Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo markale ku guuleystay xilka gudoomiyaha Baarlamaanka

Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo markale ku guuleystay xilka gudoomiyaha Baarlamaanka

Muqdishu (WDN) – Md, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, ayaa mar kale ku guuleystay xilka gudoomiyaha Baarlamaanka 10-naad ee Soomaaliya.

Guusha Jawaari oo la filayey, ayaa waxaa doorashadaasi kula tartamay afar murashax.

Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari

Guddomiyhii KMG ee golaha Baarlamaanka Md. Cismaan Cilmi Boqore oo ku dhawaaqay natiijadda doorashada ayaa sheeegay ” 259 mudane ayaa codeysay Xildhibaan Idiris Cabdi waxa uu helay 2 cod,  Xildhibaan Cabdifataax Ibraahim Geeseey waxa uu helay 17 cod,  Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig waxa uu helay 97 cod, halka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari uu helay 141 cod, sidaas darteed, laga bilaabo xilligan waxaa xilka guddoomiyaha baarlamaanka 10aad si rasmi ah ugu guuleystay Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari,”

Dad badan oo dhaliilsan wax qabadka iyo xidhiidhka dhow ee uu Jawaari la leeyahay Xasan Sheekh, ayaa sheegay in ay doorashadan fududeyn doonto dib u soo noqoshada Xasan Sheekh.

WardheerNews, Muqdishu.