Muqdisho, Qarax xooggan oo jugtiisa laga maqlay magaalda oo dhan ayaa goor dhaw ka dhacey magaalada Baraawe ee xarunta rasmiga ah ee maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya.
Qaraxa ayaa lagu soo waramayaa inuu ahaa mid loo adeegsadey walxaha qarxa oo meel la dhigey, waxa uuna ka dhacey boosteejada Koonyo Barow ee magaalada Baraawe oo ah goob aad u mashquul badan .
Ciidamada ammaanka oo goobta soo gaarey ayaa furey rasaas xoog leh taasi oo keentey jahwareer kale. Qaraxa ayaa sababey dhaawaca dad gaaraya 10 ruux iyo burbur hantiyeed oo ballaaran.
Illaa iyo hadda ma jirto cid si rasmi ah u sheegatay masuuliyadda qaraxaas laakiin maamulka magaalada ayaa masuuliyadda dusha uga tuurey kooxda Alshabaab oo muddooyinkaan danbe aad u kordhisey weerarada ka dhanka ah deegaanada gacanta dawladda ku jira.
Maxamed Cumar Sh. Aadan
WardheerNews, Muqdisho