Thursday, April 25, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

MAXAMED SIYAAD MA MAALIN KELIYA BAY TALO SEEGTAY MISE MAALMO?

W. Q. Xasan C. Madar

Maxamed Siyaad

Waxa aan akhriyey qoraalka Maxamed Sheekh Cali (Doodishe) ee ciwaankiisu yahay:  15-KA MAY 1990: MAALINTII TALADU SEEGTAY MADAXWEYNE SIYAAD (Wardheernews.com, 14 May, 2020). Waa qoraal wanaagsan, hab-qoraal hufan oo xiiso leh. Qoraagu waxa uu soo qaatay maalin ka mid ah maalmihii Maxamed Siyaad Barre taladu seegtay, taas oo u muuqata maalinta keliya ee ninkaa odayga ah taladu seegtay intii uu xukunka hayey. Way fiicnaan lahayd in maalintaas uun taladu seegtay, 21 kii sano ee ka horreeyeyna taladu toosnaan lahayd.  Ciwaanku wuxu ku fiicnaan lahaa “Maalin Talo seegtay” halka uu ka yahay “Maalintii Taladu Seegtay” labadu way kala duwan yihiin. Qoraagu waxa uu qalinka ku adkaynayaa taladii kooxdii odayadii Bayaankii Maanifeesto (1990) ay Maxamed Siyaad siiyeen, sida uu u diiday, inay ahayd inuu qaato iyo sida xun ee uu ula dhaqmay odayadaa iyo siyaasiyiintaa magaca weyn dalka ku lahaa. Waxa uu sheegay in Bayaankii Maanifeesto dalbanayey isbeddel taam ah oo xukuumadeed iyo in la baabi’iyo: “sharciyada xuquuqul insaanka iyo xorriyaadka kaleba cabburinaya iyo hay’adaha ujeedadaas darteed loo dhisay, sida:

Sharciga 10 Jan. 1070, Lr. 01 Awoodda Xarigga.
Sharciga 10 Jan. 1970. Lr. 03 Dhismaha Maxkamadda Badbaadada.
Sharciga 15 Feb. 1970. Lr. 14 Dhismaha Hey´adda NSS.
Sharciga 10 Sept. 1970. Lr. 54 Ilaalinta nabadsugidda Qaranka.
Sharciga 10 Okt. 1970. Lr. 64 Baabi’inta Habeas Corpus.
Sharciga 10 Nov. 1970. Lr. 67 Difaaca Bulshada.
Sharciga 05 Abr. 1972. Lr. 38 Awoodda GSK ee Arrimaha
Garsoorka.

Waxa kale oo Bayaanka odayadu dalbanayey in “Sidoo kalana Xeerka Ciqaabta iyo Xeerka Habka Ciqaabta dib loogu celiyo sidii ay ahaayeen intii aanu millatarigu la wareegin hoggaanka dalka si shacbiga loogu soo celiyo xorriyaadkiisii oo dhammeys tiran oo ay markaas suuragal ugu noqoto inuu kulmi karo, tashan karo, dhisan karo ururro siyaasadeed iyo kuwo bulshadeed”.

Intuba waa runtii. Bayaanka Maanifeesto talooyinkaa iyo kuwo ka badanba wuu bixinayey. Maxamed Sheekh Cali (Doodishe) waa runtii oo Maxamed Siyaad Barre wuu ku gacan sayray, haseyeeshee qoraagu waxa uu falcelintii Maxamed Siyaad ku soo koobay intan: dhawr arday oo aanu fasalka wada dhiganaynay ayaa eheladoodii xabsiga loo dhaadhiciyay.

