Qorshaha dib u soo noqoshada Xasan Sheekh oo fashilkii u horeeyay la kulmay

Qorshaha dib u soo noqoshada Xasan Sheekh oo fashilkii u horeeyay la kulmay

WardheerNews (WDN) Waxa la soo gabagebeeyay doorashooyinkii guddoonka Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.  Doorashooyinka maanta dhacay, waxaa loo doortay Xildhibaan Cabdi Weli Sheekh Ibraahim (Muudeey), xilka ku xigeenka koow-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya. Md. Mudeey oo uu la tartamay Faarax Cabdiqaadir, ayaa helay 161-cod, halka Faarax-na uu ka helay 93-cod.

Xasan iyo Faarax

Jagada  Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka, ayaa loo doortay Xildhibaan Mahad Cabdalla Cawad.

Bishan Janaayo 11-keedii ayaa horey loogu doortay Md. Maxamed Sh. Cismaan Jawaari, xilka guddoomiyaha Aqalka Hoose ee Baarlamaanka.

Doorashada Jawaari loogu doortay mar kale xilka guddoomiyaha Baarlamaanka, ayaa dad badani u arkeen in  ay ifa’faale u tahay soo noqashada Xasan Sheekh. Hase yeeshee waxa farta aad loogu fiiqayay ka qeyb galka ku aadan hoggaanka Baarlamaanka ee Faarax Cabdiqaadir. Faarax oo ol’olaha Xasan Sheekh xaga hore kaga jira.

Qorshaha Xasan Sheekh iyo Faarax ayaa ahaa in Faarax ka qeyb galo hoggaanka Baarlamaanka, si markaasi loo xoojiyo ol’olaha doorashda Xasan sheekh ee madaxtinimada Soomaaliya.

Dad badan ayaa isha ku hayay in hadii loo doorto Faarax xilka Guddoomiye xigeenka 1-waad ee Baarlamaanka, taasi ay fududeyn doonto soo rogaal celinta Xasan Sheekh.

Haddaba fashilka Faarax Cabdiqaadir uu ku waayay xilka inuu ka mid noqdo guddoonka Baarlamaanka, ayaa ah mid carqalad gelinaysa qorshihii Xasan Sheekh.

Dhinaca kale warar xogxogaal ah oo soo gaadhay WardheerNews, ayaa sheegay in olol’aha dib u soo noqshada Xasan sheekh uu qeyb weyn ka yahay madaxweynaha Puntland Md. Cabdiwali Maxamed (Gaas). Iyada oo la sheegay in Cabdiwlai uu si xooggan ugu ol’olelaynayo sidii xildhibaanada laga soo doorto Puntland ay codkooda u siin haayeen Xasan Sheekh.

Dad badan oo odorasa arimaha siyaasada oo WardheerNews ay wax ka weydiisay taageerada Cabdiwali ee Xasan sheekh, ayaa ku tilmaamay in ay sabab u tahay fashilka ku yimid hoggaanka Puntland, iyada oo uu Cabdiwali rajo ka qabo doorashada Xasan Sheekh  in ay u furi doonto fursad kale.

Qorshaha jedwelka doorashada guddoomiyaha golaha Aqalka Sare iyo xilka madaxweynaha Soomaaliya  oo aan wali la shaacin, ayaa la fiayaa in lagu dhawaaqo dhawaan.

WardheerNews