Tuesday, March 19, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Odhaah-siyaasadeedka Maanta: Saddex-geesoodka Geeska Afrika iyo Faquuqa Jabuuti

Faysal Cabdi Rooble

Bishan Nofember 9dii illaa 10dii, waxa shir saddex-geesood ah ku qabsaday magaalada Bahir-dhaar ee Gobolka Amxaarada,madaxda waddamada  Itoobiya, Eriteriya iyo Soomaaliya. Wadahadalladu waxay ku qotomeeen isdhexgalka dhaqaalaha ee saddexda waddan, xoojinta iskaashiga amniga, iyo in la mideeyo mowqifka saddexdan dal ee ku aaddan siyaasadda caalamka. Waxa shirkaas ka maqnaa dalka Jabuuti oo meel muhiim ah kaga yaal Geeska Afrika, isir wadaagna la ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Ma waxa arrintan loo micnaysan karaa in Farmaajo Jabuuti faquuqay, mise Jacayl cusub iyo meel kale oo uu calmaday ayuu u guuray?

Inkasta oonay caddayn baaxadda isdhexgalka Geeska Afrika, waxaad moodaa in siyaabo kala duwan ay u dhigeen madaxda saddexdan dal. Eriteriya nin u hadlay aad ayuu uga gaabsaday israac ama isku dar saddexdan dal, laakiin waxa uu qirtay in la isku furo sadexdan dal. Maxamed Cabdulaahi Farmajo laftiisu waxa uu ku soo koobay hindisahan saddex-geesoodka ah “isdhexgal dhaqaale,” iyo in la iska kaashado xagga “nabadaynta” Gobolka Geeska Afrika.

Raysel Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed ayaa dhiniciisa ku andcooday in “la filan karo in saddexda dal yeelan doonaa hal madexweyne.” Waxa la xasuustaa in R/W Abiy Villa Soomaaliya ka dhex sheegay in “Soomaaliya iyo Itoobiya ay midoobi doonaan.” In uu R/W Abiy riyo iyo dhalanteed ka hadlayo iyo in kale ma cadda. Kaliya waxa hubaal ah in aanay saddexdan dal weli diyaar u ahayn in ay midoobi karaan xilliyadan xaadir ka ah.

Sikastaba ha ahaatee, durba waxa la saadaalinayaa cidda ka faa’iidi doonta hindisahan. Horraaanba dalka Eriteriya hindisahan wuu maalay: cuna qabatayn muddo dheer saarayd ayaa Eriteriya laga qaadaay; albaabadii dibloomaasiyaddana waa loo furay. Dhinaca Soomaaliya, albaabadii u furnaan jiray madaxda Dwolad Goboleedyada ayey Itoobiya giddi ahaanba soo xidhay, inkastoo weli Keeniya u furantahay.

Xilliga dhaw, waxaay u egtahay in Villa Soomaaliya ka gacan sareyso Dawlad Goboleedyada. Hase ahaatee marka dhibta siyaasadeed ee Soomaaliya loo dhaadhaco, Itoobiya iyo Eriteriya tooni waxba ka ma qaban karaan. Guusha hadda Villa Soomaaliya ku xisaabtamayso waa “geel carruuri qaadday” oo kale. Sababtoo ah, is-afgranshawaaga siyaasiyiinta Soomaaliya waxuu salka ku hayaa xaalado maxali ah oo gudaha dalka ka jira. Xal siyaasadeed, gaar ahaan nidaamka fadaraaliga oo la hufo oo kaliya iyo qadiyadda Soomaaliland oo la furdaamiyo ayuun baa lagag gudbi karaa.

Arrimaha aan sida dhibta yar lagu xallin karin waxa ka mid ah arrinta Soomaaliland. Waa suurtagal in Itoobiya cadaadis saarto Hargeysa, iyada oo looga dan leeyahay in la raaligaliyo Villa Soomaaliya lagana midhodhalin rabo jacalyka cusub ee Bahir-daar lugusoo yegleelay (waa sababta loo xidhay qunsulkii sharci darrada ahaa ee Itoobiya ku lahayd Soomaaliland iyo Puntland).

Laakin lama filan karo in tallaabooyinka Itoobiya qaadayso iyo cadaadis hor leh ooy Soomaaliland saarto in wax badan soo kordhin karaan. Arrinta Soomaaliland waa arrin facweyn oo Soomaali u taal la rabona in Soomaalidu iyadu dhammaysato. Haddii lasii faquuqo Soomaaliland, waxaba dhici karta in arrintu gacanta Soomaaliyeed ka baxdo, wadahadalladii bilaowga ahaa ee u dhaxeeyay Hargaysa iyo Villa Soomaaliya na meel xun iyo dhagax ku dhacaan.

