Md. Siciid Cabdullaahi Deni oo ku dhawaaqay in uu u taagan yahay jagada madaxweynaha Soomaaliya

Mw Siciid Deni

Garoowe, Waxa caawa oo bishan Maarso tahay 19, 2022, si rasmi ah ugu dhawaaqay in uu u sharaxan yahay xilka madaxweynaha Soomaaliya, Md. Siciid Cabdullaahi Deni, oo saddexdii sano een soo dhaafnay ahaa madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland.

Md. Siciid Deni ayaa ku soo beegay hadalka shaacinta musharaxnimadiisa dhammaystirka geeddisocodkii xulashada xubnaha labada Aqal ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, isagoo xaflad uu u sameeyay xildhibaanada cusub ka sheegay hadalkaasi.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni oo horey u ahaa gancsade ayaa ku guuleystay doorashadii  madaxweynaha Puntland 8-da Janaayo, 2019. Taasi oo ay hadda dad badani u  arkaan in ay ka aheyd qorshe uu ku gaadho (salaan), hammigiisa jagada madaxweynaha Soomaaliya.

Wax yar kadib sanad markii uu ahaa madaxweynaha Puntland, Md. Siciid waxa uu bilaabay olole  iyo qorshe si hoose uu ugu diyaar garoobayo u tartanka jagada madaxweynaha Soomaaliya, isaga oo u isticmaalaya awoodda iyo dhaqaalaha xilka madxweynaha Puntland ee uu ku fadhiyo.

Labadii sano ee u dambeeyey ayay si fiican u soo ifbaxday qorshaha iyo hammiga Md. Siciid ee Villa Soomaaliya, isagoo wakhti, awood iyo hantiba geliyay ololhiisa aanu shaacin, taasi oo sababtay in ay dayacmaan hawlo badan oo la rabay in laga qabto Puntland, islamarkaana fadhiid ka dhigtay adeegyadii dawladda.

Haddaba waxa ay xilligan shacabka puntland isweydiinayaan madaama uu Madaxweyne Siciid Deni si rasmi ah ugu dhawaaqay musharraxnimadiisa xilka madaxweynaha F. Soomaaliya, in uu xilka Madaxweynaha Puntland iska casili doono, si uu ugu madax-bannanaado hawlaha ololha doorashadiisa iyo in uu weli sii ahaan doono madaxweynaha Puntland.

Ma cadda tallaabada uu qaadi doono Md Deni waxaase dadku u badinayaan in uu ku sii dhegganaan doono xilka madaxweynaha Puntland, taasi oo laga yaabo in ay ka dhashaan murrano dhinaca dastuurka Puntland ah.

Dadka siyaasadda Soomaaliya u dhuun-daloola ayaa sheegaya in musharaxnimada Md. Siciid Deni ay dhabarjab ku tahay saaxiibbadiisii mucaaradka reer Muqdisho ayna fursad u siinayso in madaxweyne Farmaajo mar kale ku soo laabto Villa Soomaaliya.

WardheerNews, Garoowe.