Friday, March 29, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Sabo

W.Q. Khaliil Cabdiraxmaan Xasan

Ha saluugin inanyahay
Sabada dhulkeenoo
Safarkiyo qaxootiga
Sadaqada shisheeyaha
Ha u sacaba tuman

Ummaddaha adduunka qoloba Ilaah meel buu kaga abuuaray. Kala duwanaanshaha muuqaalka, afka, dhaqanka, diinta iyo midabka ka sakow ummad waliba waxay leedahay sabo loogu soo hagaago oo lagu yaqaan, magaceedana ay ku suntanyihiin. Dalku waa sabo uu qofku waxyaabaha noloshiisa lamahuraanka u ah ka helo, la iskana soo dhaxlayay qarniyaal badan awoow ka awoow, qofkuna wuxuu sharaf iyo karaamo ku yeeshaa baradiisa iyo dadkiisa dhexdooda, illeen waa tii hore loo yidhi ninna dhulkiisa looma dhaamo’e.

Iyadoo arrinku sidaas yahay ayaa haddana ay dadku dool ku jiraan oo qaarado isaga gudbaan, iyagoo safarkooda ka leh ujeedooyin kala duwan. Soomaalidu muddo fog ayay bilaabeen inay dibadaha u safraan iyadoo inta badana ujeeddadoodu ahayd inay waddamadaas ka soo shaqaystaan, ka dibna dalkooda dib ugula soo laabtaan wixii hanti ah ee ay soo shaqaysteen.

Haddaba wixii ka dambeeyay dagaalladii sokeeye waxaa batay Soomaalida dalandoolka ah ee iyagoo magangelyo doon ah qaarradaha adduunka isaga kala gooshaya. Qaxootinimada ayaa waxay noqotay rajo ay Soomaali badani ku hamiso.

Inkastoo dadkaas Soomaaliyeed ee qaxootiga ahaa oo hadda qurbojoog loogu yeedhaa ay ku taamaan in mar ay ahaataba ay dalkooda dib ugu soo laaban doonaan, haddana arrintaasi ma ahan mid la hubo oo shaki badan ayaa ku jira. Sida ay waayo-aragnimada ummaddaha kale ee hore dibaddaha ugu baqoolay ina barayso, dad farakutiris ah ayuun baa riyadaas dibunoqoshada ka dhabayn kara.

Qurbojoognimadu waxay noqotay isha keliya ee qoysas badan oo Soomaaliya ku nool laga quudiyo, taas ayaana lagamamaarmaan ka dhigaysa in Soomaali badani ku sii nagaadaan qurbaha xataa haddii waddanku hagaago oo dawlad hanata la helo.

Haddaba Mahad iyo reerkiisu waxay ka mid ahaayeen malaayiinta Soomaaliyeed ee iyagu iska aaaminay dalkooda ee aan dhinacna u dhaafin sabadii ay degganaayeen.

Hodan oo ah xaaska Mahad ayaa maalin iyadoo aad u murugaysan inta ay gambar hoos yaalay geed weyn oo daaradda gurigooda ku yaalay fadhiisatay dhabannada qabsatay. Waxay aad u hiiftay nolosha aan ka soo raynayn ee ay ku sugnayd tan iyo intii ay dawladdu burburtay. Waxay fiirisay dariskeedii iyo asxaabteedii. Waxay noqdeen wax waddanka ka baxay iyo kuwo hadda safar u guuxaya. Waxaa xaafaddoodii iska soo buuxiyay dad cusub oo aanay is fahmi karin iyada iyo ninkeeduna u yaqaaniin reer baadiye. Iyadoo nafteeda la hadlaysa ayay tidhi, “intaa in ka badan meeshan looma sii adkaysan karo, wax ka sii daraya mooyaane wax hagaagaya lama arko.”

Hodan, Mahad iyo shanta carruura ee ay dhaleen tan iyo intii ay dagaallada sokeeya bilaabmeen meelna ugamay bixin Xamar oo ah goobtii ay ku dhasheen, kuna barbaareen.

