo raaco raad hore loogu gubtay. Isu-keenka 5ta Soomaaliyeed (Somali irredentism) waa dariiqii makalay qarankii Soomaaliyeed, sida maqaalkani kor ku sharxay. Waa is-miidaamin sideeda u taal.  Isma waafaqayso calan-wadaagga 5ta Soomaaliyeed baan raali ka ahay, haddana labadii israacay baan kala goynayaa; waa dabuub maangad ah. Waa labo is-diidan (contradictory) oo aan meel wada geli karin.  

Waxa habboon in hadda la iska tiiriyo Soomaali-weyn (Pan-Somalism), sanduuq lagu xiro; Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed (Somalia) ee dhalatay 1960kii-na si buuxda loo soo nooleeyo, la ilaaliyo xuduudaheeda iyo xeebaheeda, lagana yeelo qaran shaqaynaya oo ay ku soo hirtaan 5ta Soomaaliyeed, nabad-na kula nool deriskooda. Waa arrin laga biyo gaadhi karo, haddii la helo talada iyo dawga saxa ah. Ilaah idankii. 

Sida hordhaca maqaalkan ku xardhan, gabyaa Cabdi Iidaan ayaa tixdiisii Shiinley si weyn ugaga dayriyey helitaanka 5ta Soomaaliyeed oo calan ku sheekaysta. 

Wa Bilahi Towfiiq

W.Q. Maxamuud Cabdillahi Axmed

Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.