W/Q Xasan Yuusuf Waal
Beyd ku jira Gabayga Xumaanta Qabyaaladda ee uu tiriyay AUN Cabdullaahi Suldaan ‘Timacadde’ ayaa oranaya “Qof qalbi la’ quraan kii u akhriyey qaaf dheh ku harraadye”. Waxaa xaalad halis ah ku sugan oo qarka u saaran ba’ iyo baabba’ sowraca qaranimo iyo jiritaanka ummadda Soomaaliyeed. Nasiibdarro, wacyiga maanta jira awgiis, laguma baraarugsana ilwaad xumadaa iffaysa! Haddaba si loo badbaado, waxaan la huri karin in la joogteeyo wax-is-dhacsiinta iyo wacyi-galinta bulshada!
Dal waxaa dibudhiga dawlad xumo iyo diktatoornimo, waxaa dumiya dirir sokeeye iyo duulaan shisheeye, waxaa degganaansho u diida adoonsi dadban (faqri, faragalin shisheeye, fowdo, iwm), iyo dadkiisoo is diidan ,waxaa dibudhisa hogaamiye himilo durugsan leh iyo dadkiisoo isku duuban. Haddaba, marka aad tilmaamahan la xiriiriso darxummada iyo dayaca ay dadkeenu la il’daran yihiin iyo haddimada dalkeena laga galayo waxaad si fudud u heli kartaa halka halxiraaluhu ku jiro!
Qarankii Soomaaliyeed ee burburay waxaa ka dhashay khasaare weyn oo lamafilaan ah oo ay ka beermeen mahadhooyin aan la mahdin, markii xal loo waayayna la xalaashaday–khilaaf siyaasaddeed oo qallafsan oo salka ku haya macaash iyo muraaddo gaar ah, qabyaalad ku qasantay dawladnimadii, qas joogtada ah iyo qax, dhulka iyo bada oo qashin khatar leh lagu qubayo, khayraadkii dalka (dad iyo duunyo) oo qiime jaban ama bilaash lagu qaadanayo, qiyamkii ummadnimo oo dhaawacmay, hankii oo hoos u dhacay iyo kuwa kale oo badan!
Qalbi-jab qaracan leh
Haddaba, dhibaatooyinkaa murugsan ee uur-ku-taallada leh waxay ku reebeen ummaddeena qalbi-jab qaracan leh. Waxay si gaar ah u saameeyeen facaadii dambe ee biloowgii burburka iyo wixii ka dambeeyay dhashay, qayb ahaana ah 75% dadweynaha Soomaaliyeed. Qiyaastii 70% bulshada dalka ku nool waxaa haysa dhaqaale xumo daran, 90%-na waxay wajahayaan saboolnimo xaga tacliinta, fayaqabka, helitaanka biyaha iyo korantada. Dabcan, dayacaan balaaran wuxuu sababay in qaar badan oo dhalinyarada ka mid ah ay xaabo iyo xoog u noqdaan qabqablayaasha qabiilka iyo khawaarijta.
Sidaa oo kale, qalbi-jabka qaracan leh awgiis waxaa talo-waa iyo walaahoow ku dhacay wax-yaqaankii waayo-aragnimada lahaa oo laga filayay in ay dhibta furdaamiyaan, laakiin u kala firdhay sidii Ari weer galay. In yar oo mintid ah oo diidday in ay rajo dhigaan mooyee intii kale waxay noqdeen qaar mushkilada ku milmay iyo in badan oo markii ay arkeen sida ay wax u socdaan banaanka ka joogsaday oo ka hawl yareystay. Laakiin nasiibdarro waxaa booskoodii banaanaaday buuxiyay kuwa beyd-gaab ah oo in ay wax sii bi’iyaan mooyee aan wax wanaagsan ku biirinayn bulshada!
