W/Q: Maxamed Nuur Shire
Galab dhaweyd aniga oo inta koob casariye ah qac ka siiyey oo barnaamij aan dhegeysanayey uu meel dhexe ii marayo, ayaa waxaa ila soo fariistay nin aqoonyahan ah oo aan jaal nahay. Kolkii aan in cabbaar ah sheekeysaneynay ayaa waxa uu ii soo jeediyey inaan wax ka qoro mowduuca magaciisa aad kor ku aragto, dabcanna maqalkiisu uusan innagu cusbeyn, iyada oo mudnaanta qodobkan aan dhinacyo badan iska taagnay.

Waan isla rogrognay, ka dibna waxa aan ku qancay inaan qalinka u qaato. Waxa aan ka mid ahay, dadka aan wax qorid bilaabi karin, haddii marka hore qodobka ay ka hadlayaan aysan magac bixin u sameyn; dhowr saacadood ka dib ayaa waxaa maskaxeyda ku soo dhacay magaca qormada ee hadda aad iga sugeyso inaan hoos ugu daadegtoo (Qaranimo Wax Inoo Gooya Ma Jiraan)
Dunidan casriga ah noloshu waa ay adkaan lahayd haddii aan la heli lahayn laba qodob.
1) Nidaam dadka kala haga oo wixii kala
gala u kala saara.
2) Qaran ay hoos joogaan oo baahiyaha ay qabaan, ama la soo dersa u fuliya.
Haddii aan labadaas la helin waxaa dhaca in dadku sharciga gacanta ku qaataan
iyo in dad gaar ah ay dhabarka u ritaan baahiyihii Qarannimadu dabooli lahayd,
waxaana hubaal ah in ugu dambeyn ay la ciirayaan oo ay bohol kula dhacayaan
culeyska aysan qaadi karin ee ay dusha saarteen.
Qaranimadii Burburka ka hor
Nabadgalaya:
Qarannimadii Soomaaliya waxa ay suurtagelisay in nabadgalyada dalka ay hanato, iyada oo dhulka, cirka iyo badda Soomaaliya ay lahaayeen ciidan ku filan difaacooda, kuwaas oo dhegahoodu u dalooleen amarrada ay siinayeen taliyaashooda.
Waxaa hubaal ah, in qabiil uusan buuxin karin baahiyaha nabadgalyo ee qaranku u taagnaa; haatan, baduhu waa beylah, cirkana warkiisba laguma jiro, dhulkana hal taako oo ka mid ah xudduudda Soomaaliya majoogo askari qaranka Soomaaliyeed toos ugu shaqeeya, hal xarunna amarka ka qaata. Kolka, cidina ma buuxin karto booskii qaranka ee dhinaca nabadgalyada.
Arrimaha Bulshada:
Waxbarashada, Caafimaadka, Cayaaraha, Suugaanta iyo arrimo kale oo kuwa bulshada ah, ayaa la agoontoobay qaran-burburka dalka ku habsaday. Haddii qaarkood ay si uun u suurtagaleenna, ma ay laha macnihii iyo tayadii ay lahaayeen xilligii qarannimadu ay qumaatiga u taagneynd.
Waxbarashadu ma ay laha tayadii ay lahayd xilligii qaranku dhisnaa, darajooyin sare haba la qaato, oo qabiiladu jaamacado dad haka soo saareen, balse weli fari kama qodna oo aqoonyahan dal jacayl iyo waddaniyad leh ma badna inta aynu leenahay. Arrintaas waxaa loo aaneyn karaa, in laga tagay in afka Soomaaliga wax lagu barto, iyada oo qofka afkiisa wax ku barta uu aqoonta kaga fahan badanyahay qofka af kale wax ku barta.
Tusaale, dalalka heerka sare ka gaaray xagga “technologyada” sagaal iyo toban ka mid ah waxa ay wax ku bartaan afafkooda, waxaana ka mid ah dalalkaas: China, Japan, South Korea iyo Israel; sidoo kale, soddon iyo shan dal oo dunida ka mid ah oo afafkooda wax lagu barto, waxaa ku yaalla jaamacadaha dunida ugu sarreeya xagga waxbarashada. Dhinaca kale, dhaqaalaha faraha badan ee ku baxa ardada dibadaha waxbarashada u doonta, waxa uu geli lahaa dalka. Waxa aan ka hadlayaa sida xad dhaafka ah ee loo qulqulayo, ee waxbarasho dibadeed awalna waa la doonan jiray, haddana dunida oo dhan ayaa aqoonta isu raadsata oo lagamamaarmo.
