Muqdisho (WDN)- Waxaa magaalada Muqdisho ku kulmay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madasha Samato-bixinta Soomaaliya, oo ay ku bahoobeen siyasiyiinta mucaaradka.
Madasha Samato-bixinta, ayaa horey u qaadacday shirkii Gogasha Wada tashiga Qaran ee dhawaan Muqdisho ka dhacay, kaasi oo ay ku sheegeen in aanu ka tarjumayn masiirka dalka.
War ka soo baxay Villa Soomaaliya ayaa lagu sheegay in “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo sii wada kulamada Gogosha Wadatashiga Qaran ee uu horay uga furay magaalada Muqdisho, ayaa maanta Madaxtooyada Qaranka ku qaabbilay mas’uuliyiin isugu jira Madaxweynayaal hore, Ra’iisul Wasaareyaal hore, Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka iyo xubno kale.”
Madaxweyne Xasan iyo mucaaradka ayaa ku kala aragti duwan qodobo dhowr ah oo aan wali la turxaan bixin, kuwaasi oo ay ka mid yihiin qaabka iyo qorshaha doorashooyinka iyo dastuurka.
Madaxweyne Xasan ayaa raba in aan dib loogu noqon doorasho dadban, dalkana laga hirgaliyo doorasho Qof iyo Cod ah. Halka mucaaradku ay u arkaan in dalka iyo xaaladda uu ku jiraa aysan u saamixi karin doorasho qof iyo cod ah. Sidoo kale muacaardka ayaa qaba in wax ka badalkii dastuurka ee Vila Soomaaliya, uusan waafaqsanayn sharciga, islamarkaana aan laga talo gelin saamileyda siyaasadda ee dalka.
Kulanka Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madasha Samato-bixinta Soomaaliya, ayaa u muuqda mid hordhac ah, laakiin si aad ah loogu kala af kaar duwan yahay arimaha siyaaasadda ee dalka. Shirkaasi ayaa lagu go’aamiyay in la sii wado wadahadalada oo dib la iskugu soo noqdo.
Dhinac kale Dowlad Gobolleedyada Puntland iyo Jubaland oo aan qeyb ka aheyn shirkaas Muqdisho, islamarkaana door weyn ku leh jiheynta heshiis laga gaadho arimaha siyaasadda ee dalka, ayaa wada-tashi uga socdaa magaalada Garoowe. Halkaasi oo uu booqasho ku joogo Madaxweynaha Jubaland Md Axmed Islaan (Axmed Madoobe). Waxa la filayaa kadib booqshada Axmed Madoobe in Puntland iyo Jubaland ay soo saaraan war-murtiyeed wada jir ah, oo ku aadan maowqifka labada maamul gaobleed ee masiirka siyaasaddeed ee dalka.
WardheerNews