Qalbi-jabka qaracanka leh waxaa markhaati fur u ah dhacdooyin fara badan oo filanwaa ah, masalan, in dalal aan deris nahay oo aan dad iyo deggaan isku hayno loo qoor-dhiibto ama ay u kala dab-qaadaan dadka Soomaaliyeed isla markaana ay dawlad u soo dhisaan (Federaal ku Dhisan Qabiil), iyada oo docda kale ay dadkeenu daawanayeen duminta dawladii qaran ee kumeel gaar ah ahayd (TNG) ee daddaalka badan lagu bixiyay ee lagu soo dhisay Carta, Jabuuti sannadii 2000, garwadeena ay ka ahaayeen bulshada rayidka ah. Dawladdahaas aan deriska nahay waxaa weli damac iyo hunguri ka haya in ay helaan dhul kale oo Soomaaliyeed. Arrinka layaabka leh waxa weeye, dawladahaas waxay qayb ka yihiin ciidamada dalkeena u jooga nabad illaalinta ee loo yaqaano ATMIS, oo hore loo oran jiray AMISOM! Haddaba xagee jahwareerku ka jiraa?
Xigmad Soomaaliyeed baa oranaysa ‘Cudurka kaagala fardaha hadii laga gubo dameeraha dawada lama gaaro!’ Wax walba waxa ay leeyihiin sabab ay u dhaceen iyo saameeyn ka dhalata (cause and effect). Waxaa had iyo jeer farta lagu fiiqaa calaamaddaha cudurka ina haya ama dhibtii dhacday iyo khasaarihii ka dhashay, halka hoos loo fiirin lahaa salka dhibaato ama sababta keentay dhibaatooyinkaa dhaciddooda.
Dhibaatooyinka kor ku taxan ee mar walba soo noqnoqda iyo qalbi-jabka qaracan leh ee quusadka ku riday dadkeena waxaa u sabab u ah laba arrimood oo kala ah;
Maamul xumo dawladdeed iyo
majaxaabin dibaddeed.
Dulmigaa loo wada jeedo waxaa dadkeena loogu dawggalay dabinqool toos ah oo mar kasta loo dhigo; waa baqdingalin iyo qalqal galin shaar qabiil loo galiyay. Waa xeellad aad u xun oo ujeedadeedu tahay in dadka qas laga dhex-abuuro si ay u qaybsamaan oo loo xukumo. Waxaa taas garab taala dabinqool dadban oo doqon-magaratay ah oo wax wayn loogu dhimayo dadnimada, deggaanka iyo diinta. Tusaale, waxaa beryahan dambe jiray dadaalo xoogan oo lagu burburinayo nolosha miyiga oo qiime weyn ugu fadhida ummada Soomaaliyeed- mar waa dhaqan xambaar, marna waa kayd-yaal dhaqaale.
Haddaba si xal loogu helo arrimahaa waxaa shardi ah in la helo hoggaamiye leh hiiraal fog sida haadka gorgorka oo kale isla markaana u darban danta ummada. Hoggaamiye horseedi kara oggalaanshiyo siyaasadeed (political will) oo ku dhac leh.
Waxaynu soo qaadanaynaa laba dhacdo oo hogotusaaleenaya hoggaaminta toosan. Tan hore waa jabkii ku dhacay Japan dagaalkii labaad ee adduunka. 1945tii dalka Japan waxaa dhibaato weyn ka soo gaartay duulaan shisheeye. Mareeykanka ayaa duqeeyay ama ku dhuftay magaalooyinka Hiroshima and Nagasaki ee Japan laba qumbuladdood oo nukliyeer ah. Waxaa duqeeyntaa ku waxyeeloobay boqolaal kun oo qofood. Waxayna sababtay in Jabaan laga aadkaado oo ay is dhiibto. Dhacdada labaadna waa xasuuqii ka dhacay Rwanda horraantii sagaashameeyada. 1994tii dalka Rwanda waxaa sidoo kale dhibaato fool xun ka soo gaartay dirrir sokeeye. Waxaa dalkaas ka dhacay xasuuq axmaqnimo ah oo aan taariiqda casriga ah dhicin. Qabiilka Huutuga ayaa 100 maalmood gudohood ku xasuuqay qiyaastii 800,000 qof oo dadka Tuutsiga ah (iyo Huutuu reer magaal ahaa).