Waxa kale oo uu intaa sii raaciyey: 

Halkii uu Madaxweynuhu ka eegi lahaa nuxurka qoraalka, fiirinna lahaa mustaqbalka dadka iyo dalka Soomaaliyeed oo uu muddo ku filan hoggaanka u hayay, ma uusan yeelin ee waxa uu dib u jalleecay shalay iyo Oktoobar 1969, maalinkii uu xilka kala wareegay Xisbigii SYL oo qolyaha hormuudka u ah qoraalka talooyinka xambaarsan ay yihiin madaxdii hoggaanka u haysay Xisbiga iyo Xukuumaddii uu talada kala wareegay. Sida muuqata Madaxweynuhu waxa uu is weydiiyay sidee ayay qolyihii aad shalay dalka ka badbaadisay ugu fekeri karaan maanta inay adiga dalka kaa badbaadiyaan?

Haddii hab fikirka Maxamed Siyaad Barre sidaa ahaa, waxa ay muujinaysaa bahalnimadiisa, liidnimadiisa hoggaamineed iyo sida aanu diyaar ugu ahayn in talada dalka dib loo eego. Maxamed Siyaad waxa uu xilka afgembi kagala wareegay Madaxweynihii la dilay iyo ra’isulwasaare Cigaal balse kalama uu wareegin 114ki qof ee Bayaanka Maanifesto qoray, kalama uu wareegin Aadan cadde iyo raggii la xilliga ahaa, sabab uu uga shakiyaana meesha ma ool. Si kastaba ha ahaatee marka la eego dabeecadihii Maxamed Siyaad, waan kugu raaci karaa inuu siyaasiyiintaa ka dhex arkayey se taa wax ka weyn baa laga hadlayey oo ay ahayd  badbaadada dalka iyo inuu tixgeliyo taladii mudanta ummadda haddii  in uun lexejeclo dalka ka hayso.

Haddiiba tiisa loo raaco, sida Doodishe sheegay, Maxamed Siyaad isaga ayaa siyaasiyiintii ka horreeyey oo dhan wada xidhay kolkuu dalka qabsaday, xabsiga ku guray, goor dambena soo daayey. Maxay tahay cabsida uu ka qabi karaa goor dalkiiba sii burburayo oo ay tahay in baaqiga la badbaadiyo? Muxuu yahay xukunka kale ee uu u sii jeelqabi karaa isaga oo nin da’ ah, 21 sanona soo talinayey mise wuxu dhisayey xukun dhaxaltooyo?

Doodishe waxa uu tilmaamay in qoraalka odayada Maanisfeesto uu ahaa mid maangal ah balse falcelinta Maxamed Siyaad aanay ahayn mid maangal ah. Waa run oo arrintu sidaa uu u sheegay bay ahayd.

Qodob kale oo Doodishe qoraalkiisa ku sheegay waxa uu yahay in jabhaduhu ahaayeen kuwo jariskaxoor ah. Arrintaasi waxa ay gef ku tahay ummaddii Soomaaliyeed ee cadaadiska talisku si walba u saameeyey maxaayeelay jabhaduhu dhammaantood waxa ay ka dhasheen cadaadis shacbi. Si kale haddii loo dhigo dadka jabhadaha ka dagaallamayey waxa ay ahaayeen shacbigii oo waayey waddo kale oo xukunka kelitaliska lagu rido, xorriyadda shacbigana lagu soo celiyo. Jabhaduhu, haddii aanay haysan taageerada buuxda ee shacabka, kama ay adkaadeen taliskii lahaa mid ka mid ah ciidanka Afrika ugu xoogga badan. Halgankii Jabhadaha iyo wixii dhacay 1990 kadib erigii taliska waa laba arrimood oo ay tahay inaan la isku qaldin.

Qoraalkaygu ma burinayo qoraalka Doodishe haseyeeshee wuu xoojinayaa. Waxa aan filayey kol haddii uu aqoonyahanku qalinka u qaatay inuu wax badan ka taabto maalmo badan oo Maxamed Siyaad seegay iyo fursado badan oo uu dalka ku badbaadin lahaa oo uu baylihiyey, ogaan iyo ogaan la’aanba. Sida Maxamed Siyaadba taladu u seegtay ayaa qoraagana taladu u seegtay inuu qalinka sii daayo oo ku tiigaali maayo. Qofka Soomaaliga ah waxba kama gelin dhibaatada Soomaalida kale haysata mar haddaanay isaga taaban. Maalinta ay isaga taabato uun baa kow ah dhibaato. Waa nasiib darro Soomaali badankeed haysata.

