W/Q Axmed Ismaaciil Maxamuud
Weli buug aanad akhrin ma lagu yiri: Xukun isaga iyo ninka qorayba?
Markii aad tiri: “Walaal ma akhrin weli buuggana” ma lagu yiri: Waad taageersan tahay?.
Intaa laguma koobsane ma laguu galay wacdi iyo gooddi buugga ku aaddan, iyada oo lagu leeyahay: Hala gubo buuggaa, yaan la gadan, gaalnimuu wadaa, ninka qoray ha la dilo, reer galbeed baa ka danbeeya, Diintii baa lagu gefay iyo intii awalba masaakiinta lagu ku harawsan jiray.
Adiga oo yaabban ma waydiisay qofkii “Walaal adigu miyaad akhriday buugga?
Ma ku yiri: Maya, hebel oo akhriyay baa igaga fillan.
Hebel ma caqli buu kuu yahay? Ma waydiisay.
“Adigu malaha Diintaad ka soo horjeeddaa” Ma lagu yiri?
Inta aad yaabtay qofkii ma isaga aamustay, mana isaga kaxaysay, walaal buugga marka fatwo danbe oo lagu ogolaanayo la soo saaro ayaan akhrin doonaa.
Hadda, qofka sidan u hadlayaa waa arday Jaamacad ka baxay ayaan daro iyo ayaan wanaag mid ay tahayba. Ka dibna, ma xasuusatay dhacdadii Najiib Maxfuud lagu dili gaadhay.
Najiib Maxfuud wuxuu ahaa qoraa weyn oo Masri ah, aadna ay ugu faanaan Masaarida iyo Carabtuba oo wax soo saar suugaaneed oo badan uga tegay. Haddaba, maalin ayuu nin middi garabka ka geliyay (Nasiib wanaag kuma dhiman).’ Ninkii baa la qabtay oo maxkamad la joojiyay, waxana la waydiiyay: Maxaad qoraagga ku dishay?
Wuxuu yiri: Gaalnimo ayuu qoray.
Halkuu ku qoray? Riwaayaddiisa “Awlaad Xaaratinaa”
Miyaad akhriday baa la waydiiyay?
Wuxuuna yiri: Maya, waa la igu yiri.!!
Haddaba, anigu akhriskii waan joojiyay maxaa yeellay ma kala garan karo buugta aan akhriyo in la ogol yahay iyo inaan la ogolayn, aniguna garashada Eebbe igu galaday beri hore ayaan ka tanaasulay oo hadda wax walba waxaan waydiiyaa wadaad. Sidaa darted Culimadeenna fikirkan buugga gubka qaba ee sharafta leh, ee Indhaha, dhegaha, Caqliga iyo dareenkaba inoo ah waxan ka codsanayaa inay inoo sheegaan Liiska buugta aan akhrinayno iyo kuwa aanaan akhriyayn, kuwa aan gubayno, iyo kuwa aan jeex jeexayno.
Wixii aan hore u akhrinayna ha naga saamaxaan fadlan.
Alla Mahad leh.
Axmed Ismaaciil Maxamuud (Axmed Deeq)
Email: Awliyo177@gmail.com
Leave a Reply