Mahad wuxuu ka mid ahaa shaqaalihii dawladda, waana nin aqoontiisu heer jaamacadeed gaadhsiisantahay, waxaana xaafadda looga yaqaan Datoorka. Intii burburka ka dambaysay wuxuu nolol maalmeedka reerkiisa iyo inta kale ee ku xidhan ka soo saaraa dillaalnimo uu aroorta hore suuqa ugu foofo. Maalin uu wax soo helo iyo maalin uu faro madhni la soo noqdana waa la arkaa.

Hodan oo fikiraysa welina geedkii keligeed hoos fadhida ayaa uu albaalka soo garaacay Mahad. Waxay ahayd xilli duhur ah oo qorraxdu aad u kulushahay. Isagoo dhididku dhabannada ka da’ayo ayaa inta uu darin duuduubnayd oo geedka hoostiisa ku tiirsanayd la kala baxay ku yidhi, “Hodan abaayo bal biyo aan cabbo ii keen.” Hodan ayaa inta ay joog biyo qaboobi ku jiraan iyo koob Mahad soo hordhigtay iyana soo ag fadhiisatay. Wajigeeda murugada iyo cadhadu ka muuqdaan intuu dareemay ayuu ku yidhi, “Hodan sidee maanta wax u jiraan?”

Hodan ayaa garbasaar yar oo madaxa u saarnayd inta yara giijisay oo qoorta labada dacal uga kala riday tidhi, “wax cusub ma jiraan ee meeshan joogisteeda ayaan nacay.” “Hadda uun bay rajadu u fiicanatahaye sidee Alle ku yidhi”, ayuu mahad ugu jawaabay. “Rajo aan jirin uun baad adna sheegtaa, marba dawlad cusub baa dhalatay oo waxbaa hagaagaya ayaa tidhaa, ilaa haddana wax dawlad ah ma aragno oomagac-uyaal aan xataa xamar ammaankeeda sugi karin ee meeday dawladda aad sheegaysaa ayay si cadho ka muuqato u tidhi Hodan.”

Mahad oo aan weli afkiisa wax hadal ahi ka soo bixin ayay haddana Hodan u sii raacisay tixdan heesta ah:-

  • Xalaybaan saqdii dhexe

  • Hurdadii ka salaloo

  • Naftu seexan weydoo

  • Noloshan waan saluugee

  • Subaxdii la joogaba

  • Sayruuq la ganayiyo

  • Sabab li’i dil joogta ah
  • Saameeyay caradoo

  • Mooryaan susumaysiyo

  • Saqiir gawrac mooyee

  • Daris iyo sokeeyaba

  • Dadkii way socdaanoo

  • Dunidaa siraadane

  • Maatida saacidaysaa

  • Nolol laga samaystoo

  • Sii joogis ma lahee

  • Sarta aan xaraashnoo

  • Sahay aan ka dhiganee

  • Ina soo dhaqaaji.

Mahad kumay cusbayn sheekada ay hadda u soo bandhigtay xaaskiisu. Dhawr jeer oo hore ayaanay arintan ka wada hadleen, mar walbana wuxuu u muujin jiray rajo iyo inay wax hagaagayaan. Inta uu yara aamusay oo hoos dhugtay haddana xaggeeda u jeestay ayuu ugu jawaabay tixdan soo socota 

    • Sareedada ilaahbaa

    • Qofkuu doono siiyee

    • Siliciyo rafaadkana

    • Dadku waa u simanyee

    • Soomaalidu siday tidhi

    • Adduun waa sagaaloo

    • Toban kuma sinnaadee

    • Waligaa ha sugin

    • Ruuxna sedkiisii

    • Seegimaayo abidoo

    • Saatirkii na uumaa

    • Waa hore sargooyoo

    • Xisaabay ku socotaa

    • Ha saluugin inanyhay
    • Sabada dhulkeenoo

    • Safarkiyo qaxootiga

    • Sadaqada shisheeyaha

    • Ha u sacaba tuman.