Dhacdooyinkaasi waxay ahaayeen kuwa lama filaan ah oo ay dadka adduunku la amakaageen, dadweynaha labada dalna ku riday qalbi-jab qaracan leh. Laakiin mudo yar ka dib, labada dalba waxay ka soo kabsadeen dhibaatooyinkii soo gaaray. Haddaba maxaa sababay dhibib-kacaa dhaqsaha leh?
Hoggaamiyeyaasha laba dalba waxay la yimaadeen xal ku dhisan xigmad iyo xeellad iyo hoggaamin horumar keeneysa. Xalka xigmada ku dhisan, waxay qaateen go’aamo kharaar oo ku dhac leh oo sababay in laga baaqsado burbur iyo dhibaato intii hore ka badan. Boqor Hiirahiito wuxuu go’aamiyay in Japan is dhiibto, halka Paul Kigame uu ka hortagay aarsasho iyo in xasuuqii laga dhigo aano qabiil oo lagu xalaallaysto dhiiga dadka Huutuuga ah.
Xalka xeelada ku dhisan, xeelada Japan waxay ahayd dib-udhis ku salaysan curin casri ah. Waxay u jiheeysteen dhanka horumarinta halabuurka dadka iyo helitaanka awood dhaqaale oo saldhig adag leh. Tan Rwanda waxay ahayd dib-u-heshiisiin ku salaysan cadaalad aan ciqaab lahayn. Doorka hoggaamineed ee Paul Kigame ayaa sababay xasilooni siyaasadeed. Wuxuu oggaaladay in la dhiso dawlad midnimo (unity government) oo suurta gelisay horumarka dhinacyada badan leh ee Rwanda maanta ka jira.
Waxay nu ka soo sheekeenay dhacdooyin hogotusaaleeynaya sida shaqsi isbeddel siyaasad-dhaqaale u dhalin karo. Bal ka warama inta shacab isku duuban ay qaban karaan! Awooda dadweynaha waxay wax weyn ka beddeli kartaa xaalada dal ku sugan yahay. Laakiin waxaa shardi in ay jirto dan guud oo ay shacabku wada shinsanayaan iyo wax qiira-galin kara shacuurtooda.
Qiyamka ummadnimo oo kor loo qaado
Ilaa inta la garanayo Soomaalidu waxay ku nooleeyd Geeska Afrika, gaar ahaan Dhulka Soomaali Weyn– deggal isku darsaday ballaar iyo barwaaqo, juqraafi ahaanna ku yaala meel muhiim ah (bada cas, gacanka cadmeed iyo badweynta Hindiya) oo isku xirta qaaradaha Aasiya, Afrika iyo Yurub. Taasi waxay sababtay in ay noqoto meel lagu soo qammaamo! Haddaba waxaa isweeyddiin leh, sidee beey Soomaalidii hore u difaacan jireen dhulka, dhaqanka iyo hantidooda dhaqaale?
Soomaalidii hore ma lahayn nidaamka mideysan ee casriga ah ee dawladaha maanta ku dhisan yihiin. Laakiin waxay lahaayeen nidaam u gaar ah oo leh kala danbayn iyo is-qadarin. Nidaamkaasi wuxuu ku dhisnaa mabaadii aassaasi ah (xeer dhaqameed) oo ku qotanta hidde iyo dhaqan diimeed wanaagsan. Waxay lahaayeen ujeedooyin guud oo tiirar u ah noloshooda, si wadajir ahna loo wada ilaashan jiray. Waxaa macno wayn ugu fadhiyay oo ay ku wada faani jireen dhulka, dhalashada, dhaqanka iyo dhaqaalahooda.