Caafimaadka:
Xilligan waxaa safarro caafimaad Soomaalida kaga baxa dhaqaale aad u badan, iyaga oo caafimaad u aada dalalka, Hindiya, Kenya, Itoobiya iyo dalal kale, kuwaas oo kumanaan doolar ay kaga baxaan safarrada iyo isbitaallada dalalkaas, halka haddii qaran cagiisa ku taagan uu dalka ka jiri lahaa, dhakhaatiir sare oo dibadaha ka soo shaqo doontay iyo kuwo dalka wax ku bartay ay dabooli lahaayeen baahiyaha caafimaad ee bulshadu qabto. Xilligan, dad badan ayaan isku haleyn karin tayada daawada dalka taalla iyo xataa dhakhaatiirta dadka daweyneysa, waayo, ma jiro nidaam isla xisaabtan oo xakameynaya fayadhowrka dadka.
Kolka, majiraan wax inoo dabooli kara baahiyaha caafimaad ee bulshadeennu qabto oo qarannimadu inoo qaban lahayd, si kasta oo isbitaallo qaaraan qabiil lagu soo uruuriyey la inoogu dhiso, weli baahi caafimaad ayaa ina haysa, taas oo inagu riixeysa inaan kumanaan doolar ku bixino dalal shisheeye.
Suugaanta:
Jeerkii qaranku micnaha lahaa, suugaanta Soomaaliyeed iyo fanka waxa ay gaareen meeshii ugu sarreysay, iyada oo wacyi-gelinta bulshada qeybta ugu weyn ay ku jirtay suugaanteennii, waxaana qaranku daryeel wanaagsan siin jirey hal-abuurkii iyo hooballadii Soomaaliyeed.
Waxaa baahi weyn loo qabaa suugaan macno wanaagsan leh, taas oo ilaalisa dhaqankeenna, waxna ku biirisa wacyi-gelinta bulshadeenna, mana aha fanka iyo suugaanta wacan midda maanta dad badan ay khaladka ka fahmeen ee ah, qaawanaan iyo heeso aan murti xambaarsaneyn.
FIIRO GAAR AH, ma dhiirri-gelinayo, suugaan fool xun oo qaawanaan dumar iyo anshax xumo xambaarsan, mana taageerayo fan wacyiga ummadda ku cayaaraya oo qabyaalad iyo qaran burbur horseed u noqonaya.
Cayaaraha:
Burburkii ka hor, cayaaraha dalka waxa ay lahaayeen macno iyo muunad ka qurux badan sida ay haatan yihiin; waxaa jirey kooxo heerka koowaad ah oo sanadkii cayaara laba tartan; waxaa jiray kooxo heerka labaad oo iyagana cayaari jirey tartanno joogta ah.
Tartanadaas kuma koobneyn kubadda cagta oo kaliya; waxaa jirey kubadda kolayga (basketball), laliska, teeniska, oroddada, dabaasha iyo kuwo kale oo badan; kuma koobneyn magaalo madaxda oo kaliya ee waxaa jirey tartan gobolada ka socday, kuwaas oo sanadkiiba mar hal meel lagu qaban jirey. Tuulada cayaaraha (Stadio Muqdisho) ayaa mashquul ahaa oo camirnaa habeen iyo maalin.
Waxaa jirey guulo magaca Soomaaliya lagu soo hoynayey oo laga xusi karo, orodyahankii caanka ahaa ee Cabdi Bile Cabdi oo billado dahab ah ku soo guuleystay isaga oo huwan magaca iyo sharafta Soomaaliya. Qaranka Soomaaliya ee cayaaraha dalka ku matalayey, waxaa loogu imaan jirey gurigooda, tartanno caalami ahna waaba lagu qabtay dalka.
Sidii la doonayeyba yeysan ahaan, balse si guud, cayaaraha dalku macno iyo muunad qaran ayey lahaayeen, wasaaraddii cayaaraha ee jirtayna waxa ay ahayd mid shaqo badan haysa, ee ma ahayn wasaarad magac u yaal ah, oo aysan waxba faraha ugu jirin.
Maanta wax kasta oo jira ma ay laha tayo iyo dhadhan, mana lahaan doonaan inta qarannimada daneysi gaar ah lagu bedelanayo, oo dad badan ay ka dhaadhacsantahay in dhaqaalaha iyo aqoonta la yeeshay lagaga maarmi karo qaran iyo dawladnimo macno leh.
Marka la isku soo xooriyo, baahiyaha qarannimadu qaban lahayd, ma jirto cid dabooli karta, markhaatigeediinna waxaa ka mid ah adiga qormada akhrinaya.
FIIRO GAAR AH: Dawladnimada iyo qarannimada uma aqaano xukuumad gaar ah iyo maamulayaal gooni ah; madaxdu sax iyo khaladba waa yeelanayaan, waana soo lahaayeen, ee waxa aan u jeedaa: dawladnimadu waa dugsi laga jirsado, beylahda, qaraxa, qoxootiga iyo dayaca aynu shaahidka u nahay.
Maxamed Nuur Shire
Email:mnuur10@gmail.com
—–
Maqaalo kale oo la xidhiidha mawduuca
–Qabiil iyo Qaran waa laba aan israacin W/Q Rashiid Gadhweyne
–Qaran iyo Qabiil (Buug Cusub)
Leave a Reply