Hodan intaas kumay qancin, ee waxay isku dayday inay fikraddeeda ka dhaadhiciso saygeeda. Waxaanay iyadoo heestii sii wadata tidhi:-

  • Niman wada silloonoo

  • Saldaniyo awoodiyo

  • Innagaa saraynoo
  • Sadbursiino heli

  • Ku siraaya shacabkaa

  • Ummaddiina sahaydoo

  • Silica noo horseedoo
  • Saboonimiyo gaajiyo

  • Saf cudur na badaye

  • Deris iyo sokeeyaba

  • Dadkii way socdaanoo

  • Dunidaa siraadane

  • Maatida saacidaysaa

  • Nolol laga samaystoo
  • Sii joogis ma lahee

  • Sarta aan xaraashnoo

  • Sahay aan ka dhiganee

  • Ina soo dhaqaaji

Mahad oo aad ula yaaban sida ay xaaskiisu uga quusatay nolosha wadddanka iyo xaaladda ay ku suganyihiin ayaa markan isku dayaya sidii caadada u ahayd inuu waxoogaa rajo ah u muujiyo Hodan, isagoo saadaalinaya inay wax isbedeli doonaan mustaqbalka dhaw oo aanu xaalku sidan ahaan doonin ayuu yidhi:-

    • Subaxdii timaadaba

    • Waayuhu si weeyee

    • Sannadihii na dhaafiyo

    • Colaaddii sokeeyaha

    • Naftu way u samirtoo
    • Ilaahbaa ka saaree

    • Saakadan la joogana

    • Sahankaa u maqanoo

    • Saadaashu siday tahay
    • Nabaddoo sugnaatoo

    • Soo celino qaranimo

    • Degdeg baan u sugaynaa

    • Ha saluugin inanyahay

    • Sabada dhulkeenoo

    • Safarkiyo qaxootiga

    • Sadaqada shisheeyaha

    • Ha u sacaba tuman.

Haddaba Mahad iyo malaayiin kale oo Soomaaliyeed waxay ahaayeen rajo ku nool, waxayna aaminneen dalkooda hooyo dhib kastaa ha ku soo gaadhee. Waxay markasta rumaysnaayeen in dhibaatadan laga gudbi doono, waayihii berisamaadkuna ay dib u soo laaban doonaan.

Waxay u adkaysteen dhibaatooyin badan oo la soo gudboonaaday xilliyo kala geddisan.Waxay ka soo gudbeen marxalado adag oo mid waliba dhibteeda iyo duruufaheeda gaarka ah lahayd. Waxay bulshadani muddo u afduubnaayeen dagaaoogayaal farakutiris ah oo iyagu darxumada iyo dhibaatada shacabka ku caano maala.

Rajo iyo yididiilo kasta oo u soo bidhaanta Mahad iyo malaayiinta kale ee Soomaaliyeed ee waddanka ku noolaa waxaa isbaaro iyo caqabado lagama gudbaan ah hordhigan jiray dagaaloogyaashaas.

Inkastoo hadda xaaladdu si tartiibtartiib ah uga soo raynayso nidaamkii dawladnimana dib u soo iftiimayo haddana noloshii iyo duruuftii ay reer Mahad iyo malaayiinta kale ee Soomaaliyeed ee waddanka ku nool wax badani iskama beddelin. Wali Mahad waxa uu la daalaadhacayaa masruufka reerkiisa. Adkaysigiisii, aqoontiisii iyo dal jacaylkiisii wax txgelin ah kuma helin.

Meelwalba waxaa yaacaya Qurbojoog iyaga ayaana tixgelinta la siiyaa oo mahad iyo inta la midka ah cidiba sidaa uma eegto. Qofku haddii aanu Baasboor ajnabi sidan waxba dalka kama aha. Madaxweyne, Ra’iisalwasaare, Xildhibaan, Wasiirro iyo qaar kaloo badani dhammaantood waxay sitaan baasbooro ajnabi, xilligii rafaadka iyo dhibta lagu jirayna waxay ku raaxaysanayeen qurbaha.

Mahad iyo malaayiinta kale ee Soomaaliyeed ee u soo samray dhibta iyo rafaadka muddada dheer ay ku jireena, waxaa la soo gaadhay waqtigii mudnaantooda iyo tixgelintooda la siin lahaa haddii kale Soomaali waxay wada noqon qurbajoog, tahriibkuna waxuu noqon waddada keliya ee u bannaan.

W.Q. Khaliil Cabdiraxmaan xasan
Email: [email protected]
——————————–
F.G. Qoraalkan waxa uu markiisii hore lagu daabacay qaar ka mid ah Mareegaha Soomaalida bishii May 2004tii, haseyeeshee dib ayaan wax yar uga beddelay.


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.