Intaas wixii dhaafsan, marka si gaar ah aan ugu fiirsano qaabka hindisaha sadex-geesoodka ah loo maareeyey, waa in saddex arimood hoosta laga xariiqo:

1) Kaabayaasha Isdhexgalka saddexda dal: Intaan nafacada isdhexgalka saddexdan dal la gaadhin, wax ka horreeya in la dajiyo guddiyadii iyo shuruucdii lagu maarayn lahaa hindisahan hadda riyada u eg. Dhinaca Soomaaliya waxa loo baahan doonaa (a) in la xeer galiyo awood qaybisiga dawladda dhexe iyo dawlad goboleedyada oon hadda jirin (Federalism); (b) Saami qaybsi sharciyeysan oo ku aaddan khayraadka iyo cashuuraha dalka (Fiscal federalism); (c) in la hufo nidaamka cashuuraha dalka oo dhan (Taxation system).

2) Nabadayn: a) In nabadayn buuxda laga helo Soomaaliya oo laga adkaado Alshababa isla markaana dawladda federalka awoodeeda la gaadhsiiyo gobollada iyo dagmooyinka dalka oo dhan. Dawlad aan awooddeedu dhaafsanayn dhawr sakadood oo magaala madaxda dalka ah wey ku adagtahay in ay xeedho-wadaag la noqoto dalal ciidamadoodu kor u dhaafeen saddex boqol oo kun dalkiiba. b) Itobiya qudheeda nabad taam ah ma haysato, oo dagaal sokeeye oo u dhexeeya qowmiyadaha ayaa dalka oo dhan ka aloosan, haba ugu daraadeen kan Soomaalida iyo Oromoda u dhaxeeya. Haddii ilaa hadda Soomaalida Itoobiya ku hoos jirtaa ay ka cabanayeen in Dawlad Deegaankood aanay ka hadli kareyn xasuuqa Oromodu ku hayso Soomaalida, tolow ma waxa la gaadhidoonaa, ayey dadka qaarkood isweydiinayaan, xilli ay Villa Soomaaliya indhaha ka qarsato xasuuq intan ka balaadhan oo Soomaali ku dhaca; weynu xasuusanaa xasuuqii dawladda Itoobiya ka geysatay Muqdishu iyo gobolka Banaadir markay taariikhdu ahayd 2007dii. Eriteriya Iyana in ay silciso Jabuuti hadday dhacdo, Soomaaliya ma ka gaabsan doontaa in ay ka hadasho? Waa su’aalo aynaan hadda ka jaawaabi kareyn, laakiin u baahan in diiradda lagu hayo.

3) Faro-galin Milatari oo hor leh: Waxa suurtoobi karta hindisihan saddex-geesooka ah in uu keeno in ciidamo badan oo itoobiya iyo Eriteriya leeyihiin la geeyo Soomaaliya iyada oo laga tarjumayo heshiiska saddexdan dal gaadheen. Lama saadaalin karo khasaaraha ama faa’iidada ka’iman kara ciidamo shisheeye oo lagu soo daad gureeyo Soomaaliya xiligan xaasaasiga ah. Waa arrin dadka Soomaaliyeed ka biyo diideen. Isla markaasna, waa arrin loo baahanyahay in ra’yiga ummadda Soomaaliyeed la ururiyo intaan ciidamo Itoobiya leedahay lagusoo daadin Soomaaliya.

Ma Jabuuti baa Jiiraanka laga faquuqay?

Madaxweyne Geelle

Waxa Soomaali badani aad uga murugootay sida Jabuutu loo faquuqay, inkasta oo Madeweyne Maxamed Cabullahi Farmaajo ku adkeystay in Jabuuti ay ka mid noqondoonta “isdhexgalka Geeska Afrika.” Ilaa haddase lama shaacin sababta looga reebay Jabuuti oo ah halbowlaha Geeska Afrika.

Maxay Jabuuti uga mid noqonweyday aasaasayaasha isbahaysigan oo yeelandoona nidaam midaysan oo dhaqaale, siyaasadeed iyo difaac? Jabuuti waa dalka kaliye ee ku yaal Geeska Afrika ee sheegan kara daganaanshe siyaasadeed, nabad dalkeeda oodhan ka jirta, iyo dhaqaale furan oo adduunka ku xidhan (Free market economy and a country that is open to the world). Saddexdan dal ee Bahir-dar xulifada ku abuurtay waxa ku habsaday siyaasad xumo, kaligee talisnimo, iyo Soomaaliya oo muddo 30 sano ah dawladnimo arag. Caqliga saliim ka ah ayaa ina siinaya in Jabuuti horumood ka noqoto “isdhexgal” horleh oo Geeska Afrika ka ambaqaada. Hase ahaatee saddexdan xulifo, waxay soo kordhiyeen in ay Jabuuti faquuqaan.

Lama sheegi karo cilladu halka ay ka timid. Waxaase loo malaynka karaa in Imaaraaadka oo korka ka ilaalinaysa isdhexgalka Geeska Afrika caddaadis gaar ah saari rabto Jabuuti ka dib markay Jabuuti burisay heshiiskii sad-bursiga ahaa ee labada dal (Jabuuti iyo Dubai) ka dhexeeyey.

Waxa kale oo dhici kara in Eriteriya oo tun weyn xulifadan Bahir-dahr isku bahaysatay rabto in Jabuuti la dareensiiyo caddaadis gaar ah. Haddii taasi dhacdo, waa sida Eriteriya u fakareyso, waxa laga yaabaa in soohdintii lagu dagaalamay oo Jabuuti laga dhacay (Ras Doumeria – June 2008) Eriteriya xalaalaysato.

Shacabka Jabuuti iyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle waxay ku caan baxeen u gurmadka iyo is-garabtaagga ummadda Soomaaliyeed. Soddonkii sano ee Soomaaliya la tacaalaysay dhibta ka timid dagaalkii sokeeye ee billaabmay 1991kii, waxa ku kaliyeystay hiilada Soomaaliya dalka Jabuuti iyo Madexweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Marka laga soo billaabo shirkii Carte ee 2000, oo lagu soo doortay dawladdii uu madaxaweynaha ka ahaa Dr. Cabdi Qaasim Salaad Xassan, Jabuuti jilibka ayey u aasatay sidii ay walaalaha Soomaaliya dhibta uga bixi lahaayeen. Dr. Cabdi Qaasiim dawladiisii waxay kow ka tahay geedi-socodkii dheeraa ee loo soo maray dib-u-yagleelka dawladda uu maanta madaxa ka yahay Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Intaas waxa weheliya, halka itoobiya uga hawlgashay duminta iyo wiiqinta Soomaaliya mudo aan ka yarayn 50 sano, Jabuuti waxay maal iyo moodba ku bixisay ilaalinta iyo samatabixinta madax banaanida Soomaaliya (preservation and protection of the sovereignty of Somalia)

Waxa haddaba isweydiin leh maxay walaalaheena Jabuuti galabsadeen in meel ay Soomaaliya fadhido lagu faquuqo? Ma jacayl cusub ayaa ka dhex dhashay Eriteriya iyo Villa Soomaaliya? Mise sidii looga bartay Villa Soomaaliya waa arrin ay madaxda Soomaaliya ku dagdageen? Waa Su’aalo Soomali badani isweydiinayaan biyo-dhacoodana loo wada joogo.

Waxa Iyana dhici karta in Madxweyne Farmaajo uu qorshaynayo islamakaana uu ku gudo jiro qaabkii uu Jabuuti ugu soo dari lahaa Isdhexgalka saddex-geesoodka. Waa arrimo la rabo in dabagal joogta ah lagu sameeyoo. Sikastaba ha ahaatee, waxyeelo in la gaadhsiiyeye Jabuuti innagama qarsoona.

Shacabka Soomaaliweyn waxay jeclaanlahayeen in aanay Villa Soomaaliya ku dagdagin ka qaybgal madasha lagu faquuqayo Jabuuti. Sababtuna waxay tahay Soomaaliya waxa looga fadhiyaa in ay tixgaliso maahmaahda tidhaa “a friend in need is a friend indeed,” ama “saaxiibka runtu waa saaxiibka ku garab taagan xiliga baahidu jirto.”

Jabuuti bay ahayd ciddii Soomaali garab taagnayd xilligii baahidu jirtay, hadeerna waxa Muqdisho laga rabaa in ay garab istaagto Jabuuti iyo ummadda walaalahood ah.

W.Q. Faysal Cabdi Rooble
Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.