Wednesday, April 24, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Sheeko Taxane ah: Khasaaro Qeyb, Q-4aad

W/Q: Xirsi Jaamac Gaani

Shiikh Cabdulaahi oo hadalkiisii sii wata ayaa yiri: “Intii aanan idiin iman waxaan xog ururin iyo u kuurgal ku sameeyey sida wax u jiraan iyo waliba meesha wax marayaan”. Waxa aan ogahayse waxaa ka muhiimsan wadaaddadii ayagii baaba jooga magaalada oo in aynu u yeerno ayaa inaga xigta, mana rabin inaan ku kaliyoobo oo waan idinku soo simay, talana idinkaa u waayeel ah.

Afkaa gacanta la wada saaray, amakaag iyo fajac ayaa duqaydii Alle u keenay. Raggii meesha isugu yimid waxay u qayb sameen, wax ashahaata, wax subxaanalaysta, wax waa adduun iyo xaalkiis ku hadaaqa iyo qaar iskaba aamusa oo foorarsada.

Maadey oo warka aad u dhuuxayey, loose qabay inuu ku caajisay, ayaa wuu dangiigaye inta soo fariistay yiri: “cimrigaagoo dheeraada geel dhalaaya waa ku tusaa, maantana tan maa noo keenteen”.

Oday Faarax ayaa yiri: “nin weyn ka umuliya mooyee wax kasta oo kale waa qabsadaan, ee raqba waa ku raggeede inoo wada warka”.

Oday Faarax, “haaye, Shiikh Cabdulaahi wax noo sheeg aan kula dareenno, waxaad dareemayside”.

“Waan ka xumahay inaan ka sheekeeyo oo waa arrin kharaar oo aniga sidaan idiin sheegayba jiif iyo joog ii diiday, har iyo habeenna igu soo noqnoqota”. ayuu ku jawaabay Shiikh Cabdulaahi oo jirka is galinaya haddana ku khasban inuu sheego arrinka.

Goor xaal halkaas marayo ayaa Shiikh Mucaawiye hadalkii ku soo booday, warkani mid cusub maahee inoo wada howsha, wadaaddadu dadkay ka dhasheene. Haddii cabbaar hugun iyo showr showr la waday, Waxaa la soo jeediyey, in howsha hora loo galo oo aan waxba waqti kale la sii lumin, hoosna loogu daadego warka murtidiisa.

Raggii dhammaan waxay muujiyeen muhiimadda ay leedahay in dugsigani sii jiro. Waxaase warka ka samri waayey oo ku dheeraaday Maadey oo marna carruuri u dhigato, marna raggii abaabulay furiddii dugsiga ka mid ahaa, marna ijaarba ka qaata, oo guriga lagu dhigo dugsiga leh, dhaqaalena ku qaba. Maadey wuxuu yiri horta arrinka raggu uma sinnee aniga waxaa Qu’raanka iigu dhammaysay saddex cunug oo aan dhalay, labana hadday naqtiinkii ku jiraan, ciddeenna reer Abuukar Muunyana illaa soddon arday waa noo dhigataa. Marka ma ogalaanayno in dugsigan si sahlan loo burburiyo.

Waa war fiican, ayaa lagu guddoonsaday. Waxaa lays waydiiyey cidda inoo balaminaysa, labada wadaad iyo waqtiga loo yeerayo. Waxaa layska dhex qabtay, Shiikh Cabdulaahi iyo Naaleeye oo xiriir fiican la lahaa labadda wadaad.

Waxaa lagula dardaarmey in haddii ay u arkaan in labadda wadaad dhexdooda arrinka ka xallin karaan, ay u soo jeediyaan in ay hawshooda dhammaystaan. Waxaa arrinkaas aad ugu celceliyey Aw-Nuur oo yaqaan gar wadaaddo gashay siday u adag tahay iyo waliba siday u murgi karto.

Waxaa la soo jeediyey in oday loo doorto xaajada. Oday Faarax adigaa noqonaya guddoon baa waxaa yiri Shiikh Mucaawiye. Mayee meel shiikh Joogo xerow wax kama galo ee adaa noo guddoon ah, buu ku soo celiyey Oday Faarax.