Doodishe waxa uu qoraalkiisa ku xusay afar qof oo la xidhay oo talo waday iyo  in Siyaad taladu seegtay maalintaa.

  • Ma uu sheegin in odayada Maanifeesto qaar ka mid ah Siyaad Barre madfac ku laayey. Waxa ka mid ahaa Muuse Boqor iyo Xaashi Weheliye.
  • Ma uu xusin in Maxamed Siyaad boobay talada dalka  oo aanu sifo sharci ah ku qabsan 1969,  haba boobee aanu gacantii dadweynaha ku soo celin oo xooggii uu ku haystay ku khaatumaystay.
  • Ma uu xusin sidii loogu xadugudbay xuquuqda muwaadinka iyo in xabsiyada ay ku jireen 1969 maxaabiis dhan 2055 aan midkoodna siyaasad u xidhnayn, halka 1979 oo ah toban sano kadib ay xabiyada ku jireen 13000 qof  oo siyaasad u xidhan iyo maxaabiista dembiyada kale oo dheer (Caddow, 2001).
  • Ma uu xusin dagaalkii diinta iyo dhaqanka lagu qaaday, aayadihii Quraanka ee uu naskhay iyo wadaadadii uu laayey.
  • Ma uu xusin siduu u baabi’iyey shacbigii gobollada Mudug, Nugaal iyo Bari iyaga oo aan wax dembi ah lahayn.
  • Ma uu xusin in dhulka lala simay caasimaddii labaad ee dalka, Hargeysa, iyada oo diyaaradihii isla Hargeysa ka duulayey isla Hargeysa madaafiic la dhacayeen, oo weliba duuliyeyaal calooshood u shaqaystayaal Koonfur Afrikaan ah loo soo kiraystay.
  • Ma uu xusin in dunidu dalwaddii Soomaaliya ee Maxamed Siyaad xukumayey markay qafal xumideeda ka yaabtay ay ku sifaysay dawlad dadkeeda la dagaallamaysa “a government at war with its own people…eeg tusaale ahaan warbixinta Africa Watch.”
  • Ma uu xusin sida reerihii  Digil iyo Mirifle looga ilaaliyey siyaasaddii iyo taladii dalka iyada oo aan Golihii Sare ee Kacaanka  oo Maxamed Siyaad gacantiisa ku qoray aan hal qof lagaga darin, afkii “Maaygana” la hagraday.
  • Ma uu xusin in dadka degaanka Muqdisho ku nool loo yeelay sawir fogeyn ah oo xuquudii degaan ee ay lahaayeen la duudsiyey.
  • Ma uu xusin sida dadyowgii Soomaali Galbeed dhulkoodii loo soo baabiyey ee looga dhigay  qaxooti ku kala baahay Woqooyi Galbeed, Hiiraan iyo Gedo. Dadkaas oo markii dambena dagaalkiisii dib u qixiyey.
  • Ma uu xusin in 1986 shilkii baabuur kadib ay talada isku haysteen qoyska Maxamed Siyaad, xidid iyo xigaalba, 1990 taloba faro ugu jirin keligii.
  • Ma uu xusin xasuuqi Jasiira ee July 1989 dad shicib ah inta guryahooda saq dhexe lagala baxay lagu laayey xeebta Jasiira ee magaalada Muqdisho cid ay yihiin darteed
  • Ma uu xusin inuu hore u ballanqaaday inaan dad mooyee dal loogu imanayn. “xabbad baan ku qabsaday xabbad uun baa la igaga qaadi”  baa laga hayaa. Runtii bay ahayd oo wuu kaga dhabeeyey.
  • Ma uu xusin in Soomaaliya aanay burburin 1991 balse ay burburtay 1969 kolkii si xoog iyo xaaraan ah lagu boobay taladii dalka.
  • Ma uu xusin sidii Maxamed Siyaad kolkii xukunka laga tuuray uu dagaal jabhadayn qabiil dib ugu soo qaaday ee dawladnimadii dhismi lahayd duullaan ugu soo qaaday.
  • Ma xusin intan iyo in ka badan oo jirtayba.

