Wednesday, July 03, 2024
Wardheer News
  • History
  • Maqaallo
  • Slideshow

Raaddadkii iyo Joogitaankii ilbaxnimadii reer Saba ee xeebaha Soomaaliyeed

W/Q Mahad Siciid Maxamuud Jebiye

Dulucda qoraalka (abstract)

Tan iyo markii uu soo ifbaxay dhiganihii yaabka lahaa ee dalmareenkii Giriiga ee “Periplus of the Erythraean Sea” (ερίπλους τῆς Ἐρυθρᾶς Θαλάσσης) oo si weyn loogu faahfaahiyey ganacsigii xabkaha iyo Cananada udgoonka iyo alaabooyinkii kale ee naadirka ahaa ee laga dhoofinayey xeebaha dhulka Soomaalida. Taasi oo ku aadaneyd waagii uu daahfuray luqad yaqaankii mucjisada ahaa ee “Jean-François Champollion” fartii Masaaridii hore ee “Hieroglyphs” markaasi oo la ogaadey safaradii dhaadheeraa ee Masaaridii fircooniintu ay ku tageen dhulkii Ilaahyada Punt. Dhulkaasi oo lagu abaaray inuu ahaa xeebaha Soomaalida, ilaa waayadaas waxaa isa soo tarayey baaritaano iyo dadaallo lagu raadinayey daliilo iyo waxyaabo la taabankaro oo la xiriira ganacsigaasi iyo ilbaxnimadaasi hore. Qoraalkan iyo helitaanka raaddadkii hore ee reer Saba ee geyiga Soomaalidu waxaa uu ka dhiganyahay daahfurkii ugu weynaa ee abid la xiriira arimahaasi aan kor ku soo xusnay. Waxaana ay ka dhigantahay inaan anaguna markeena si wanaagsan uga qayb qaadanayno soo bandhigida taariikhda iyo degel yaalkii hore, taasi oo runtii ku mudaysan isku day wacan iyo guul inoo soo hoyatey dhamaanteen.

Hordhac

Sida uu ku sheegay taariikhyahankii weynaa ee reer Giriig Strabo buuggiisii caanka ahaa ee Geographia, waxaa jirey ilaa shan macbad (goobo) wax lagu caabudo inta u dhexeysa Saylac ilaa iyo Raas Xaafuun ee xeebaha dhulka Soomaalida, xiligaasi oo ku beegnaa ilaa laba kun oo sano (2000) ka hor. Strabo waxa uu sheegay in loogu yeeri jirey meelahaas ,Biisuulaay, Liiya, Biifaangeel, Libaax iyo Haramoota, waxayna ahaayenn qaar leh tiirar dhaadheer oo qurxoon5 .

Qariirada Dhulka Soomaalida uu ka muuqdo Gacan Badeedka Cape Guardafui

Waxaan sidaa u leeyahay iyadoo ay muuqato inay u badnaayeeyn ama ahaayeenba Kaluumaysato ban jooga oo aan qalab fiican haysan ama sida badan xoolo raacato socoto ah, oo ay yartahay inaad aragto dhismayaal iyo magaalooyin hore oo ay ka tageen haddana aad ayey u ixtiraameen kuwoodii geeriyoodey.

Dalmareenkii reer Faransa Georgess Revoill ayaa isaguna markiisa ku arkay magaalada Olog6 sida uu sheegay dhisme uu garan waayey, kaas oo u eg dhismayaashii hore ee wax lagu caabudi jirey.

Hadaba kolkii aad u fiirsato Qubuurihii Bulshooyinkii deganaa mandiqadan habka ay u xabaaleen kuwoodii geeriyooday oo ay muruq iyo maal badan u geliyeen, waxaad ka minfalaadeysaa (fahmaysaa) in dadkii arladaan ku noolaa waayadii taariikhda ka horeeyey ay ahaayeen qaar wuxuun aaminsan oo aaney ahayn cawaan wax ma garato ah.

Waxaan sidaa u leeyahay iyadoo ay muuqato inay u badnaayeeyn ama ahaayeenba Kaluumaysato ban jooga oo aan qalab fiican haysan ama sida badan xoolo raacato socoto ah, oo ay yartahay inaad aragto dhismayaal iyo magaalooyin hore oo ay ka tageen haddana aad ayey u ixtiraameen kuwoodii geeriyoodey.

