Wednesday, May 15, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Shabeellaha hoose: Beeraleyda Wanlaweyn oo qasaare uu ka soo gaaray daad baabi’iyay dalagyo ay beerteen

Kaydak Ergo

 by Jibril Osman

Yusuf Macalin Nuur oo ka mid ah beeraleyda bariga degmada Wanlaweyn waxaa ku adkaatay maareynta nolosha qoyskiisa, markii beertiisa dalagii ugu abuurnaa uu ka baa’biyay fatahaad uu webiga Shabeelle ku soo rogay. Ninkan iyo beeraleyda kale ee la midka ah ayaa saddexdii sanaba mar ka welwela sidii ay uga badbaadin la haayeen tacabkooda.

Labo bil ka hor ayuu sheegay inuu ku dhiiraday beeritaanka beertiisa, markii halkaas ay ka da’een roobab fiican oo rejo geliyay beeraleyda deegaanka. Fursadda kaliya ee u furneed Yusuf waxay ahayd inuu ka faa’iidaysto nimcada Eebbe ee tuulooyinkooda ku hoortay, maaddama beertiisa aysan heli karin waraabka biyaha webiga.

Ninkaan ayaa beertiisa 15 km uga beegan degmada Wanlaweyn dhanka bari. Wuxuu xusay inay tahay siddeed hiktar oo ayna ugu abuuranayd dalagyo ay ka mid yihiin galey, digir, sisin iyo masago oo uu ku maalgaliyay $500, kuwaas oo ku dhowaa xiligii la goosan lahaa, balse, 25 bishii June uu ka qaaday fatahaadda webiga

“Beer biyo ku jiraan rejo xittaa kama lihin. Magaaladana shaqadeeda ma naqaanno markii horaa beeraley iska ahayn oo rejada Ilaahay xaggiisa ayay jirtaa.”

Yusuf oo ah aabbaha qoys 17 qof ah waxay noloshoodu ku tiirsan tahay raashiin dayn ah oo ay ka soo qaataan dukaan ku yaala deegaanka oo horay lacagta uu ka helo beertiisa u dhigan jiray. Wuxuu xusay in dukaanka reerkiisa uu ka soo adeegto looga leeyahay $350 oo dayn ah.

Qorshihiisa wuxuu ahaa inuu iska bixiyo lacagtaas marka dalaga uga soo go’a beertiisa u iib geeyo suuqa. Laakiin daadadka saameeyay dalaggiisa wuxuu markale qoyskiisa ku qasbayaa inay sii saarnaadaan raashiinka daynta ah ee dukaanka, taas oo uusan garanaynin goorta uu iska bixin doono.

Wuxuu sheegay in saddex ka mid ah wiilashiisa oo kala shaqayn jiray beertiisa ay masruufi la’yihiin xaasaskooda, maaddama aysan aqoon u lahayn shaqo kale oo ka baxsan beeraha.

Beeraley badan oo ku nool deegaannadan ayay saameyn muuqata ku yeelatay noloshooda daadadka ka dhashay fatahaadda webiga ee waxyeellada u gaystay tacabkooda.

Cabdifitaax Abuukar Maanow ayaa ka mid ah dadka saameynta nololeed ay ku yeelatay arrintaanWuxuu tilmaamay inay ku nool yihiin deegaan go’doon ah oo dad iyo duunyaba biyaha ay ku hareereysan yihiin hadda.

Cabdifitaax oo deggan tuulada Buraaley oo 8 km u jirta Wanlaweyn wuxuu go’aansaday markii uu ku baraarugay jiritaanka daadadka ku soo wajahan inuu galiyo beerta xoolo ay lahaayeen isaga iyo dadka deegaanka si ay u daaqaan, balse ugu dambeyn fatahaaddii ayaa soo gaaray.

Wuxuu xusay in rejada kaliya uu qoyskiisa lahaa ay ahayd inay manaafacsadaan waxay ka helaan beertooda, balse taas ay meesha ka baxday, markii dalaga uu ka dhibaateeyay daadka.

Lacag uu dayn ahaan ku soo qaatay oo dhan toban milyan oo shilin Soomaali ah oo u dhiganta $340 ayuu geliyay beertiisa isaga oo ku taamayay inuu iska bixin doono marka uu wax soo-saarka beertiisa u iib geeyo suuqa. Laakiin, filashadaas uma ay hirgalinin sida uu sheegay.

“Dad masaakiin ah ayaan iska nahay waad ogtahay oo wixii ay xoogsan karaan iska xoogsada beertaas iyo xoolahaas ayaan dul degganahay. Malkiinaa la geliyay ma yarayn oo waakan qasaaray.”

Ninkaan oo ah aabaha shan iyo toban carruur ah oo ay ku jiraan kuwa ay dhaleen wiilashiisa ayaa sheegay inay ka baaba’een labo beer oo isku darkooda ahaa 35 hektar oo uu deegaanka ku lahaaWuxuu xusay inay hadda nolol xumo ku haysato meel ka baxsan deegaankooda oo ay u barakaceen markii guryahooda ay saameeyeen biyaha ku soo fatahay.

Cabdifitaax wuxuu sheegay inuu faro maran yahay hadda oo ay xaaladda ku adeg tahay qoyskiisa, maaddama uusan u awoodin inuu raashiin u soo iibiyo.

“Haddana baladkaas ayaan baxnaa si aan dadka ehelka iyo qaraabada aan u waydiisanno labo kilo oo sokor ah haddana meeshii kuu dhow ayaad u hoyaneysaa.”

Maamulka degmada Wanlaweyn ayaa sheegay in qoysas ku dhow labo kun oo beeraley ah ay saameysay fatahaadda webigaCabdixakiim Cabdullaahi Sheikh oo ah guddoomiyaha degmada Wanlaweyn ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in ka maamul ahaan aysan awood u lahayn xakameynta fatahaadda.

Wuxuu tilmaamay in xaaladdaan ay la wadaageen dowladda Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeedsi dadkaan gurmad loogu fidiyoWuxuu xusay inay marar badan isku dayeen wax ka qabashada dhibaatadaan, balse ay ku adkaatay.

Inta badan dadka ku nool deegaannada iyo degmooyinka gobolka Shabeellaha Hoose waxay noloshooda ku tiirsan tahay wax soo-saarka beeraha iyo dhaqashada xoolahaSidaas oo ay tahay haddana waxay dhibaato ka soo gaartaa abaarta iyo fatahaadaha webiga, kuwaas oo saameeya noloshooda.

Xigasho: Radio Ergo

We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.