Maalmaha taladu seegtay Maxamed Siyaad

Maxamed Siyaad maalmo badan bay talo seegtay. Talada seegtay uma ay seegin garasho la’aan waxayse u seegtay garasho xumo. Taladu uma ay seegin kama’ waxayse u seegtay kas oo waxa cajabiyey xoog uu isbiday iyo kursi jacayl indho tiray. Maalmaha taladu seegtay waxa ka mid ah:

  1. 1969 waxa seegtay markuu xukunka gacantiisa ku qabsaday in uu fuliyo qodobkii 7aad ee warqaddii koowaad ee kacaankiisa oo dhigaysay in xisbiyo iyo doorashooyin la abuuri doono.
  2. 1976 waxa la dhisay xisbigii hantiwadaagga kacaanka soomaaliyeed (XHKS), ujeeddadu waxa ay ahayd in hoggaanka xisbiga iyo ka dawladda la kala saaro oo xisbiga qof xisbiyahan hantiwadaag ahi madax u noqdo, Maxamed Siyaadna madaxweyne ahaado oo dawladda ku hadho. Taasi way seegtay Maxamed Siyaad.
  3. 1976 aasaaska xisbigu waa xilligii kala guurka aqoonta iyo aqoondarrada. Aqoontii uu hawlgeliyey kolkuu dalka qabsaday ayuu ka maarmay oo wuxu ku beddelay aqoon darro isaga u dan ah “aqoonyahan aan na raacsanayn waxa noo dhaama jaahil na raacsan” (Hassan, 2004) waa kolkii aqoonyahankii dalku niyadjabay oo wax baxsaday iyo wax gorodda laalaadiyey oo madaxa foorariyey noqdeen, maxaayeelay lama hadli karayn, aragtina lama dhiiban karayn. Waa kalaguurkii aqoonta iyo aqoondarrada. Xilligaa wixii ka dambeeyey aqoondarrada ayaa awoodaysatay oo shaqaynaysay. Waa la waayey cid talo kula dhiirrata ina Siyaad, cid sacabka u tunta mooyee. Waa sidii uu doonayey. Markanna talo way seegtay.
  4. Dagaalkii 1977 markii lagu soo jabay oo khasaare badan iyo qaxooti boqollaal kun ahi ka dhashay  iyo afgembigii xigey fursad kale oo uu talada dalka dib ugu eegi karo bay ahayd. Markanna taladu way seegtay.
  5. 1986 shilkii baabuur kadib talo ayaa furnayd, loollan awoodda lagu kala riixanayo ayaase ka dhex dhashay qoyskiisa. Yeelkee mar kale talo way seegtay.
  6. 1990 bayaankii Maanifeesto dadaalkii u dambeeyey ee Maxamed Siyaad taladu ku seegay buu ahaa. Intaa wixii ka dambeeyeyna dalku halkii uu ku waday buu ku dhacay.

Halka Maxamed Siyaad taladu la martay:

Maalmahaa wanaagsan ee soo maray Maxamed Siyaad ee uu ku samayn kari lahaa isbeddel siyaasadeed, dalkana ku badbaadin lahaa way badnaayeen, waxase uu ka doorbiday inuu qaato talo cunfi iyo colaad ku dhisan. Falkiisii xumaa baa loo qurxiyey. Halka taladu la martay bal inyar aan ka milicsanno: 