Waxaa laysku raacay Shiikh Mucaawiye. Haye waan guddoon adkahay ee ha la dulqaato, ayuu yiri Shiikh Mucaawiye, haye iyo haye. Shiikh Mucaawiye: “gogoshu gurigaan ayey inoo taallaa waana inoo Jimcahan kiisa kale”. Gartu waa ugub (tii nooceeda ugu horaysay), inta aan garanayno, wadaaddo mas’alo isku haysta aragnaye kuwo dugsi Qu’raan isku haysta ma annaan arag mana maqal, wax dhexyaalse maannu ogaan wali.

“Inta kale waa kugu raacnay Shiikh Mucaawiye ee guriga maad nooga dhigtaan kayga maadaama Shiikh Cabdulaahi maanta go’gosha noo dhigay”. Maadey baa soo jeediyey.

Shiikh Mucaawiye baa inta qoslay yiri:” wadaaddo aqoon baadan ahayne, iska sug Maadey idinkaaba ku daali doonee”. Waa la qosqoslay. Fadhigii waa la soo xiray.

Shiikh Cabdulaahi oo Naaleeye ka yara da’weynaa ayaa inta gadaal ula soo harey yiri:” goormaan balannaa”? berriba inooga dhig iyo waayahay ayaa dhex martay.

Maalintu waa Sabti magaaladdu waa wada shaqo tagtay, wadaadadii waxay dhigayaan dugsigii, in arrinkooddii laysu wada sheegayna waa ogaadeen.

Waxay goosteen inay labada macallin mid mid ula kulmaan si ay u qabtaan howsha u taalla. Waxay ka bilaabeen Macallin Aweys oo ay ogaadeen in uu Sabtida fasax yahay.

Waa la is qaabilay warkiina waxaa bilaabay Shiikh Cabdulaahi:”Macallin Aweys maanta arrin baan kaa lahayn”.

“Soo dhawaada” Macallin Aweys baa yiri. Waad garanaysaa wuxuu ragga meesha kula fadhiya kala mudan yahay, waxay ka baqayaan inuu ka cudurdaarto, ma ahee fartayba wadnaha uga hayaan.

“Taas laysu sheegi maayo ayuu ku jawaabay” macallin Aweys oo qoslaya dareemayna waxay saaxiibadiis dareensan yihiin.

Waxaa hadalkii sii watay Shiikh Cabdulaahi “waan filaynay inaadan gafayn arrinkaas”, oo hadalkii inta usii bareeray yiri” waxaan ka war helay in adiga iyo Macallin Samatar aad is fahmi waydeen ayna ku faaftay xitaa ardayda dhexdooda. Markaan ogaanay waxaan la kaashannay odayaal, Isla mar ahaantaasna waxaa laysla qaatay in laydin dhex galo oo aan laysku kiin fiirsan.

Macallin Aweys “haye, oo waa kuwee odayaashaasi, maxaadse u fogayseen arrinta idinkaaba ku fillaaye?”.

Odayaashii waddaa u baxday. Sidaas ayey nala noqotay, haddiise ay abdo leedahay hadaba waan baajin karaa inay sii weynaato.

Macallin Aweys “uma malaynayo in ay abdo leedahay ee odayaashu waa kuwee”?

Waxaa u caddaatay inay ka fog tahay wax macallimiintu dhexdooda xallin karaan. Dhinacaasna maba jaleecin.

“Odayaashu waa raggaad aad ugu kalsoon tihiin”, ayey ugu jawaabeen.

Macalin Aweys: “ma ii sheegi kartaan magacyada”? Shiikh Cabdulaahi: ” haayoo waa Shiikh Mucaawiye, Oday Faarax, Aw-Nuur, Oday Cabdi Odawaa,Maadey iyo aniyo Naaleeye”

Macallinku inta ay magacyada tirinayaan wuxuu qiimaynayaa ragga la tirinayo iyo culayska ay bulshada dhexdeeda ku leeyihiin, waxaase ugu darrayd markii ay sheegeen Oday Cabdi Odawaa oo Ramlo aabaheed ah. Ramlo waa gabar dugsiga kabiir ka ah, oo ay sheeko wadaag yihiin Macallin Aweys kuna ballansan yihiin in uu reerka u gole fariisto dhawaan, maadaama ay ka weyn tahay Khadiijo oo aan wali la guursan. Ramlo iyo Macallin Aweys waxay sugayaan Khadiijo oo loo soo dadab galay dayrtii dhawayd lana guursan doono fasaxa soo socda.