Taasi waxay daliil buuxa u tahay inay ahaayeen qaar aaminsan caqiidooyin u gaar ah, gaar ahaan waxaan fahmaynaa inay aminsanyeen jiritanka Nolol kale oo ka dambaysa tan ay markaa joogeen.

Dadka iyo dalka Soomaalidu waxay iskaga mid yihiin inay yihiin mid ka mida meelaha weli dihin Dunidan guudkeeda oo aan wax badan laga ogayn, gaar ahaan aanay ka ogaan degel baarayaasha Dunidu. Sababtu waxaa weeye iyadoo labadii qarni ee ugu dambeeyey ee Aqoonta Dadka Aduunku kobocday, ay ahayd Mandaqad aan deganayn. Taasi oo adkaysay in baaritaano dheeraad ah lagu sameeyo haddii ay noqoto meel ka soo jeedka Dadka, Taariikhda Dhulka iyo cidii deganaan jirtey iyo isbedelka dhaqan dhaqaale ee Bulshooyinkan ku dhacay Qarniyadii is xigay ama kala dambeeyey.

Dadka Soomaalida inta la garanayo waxay ahaan jireen Mujtamac dhaqan iyo dhaqaaale ahaan isku filan maadaama ay ahayeen kuwo ku tirsan raacashada xoolaha dabjoogta ah. Waxay aqoon badan u lahayeen xagga Saadaalinta cimilada, Cilmiga Bulshada iyo Dhirta. Waxayna xusuus badan u lahaayen xagga taairiikhda iyo dhacdooyinkii hore. Waxaaas oo dhanse waxaa waxba la’aan ka soo dhigay iyadoo aaney waxna qori jirin waxna akhrin jirin, iyadoo la yiraahdo Dabarka Cilmigu waa qoraalka. Waxaan garawsaday haddii ay qori lahaayeen waxyaabihii ay garteen ee ay ku ogaadeen kasiistoodii qarniyo badan, maanta waxaan ahaan lahayn mid ka mida bulshooyinka loo iilo qaar ka mida culuumta banii aadamku helay. Nasiib darrose ma dhicin taasi marki dabarkii la waayey, jaahilnimadaasi waxay ina dhaxalsiisay hubaal la’aan ku saabsan taariikhdeenii hore iyo aqoontii ay ku gaareen tijaabooyinkii isdaba jooga ah ee ay sameeyeen bulshooyinkeenii hore.

Ilbaxnimdii Saba iyo Ximyar

Markii aad maqasho Qoomkii Reer Saba, waxaa markiiba maskaxdaada ku soo dhacaya Aayadaha Quraanka ee ku jira Suurada loogu magac daray (Suuratul Saba) . Taasi oo laga yaabo inaad marar badan akhrido, oo warbixin buuxda inaga siisay boqortooyadii iyo ilbaxnimadii dadkii reer Saba ee ku nolaa koonfurta Jasiirada Carabta, gaar ahaan dalka haatan loo yaqaaan Yaman6 . Barwaaqadii ay ku noolayeen waayo badan iyo burburkii ku dhacay biyo xireenkoodii weynaa ee Ma’rib7 , arinkaasi oo dhaxalsiiyey inuu burburo nidaamkii beeraha ee ay ku noolaayeen dabadeedna ku qasbay inay ka qaxaan dhulkoodii;

Waxaa xusid mudan in kutubaha diimaha Samaawiga ah dhamaantood lagu xusay qaybo ka mida Taariikhda reer Saba . Hase yeeshee marka kutubta muqadaska ah laga yimaado, waxay ka tageen raadad aad u waaweyn oo Qoraallo iyo dhismayaal aan duugoobin oo ay ku daaleen Culimada degel baarku, waayo bandanna ay ka soo faqayeen dhulka hoostiisa sida Edward Gluser, Homels, Wendel Philips, Harry St. John Bridger Phillby), iyo qaarkaloo badan.

