Friday, April 19, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Qoysas barakacayaal ah oo lagu wareejiyay guryo cusub oo looga dhisay xeryo ku yaalla Muqdisho

Somali live news, Radio Ergo news, Humanitarian news, Somali live news
Faadumo Maxamed Cali oo ka mid ah qoysaska barakaca ah oo dhex fadhisa gurigii la siiyay/Axmed Maxamed/Ergo

Ku dhowaad sagaal boqol oo qoys oo ku nool xeryaha dadka barakaca ah ee ku yaalla degmooyinka Dayniile iyo Kaxda ayaa ka faa’iideystay mashruuca Guryo loogu dhisayo qoysaska dhowaan galka ah iyo kuwo dad kale dulsaar u ahaa.

Guryaha qoysaska lagu waareejiyay ayaa ka kooban alwaax iyo shiraac u adkaysan kara roobka iyo dabeylaha dhaca. Waxaa sidoo kale la siiyay maacuun, darmo iyo bustayaal loogu talagalay inay baahiyaha jira ee noloshooda u kaalmaystaan.

Maryan Xuseen Faarax oo ah hooyada siddeed carruur ah oo isugu jira agoon iyo kuwo aan lagu daryeelin, waxay ka mid noqotay 250 qoys oo ku nool xerada Cosob ee Degmada Dayniile, kuwaas oo guryo dhisan la dejiyay bartamihii bishii Oktoober 2021-ka.

“Baco ayaa naloo dhisay, horey buush ayaan ku jirnay oo jawaanno iyo maryo ayaan isku xirxirnay. Habeenkii dhan ayaan soo jeedi jiray oo gabdhihii ayaan wardiyo ka hayay, yaan lagaa fara xumeyn ayaan islahaa. Subixiina anigoo hurdadii i hayso ayaan hunguri raadin jiray,” ayay tiri.

Maryan iyo carruurteeda oo toddobo bil wajahayay hoy la’aan ayaa sheegay in marka uu roob da’ayo ay u gabbaad tagi jireen xarunta xerada oo leh dhismo jiingad ah oo dadka aan wada qaadi karin.

Walwalkii ka haystay dhanka hoyga ayay ka baxeen markii gurigan loo gaar yeelay, balse Maryan waxay la daalaa dhacaysaa quudinta carruurta oo iyada uun dhididkeeda wax ka sugaya. Waxay qoyskeeda ka biisha shaqo dhar dhaqis ah oo ay ka soo qabato xaafadaha deriskeeda ah. Waxay maalinkii ay shaqo hesho la soo laabataa $2. Maalinta ay soo hesho afar doollar waxay u tahay mid xusuus gaar ah u leh. Lacagta yar ay soo shaqeyso kama badna biilka qoyska.

“Saddexda waqti hal waqti ayaan helnaa. Halkaas waqti marna, soor ayaan karsaneynaa marna qamadi, marna hal nus kilo oo bariis ah, haddaan helno. Gurigii, raashinkii carruurta waa deeqi waayay, kistii la kariyo waa la isku dagaalaa carruurtii midaaa dhirfaya,” ayay tiri.

Qoyska Maryan waxay sannadkii 2019-kii abaar uga soo barakaceen magaalada Buur-hakaba ee gobolka Bay markii beerihii ka baaba’een. Nolosha barakacnimada ayay quus ka taagan tahay. Waxay ila wadaagtay inay daneynayso laabasho, balse aysan awoodin kharashka ku baxaya safarka.

Marka laga tago Maryan, waxaa jira qoysas kale oo xerada kula nool, kana mid ah kuwa nasiibka u yeeshay guryaha, balse la kulmay dhibaatooyin qalbi taabad leh.

Faadumo Maxamed Cali waxay horraantii November sanadkii hore wayday gabadheedii oo umul raacday dhiig bax ka dib.

Faadumo waxaa quud iyo marasho ka raba saddex isku nuug ah oo ay inanteedii ka tagtay iyo labo ay dhashay. Waxay dareemeysaa culaysaad dhanka nolosha ah oo iyada ku keliyeystay.

“Ilmahan ayeeyo ayaan u ahay, habartood way iga fool raacday, kharas la’aan ayay iiga fool raacday. Habeen labo saac ayay aheyd markii ay gabadhu dhaleysay, xanuun ma lagu ogeyn waa ku soo booday. Kharash aan ku qaado oo baabuur ku kireysto ku geeyo Banaadir waan waayay. Sidaas ayay iiga geeriyootay. Ilaa haddana ilmaha gargaar uma haysti ani lee waaye, meel aan ka shaqeyso ma laha,” ayay tiri, ayeeyadan oo hadda ku tiirsan qaaraan ay isugu soo daraan qaar ka mid ah qoysaska xerada.

Xeryaha kale ee guryaha laga dhisay waxaa ka mid ah Yaanyo oo ku taalla Isla Degmada Dayniile. Waxaa ku nool saddex boqol oo qoys. Boqol qoys oo ka mid ah dadka deggan xeradan oo qoysas dul-saar horey ugu ahaa ayaa guryo la siiyay.

Xamsa Xuseen Axmed oo haysata toban carruur ah, waxay guri hal qol ka kooban kula nooleyd qoys kale.

Markii la qiimeeyay baahida hoy la’aanta ee ay ku jiraan qoyska Xamsa waxaa loo dhisay labo qol. Waxay noo sheegtay inay culeyskii kaga imaanayay hoy xumada ka nasteen.

“Ilmahaanaga iyo annaga waan is dhex seexanaynay. Niman rag ah oo labaatan jirro ah ayaan noo jooga, bannaanka ayay iska seexanayeen. Labo qoys ayaan ahayn, hooyo iyo gabadheeda haddana waan kala degganahay alxamdullilaah,” ayay tiri.

Xamsa waxay ka soo barakacday Buuloburde sagaal sano ka hor.

Howsha dhismaha guryaha waxaa fulineysa Hay’adda HINNA oo ka shaqeysa arrimaha dadka gudaha ku barakacay.

Abuukar Maxamed, agaasimaha Hay’adda, ayaa sheegay in mashruuca guryo u dhisidda qoysaska barakaca ah ay soo billowatay bishii Oktoober 2021-kii. Mashruucaan oo ku eg bisha February 2022, waxaa guryo loogu dhisi doonaa 1,570 qoys. Waxaa maalgeliyay barnaamijka hay’adda Somalia Humanitarian Fund. Waxaa mashruuca ku baxayo $600,000.

Xigasho: Radio Ergo


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.