
Muqdisho, Madaxweynihii hore ee dawladdi KMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa ka mid noqdey xubnaha golaha shacabka Soomaaliya kadib doorasho maanta ka dhacdey magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Shariif Sheekh Axmed ayaa ku guuleystey kursiga tirsigiisu yahay HOP-146 kadib markii uu tanaasuley musharixii isaga la tartami lahaa Sharif Abukar Axmed.
Kursiga Xildhibaan Shariif uu ku guuleystay ayaa waxaa hore ugu fadhiyey Wasiirka Amniga Qaranka Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur.
Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa kulan la qaatey doorashada kadib xildhibaan Shariif Sheekh Axmed isagoo ugu hambalyeeyey kamid noqoshada baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya.
Shaaekh shariif oo hore madaxweyne uga soo noqday Soomaaliya ayaa xilliga sidoo kale ah musharax madaxweyne.
Maxamed Cumar Aaden
Wardheernews, Muqdisho.
Leave a Reply