Inkastoo qayb ahaan uu burburay hadana waxaan Akhrin karnaa Labo Magac a) Rabaan Xadi b) Yahaythic Bin Zowrac

Boqortooyadii iyo Dadyowii Reer Saba waxay ka soo daahireen Koonfurta Jasiirada Carabta toban qarni ka hor dhalashadii Ciise taasi oo u beegan muddo haatan laga joogo ilaa saddex kun oo sano. Dadka taariikhda faaqida qaar baa ka horaysiiya mudadaasi, hase yeeshee la iskuma raacsana. Waxayna ahaaayeen kuwo hodan ah oo khayraad badan haystey, sida ay sheegeen Taariikhyahanadii Giriiga iyo Roomaankii hore, xaruntoodiina waxay ahayd magaalada Sarwaax ee gobolka Ma’rib ee dalka Yeman. Horaaantii taariikhdooda waxay Caabudi jireen Ilaahyo(Sanamyo) kala duwan oo ay u cibadaysan jireeen sida- Almiqa, Casastar, Wud, Xidigta Waxaraxirta iyo Awoowayaashoodii hore. Waxaana xakumi jirey horaantii taariikhdooda wadaaddada ama kaahiniinta Macbadyada. Kuwaasi oo logu yeeri jirey Makrabiyiin. Waxayna xukunka hayeen ilaa qarnigii Lixaad Ciise Hortii. Kolkaas oo habkii xukunkoodu isu bedeley Boqortooyo.

Hase yeeshee waayo dambe ilaa Qarniyadii dhexe, waxaa ku faafay diinta Yuhuuda inkastoo dadka taariikhda faalleeya ay isku khilaafeen xiligii ay ahayd, waxaase la sheegaa in boqortooyadii Ximyar, oo la ologa ahayd tii Saba, inay gebi ahaanba Yuhudiyiin ahayeen. Sidoo kalena waayo dambe diinta Masiixiga ayaa kaga soo faaftay dhanka Najraan oo hadda ka tirsan dhulka Succu- udiga, taasi waxay ka caraysiisay Boqorkii Ximyar ee wagaas, oo cadaadiyey kiristaankii.

Arinkaas waxaa ka dhashay gurmadkii boqortooyadii Aqsum12 ee xabashida, iyagoo caawinaad ka helaya boqortooyadii kiristaanka Roma ee ‘Byzantine’ ayey qabsadeen Yaman, waxayna ka talinayeen ilaa nus qarni sida taariikh yahanadu xuseen. Markii dambena boqorkii lagu magcaabi jiray Seyf Bin Dii Yasin, isagoona markiisa kaashanaya boqorkii Faaris ee loo yiqiin Kisraa Anuu Sharwaan13 ayuu iska xarooyay eithpian-kii ku soo duulay.

Saldanadoodii waxay ahayd mid Federal ah oo ka kooban reer Saba iyo Saldanadii Qatabaaniyiinta iyo Maciin iyo Xadarmuut.14,15 Waxay ahayeen kuwo hodon ah sida ay sheegeen tariikh yahanadu iyagoo dhexyaal u ahaa Ganacsiga Gooxa iyo Bukhuurka ka bxii jirey Koonfurta Jasiirada Caraba iyo qaar ay Soomaaliya ka soo dhoofin jireen. Waxayna ahaayeen kuwo ilbaxnimo sare leh, oo qori jirey Farta loo yaqaan ‘Musnad’. Taasi oo ka horaysay xuruufta Carabiga ee hadda aan naqaano. Qoraalladii ay ka tageen oo ay ku xardheen meelo kala duwan sida dhismayaasha macbadyada, buuraha dhadhaabah leh iwm, ayaa muujiyey wax badan oo tariikhdoodii ah oo si fiican loo fahmi karo maanta. Taasi oo Culimada taariikhda iyo degel baarka aad u caawisay. Qaybtii hore ee taariikhdooda waxa ay u qori jireen fartooda si gaara ah oo ay Culimada Faraha qadiimiga ahi ugu yeeraan Seyr Mixraas, taasi oo ka dhigan sida Dibiga Beertu u socdo, macnihii iyadoo lagabilaabayo Bidix laguna geynayo Midig, haddana lagu soo celinayo bidix iyadoo qoraalku is’haysto. Waayadii dambese, waxay u bedeleen sida hadda loo qoro Carabiga oo ah in Bidix laga bilaabo Midigna lagu dhameeyo. Taasi waa mid lagu garto qaar ka mida xiliga la qoray Qoraallada Dhagxaanta ku xardhan ee degel baarayaashu soo saaraan.

Halkan ka akhri daraasadda: Raaddadkii iyo Joogitaankii ilbaxnimadii reer Saba ee xeebaha Soomaaliyeed

Mahad Siciid Maxamuud Jebiye
Email: [email protected]
_____________
Mahad waa cilmi baare madax banaan oo ku takhasusay deegaanka iyo Asaarta kana tirsan cilmi
baarayaasha hay’da PDRC.


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.