Hayeeshee, markii uu gumeeystuhu dalka yimid, qiyamkaa sareeyay wuxuu yeeshay goldalool ay dabeyl sumeysan buuxisay. Waxaa dadka loo deggay khiddad lagu kala furfuro. QIYAMKII UMMADNIMO waxaa laga sare mariyay QAB QABIIL. Qoloqolayntu waligeed waa jirtay laakiin dadku waxay lahaayeen xeer iyo qaanuun kala qabta oo leh xad aan la dhaafi karin. Maanta ma jirto wax la isaga qabto qabyaalada ay sida fudud u shidi karto qalbi-jabka qaracanka leh ee uur-ku-taallada noqday ama ku kaydsan xusuusteena.
Haddaba waxaa lagama-maarmaan ah in la soo nooleeyo oo la awood-galiyo habkii iyo xeer dhaqameedkii Soomaalidii hore isku xukumi jirtay. Waa in marka hore la mideeyo wacyiga iyo dareenka bulshada iyada oo loo marayo cilmiga iyo barashada bulshada ku saleysan. Marka kor loo qaado garaadka siyaasiga ee dadka isla markaana la qaabeeyo dabeecaddooda waxay awood u helayaan in ay aqoonsadaan qiyamka ay wadaagaan taasoo marka abuureeysa dareen wadani ah.
Marka la helo ujeedooyin iyo dan guud oo ummada ka dhaxeeya, inta yar ee dadku ku kala tagsan yihiin weey harqismayaan waayo waxaa ka badan baahida guud ee bulshada isku keeneyso. Sidaa daraadeed waxaa sahlanaanaysa in kuwa dirirsan la nabaddeeyo, kuwa diidan dabacsanaan loo muujiyo, kuwa dudayna la soo dumo.
Waa in la mataaneeyo ama la mideeyo qaanuunka dawliga ah iyo xeer dhaqanka.Tusaalle, Botiswana waxay xaga hore kaga jirtaa dawladaha dimoqraadiyada iyo maamul wanaaga ku nabad iyo caano maalay. Sida dastuurkeeda dhigayo, waxay leedahay laba gole oo iskaabaya- Aqalka Wakiilada (Parliament) iyo Aqalka Oday Dhaqameedyada (House of Chiefs). Halka Aqalka Wakiilada uu ka leeyahay qaab haga oo ku dhisan xisbiyo siyaasaddeed, Aqalka Oday Dhaqameedyada wuxuu leeyahay nidaam kudlo ah (Kgotla system) oo xeer jajab ku xaliya arrimaha la xirriira qabiilka, qayrada, qoyska iwm.
Qiyamka ummadnimo oo kor loo qaado wuxuu sababi karaa in lagu guuleeysto taamyeelka dawladnimada Soomaaliyeed ee kala dhantaalan. Siyaasad iyo dhaqan ama siyaasiyiin iyo dadweyne isku duuban ayaa dib u hanan kara haybaddii qaranimo ee Soomaaliyeed. Waa laba isu baahan oo midba kan kale kaabi karo ama kor u qaadi karo.
Qaran Soomaaliyeed oo quwad leh
Sidee suurogal u noqotay in ay dhacdo in hal qowmiyad oo wadaagta af, dhaqan iyo diin, loo qaybiyo qabiilo mid kastaba leeyahay dawlad iyo calan u gaar ah? Waa arrin af-kala qaad ku riday adduunweynaha, laakiin aafeysay dadweynaha Soomaaliyeed. Jahwareerkii darnaa ee mudada dheer soo jiitamay ayaa dadkeena looga faa’iideeystay. Iyada oo aan si fiican la isaga fiirin ayaa si fudud loo qaatay fikirka Federaalka ku Dhisan Qabiilka oo ilaa iyo hada fowdo mooyee aan faa’iido laga helin!
Qalbi-jabka qaracanka leh awgiis waxaa adkayd in la fahmo, welina wey adag tahay in la fahmo baqdingalinta iyo qalqalgalinta shaarka qabiilka loo galiyay. Laakiin waxaa aad u fudud in danayste iyo dano shisheeye dartood qabiilo isugu dhacaan ama qabiil dhib u sameeyo.