Macallin Aweys wuxuu qiimeeyey ragga la sheegay waana u muuqan weyday meel uu ka cudurdaarto. Wuxuu is kal iyo laab ah u yiri” anigu diyaar ayaan ahay, waqtiga iyo meesha uun baad ii sheegaysaan”.

Shiikh Cabdulaahi ” Ilaahay ha ku karaameeyo, waqtigu waa Jimaha ina soo haya iyo gurigayga”.

Macallin Aweys “waan idin ajiibay” ayuu ku jawaabay.

Mahadsanid ayey ku sagootiyeen.

Waa raggu ku guulaystay qayb ka mid ah howshii laga sugayey, markaanna waxay u jihaysteen dhinacaas iyo dugsigii oo ay ku filayeen Macallin Samatar oo ay rabaan in ay isla maantaba ka soo faraxashaan qancintiisa. Haddii ay dugsigii yimaadeen waxay la kulmeen Macallin Samatar oo inta casharaddii soo dhammeeyey meel xafiiska u dhow kula sheekaysanaya arday uu si gooni ah ula saaxiibay una tababarayo inuu soonka soo socda tartan Qu’raan oo magaalada lagu qabto sannad walba ka qayb galo.

Salaan iyo is bariidin kadib.

Shiikh Cabdulaahi: “Macallin Samatar si gooni ah ayaan kuu rabnay”. Iyo “soo dhawaaada” oo uu Macallin Samatar ku jawaabay baa is xigay.

Waxaa laysu jibbaaray dhankii xafiiska oo la fariistay. “Naaleeye warka iga nasi waan harraadaye” Shiikh Cabdulaahi baa yiri.

Macallin Samatar: “oo ma annagaaba warka bilownay, maxaad ku soo daashay Shiikh Cabdulaahi”? Way qosqosleen: ”annagaa og ee shib dheh” ayey ugu jawaabeen”.

Naaleeye: “Macallin Samatar waxaan saaka u soo kallahnay inaan adiga iyo Macallin Aweys idin dhex gallo oo idin heshiisiinno, maadaama warkiinu noqday mid foodleyda magaaladu ku sheekaysato”. Macallin Samatar:” saaxiibayaal soo dhawaada, raggii geli lahaa baa tihiine”.

Naaleeye:” keli kuma nihine odayaal badan ayaa nagu weheliya” ayuu raacshay warkii.

Macallin Samatar: “wax badan baan sugayey maalintaan, ee ninkii kale ma soo aragteen, waqtiguse waa goorma”?

Shiikh Cabdulaahi:” ballantu waa gurigayga iyo Jimcaha soo socda”.

Macallin Samatar wax culays ah iskama saarin cidda galaysa garta ee wadaaddada ku wehelisa, waxaana ka muuqatey kalsooni badan, hadalkiisuna waa siddii nin ogaa in lagu soo maqan yahay, oo sugayey warkaan. Si sahlan ayuu u yiri: Haye iyo warsan ayuuna ku qaabilay.

Garta haba la galee tolow maxaa harayn doona??!!

La soco qaybta 5-aad.

Xirsi Jaamac Gaani
Email: [email protected]

———-

Md. Xirsi waa Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Maaliyadda ee  Dowlad Goboleedka Jubbaland

—————

Qeybihii hore ee sheekada- Khasaaro Qeyb:

Sheeko Taxane ah: Khasaaro Qeyb, Q1-aad W/Q Xirsi Gaani
Sheeko Taxane ah: Khasaaro Qeyb, Q-2aad W/Q Xirsi Gaani
– Sheeko Taxane ah: Khasaaro Qeyb, Q- 3aad W/Q Xirsi Gaani


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.