Mas’uulyiin booqday deegaano ka trsan Galmudug oo laga qabsadey Alshabaab

Mas’uulyiin booqday deegaano ka trsan Galmudug oo laga qabsadey Alshabaab

Muqdisho (WDN)- Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka, Golaha Baarlamaanka  iyo Maamulka Galmudug ayaa maanta gaarey deegaano laga saarey maleeshiyaadka Alshabaab oo ka tirsan gobolka Galgaduud.

Deegaanada masuuliyiintaan ay booqdeen ayaa waxaa ka mid ah Sinadaqo, Labidule iyo Gusar, waxaana halkaasi hadalo ay uga jeediyeen ciidamadii dagaalka la galay maleeshiyaadka Alshabaab oo in muddo ah halkaasi ka talinayey, fariisano waa weyna ku lahaa.

Md. Axmed Cabdi Qoorqoor

Wasiirka gaashaandhiga xukuumadda federaalka C/qaadir Maxamed Nuur ayaa bogaadiyey guulaha ay soo hoyeen ciidanka xooga iyo ciidanka maamulka Galmudug waxa uuna sheegay in xukuumada Soomaaliya ay ka go’antahay in dagaalka ka dhanka ah Alshabaab la xoojiyo illaa laga xoreeyo deegaanada ay gacanta ku hayaan. Waxa uuna amaaney dadka deegaanka oo taageero xoogan u fidiyey ciidamada xooga iyo kuwa Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug Md. Cabdi Kaariye Qoorqoor, oo hadalo kooban halkaasi ka jeediyey ayaa sheegay in hawlgalada Alshabaab ka dhan ee deegaanada maamulkiisa ka socda la xoojin doono, isla markaana qorshohoodu yahay in Alshabaab guud ahaan laga saaro deegaanada maamulkiisa kaga harsanyihiin, waxa uuna sidoo kale bogaadiyey ciidamada xooga iyo kuwa Galmudug ee jiidda hore ee dagaalka ku sugan.

Maxamed Cumar 
WardheerNews, Muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published.