Dad badan weli waxaa ka dhaadhacsan in dagaaladii dalka ka dhacay horaantii sagaasha-meeyada ay ahaayeen kuwo u dhaxeeyay laba kooxood oo isku haya mabd’a qabiil. Laakiin wixii dhacay waxa ay ahaayeen qas iyo qalalaase shaar qabiil loo galiyay oo ay sabab u ahaayeen Maamul xumo dawladdeed iyo majaxaabin dibaddeed. Waxaad ku garan kartaa in xaalku sidaa ahaa, Jamhadihii, qabiiladdii ama kooxihii isla jiray ee dhinacyada ka soo kala jeeday oo dhexdoodii dagaalamay. Dirirtii oo hoos u dhaadhacday oo gaartay heer jifo jifo iyo jilib jilib la isku laayo. Waxaa intaa dheer oo la yaabka leh iyada oo aan cidina heshiis iyo nabad dhex dhigin, in dadkii dagaalamay ee dhibta is gaarsiiyay ay is dhex mari jireen, nabadna ay ku wada dhaqmi jireen. Marka dalka dibadiisa ay noqotana ay ahaayeen walaalo aan kala maarmin. Waxaa halkaa ka cad in nacayb uusan dhex oolin Soomaalida. Haddaba qabyaaladu in aysan qaran noqon karin qolana ma isweeydiisay?
Run ahaan, waxaa lumay oo weli la la’yahay qasadka ah in la helo qaran soomaaliyeed oo quwad leh oo maamulkiisu ka taliyo inta u dhaxeeysa labada cirif ee Raaskambooni iyo Raascaseyr. Baahiyaha daran ee maanta dalkeena ka jira ee uusan qabiil ka jawaabi karin ama wax ka qaban karin waxaa ka mid ah; in dalka cadawga laga difaaco iyo in dadweynaha caafimaadkooda la daryeelo.
Siyaasadu waa agab awood leh oo haddii si fiican loo isticmaalo dadka iyo dalka lagu horumarin karo. Waa in la abuuro saaxad siyaasadeed oo suurta gelisa in la helo haykal dawladnimo oo hagaagsan oo qof kasta ku intifaaci karo xuquuqdiisa buuxda ee madaniga iyo siyaasada.
Waa in dadaalka ugu badan la geliyo sidii loo heli lahaa Qaran Soomaaliyeed oo quwad leh oo aan la kala lahayn ama aan lahayn sumad qolo gaara ah ay ku astaysan tahay. Waa in la dhiso haya’do ama xarumo dawladeed oo ku taagan tiirar xooggan oo xaqiijiya xuquuqda ummadnimo.
Gunaanad
Marka calafkeenu noqday dawarsi, ciidan inoo yihiin dawladdo dool ah, ciideenu tahay mid mar kasta lagu dagaalamo, marka aan qaaye u yeelnay qabyaalad wiiqday wadaniyadii, soo garasho xumo ma’aha?
Haddaba in si dhaqso leh loogu baraarugo halka wax ka ba’sanyihiin waxay badbaado u tahay ummada Soomaaliyeed ee maanta nool iyo kuwa dhalan doona. Marka hore waxaa waajib ah in aynu garano nimcada Guulle inagu galaday iyo in aan hareer joogsano wixii horumarinaya dalka isla markaana aan ka hortagno wixii hagaasinaya ummada- Sir daboolan, Xaal daba marya ah iyo Dabin la qoolaayo.’ Mas’uulida looma sinna. Waxay garbaha ka saaran tahay garwadeenka xilka garan og.
Hadal iyo dhamaantii. Dawladnimo Soomaaliyeed ma’aha wax deeq iyo dawarsi lagu helayo ee waa wax lagu kasban karo duco iyo dadaal dadka soomaaliyeed ka yimaada. Laba inagaa u door leh marka, in aan iska ahaano duul itaal daran oo dunnida wax badan ka dambeeya sidii la doonana laga yeelo, aakhirkana taariikhdu tiraahdo waabeey jiri jireen. Iyo in aan noqono bulsho nolosheedu gaarsiisan tahay heer ay isku filan yihiin dhinac walba.
Xasan Yuusuf Waal
Email: [email protected]
We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.
WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.
WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.
Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved