Friday, March 29, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow
  • Women Corner

DHAQANKA RAGANIMADA KU SALAYSAN IYO DOORKA HAWEENKA

W/Q. Cabdi-Nuur Maxamed

Caddalad darro waa marka ay caddaaladi u dhacdo si aan sax ahayn. Caddaalad la`aan waa marka aysan caddaaladba jirin, sidaa darteed anigu ma qaato erayga Gender Injusice, waayo ma jirto meel ay maxkamadi u kala garqaaday rag iyo dumar, oo gar aan caddaalad ku dhisnayn dumar lagu riday. Sidaa darteed waxaan doorbiday in aan isticmaalo Gender Inequality, oo ah–fasirkeeyga kala dhiman hadda isticmaalo–Sinnaan la`aanta ragga iyo dumarka. Sideedaba marka arrimahan laga hadlayo waa inaad foojignaataa, sababta oo ah miisaanka ay ragga iyo dumarka saarayaan reer galbeedka oo ay ka soo dhex helayaan sinnaan la`aanta, lama barbar dhigi karo miisaanka aan anaga u baahanahay in aan saarno bulshadeena, si aan xaqdarrada ama sinnaan la`aanta ragga iyo dumarka aan u raadino.

Haddii aad daraasad ku sameyso muuqaalka iyo fekerka reer galbeedka (liberal view ), waxaad arkeysaa dumarkiyii oo ragga meel kasta dhinac taagan, oo waxay barteen bartay, waxay qabanayaana qaban kara, xuquuq badan oo ay leeyihiin oo ay ragga kula simmanyihiin haysta, cod siyaasaddeed iyo hoggaan bulshadeed iwm leh. Haddii aad intaa qaadatid adigoo aan dersin bulshadeena ee aad Soomaaliya la tagtid, durbadiiba madaxaad isla galeysaan adiga iyo ummadii aad u tagtay, laakiinse haddii aad daraasad ku sameysid siyaabaha ay xaqdarrooyinkaasi ama sinnaan la`aantaasi u dhasheen, waxaad heleysaa meel dhexe oo aad isugu timaadaan bulshada Soomaaliyeed, adigoo markaa aqoontaadii aad kala timid reer galbeedkana uga faa’iideynaya dadkaaga.

Waxaa marka loo baahanyahay in aysan ragga iyo dumarka arrimahaan u dhaqdhhaqaaqa ku kadsoomin daraasadaha faraha badan ee ka hadlaya hirumarka dumarka ee dalalka yurub. Yurub waa dawlado, dadka dhaqankooduna waa dhaqan dawladeed. Labada isguursataa waxay ballaarinayaan oo ay sii adkeeyaan oo ay xoojiyaan salka adag ee dawladnimada si xididkooda qowmiyadeed iyo kooda dhaqameedba u sii jiro. Labada isguursataahi tol ma badiyaan, laakiin dal iyo dawlad bey dhisaan, carruurta ay dhalaan waddanka ayey u dhaleen, canshuurta ay bixiyaan dalka ayey u bixiyaan, naftoodana dalka ayey u bixiyaan.

Halka dadka asal ahaan dhaqanka qabiilka ka soo jeeda iyagu ay ka duwanyihiin qoladan reer yurub. Bulsho qabiileedku waxay ku dhisantahay reero, reer kastaana wuxuu guurka ku saleeyaa in reerku bato, waayo waa dhul miyi ahoo nolosha ayaa aad u adag, kolkaa waxaa loo baahanyahay xoog reerka u shaqeeya, xoolaha u raaca, ceelka uga soo dhaamiya, geela u raaca, biyaha u shuba, haddii dagaallo qabiil yimaadaanna difaaca sharafta reerka.

Taasi waxay keentay in dumarku yeeshaan hawlaha guriga, ragguna hawlaha xoogga iyo xamaalka iyo difaaca u baahan. Waa in loo fahmaa arrinta sida ay tahay oo la fahmaa in inta rag isu tagay aysan go`aamin kaalinta dumarka, laakiinse uu waqtiga iyo xaaladda jirta ay dhashay kala qeybsiga hawlaha rag iyo dumar. Haddii aadan taa ogayn feminismka aad soo qaaddo oo aad Soomaaliya la timaaddo isagoo duuduuban ayuu wejiga kaaga soo dhacayaa, wadaaddadana ka baxsanmeysid. Intas waa aragtida maqaalkan.

Bal hadda aan gudagalno qeybihi kale:

Sinnaan la`aanta dumarka ee xagga bulshada iyo siyaasadda xaggee bey asal ahaan ka soo jeedaa? Waxaan qabaa in ay ka soo jeeddo saddex meelood:
1) Turuqyada muruqa,
2)Tafiirta/Tagoogta iyo
3) fasiraadda la siiyay erayga Raganimada (potency).

Saddexdaasina waxay awood aan xad lahayn siinayaan ragga oo xitaa u dhacay xorriyadii dumarka ee gaarka ahayd, xakamayn joogta ah, jirkooda oo la googooyo oo tii aan gudnayn la laguursan waayo. Iyadoo odayguna yahay xididki geedka islaantuna tahay marwadi geedkaas ka ilaalineysay in ay dabeyshu riddo. Waa halkaas halka aragtida sinnan la`aanta ay ka soo muuqaneyso.
Islaanta iyada looguma talagelin in ay meel gaarto waxaase loogu talagalay in ay odayga meel gaarsiiso, oo taa beddelked hesho daryeel nololeed iyo difaac adag. Sidaa darteed haddii kaabaqabiil la yiraa yaa baarlamaanka kuu galaya, ma u maleyneysaa in uu qof dumar ah soo qabanayo? maya, dhaqankiisa ayey taasi ka soo horjeeddaa. Kaabaqaiilku doonimaayo in geedki xididdada lahaa dabeyshu riddo, oo dumarki dabeysha ka celin lahaa oo hawlaha guriga ka qaban lahaa, laga soo kaxeeyo hawshoodii.

Haddii geedku dhaco oo islaantu baarlamaanka aaddo maxaa dhacaya? waxaa dhacaya in tafiirtii/tagoogtii ay yaraaneyso, sababta oo ah islaantii badin/kaabi lahayd odayga weyba ka masqhuushay, isagana waxaa ku soo furmay hawlihii ay qabanjirtay, difaacii uu ku jirayna wuuba gabay, cadawgiina waa kan geedka soo fariistay. Sidaas ayuu kaaba qabiilka u fekerayaa oo ku saxsan qaab-nololeedka miyiga ka jira. Haddii aysan islaantu baalamaanka teginna, codkii dumarka waa maqanyahay.
Haddaba dawladnimo iyo Qabiil isma qaadi karaane kee baannu qaadanaa? Fekerku hadduu yahay feker qabiil dumarku meelna tegi maayaan, haddiise uu yahay mid dawladeed oo diin ahaana saxsan, dumarka iyo raggu wey wada dhisayaan dalka iyagoo is-ixtiramaya iskuna xadgudbeyn.

Marka uu fekerku yahay mid qabiil, Islaanta waxaa laga rabaa in ay adkeyso salka geedka si uu u xididdo badiyo dhulkana ugu sii muto. Kaalinteeda guud ahaan waa in ay hawlaha guriga qabataa, ariga raacdaa, wixi agab ah ee uu reerku u baahanyahay toshaa, biyaha soo dhaamisaa haddii ceelku dhawyahay, iyo tan ugu muhimsan ee loo soo guursaday oo ah in ay carruur dhashaa. Haddaba su`aashu waxay tahay waaba aragnaa in labada hawlood aysan kala dhicin oo mid walba uu reerka geestiisa ka hayee, muxuu odaygu u jeclaystay wiilka ugana fadilay gabadha?

Jawaabtu waa iyadoo arigtada guurka Soomaaliyeed uu ku dhisanyahay laba arrimood: (jacayl isaga warkiisa xagga ii dhig). Labadaa arrimood waa:

In reerku uu reeraha kaloo uu colka la yahay inuu u helaa xoog ka hortegi kara oo la dagaalami kara.

Ta labaad waa in tafiirta/tagoogta jufada ay sii socoto, labadaasina gabadha ma geli karto oo ilmuhu aabbaha ayey ku abtirsadaan ee hooyada kuma abtirsadaan. Xaqdaradana waxay ku bilaabataa maalintey dhalato, taasoo oo wejiga odayga reer miyiga ah laga garto.

Haddaba inta tagoogtu tahay tiirka nolosha oo galmadu tahay tilmaanta raganimada, dumar wey la tacaalayaan weligood tacdiyada maanta haysta. Haddaan horumar la tiigsan oo fursadaha lagu wada tartamin, oo xaajadu tahay ninki xoog leh xabagta ha goosto, dumar wey la tacaalayaan weligood tacadiyada maanta haysata. Tagoogta oo iska socota tiiyoo tira mooye aan tayaba la eegin, taladuna tahay in tolku xoogeystoo taajka loo suro, wixi is-hortaagaba uu cagta mariyo, oo hooyadi badisay tafiirta/tagoogta aan talada lagu soo darin, dumar wey la tacaalayaan weligood tacdiyada maanta haysta.

Odaybaa la dardaarmaya dhalliyarada tolkiisa ah oo ku boorinaya in ay guurka badiyaan si reerku u bato oo beelaha kale ugu taliyaan. Wuxuu leeyahay:

Tolkey tiruu rabaa,
Tiraduna taaj bey rabtaa,
Mid walboo tolkey ahoo,
Afar baan kugula taliyay
War qaata taladayda oo
Badiya tafiirteena,
Taniyo dul Talyaani
Aad xoog ku furataane

Maxaa Xal ah?

Mid waa la xallin karaa lakiin labada kale u maleynmaayo in waqtiga dhaw la xallin karo: Midda turuqyada muruqa waa la xallin karaa haddii Soomaaliya dawlad horumar gaarsiisa la helo, laakin in odayga la ilbixin karo oo tagoogtan uu ka tegi karo ilama aha.
Sidoo kale ilama aha in erayga «Rag» micnahiisa la ballaarin karo oo masuuliyadda shaqsiga ah iyo kartida hawlqabadka lagu dhigi karo, iyadoo rag iyo dumarba loo nisbeynayo eraygaas loona fiirinayo waxqabadkooda iyo hawlkarnimadooda.

Wabilaahi Towfiiq.

Cabdi-Nuur Maxamed
Emial:[email protected]

Waxaad halkan ka daawan kartaa muuqaal ay Xamda Xuseen ku sharaxayso buug ay qortay oo ay ugu magac dartay AABBAHA HALDOORKA AH. Sharaxaadda buuggan ayaa ah sababta aan u gartay in aan qoro maqaalkan

————

FG: Daraasaddan waxay ku fadhidaa aragtida qoraaga iyo dooddo iyo qoraallo badan oo uu ka sameeyay arrimaha dumarka. Haddii aad isticmaaleyso sidaa u ogow, xuquuqda qoraagana ilaali.


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.