  1. Dagaalkii diinta iyo dhaqanka, xeerkii qoyska iyo dilkii wadaadda.
  2. Isaga oo marmarsiiyo ka dhiganaya afgembigii dhicisoobay waxa uu dagaal bahalnimo ah ku qaaday degaannadii ay ka soo jeedday jabhadda SSDF ee Bari, Nugaal iyo Mudug. Shacbi aan waxba galabsan buu si kasta u baabiiyey.
  3. Bilowgii aasaaskii jabhaddii SNM waxa uu iyada oo aan jabhaddu xoogaysan ba dagaal dhaqaale iyo xabbadeed ku qaaday shacbigii isaga oo dil wadareed haldoorkii ummadda ku fuliyey degaanno kala duwan. 
  4. 1988 woqooyi wixii ka dhacay waan ogeyn, magaalooyinkii oo dhulka lala simay, dagaal shacbi oo aan kala sooc lahayn, boqollaal kun muwaadin oo qaxooti ku noqday Itoobiya.
  5. 1989 iyo degmooyinkii Jubbada Hoose iyo taageerayaashii jabhaddii SPM dagaalkii uu ku qaadayn waan ogeyn.
  6. Xukun jacaylku wuxu la gaadhay in dhulkii soomaaliyeed ee loo halgamayey, kolba si loogu halgamaba, uu si buuxda ugu saxeexay Kenya 1984 iyo Itoobiya 1988.

Dhagarta Maxamed Siyaad iyo taliskiisu dadka iyo dalka u geysatay waa ta Soomaali maanta ishaa u yeeshay. Bal dib u dhegayso hadalkii  Axmed Idaajaa oo ahaa raggii Maxamed Siyaad ugu dhowaa ee isaga oo runta og dhagarta taliska taageeri jiray, laabtiisu haysan wayday xaqiiqadii ee 1992 innoo sheegay in aaya xumada uu dalka 21 sano gaadhsiiyey aan laga soo kaban karayn (Idaajaa, 1992). Hadalkaasi waxa uu u quus-goynayaa dad badan oo weli u baroorta xukunkii taliskii lagu hoogey ee Maxamed Siyaad; dadkaasi oo u qaybsan saddex: Qaar sedbursi ay ku qabeen waayey, kuwo sakati “Stockholm Syndrome” ku dhacay oo waxyeelladiisii tebaya iyo kuwo aan wax ogeyn oo hooggii dambe ee dhacay jeclaysiiyey wixii ka horreeyey.

Hadda ogow! Maxamed Siyaad dabadii rag badan baa taladu seegtay welina seeggantahay, Iyana waa laga hadli doonaa, waxase ugu daran kuwo fursad madaxnimo helay balse yoolkoodu noqday majeerashada taliskii dhiigga iyo dhagarta huwanaa iyo in xukun la mid ah kiisii ay dib u soo celiyaan, taas oo ah ma dhacdo iyo waqti lumis.

Sababta Maxamed Siyaad wax looga sheegayaa, kumannaan Maxamed oo kale oo Soomaali ah cidina waxba kama sheegto e, ma aha nacayb qof ahaaneed loo qabo, balse waa xilka ummadeed ee uu isku taaray. Dhibkii uu geystay qof kasta oo Soomaali ah wuu taabtay oo baradiisa ayuu ugu tegay.

Ugu dambayn Maxamed Sheekh (Doodishe) wuu dedaalay, waan bogaadinayaa, waxana aan isaga iyo inta kale ee wax qortaba kula talinayaa inay runta intaa uga sii dhowaadaan kolka ay qalinka qaadaan. Maanta waa taariikh uun, cidna laguma xumaynayo, cidna laguma hagaajinayo, waxa dantu tahay uun in laga hadlo oo wax laga barto, lagana run sheego.

W. Q. Xasan C. Madar

Email: [email protected]

————-

Caddow, A. J. (2001). Somalia galbiskii geerida. 

Hassan, D. A. (2004). Taariikhda Soomaaliyeed iyo Tartanka Qabiilka (1 ed.). Nairobi: Lino Typesetters.

Idaajaa, A. F. (1992). Axmed faarax cali idaajaa oo 1992-kii fariin u diray maxamed siyaad barre burburkii kadib. Roma.


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.